OGEYSIIS:
Shirweyne Soomaaliyeed
oo ku saabsan Horumarinta iyo taageerista East Africn University ,
Boosaaso, Soomaaliya, oo lagu Qabanayo Jaamacada Minnesota, USA
GUJI.... |
Ku: Beesha Ciise Mox’ud Nugaal.
Ka: Ciise Mox’udka ku nool Qurbaha.
1.Annagoo ah jaalliyadda ciise moxamud ee ku dhaqan dalka dibaddiisa waxaan
cambaarayn u soo jeedinaynaa dagaallada puntland uu ka wado Coll. C/llahi Yusuf
Axmed iyo maleeshiyada taageersan ee laga soo ururiyey gobollada fogfog
waxaannuna ku tilmaamaynaa arrrinkaas mid “heinous action” ah.
2.Waxaan sidoo kale cambaarayn u soo jeedinaynaa dadka u dhashay ciise
maxamud ee ka qayb qaatay kuna taageeray C/llahi Yusuf falalka foosha xun ee uu
ku burburinayo nabaddii iyo xasilloonidii ka jirtay puntland, waxaanna u soo
jeedinaynaa waxgaradka, aqoonyahaynka, culimada, dhallinyarada, iyo dhammaan
indheergaradka Ciise Maxamud haddii ay gabeen kaalintoodii nabadaynta inay
faraha kala baxaan dhiigga sokeeye ee uu daadinayo C/llahi Yusuf Axmed.
3.Waxaan caddaynaynaa inaanay matalin magaca Ciise Maxamud dadka wax ma
garatada ah ee ka qayb qaadanaya colaadaha uu ka hurinayo C/llahi Yusuf Axmed
geyiga Puntland meel ay joogaan iyo magacay sitaanba.
4.Waa in si deg deg ah oo shuruud la’aan ah lagu siiddaayaa dadka la
haystayaasha ah ee lagu soo xirxirtay magaalada Garowe, isla markaana Garowe
aanay noqon meel loogu hiiliyo dulmiga.
5.Waxaan ugu dambayntii tacsi murugo leh u diraynaa dhammaan eheladii iyo
qaraabadii dadkii ku nafwaayey ama waxyeello ku soo gaartay dagaalkii gardarrada
qaawan ku dhacay kana dhacay aagagga Qardhood.
Waxaa saxiixay bayaankaan
: