SomaliTalk DALSAN
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - FAALLO
Ogadenia Mise Somali Galbeed;
Fashikii Ethiopia!!!!!??!!

Cabdi Warsame
gacmo67@yahoo.com
 

Feb 18, 2003

Waxaan rabaa inaan wax ka iraahdo qoraalkii xagar yare ee ka hadlayay; "Ma Ogadeniyadii bay la dhali wayday!" Aan cudur daartee, ma qabo Xagar Yare inuu aragti qabiil darteed u qaatay fikirkaas. Dadka badan oo la mid ahna, uma arko inay qabiil dartiis ay uga fogaadeen magaca "Ogednia" uguna dhageen Somali Galbeed. Waxaanse qabaa:

MA OGAADEENIYADII BAY LA DHALIWAYDAY !!!?
Qaybtii 2aad: Xagar Yare.. GUJI...

A) Ethiopia waxay ku guulaysatay markii hore in wadankaas loo arko gobol ama waax. Waxay kaloo ku guulaystay in aduun waynuhu u arko gobol ay isku haystaan Ethiopia iyo Soomaliya, sida Kashmiir oo kale! Dawladihii Soomaliya soo marayna qayb bay ka qaateen, in wadankaas aan loo arag wadan si gaar ah Gumaysi ugu jira. Siyaasad xumu awgeed! akhristoow,waxaa ku maldahan magacyadan; "Somali Galbeed iyo Ogadenia" Ma Soomaali baa rabta inay Ethiopia kala goo gooyso, mise Ogaadenia baa xurnimo rabta! Ma shantii Soomaliyeed baa midnimadooda la raadinayaa? Mise wadan baa u diriraya xornimadiisii?

Maadaama ay labadaas siyaasadood oo kala ah; A) In Ogadenia ay gobol yar oo waax ah tahay--Macnaha aan istahilin inay gooni u istaagto ama xoroowdu. B) iyo inay isku haystaan Soomliya iyo Ethiopia, ay Ethiopia ku guulaysatay, haddeerna waxay isku dayaysaa inay magacii taariikhiga ahaa badasho. Badalidda magaca waxaa ka dambeeya aragti oranaysa Soomalida Gobolkaas daaq iyo geedi umbay u imaan jireene iyagu ma laha!

Magaca Ogadenia, waa astaan ka mid ah inay "Wadankaas" dhawr kun oo sano Soomaliyi ku dhaqnayd! Siyaasada Gumaysiga Ethiopia wax cusub maahan. Mar waxaa la isku dayay in wadankaas loogu yeero qaybo ka mid ah; Hawd and reserve area: u fiirso magacan waxaa ku maldahan inay daaq u soo aadaan Soomalida xilliga abaaraha!! Oo Ingriis Wuxuu rabay inuu muujiyo Isaaq, Dhugulbahante iwm inay daaq u soo doontaane ayna deegaan ku lahayn?!!Gumaystaha marba xeelad buu la yimaadaa! dad u khushuucana lama waayo!

Ma qurxoona, khiyaanada fog ee soo jireenka ah ee Ethiopia haddadan fahamsanyn, in la iska dhex dabaasho mawjadahan! Waxaan qabaa dadka badanki inayn fahamsanyn sida ay isku waafaqayaan hadafka Ethiopia iyo Kooda, oo waloow ay sheeganayaan inay rajaynayaan Xurnimada Wadankaas, hadana doodoodu iyo ficilkoodaba ay taageerayso Siyasadda Ethiopia!

Anigu qabiilka Ogaadeen maahi; laakiin waxaan garanayaa tabta Ethiopia. Waxayna ku guulaysatay, dad sheeganaya wax garad inay yihiin inay dabinkii ay la rabtay ku riddo! Mushkiladda mudan ina wax laga yiraahdo waa tabcaha gumaysiga ee maahan magaca wadanka! Rumayso ama ha rumaysan, siyaasiyiinta Ethiopia baa ka shallaysan baddalidda ay magaca wadankan badaleen(Akhri qaybta B). Badalidda magaca wadankanna wuxuu ka darnaan doonaa, wixii horoo dhan!

Ethiopia Wadan bay gumaysataa, maahan gobol, maahan waax, mana ahan wax ay Somali republic ku haysato. Waa wadan aan wali xoroobin. Waa wadan magaiciisii la sii tir tirayo si loo xalaalaysto!

b) Somalia VS Ethiopia!!

Mayee Ogaadeenyadii Bay ku Darartay
Jawaab qoraalkii Xagar Yare .... WQ. Axmed Yaasiin Feb 13

C/Majiid waa adeege fuliya danaha Itoobiya 
wq. Axmed Cabdi 2002

Ethiopia maamulka ka jira waa damiin aan wakhtiga la joogu tixgalinaynin. Muxuu u tarayaa badalaadda magacii wadankan uu lahaa! Oo kaliya, dhagarteeda umbuu na sii tusayaa!! Adduunku xilli wuxuu ku jiraa la isku dayayo, marka hore khilaafaadka in wada hadal lagu dhameeyo. Ganacsiga wadamada dariska ah la isku furo, dhaqaalahana ay ka bahoobaan. Ma suurtoobi kartaa Soomaliya inay xiriir macquul ah la yeelato Ethiopia iyadoo sii tirtiraysa astaamihii muujinayay Wadnkaas inay Soomali leedahay?

Maamulka Ethiopia ka jira wuxuu u fududaynayaa mididka Soomalida marmarsiinyo ay ku kala fogeeyaan dawlad kastoo ka dhalata Soomaliya cid kasta ha hogaamisee. Badalidda magacii taariikhiga ahaa ee Wadanka Ethiopia ay gumaysato, wuxuu noqon doonaa turxaan hortaagan isku dayga ay wadaan dawladaha galbeedka iyo ururada caalamiga inay Soomaliya iyo Ethiopia isku soo dhowaadaan. Si nabad loogu soo dabaalo Geeska Afrika?

Akhristoow si kale u dhahoo, badalidda ay Dawladda Ethiopia badalayso magaca wadanka, waa dhiillo horleh oo ay ku khasbanaan doonto maamul kasta ee Soomaliya ka dhasha, inuu wajaho.

Waa waxa ka wayn xagar yare. waxayna u badantahay raayul caalamku inuusan yeeli doonin, laguna khasbi doono maamulka Ethiopia inay soo celiso magacii wadanka ee 'Ogaden".

Dhan kale ka fiiriyoo, macagaganimada Ethiopia iyo rajadeeda ah inay suuliso magacii taariikhiga ahaa ee wadankaas, baaba bu' u ah; khilaafka cusub ee Soomaliya iyo Ethiopia!! Waana arin uusan maamul kastoo Soomaliya yimaada indhaha ka qarsan doonin!

Ma waxay idinla tahay, Khariidada cusub ee wadankaas oo ay ku qorantahay "kil319" inuu ogolaanayo siyaasi Soomaliyeed in la keeno Saafaradda Ethiopia ay ku yeelan doonto Mogdishu!!!!?!?!?
et.gif (3290 bytes) adopted 6 February 1996
Calanka Cusub ee Itoobiya oo lasameeyey 1996 sida kamuuqata sawirka sare waxa
a dhexda kagajira xidig shangees ah oo kudhexjirta buluug. Sida hoos kamuuqata Calanka Soomaaliya waa buluug xidig dhexda kagajirto. soomaa.gif (2182 bytes) Taariikhda Calanka Soomaalida
Calanka Hoose oo kamida Calamadii hore ee Itobbiya ka eeg halkan etl

Kase warama xarunta OAU-da ee Adis. marka la soo wada hor dhigo wadan kasta khariiradiisa. Ma waxay idinla tahay in Maamul Soomali isku raacsantahay inuu ogolaanayo in lagu badalo "Ogaden" "Kil319"?

Ma waxay idinla tahay in la waynaya wakiil degmo ama xubin parlamaan oo dood ka kiciya magaca Kil319 ee ay keensato safaradda Ethiopia ee mogdishu!!

Trust me Ethiopia, waxay isku furtay dood horleh iyo kala fogaansho dawladaha mustaqbalka Soomalida!

Waxaa xaqiiqa ah Ethiopia inay maanta jeclaan lahayd inayn badalin magacaas! Waxaa kaloo xaqiiqa ah, inay jabhadaha wadanka Ogaden ku faraxsanyihiin isku dayga Ethiopia ay isku dayayso inay badasho magaca wadankaas!

