|
MACALLINMIIN SOOMAALIYEED OO LAGU XIDHAY
KENYA
Galabnimadii shalay ayaa waxaa Malcaamad
Qur'aanka lagu barto oo ku taal magaalada Nairobi oo la yidhaahdo Madarasada Al-Khadiija
ee barashada Diinta iyo Asluubta waxaa lagu qabtay Macallimiin halkaa wax ka
dhigaysey, Ka dib markii ay soo dacweeyeen qaar ka mid ah ardaydii halkaa wax ku
baranaysey.
Waxaa meesha ka dhacay ayaa waxay aheeyeen wax
ay dadku aad uga xumaadeen ka dib markii arday ku xaraysnaa meesha oo dhaqan
toosin looga keenay Dalka Ingriiska uu xanuunsaday ka dib la geeyey dhakhtar si
loo soo daweeyo, Wuxuu u sheegay dhakhtarkii wiilkaasi inuu ku xidhnaa
Madarasada Al khadiija oo uu sheegay inay ku xidhanyihiin Arday kale oo badani
ka dib ayaa wuxuu dhakhtarkii tusay dhaawacyo kasoo gaadhay ka dib markii lagu
xidhay Silsilad "Waxaannu nahay dhallinyaro badan waxaanuna ku xidhanahay
Al-khadiija si naloogu khasbo barashada Quraanka" Ayuu 16 jir ah.
Waxaa isla markiiba dhakhtarku war galiyey
Police-ka in lasoo hubiyo waxa ka jira Madarasada iyo siday wax u soconayaan ugu
yaraan ilaa 10 baabuurta khaaska ah ee ay kaxaystaan ciidamada la dagaallama
Crime-ka ayaa meeshii yimi waxayna la kulmeen dhallinyaro gaadhaysa toban oo ku
xidhan qol iyagoo waliba ku sii xidhxidhan Silsilado iyo Qufullo, waxaa iyana
meeshay yimi saxafiyiin badan si ay u xaqiijiyaan waxa jira waxaa halkii lagu
qabtay ilaa siddeed qof oo kale oo qaarkood ay Madarasada Macallimiin ka ahayeen,
Si kastaba ha ahaatee waxaa isla markiiba loo qaaday dadkii oo dhan Saldhig
police oo ku yaalla Nairobi si su'aalo looga waydiiyo Macallimiinta iyo
Ardaydaba ilaa hadda wax warihina kama soo bixin police-ka.
"Waxaannu tagnay meesha waxaana naloo
diiday inaanu soo hubino oo waxaa na hor istaagay dad badan oo shiidayayey
baabuurta oo Police-ka taasoo nagu kalliftay inaanu khasab kusoo marno anagoo
kor u ridayna Rasaas" sidaa waxaa yidhi af hayeen u hadlay ciidankii halkaa
yimi
Dhallin yarada meesha loogu yimi iyagoo
xidhxidhan ayaa waxaa laga kala keenay meelo badan oo aduunka ah gaar ahaan
Ingriiska,Ethiopia,Australia iyo waliba kenya waxayana da'doodu u dhaxaysaa
13-20 sano siday sheegee Police-ku.
Waxaa hadaba la yaab dadka ku noqotay markii
mid ka mid ah ardayda uu sheegay in khasab lagu baro Qur'aanka Kariimka oo
isagoo aan rabin lagu soo jeediyo in badan oo habeenkii ka mid ah,"waxaan
isku dayey inaan baxsado laakiin waxaa khasab igu keenay qaar ka mid
macallimiinta" waxaa sidaa yidhi arda oo 16 jir ah.
Hadaba waxaan ilaa hadda wax wara laga hayn
sida uu xaalku noqon doono iyadoo aan wali wax wara laga soo saarin dadkii lagu
qabtay Madarasada iyo waxa ay dawladdu Ka yeeli doonto.
Cabdixaafid Xaaji Xirsi
Somalitalk.Nairobi.
hajihersi@hotmail.com
|