SomaliTalk DALSAN
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - KENYA
 Booliska Kenya oo shalay galay Dugsi Quraan ku yaalla Xaafada Soomaalida ee Islii Neyrobi.

Shalay lixdii galabnimo ayaa Ciidanka Booliska Kenya soo galeen Dugsi Quraan oo ku yaala xaafada Islii ee ay Soomaalidu ka dagto magaalada Neyrobi waana Madarasada Al-Khadiija, oo ay gacanta ku hayaan Macalimiin dadka baro Quraanka iyo tarbiyada Islaamiga, waxaa hal mar ku soo dagay ilaa dhawr gaari oo waday raxan ka mid ah Ciidanka Booliska Kenay oo uu watay Taliya Ciidanka. Sababta dhalisay in Boolisku ay yimaadaan goobtan waxbarashada ayaa ah, kadib markii arday ka mid ah ardayda wax ku barata Madarasadan uu ka codsaday maamulkii Madarasada in Isbitaal la geeyey xanuun haya awgeed, kadibna maamulkii Madarasada uu u fasaxay taa, isagoo raaciyey laba qof si ay ula socdaan xaalkiisa, wiilkii xanuunka sheegtay oo lagu magacaabo Guuleed ayaa goortii la geeyey Isbitaalkii ka codsaday dhakhtarkii daaweyn lahaa in uu ka saaro labadii nin ee la socotay si uu arimo gooni ah ugu sheego, tiina waa laga ogolaaday, Dhakhtarkii ayuu u biilaabay sheekadatan.

(Waxaan ka imid wadanka Ingiriis-ka, Hooyadey halkaas ayey ku nooshahay, halkanna waxay ii keentay inaan Diinta Islaamka ku barto iyo Tarbiyada Diinta, laakiin waxay iga tagtay meel dadka lagu dhibaateeyo, dugsi ma’ahan ee waa goob Xuquuqda Adanaa looga xadgudbo, waxay ardayda ula dhaqmaan si aad u adag, wey xirxiraan oo silsilad ayey kaga xiraan gacmaha  iyo lugaha, hadda hadaan idin geeyo waad ugu tageysaan ardaydii qaar ka mid ah oo silsiladeysan, labada nin ee ila socdana waa waardiye la idaba dhigay, marka waxaan Dhakhtarow kaa codsanayaa inaad iga caawiso arintaa.)

Dhakhtarkii isagoo aad ula yaabay arintii ayuu Telefanno u kala diray xarumaha Booliska si uu u wargaliyo dhibaatadan dhacday, waxaana goobtii ugu yimid qayb ka mid ah Booliska, oo soo raacay wiilkii iyagoo horay usoo kaxaystay labadii la socotay wiilka dacwooday, haddii la yimid goobtii Madarasada waxaa loogu yimid sida ay ii sheegeen goob joogayaal taagnaa markii ay Boolisku yimaadeen, qaar ardaydii ka mid ah oo silsiladdii ku xirxiran, halkiina waxay Boolisku taxaabeen dhawr iyo toban arday iyo Macalinkii dugsiga joogay ka mid yahay, iyagoo ku guray gawaaridii ay wateen, Booliskii meesha yimid waxaa ka muuqatay caro zaa’id ah, iyagoo leh saan ma’ahan jidka ardayda wax lagu baro, macquul ma’ahan in la xirxiro ardayda, oo waliba silsilad lagu xiro qofka. Hada oo aan idiin soo dirayo qoraalkan wali waa xiran yihiin aryadii iyo macalinkii lala waday, xaaladoodana halka ay ku danbeyn doonto lama saadaalin karo, walow  uu jiro dadaal ay wadaan gudiga ganacsatada Soomaalida ee Islii iyo dadkale oo magac ku leh dalkan Kenay.

Madarasada Al-Khadiija waa goob aad loogu barto Quraanka Kariimka ah, iyo tarbiyada Caruurta, waxa ay qayb weyn ka qaateen barida caruurta ee Quraanka Kariimka ah, macalimiinta gacanta ku haya aya iyaguna ah kuwa ku xeel dheer aqoonta quraanka, waalidiintii caruurta iyo dad badan oo Soomaali ayaa aad uga xumaaday falkii ay xalay Booliska Kenya ku kaceen, waxaayse dad badani leeyihiin qaabka ah in ardayda la cadaadiyo oo la gaarsiiyo ilaa heer la xirxiro oo qofka labada gacmood iyo lugahaba laga xiro ineysan ahayn wado sax ah oo ka tarjumi karta kobcinta caqliga ardayda, dadka ka faalloda siyaalaha wax loo baro ilmaha ayaa aad uga soo horjeeda in cadaadis badan la saaro ardayga, iyagoo ku tilmaama iney sabab u noqon karto in ardaygii uu ka sii fogaado cilmigii iyo hanuunkii lala rabay, tan hadda dhacdayna waa muuqaal ka mid ah tababka aan saxda ahayn ee la doonayo in wax lagu baro caruurta yaryar. Eedda ugu weyn waxay dad qaar saarayaan dadka dibaha ku nool ee inta ilmihii geeyey wadamo uu ku soo baranayo dhaqammo aan fiicneyn, kadib markii ay ka caalwaayaan ku soo celiya Afrika, taasoo dhalineysa tan manta taalla oo kale.

Fahad Yaasin Xaaji Daahir 
editor@somalitalk.com

Jan 28, 2003

 Hoos Akhri 

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

 WARAYSI: FAARAX MACALIN, GUDOOMIYAHA XISBIGA SAFINA, KENYA
Waraysigaas oo Somalitalk la yeesheen waxa uu taabanayaa  dhinacyo badan, gaar ahaan Siyaasada Kenya, iyo dib-uheshiisiinta Soomaalida... GUJI 28/1

»»WAANO KU SOCOTA YAAN XIRSI
»»Hashu Maankeey Gataye Ma Masaar Beey Laqday? 
»»26 Janaayo waa malin sidee ah?
»»HANASHADII SOMALILAND IYO RIYADII SOMALIWEYN 
»»
Warbixin aan loo baahneyn: Jawaab Qoraalkii Ceynte ee Ayaan  
 
»»BOGGA MAQAALADA DADWEYNAHA... GUJI  

HAWLAHA LA QABANAYO MAALINKA TOBANAAD
Timaha Oo La Xiiro ama... GUJI

DUULLAANKII YAHUUDDII REER BANUU NADIIR
Waa casharkii 50aad ee Siiradii rasuulka.... GUJI

Hargeysa oo laga raafey dad shacab ah
wararkii radio Xoriyo ee toddobaadkan..... GUJI..

I  I  D  H  E  H

  

Cawaaqib Xumida uu La Kulmayo Qofkii Caaya Rasuulka (scw)
Waxaa na soo kedinayay maalmihii ugu danbeeyay dad ku abtirsanaya inay yihiin soomaali oo si dhiiranaan aan dheelitirsanayn ugu kacaya falal-denbiyeed aad ugu weyn miisaanka culus ee diinta islaamka.. GUJI... 31/12

 


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002



HTML CD