| Sahlashadii Cabdiqasin iyo damacii
 deerow Qore darwiish_yaaredarwiish_yaare@hotmail.com
 Ka dib markii Madaxwaynaha jamhuuriyada jabuuti mudane Ismail
 Omar geele uu ugu baaqay shir ay u dhanyihiin umada Somaaliyeed. Shirkaas oo go'aanka uu u yaalay ummada soomaaliyeed
 go'goshana lahayd ummada reer jabuuti iyo Madaxwaynahooda. Geedi socodkaas oo ayka qayb galeed dad kor u dhaafay 3000
 oo naf iyo maalba u huray siday dalkooda ugu soo dabaali lahaayeen nabadgalyo ,iyo
 nidaamkii dowladnimo. Si loohelo dowlad xeer adag leh iyo axdi adag oo
 xakamaysan. Sidii dhidibada loogu aasi lahaa dhisme dowladnimo oo
 :- 
  -Ku dhisan tiirar cafimaad qaba:
 
 -Ka tarjumaya baahida dhabta ah iyo rabitaanka dadka
  intiisa badan ;
 
 -Asaaskiisu yahay caddaalad,dimoqraadiyad iyo xurmada
  qofka oon lagu xad-gudbin;
 -Sharcigu cid walba ka sarreeyo;
 -Ka tallaalan xumihii soonmali kala geeyay-Ka duwan tii hore ee taagnaan kari wayday; Iyada oo intaa gundhig looga dhigayo,Lagana ilaalinayo:- 
  -Ku xadgudubka awooda qaran-Isu xoogsheegad iyoamar-ku-taaglayn-Qabyaalad loo adeegsado siyaasad ka horjeeda danta
    guud-Boobka hantida qaranka-Been iyo munaafaqnimo aan laga xishoon-Ku-tumashada sharciga-Ku -tumashada qiyamkii subbanaa ee dhaqanka
    soomaaliyeed iyo diinta islaamka-Iwm Iyadoo laga gaashaamanayo cawaaqib xumadii soomartay
 somaliya lagana ilaalinayo inay mardanbe dib ugu noqoto ayaa waxaa Si sharaf ku
 dheehan tahay looga qayb galiyay shirka. Isimada,siyaasiyiinta,culimada,jaliyadaha,waxgaradka,ganacsatada,aqooonyahanada,ururada
 haweenka,maxkamadaha,Iwm Iscafis iyo isku soo heloobid ka dib ,Ayaa halkaa lagu
 doontay oo ergadii wax garadka ahaa si buuxda codkooda ugu doorteen Cabdala Derow isaq oo
 ku guulaystay codka dhan kana guulaystay musharaxiin tii kale. 
  Maxamed Rajis Maxamed: 22 cod
 
 Cabdicasiis Mukhtar Macalin: 14 codCabdla Deerow Isaq: 156 cod Waxaa la guda galay doorashadii madax waynaha taas oo
 loo habeeyay inay u dhacdo si cadaalad ah ergooyinkana u ar kayeen inay tahay
 cadaaladu waxa kaliya ee soomaali maanta isku duubnideedii soo celin karta. Waxaa madaxwaynaha dalka soomaaliya loo magacaabay Cabdiqasin
 Salad Xasan. cabdiqasin isaga oo u hambalyaynaya baarlamanka soo maaliyeed ayuu yidhi "waa
 mahadsan yihiin intii i dooratay iyo intaan idooranba " isagoo si
 buuxda uga guulaystay musharaxiin tii kale ee la tartamaysayCali Khaliif Galaydh Run ahaantii intii nasiibka u yeelatay inay ummadooda
 shirkaa usoo wakiisheen xilna u dhiibteen waxay fursad u haysteen:- 
  -Wixii hore u qaloocday toosiyaan
 
 -taariikhdana ku galaan kuwii soo celiyey sharaftii
  dalkooda.-Taariikh cusub horseed u noqdaan Laakiin nasiib xumo ma dhicin inay ka faa'iidaystaan
 dadkoodana u faaiideyaan kuwii la doortay . Iyagoo markiiba ku dhaqaaqay soo daabacaad lacago'false
 ah oo sixir barar ku riday shacabka dhiban,Iyagoo lunsaday deeqdii la siiyay
 umada dhiban ee soomaliyeed,Iyadoo uu dhacay xil isku jiidjiidad dhexdooda
 ah,Iyadoo ay burbur iyo ku tumasho ugu dhaqaaqay dastuurka iyo xeerarkii la
 dajiyay ee la isku raacay. Taasi waxay abuurtay in ay ka niyad jabaan shacabkii
 taageerada buuxda siiyay,Ergadii iyo barlamankii doortay qoomameeyaan
 doorashaday doorteen nimanka ay xilka aysan qaadi karin dusha usaareen. Cabdiqaasin oo markiiba rabay inuu calamka iyo umada
 soomaliyeed ku soo jiito oo uu taageero kaga helo ayuu u magacawday wasiirka
 koowaad Cali Khalif Galaydh isaga oo og in uusan xilka ku jiidjiidan
 doonin haduu yidhaahdo waa lagaa qaaday xilka madama uu yahay nin waxbartay
 aqoon buuxdana leh iyo sharaf intaba. Kadib showrkii iyo shirqoolki ay dhigeen Cabdala deerow
 iyo madax waynihiisa cabdiqasin ay mu'aamarad u xuubsiibteen ,Kadib markii ay fahmi waayeen ninkan wixiisu wax cadyihiin
 aan hooska tuurka iyo faralaabka ka fog. Labadii xaqdaro ku heshiiya xaqay ku diriraan. Cabdiqasin markii uu ka soo jeestay Cali Khalif Galaydh
 ayuu ula booca isugu tukubeen isaga iyo Deerow. Cabdiqasin oo sidii Galaydh ee odayaysneed ee uu xilka
 iskaga wareejiyay isaga oo ka filaya taa mid lamida Deerow inuu sameeyo xilkana
 u dhiibto nin ka firfircoon oo dar dar cusub qaba . Balse taasi ma dhicin oo Deerow waa aqbali waayay
 kamana dhiigaysan xilka loodhiibay ee uu mudada gaaban yahay ee sadexda sana
 kudhow isaga oo uba haysta inuu hayay sadex cisho. Deerow isaga oo dhaga naban ayuu iskula siidaayay
 dhanka cabdiqaasin sanqadhiisu ka xigtay , cabdiqasina orod ayuu is xaabiyay
 isaga oo leh "war laxdu sow na cuntee " bye darwiish_yaare darwiish_yaare@hotmail.com  »
 Ma'xal
 u Raadinbaa mise Abaalmarin la gudoonsiinayo [Darwiish]
 Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh qoraaga ku
 saxiixan, kana tarjumi maayo aragtida SomaliTalk.com Faafin: SomaliTalk.com | June 19, 2003  ....
 Copyright
 & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
     Kulaabo bogga hore ee 
 www.somalitalk.com  
 
 |