SomaliTalk ads
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - KENYA

Mudulood iyo rajada Eldoret

Dr. Cabdi Maxamed Culusow, 
Guddoomiye Golaha Midnimada Muddullood (GMM)

Waxaa maanta Somalida isugu tagatay Magaalda Eldoret ee dalka Kenya si xal loogu helo dhibaata joogtada ah ee aan dhamaaneyn. Waxaad mooda maanta in rajada laga leeyahay si loo helo dowlad loo wada dhan yahay ee ay ficantahay. Waa jiraan dhibaatooyin yar-yar sida ayadoon la dhammeystirin Qaybti 2aad (Phase 2) in leysku dayay in loo gudbo Qaybti 3aad (Phase 3) iyo in lagu heshiiyay Gole 450 ah oo Soomaali awood u la hayn, dalal ka tira badan ama ka dhaqaale badan ayna suubsan karin Gole inta dhan iyo ayadoo Soomaaliya ay qeybi maqantahay maanta.

Hoos Akhri 

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

  

Reeraha Soomaaliyeed ee Shirka ka qeyb galaya waxaa ka mid ah Muddullood oo ka kooban Ciise Muddullood (Ujeejeen), Hilibi Darandoole Cismaan, Elaaway Cismaan, Abagaal Cismaan, Moobleyn Cismaan iyo Wacdaan Cismaan. Reerahan Soomaaliyeed waxay deggaan laga soo bilaabo Faax ee ku taal Degmada Xaradheere (Mudug) illa iyo Baraawe (Shabeellada Hoose). Waxay kaloo deggaan Gobolka Hiiraan, sida Ujeejeenka oo kale, Abgaalkuna wuxuu ku faafsan ilaa iyo Buur-Hakaba ( Bay) iyo Kisimaayo ( Jubbada Hoose).

Waxaa ka mid ah ragga caanka ah ee ka dhasy reerkan seddex qof oo ah aasaasayaashi Ururki SYL ee xuriyadi Soomaalida Koonfur keenay oo kala ah Cismaan Gheedi Raage, Maxamed Cali Nuur iyo Maxamed Faarax Hilowle, Madaxweynihi ugu horeeyay ee Soomaliya ahna aasaasihi Qaranka Soomaaliyeed ( Founding Father of Somali Nation) Aaden Cabdulle Cismaan, Aasaasihi Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen. Daa'uud Cabdulle Xersi, Gen. Salaad Gabeyre Kediye ninki sameeyay Kacaanki 21ka Oktoobar, Gen. Xuseen Kulmiye Afrax oo aha Madaxweyne ku-xigeen, Mudane Cali Mahdi Maxamed oo noqday Madaxweynihi xilka loo dhiibay marki Siyaad Barre dalka laga saaray, Qareyn Ismaaciil Jimacaale oo aha aasaasihi Manifesto, Muxidiin Badar oo aha ninki bilaabay dagaaliki hubeysnaa ee USC iyo rag kale oo saraakiil ah ee soo qabtay hoggaanka USC ama dejiyay qariidadi lagu xoreeyay Xamar.

Maanta Muddullood wuxuu diyaar u yahay in Soomaaliya loo helo nabad waarta, qofki leysku raacana ay madax noqoto, dadka Soomaaliyeedna ay nabad ugu noolaadaan meesha ay doonaan, wixi dhibaata lakala tirsanaayana si xal ah loo dhammeeyo. Muddullood wuxuu ku ammaanan yahay in marki dalka laga saaray Siyaad Barre in ay u direen wafdi nabadeed Bari iyo Gedo si loo heshiiyo, wixi dhibaata ah oo ay gesteena uga raali geliyaan reeraha ay booqdeen, dagaalkoodana ku saleysneyn mid qabiil oo uu aha la dagaalama xukun.

Maanta Muddulloodka Eldoret jooga waaa ineey fahmaan in loo baahan yahay mowqif mideysan iyo hoggaan mideysan isla markaana tixgelin gaar ah la siiyo walaalahood sida Hiibi Darandoole, Moobleyn Cismaan, Ilaawaay Cismaan iyo Wacdaan Cismaan oo runti ah dad xadaarat dheer leh, laguna taagyeero, wix awood ahna lagu daafaco.

Dr. Cabdi Maxamed Culusow, 

Guddoomiye Golaha Midnimada Muddullood (GMM)

drabdi2000@yahoo.com

2003-01-01

I  I  D  H  E  H

 

SIIRADII RASUULKA (scw): DUULLAANKII SUWEYQ
Qaybtii 41aad ee taxanaha Siiradii rasuulka [Wq. Cusman Bilaad]

Cawaaqib Xumida uu La Kulmayo Qofkii Caaya Rasuulka (scw)
Waxaa na soo kedinayay maalmihii ugu danbeeyay dad ku abtirsanaya inay yihiin soomaali oo si dhiiranaan aan dheelitirsanayn ugu kacaya falal-denbiyeed aad ugu weyn miisaanka culus ee diinta islaamka.. GUJI... 31/12

Kaah oo Loo cusboonaysiiyey shatiga Minnesota
War SomaliTalk kasoo gaarey Kaah Express ayaa caddeeyey in shirkada loo cusboonaysiiye shatigii Xawaalada ee Minnesota..  GUJI.... 31/12

Siciid Saalax & Habeenkii Ardayda Soomaaliyeed ee  Minnesota
 Dhulka Soomaaliyeed yaaleh, waxaa leh NABADDA ayuu ku jawaabey Siciid Saalax oo hadal dheer kasoo jeediyey habeenkii Ardayda Jaamacada Minnesota.. GUJI 30/12 

Baaq Kasoo Baxay U.H.G.J/Hoose
Ururka Horumarinta Gobolka Jubbada Hoose ayaa soo saaray baaq uu ku bilaabay... GUJI.... 30/12

Dahabshiil oo loo cusboonaysiiyey shatiga Minnesota
Qoraal SomaiTalk kasoo gaarey xawaalada Dahabshiil Minnesota ayaa caddeeyey in loo cusboonaysiiyey shatigii...  GUJI.... 30/12

 

AFEEF: Aragtida qoraalkaan waa mid u gaara isha nasoo gaasiisey. 


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD