SomaliTalk DALSAN
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - USA
WARARKA SOOMAALIDA WISCONSIN iyo MINNESOTA

 Warbixinada C/raxman Ceynte ee maanta (4/1/3) waxaa ka mid ah:
OGEYSIIS: Shirweyne Soomaaliyeed oo ku saabsan Horumarinta iyo taageerista East Africn University , Boosaaso, Soomaaliya, oo lagu Qabanayo Jaamacada Minnesota, USA GUJI.... 

  • Xawaaladda Barwaqo oo shatiga Minnesota loo cusbooneysiiyey
  • Somalida Barron, Wisconsin oo markii ugu horeysay xafiis jaaliyadeed Furanaya

wararkan:Hoos Akhri 

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

 

Somalida Barron, Wisconsin oo markii ugu horeysay xafiis jaaliyadeed Furanaya

Baron, Wisconsin.

Boqolaal soomaali ah oo intooda badani waddanka ku cusub yihiin ayaa ku nool tuulo aad u yar oo la yiraahdo Barron, Wisconsin oo 100 Mile u jirta Minneapolis, Minnesota.

Soomaalidan ayaa tiradoodu sii badaneysay maalinba maalinta xigta, maadaama eey shaqo aan wax xirfad & luqad toona u baahneyn si fudud uga heli karaan meeshaas.

Dallada (African Community Development Association) ama ururka horumarinta jaaliyadda Afrikaanka ah ayaa u oggolaaday soomaalida Barron, Wisconsin ineey isla shatigooda xafiis jaaliyadeed ugu furtaan magaaldaas, si eey danohooda jaaliyadeed dowladda ula hoos galaan.

dhowr bilood kahor ayeey aheyd markii dhallinyaro soomaali ahi isku taxalujiyeen ineey Masjid lagu tukado ka furaan halkaas, dadaal dheer kadibna u suura gashay ineey masjidkaas hirgaliyaan.

Sida uu ii sheegay xubin kamid ah guddiga qabanqaabada & abaabulka qorshaha jaaliyadda, xafiiskan marka la furo wexeey ujeedadiisa ugu balaarani xooga saari doontaa, caawinta qoysaska african-ka ah ee u baahan caafimaadka, gaadiidka, waxbarashada & waliba tarjumaada oo ah mid lagama maarmaan ah.

Sidoo kale wuxuu Xafiiskan cusub maaligalin doonaa dhaqdhaqaaqyada Sports-ka, gaar ahaan Kubbada Cagta oo ah mid eey soomaalidu aad ugu ciyaaraan Barron, Wisconsin.

dhaqan celiska jaaliyadda Afrikanka ahna waa mid laf dhabar u ah dadaalka xafiiskan African Community Development Association- Barron, Wis chapter.

ururku wuxuu ugu baaqayaa dhamaan jaaliyadda African-ka ah, gaar ahaan soomaalida ku dhaqan agagaarka Barron, Wisconsin ineey kala qeyb qaataan dadaalka eey wadaan, isla markaana eey la soo xiriiraan guddiga qabanqaabada xafiiskan .

C/raxman Ceynte

ceyntejournalist@attbi.com 

Jan 4, 2003

<><><><>  

Xawaaladda Barwaqo oo shatiga Minnesota loo cusbooneysiiyey

Minneapolis- Minnesota.

shirkadda Barwaqo Financial Services oo kamid ah shirkadaha soomaaliyeed ee wax ka xawila gobolkan Minnesota ayaa shalay loo cusbooneysiiyey shatigoodii Minnesota.

Xawaaladaha soomalida ayaa wixii ka danbeeyey dhidibba u siibkii shirkadda Barakat billaabay ineey si sharci ah uga shaqeystaan gobolkan, iyagoo iska dhiiba canshuurta, isla markaana kharash xoog leh ku bixiya lahaanshaha shatiga xawaaladda.

wixii ka danbeeyey Sept 11, Xawaaladaha soomalida ee Mareykanka ka jira ayaa imminka u oggolaada dowladda mareykanka & hey'adaha danbi baaristaba ineey si joogto ah ula socdaan dhaqdhaqaaqyadooda dhaqaale, sidaas awgeed ayeey hadda ugu faraxsan yihiin in mar uun loo oggolaado ineey shatigooda ganacsi sii heystaan.

C/raxman Ceynte

St Paul, MN

Ceyntejournalist@attbi.com 

Jan 4, 2003

I  I  D  H  E  H

 SIIRADII RASUULKA (scw): DUULLAANKII SUWEYQ
Qaybtii 41aad ee taxanaha Siiradii rasuulka [Wq. Cusman Bilaad]

Cawaaqib Xumida uu La Kulmayo Qofkii Caaya Rasuulka (scw)
Waxaa na soo kedinayay maalmihii ugu danbeeyay dad ku abtirsanaya inay yihiin soomaali oo si dhiiranaan aan dheelitirsanayn ugu kacaya falal-denbiyeed aad ugu weyn miisaanka culus ee diinta islaamka.. GUJI... 31/12

Siciid Saalax & Habeenkii Ardayda Soomaaliyeed ee  Minnesota
 Dhulka Soomaaliyeed yaaleh, waxaa leh NABADDA ayuu ku jawaabey Siciid Saalax oo hadal dheer kasoo jeediyey habeenkii Ardayda Jaamacada Minnesota.. GUJI 30/12 

Baaq Kasoo Baxay U.H.G.J/Hoose
Ururka Horumarinta Gobolka Jubbada Hoose ayaa soo saaray baaq uu ku bilaabay... GUJI.... 30/12

AFEEF: Aragtida qoraalkaan waa mid u gaara qoraaga nasoo gaasiisey. 


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD