SomaliTalk ads
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - DOXA
ARIMAHA QOYSKA
WQ. Al-Hassani | abuzuhri1@hotmail.com | 02/01/03

Dumarka oo ka soo taagan guurka faraha badan! 

Maxaa keeney inaay xoogeysato diidmada horeyba ujirtay?

Is badalka waxkastaa kuyimid ayaan dhaafin arimaha guurka. dad badan ayaa kawalaacsan waxa kuxigi doona talaabadan aan loo meel dayin ee dumarku qaateen.Waxaad maalin walbo kusoo gaaraya sheekooyin cusub; sida “Ragu iyo dumarku waa simanyihiin!(walow aan lacadeyn meesha ay kasimanyihiin!), Naagtu ninkeeda waa iska furi kartaa sabab la’aan! Caruurta waalidkood ma’amrikaraan wax aysanrabin xitaa diinba allaha kadhige,waayo waxaad kuxad gudbeysaa xuriyadooda! iyo wax lamid ah!

Hoos Akhri 

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

 Dumar badan, gaar ahaan kuwa diinta lagu tuhmayo, ayaa uhanqaltaagaya fikradaha noocaan ee lagu tilmaamey “Xaquuqda dumarka” oo baadi goob loogu jira.

Dumarka oo waligood saluugsanaa guurka faraha badan, ayaa iminka heley taageero xoog badan oy gaaladu kadanbeyso.

Qaar laweydiyey sababaha ay udiidanyihiin in lala guursado,ayaa sheegey inaay laxariirto daruufta lagu noolyahey ee aysan diidaneyn wax Qur’aanka kuqoran; waxaayna fasiraad kabixiyeen si’ay ufahansanyihiin Aayadaha iyo Axaadiista kahadleysa arintan.

Gabdho badan ayaa ku mar-marsiiyooda in ninka uu raadinayo naag labaad isagoon qancinkarin iyadiiba.Raga ayaa su’aalo kakeena qanaca ay dumarku kahadlayaan bal inuu yahey xaga awooda gogasha laxariirta ama xaga maaliyada. Taas lafteeda(gogasha ama maaliyada) ayaan laheyn wax looga qiyaas qaato oo la’orankaro ninkaas xaaskiisa waa qanciyey ama maqancin! Waxaayna sheegeen inaan dumarka looga fadhinin inaay qiraan arintaas.Waxaana sii xoojinaya fikrada raga,Axaadiista kutusineysa inaay dumarka waligood sheegin wanaaga loo gala ee ay xasuustaan wixii xumaan ah ee loo geystey oo kali ah.

Waxay qaarkood sheegayaan inuu ninku cadaalad sameynkarin mar haddii uu guursado labo iyo wax kabadan. Waxaa sidoo kale la’isweydinaya cadaalada waa tee? Maxaga jeceylka & qalbiga oo uu ninku midgooni ah sii jeclaado sida Caa’isha Bin Abubakar oo nabiga sigooni usii jecladay ama Khadiija oo Caa’isha lafteeda kasii maseyri jirtey siduu ujeclaa awgeed?

ama xaga wada noolashaha, lasaaxashada iyo biilka oo mid uu siiyo $100 midkalana $200 taas oo lafteeda kuxiran reerku inta uu yahey?

Waxaa xusid mudan inaay waayadii hore nooc kamid ah dumarka ay soo dhaweyn jireen guurka faraha badan duruuf kutimid awgeed.

Tusaale ahaan:

(a) Gabadho oo horey loo soo furey ama guurka kayara raagtey oo aan sidaasi ugu rajo qabin inaay hesho nin ay isla gooni noqdaan.

(b) Ama ninkeedii oo dhintey oo ay dooneyso inaay caruurta kafogeynin reerkooda oo ay markaas guursato caruurta adeerkood oo xaaskale leh.

(c) Kuwa kale ayaa dhaqaale ahaan uguursan jirey nin xaasas kale leh maadama uu heysto dhaqaale badan,taas oo kamid ah waxyaabaha laysu guursado.