Badalidda magaca wadankaas, waa astaanta qooqa iyo damiinimada Ethiopia iyo isku kulsooni muujinya inay bahdishay Soomaliya. Waa dhirbaaxo kale ee Soomaliya ku taal dhabankeeda. Waxayse ogeen Ethiopia, inayn u horayn wax saas yeela. Jararka foocaaca ee taxanaha taariikhda Afrika bayba ka buuxda aaway Rodishia?! Haddii Ethiopia ay u bixin lahayd wadankaas; WiilWaal ama Xagar iyo Maygaag waxbayba ahaan lahayd, waabase Kil319 (Kastbaan numberka u badalay waxaan diidayaa inaan numberkii ay ugu yeereen ugu yeero, intaas waa iga halgan)

Cabdi Warsame
gacmo67@yahoo.com
 

-dhammaad-

BILICD SOOMAALIYA..... GUJI

[TAARIIKH KOOBANHoos Akhri 

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

  TAARIIKH KOOBAN

1,500 BC Fircoonkii laoranjirey  Seankhane Menthuhoteps IV ee Thebes ayaa sahan safar badeed usoodiray xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo loo aqoonjirey dhulkii uduga "The Land of Punt."

7-900 AD Carab  iyo Beershiyaan [Persians] ayaa xiriir layeeshay jaaliyaadihii kunoolaa xeebaha Saylac, Muqdisho, Marka iyo Baraawe.

1528-35 AD Ahmed "Gurey" ayaa dagaal lagalay Abyssinians isagoo siweyn isaga difaacay ilaa ay usoo hiiliyeen ciidan hubaysan oo Bortuqiis ah [Portugese musketeers].

1889 Kadib markii ay heshiis  galeen Suldaano iyo Ingiriiska  ayuu Woqooyiga Soomaaliya ka dhaqangeliyey Somaliland.

1894 ayaa heshiiska loo yaqaab "Tripartite Accord" waxaa wada garey Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [Italy], iyo Itoobiya [Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya. Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka soo eegaya badweynta Hindiya oo waagii dambe loo bixiyey Italian Somaliland. Heshiiskaasu wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka galbeed ee Soomaaliya ee loo yaqaan Ogaden.

1899 Maxamad Cadulle xasan ayaa la dagaalamay wadaamada Ingiriiska [British], Talyaaniga iyo  Ethiopia.

1940 Talyaaniga ayaa qabsaday dhulkii ingiriisku qaatay ee Somaliland, qabsashadaasi muddo badan masii jirin.

I  I  D  H  E  H

1947 Waxaa la asaasay xisbigii dhallinyatada Soomaaliyeed ee SYL [Somali Youth League], oo ahaa xisbigii siyaasiga ahaa ee ugu horreeyey Soomaalida cusub.

1950 Qaramada Midoobey [UN] ayaa dhulkii talyaanigu haystey ogolaatay xorimo gaarsiin oo uu talyaanigu sii hayo.

1955 Ingiriiska ayaa gobolka loyaqaan Reserved Area (Ogaadeenya) iyo Hawd kuwareejisey Itoobiya.

1960 bishii  June 26keedii ayaa Somaliland kaxorowdey xukunkii Ingiriiska. bishii   July 1deedii isla sanadkaas ayaa Soomaaliya intii uu Talyaanigu siihayey xorowdey oo ay labadaas qaybood midoobeen.

1961 ayaa lasharciyeey isku taggii labadii qaybood ee Soomaaliya markas xorta kanoqotay.

1970 Xukunkii shacabku soo doortay ayaa latuuray, waxaana la wareegey militari.

1976 Waxaa la asaasay xisbigii Hantiwadaaga kacaanka Soomaaliya [Somali Socialist Revolutionary Party - SSRP]

1977 Waxaa Ogaden kudagaalamay Soomaaliya iyo Itoobiya. Sannadkii 1978 ayaa Soomaaliya dib u giratay, waxaana sannadkii 1988 heshiis nabadeed kala saxiixday Soomaaliya iyo Itoobiya, laakiin Soomaaliya kama noqon sheegashadii Ogaadeenya.

1978 bishii December 26keedii ayaa Addis Ababa  lagu asaasay  SSF [Somali Salvation Front].

1980 bishii October 21keedii ayaa wadanka Soomaaliya lageliyey Heegan [State of Emergency].

1981 bishii April 6deedii ayaa London, UK  lagu asaasay SNM [Somali National Movement].

1988 ayaa la asaasay USC [United Somali Congress].

1990 Bishii December ayaa dagaal kaqarxay Muqdisho, Janaayo 1991 ayaa siyaad Barre kabaxay Muqdisho, kadib markii ay dagaal kagahoryimaadeen USC. Dawladii Militariga ahaydna kudhacday.
ISHA.QORMADAN

BILICD SOOMAALIYA..... GUJI

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002



HTML CD