WAQTI LUMISKA QORAALADDA SOOMALIAYA.pilot
Cali
diiriye nuur pilot:::::::london
liibaan33@hotmail.com
Dunniddaan aynnu ku dhaqannahay way
adagtahay in la hello qof caqli ku filan leh oo sabab la,aan door bidaya
inuu dhulkiisa hooyo ka qaxxo, Kunna nolaado dhulal shisheeye oo ay
af,Diin, Iyo dhaqanba ku kale duwan yahiin. Dhibaatooyinka kalifa in uu
qofku go,aansaddo inuu ka socdaallo Ruktii uu ku barbaaray waa mid qofka
qaxootigga ah oo kaliya uu qeexid dhab ah ka bixin karro.
Lakiinse waxaaa shaki ku jirin in
go,aankaaan muhiinka ah ee uu qofku garayo ay ka danbeeyso arrimo
dhaqaale,Bulshadeed ama siyasadeed. Inkastoo dadka soomaliyeed marka loo
dhabbo gallo
Taariikhihii gumeysiga iyo suugaanta lagu
tilmaamo iney yahiin dad dalkooga iyo dadkooga aad uu jecel oo aanu wax ku
doorsan ayaa hadane waxaa dhacday in 15kii sanadood ee ugu danbeeysey Ay
dadka soomalida ku abtirsadaa aduunka cirif walbaa gaareen, Socdaalkaas
xad dhaafka ah ayaa waxuu sababay in wadammo badanni albaabadooda ka
xirtaan soomalida maanta..
Hadabba aqristoow koox dhalinyarro ayaa
dooni wada raacay oo ay ku tamashla tagayeen, Waxaayna tageen jasiirad ku
taaal badda dhexe ayaamo markay nasteen oo ay guryahoodii ku soo
noqonayeen ayay mowjad xoog lahi ka kacday badda. Nin ka mid ah dadkii
asxaabta ahaa oo doonta saarnaa ayaa badii ku dhacay, Waxaaana la tagtay
mowjadii habeenkoo gudcur dam ah, Waxaa ninkii aragiisa ugu danbeysay
markuu bada ku sii dhacaayay. Mowjadii markii ay dagtay ayay
dhalainyaradii isugu yimaadeen sagxaddii
doonidda, Aaad ayay ugu murugoodeen qaar ka mid ahina
aad ayay ugu ooyeen, Habeenkii inta ka
seexatay aad bay uu yaraayeen.. Waagii markii uuu baryay
oo qoraxduna soo baxaday ayay qaar ka mid
ahi dhalinyaradii ayay arken mowjad khafiifa oo wax soo sida waxaay uu
maleeyeen qof. Mudo yar ka bacdi waxaay arkeen in ay mowjadu ay sido uu
yahay ninkii saaxibkood ahaa ee habeennimadii ka dhacay doonta ee mowjadu
la tagtay. Dhalinyaradii ayaa gabi ahaantood isa soo taagay doonta
korkeedii qaar ka mid aah ayaa isu diyaariyey iney badda galaan oo ay
saaxibkood ka soo saaraan. Naakhuudihii ayaa baroosinka uu aasay doonta,
Dhalinyaradii dabaasha ku wanaagsanayd inaaney halkoodii ka dhaqaaqin ayay
dhalinyaradii doonta saarnayd maqleen cod la hadlaya oo ay garan waayeen
meesha uu kaga imaanayo, Ugu danbeyntii waxaay ogaadeen in codku dhinaca
bada kaga imaanayo. Fajaciso ayay ku noqotay mid qudha oo hadla waa laga
waayey hase yeeshee ugu danbeyntii waxaa hadalka ku soo baxay nakhuudihii
oo yidhi " Lama arag nin badu liqdo oo isaga nool oo anay wax gaarin ka
samata baxa".
Ninkaan aad soo celisay waa nin duq ah
markaas saaxibadoodii sheegeen in aanu duqa dabaasha haba yaraatee aanu
wax ka aqoon waa arin mucjiso noqon kartee bal wax nooga sheeg sida ay wax
uu dhaceen iyo sida ay mowjadu uu tagtay ee anaa naakhuuda ahee ii sheeg?
Hadaba waxaay naakhuudihii mowjadii ugu jawaabtay oo ay tidhi," Qofka
sidiisa aan dabaasha aqoon waa kuwa aan aniga iyo noolaha igu dhex nooli
jecel yahiin oo la yiraahdo raq iyo ruuxba waa la waayey
hase ahaatee ninkaan isagoo bad qaba aan
idinku soo celiyey waa mid noo cuntami waayey waa duq waa doqon ee sidaa
ula socda. Aqristoow soomaalida waxaay hore uu tidhi "Doqoni kula tol ma
aha" Waxaa kale oo ay yiraahdeen doqon hana gar-gaarin hana gargaarsan,
Doqoni xarkaha lugu xeraayey ayay sidataa.
Aqriste waxaaa kaloo culimadda bulshaduna
yiraahdaan"Cudur kasta dawo ayuu leeyahay marka doqonnimada laga reebbo".
Aqrista waxaa qofka loogu bahan yahay inuu kala xusha saaxibadii iyo dadka
uu la shaqaysanayo si uu ugu fogaado oo aan kale saari karin markuu wax
yeelada geesanayo . Aqriste qofka bani,aadamka ah waxa uu sharaf iyo xurmo
ku leeyahay oo lugu tix-galiyaa waa nabad in laga helaa naftaadane uu
shaqayso oo dadka nabad gali.
Shaqadu ma aha oo kaliya wax la qabto oo
laga hello dakhli, Balse waa cibaado, Shaqada qofka waxaay ka badbaadisaa
cuduro badan oo nafta ah, Qofka inta uu shaqada gacanta ku haayo waxa uu
ka badbaadayaa fikirka macna la,aanta ah, Inta uu howsha gacanta ku haayo
waxa uu ka nabad galayaa xanta iyo waqti luminta wax aanay dani ugu jirin,
Aqriste haday shaqadu tahay cibaaddo iyo nolol, shaqa la,aanta maxay noqon
kartaa? Shaqa la,aanta markaan si kooban uu jaleecno waxaay qofka siisaa
waqti badan oo firaaqo ah oo ka badan waqtigga uu qofku uu bahan yahay
inuu nasto.
Firaaqadaa badanina waxaay ku kaliftaa
inuu qofku helo wax uu ku buuxiyo, Haduu qofku markaa ka faa,iidaysto oo
uu wax ka taran sado wax dhibaato ah ama waxyeelo ah uma yeelan karto.
Qofku hadaannu ka faa,iidaysanse, Waxa uu
noqonayaa waqti cimrigiisa ka khasaaray oo aan dib ugu soo noqonayn, Waxaa
kale oo uu halis uu yahay inuu ku kaco waxyaaba badan oo waxyeello
ayahooddu noqon karro inta uu nool yahay inuu ku kaco oo aakharadiisa
seejisa. Aqriste waxaa la nooga baahan yahay in aan waqtigeenna uu
qaybinno sadex qeybood, Kuwaas oo kale ah Waqti cibaado, Waqti shaqo,Iyo
waqti uu qofku ku nasanayo, Dhanka kale waxaad dalka ingaiiska ku arkaysaa
dad ka faaidaysayo waxyaabaha aan kor ku soo sheegay iyagoo xili
shaqaysanayo xilino cibaadaysanaya waana arin waajib ku ah qofka muslinka
ah waana wax lagu farxo. Hadaba dhamaanteen waa inaan ka faaidaysanaa
waqtiga oo aan iska daynaa xanta iyo xaasidnimada:::::
Qore
Cali diiriye nuur pilot:::::::london
liibaan33@hotmail.com
Afeef: Argtida qoraalka waxaa leh qoraaga
ku saxiixan