Sedexdiiba waa kasoo taaganyihiin guurkan. Waa mida hore, geeradii oo fara badatey awgeed ayey umuuqan maslaxad gooni ah oo ugu jirta inaay guursato caruurta adeerkood oo laga yaabo inuu horey uhayey 3kale oo ay kadhinteen walaalihiis.
Soomaalida u soo Guur Timaada Dalka Hindiya oo Baryahan Batay
Soomaali badan ayaa sanadkii aynu soo dhaafanay guursaday hablo badan oo reer india ah oo (muslimiina ah) iyadoo ay... Ka Akhri Halkan [Hindia] wq. C/Casiis Axmed

Kuwii lasoo furey , kuwii guurka karaagey iyo kuwii dhaqaale ahaan ugali jirey intaba majiraan maanta waayo waxaay gacanta kudhigeen dhaqaalaha wadanka. Sedex meelood labo, dadka ganacsada maanta waa dumar kamid ah kuwa aan soo sheegney. Waxaa lasheegaya inaay dhaqaale ahaan ay xoog kumaquuniyeen ragii ayagoo lacag kubixiya ninka ay rabaan inaay guursadaan si’uu ufuro tuu qabo oo ayada uguursado!

Qeyb dumarka kamid ah ayaa bixiyo jawaab aan kutusineynin diidmo ama ogalaashaansho marka lagu canaanto sababta ay uhortaaganyihiin guurka noocaan ah; ayago kugu oranaya: “Madoonayo in naagkale layga dabo keeno. Haddii ay kafursanweydo waa inaan noqdaa tan ugu danbeysa ” Malaha raga ayaa loo haystaa inaay jeceylyihiin hadba tan ugu danbeysa.

Rag badan oo awoodi karo labo dumar iyo wax kabadan (physically and financially), ayaa ubaqaya in caruurta loo daadiyo ama ay dhacaan wax kaweyn sida isaga oo caruurtiisa loo diido inuu arko waligiis danbe (waa caadooyinka iminka lagala kulmey R/galbeedka).Naag ayaa lasheegaya inaay ninka ugu goodisey inaay caruurta geyneyso Kaniisada haddii usan furin naagta uu guursadey.

Raga ayaa sheegaya inaay arintu aheyn Qancin iyo Awood midna. Waxaay isweydinayaan, bal inaay horey udhacday taariikhda in naag ninkeeda kutiri: “Waad iqancisaye ee bal guurso iminka?”

Waxaa sidoo kale meesha kujirta in ay rag iyo dumar waligood arintaas isku aragti ka aheyn hadana looga fadhin inaay ogolaansho (confirm) kabixiyaan arintaas.

Xaqiiqooyin jira oo sii adkeeyey guurka faraha badan oo ubaahan in latixgaliyo

Barakaca kadhacey dalka oo badalay nadaamkii loo noolaa.Waxa adag inaad aragtid qof kunool meeshii uu kudhashey. Waxaa adkaadey qaabka noolal maalmeedka loo helo; taas oo keentey in lagu noolaado guryo kiro ah. Waxaa caruurta lageeyaa(waa haddiiba la’awoodaba) iskuulo lacag qaali ah oo private ah. Waxaa sidoo kale kuu arxameyn daawada caruurta iyo dumarka oo aad moodid inaay labo laab noqdeen wixii kahoreeyey barakaca.Tusaale ahaan, haddii ay xaasku dhalayso waxaa lagaa raba inaad geysid private hospital meeshii aad geyn jirtey Banadir hospital ama islaan dariska oo umulisa ah uguyeeri jirtey ama aad baadiyaha udirtid si’ay ugu soo dhasho meel caano leh!.

Dhaqaalihii ninka oo aan dhigmeyn maadama uu masruufo qaraabadiisa iyo qaraabada xaaskiisa maadama lawada baahanyahey.

Qoyska oo kasugi jirey biilka aabaha oo kali ah ayaan maanta jirin. Rag badan ayey shaqo ugu danbeysey xiligii dowlada.Waxaay ubadantahey inaay xaasku door weyn kaciyaarta dhaqaalaha qoyska haddii ay noqon laheyd ayadoo xamaasha ama reerkooda oo dibida jira lacag usoo diraan; waana tan keentey inaay dumarka fahmeynin sababta uu ninka udoonaya inuu guursado naag kale mar haddii uusanba kufilneyn reerka iminka dhisan.

Qaar kale ayaa dibada uxamaal tagey oo aan awoodin inaay qoysaskooda lanoolaadaan duruuf dhaqaale ama sharci awgeed hadana isku daya inaay midkale hoosta kaguursadan.

Sikastaba arimuhu ha udhaceena, waa lagama maarmaan inaay dumarku fahmaan arimahaan soo socda:

  • inaay ragu hal naag ah kukoobnaankarin. Taas oo ah  ragu inaay xaaskala helaan.Xaaska ayey utaala inaay ninkeeda guur xalaal ah ugu kaalmeyso.
  • Inaay raga & dumarka kala badanyihiin sidaasi darteed dumar badan oo walaalahood ah ay ubaahanyihiin rag sidooda oo kale,loona baahanyahey in lawadaago wixii lahelikaro!
  • In ladoonayo in labadiyo umada Nabiga S.A.Wasalim maadama uu sidaasi codsadey. Sida kali ah ee lagu fulinkaro dardaarankaas waa in labadiyo guurka iyo dhalmada labadaba.
  • Inuu ragu doonayo inaay noqdaan laan dheero ama caruurtiisa ay walaalo badan yeeshaan sida aad adigaba udoonaysid inaad leedahey walaalo badan iyo qabiilo laandheer ah.
  • Inaay gabadha muslimada ah iyo gabadha gaalada ahi ay isku si uwado noolaankarin.Sidaasi darteed,aan diinta laga soo weerarin xaga dumarka,gaar ahaan,xaga dhaxalka iyo guurka.
  • Inuu guurka faraha badan uu yahey wax jiro oo Allah noo xalaaleeyey maadama guurar farabadan oo islaamka kahor jirey laxaarantimeeyey. Sidoo kale, guurka faraha badan waa nala socdaa xitaa markaan Aakhiro tagno ayey raggu kusoo aadi doonaan wax kabadan 4.

Raga ayaa sidoo kale looga baahanyahey inaay lasocdaan isbadalka noolasha kudhacey iyo kan aduunyada guud ahaan.

Inaan lala yaabin maseyrka gabdhaha oo ubadan jeceyl dartiis.

Inaan lagula kaftamin; “Xaas kale ayaan kula guursanaya” iyo hadalo lamid ah. Haddii aad go’aansatid inaad guursatid,waa inaad kudhaqaaqda adigoon xaaska hore usheegin. Sidoo kale waa inaad dhabar adag latimaadaa culeyska ka imaandoona.

Qoraalkii hore ee qoraaga

Al-Hassani

abuzuhri1@hotmail.com 

2003-01-01

I  I  D  H  E  H

Maxaa keenay inaay sheekada Soomaaliya daba dheeraato?
Dagaal toos oo lala beegsadey Diinta Allah. Waxaa laxalaalsaday wax kastaa oo Diinta xaaran ku’ah. Xaafado dumarka... GUJI...  23/12

»»Xusnul Khaatimah Xigmada Toddobaadka GUJI [Al-Hassani]

 

SIIRADII RASUULKA (scw): DUULLAANKII SUWEYQ
Qaybtii 41aad ee taxanaha Siiradii rasuulka [Wq. Cusman Bilaad]

Cawaaqib Xumida uu La Kulmayo Qofkii Caaya Rasuulka (scw)
Waxaa na soo kedinayay maalmihii ugu danbeeyay dad ku abtirsanaya inay yihiin soomaali oo si dhiiranaan aan dheelitirsanayn ugu kacaya falal-denbiyeed aad ugu weyn miisaanka culus ee diinta islaamka.. GUJI... 31/12

Kaah oo Loo cusboonaysiiyey shatiga Minnesota
War SomaliTalk kasoo gaarey Kaah Express ayaa caddeeyey in shirkada loo cusboonaysiiye shatigii Xawaalada ee Minnesota..  GUJI.... 31/12

Siciid Saalax & Habeenkii Ardayda Soomaaliyeed ee  Minnesota
 Dhulka Soomaaliyeed yaaleh, waxaa leh NABADDA ayuu ku jawaabey Siciid Saalax oo hadal dheer kasoo jeediyey habeenkii Ardayda Jaamacada Minnesota.. GUJI 30/12 

Baaq Kasoo Baxay U.H.G.J/Hoose
Ururka Horumarinta Gobolka Jubbada Hoose ayaa soo saaray baaq uu ku bilaabay... GUJI.... 30/12

Dahabshiil oo loo cusboonaysiiyey shatiga Minnesota
Qoraal SomaiTalk kasoo gaarey xawaalada Dahabshiil Minnesota ayaa caddeeyey in loo cusboonaysiiyey shatigii...  GUJI.... 30/12 

AFEEF: Aragtida qoraalkaan waa mid u gaara isha nasoo gaasiisey. 


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD