Heer caalami ahaan, hadal-haynta fikradda
“bulshada rayidka” ah waxay muhiimad yeelatay muddo haatan laga joogo
20-tan sanadood, siiba waxaa lala xiriiriyaa mawjadihii is-daba-joogga ahaa
ee dimuqraadiyaynta ee uu hannaanka dumuqraadiyaddu ku faafay wadamadii hore
loogu dhaqi jiray nidaamka keli-talisnimada oo ka bilowday Ameerikada
Laatiinka ah (Ameerikada Koonfureed, Ameerikada Dhexe iyo Meksiko), iyo
Yurubta Bari, kuna sii baahay dunida soo koraysa inteeda kale. Waxaana loo
arkay bulshada rayidka mid wax badan ka taraysa moosidda iyo xadaynta
awoodaha dawladaha ka jira dalalka ay ka jiraan nidaamyada keli-taliska ah,
xoojinaysana awood-siinta shacabka, hubantina ka dhigaysa hirgelinta
xisaabtan iyo dabagal siyaasadeed, iyo kor u qaadidda tayada xukunka (xukun-wanaag).
Macno ahaan waxaa adag in si sugan loo
qeexo bulshada rayidka ah, maxaa yeelay waxaa loo qeexaa siyaabo kala duwan.
Balse waxaa jiraa qeexid guud oo ah:
Kooxo amaba jamciyaad abaabulan oo gooni ka
ah dawladda qaran oo aanay xukuumad u talin oo iyaga is xukuma, haystana
isu-talis iyo xukun-hoosaad xagga xiriirka (cilaaqadka) ay la leeyihiin
dawladda oo ay si mutadawicnimo ah (si iskaa ah) u dhiseen (abuureen)
xubnaha bulshada (mujtamaca) si ay u gaaraan una daafacaan danaha (masaalixda)
ay uu miiganyihinn (u ololaynayaan,
u doodayaan), qiyamkooda (mabaadii’ida xukunta hab-dhaqanka) iyo
waxyaalaha goonida loogu garto
(Si
aad u daalacato tafaasiil dheeraad ah oo ku saabsan doodda la xiriirta
siyaabaha kala duwan ee loo qeexay bulshada rayidka, eeg Gordon White, “Civil
Society, Democratization and Development (I): Clearing the Analytical Ground”,
Democratization (Autumn, 1994) pp. 375-390).
Noocyada kala jaadka ah ee ururrada
bulshada rayidka ah waxaa ka mid ah kuwa ku xusan taxdan hoose:
1. Ururrada Bulshada
Ururrada bulshada waxaa ka mid ah:
naadiyada dhallinyarada; kooxaha amaba naadiyada isboortiga; ururrada
ardayda; jamciyaadka dugsiyada (iskuullada) iyo ardayda jaamacadaha ka baxay.
2. Ururrada u adeega danaha gaarka ah
Ururrada u adeega danaha gaarka ah waxaa ka
mid ah : ururrada ay leeyihiin xirafadlayaasha amaba ururrada meheradaha ku
dhisan; ururrada amaba ittixaadka shaqaalaha; ururrada beeralayda;
jamciyaadka ay leeyihiin ganacsatada yar yar (tusaale ahaan kuwa waratada
ah), ururrada ay ku bahoobeen shirkadaha waawayn, iyo bangiyada, iwm;
ururrada xoogsatada muruq-maalka ah (waa kuwa qabta shaqo uu qof walba uu
qaban karo oo aan u baahnayn xirfad amaba tab maskaxeed gaar ah).
3. Ururrada
adeeg bixiyayaasha
Ururrada adeeg bixiyayaasha ah waxaa ka mid
ah; ururrada bixiya adeegyada (khidmaadka) ay u baahnyihiin kooxaha bulshada.
4. Ururrada ku dhisan iskaa wax u qabso
Ururrada ku dhisan iskaa wax u qabso (is-xilqaanka,
mutadwicnimada) waxaa ka mid ah: ururrada ay leeyihiin dadka ood-wadaagta (deriska,
olloga , jiiraanka, jaarka) ah oo ay ku bahoobeen dadka wada deggan goob
amaba xaafad, iwm; ururrada iskaashatooyinka, ururrada aan xukuumiga ahayn (aan
wax lug ah ku lahayn dawladda) ee ka hawlgala xagga horumarinta.
5. Kooxaha miiganayaasha ah
Kooxaha miiganayaasha ah waxaa ka mid ah:
kooxaha xuquuq-u-dirirka ah; ururrada u dooda daryeelka deegaanka; ururrada
haweenka; ururrada matala una dooda xuquuqda ubadka (ciyaalka, caruurta,
awlaadda); ururrada dadka naafada amaba curyaanka ah u dooda; ururrada u
dooda kooxaha soo galootiga ah (muhaajiriinta), iwm.
6. Ururrada xagga dhaqanka/diinta/isirka
Uururrada noocan ah waxaa ku jira:
jamciyadaha xagga diinta (caqiidada); ururrada qabaa’ilka (beelaha);
kooxaha xagga afafka (luqadaha); ururrada fanka iyo suugaanta; ururrada u
taagan sare u qaadidda diinta iyo dhaqanka kooxo gaar ah oo soo jireen ahaa
muddo fog.
7. Dhaq-dhaqaaqyada Bulshadeed
Dhaq-dhaqaaqyada bulshadeed waxaa ka mid ah
ururrada u dhaq-dhaqaaqa danaha kooxaha xagga isirka (jinsiga, sinjiga, ,
haybta, qabiilka, beesha, midabka, iwm) iyo kooxaha danaha deegaannada ay
leeyhiin u dooda.
Haddaba marka aan u soo laabanno su’aashii
maqaalka ee ahayd: Sow waxa loogu yeero “bulshada rayidka” ah ee
Soomaaliyeed” kama dhigna dallad meel aan roob iyo cadceed toona ka jirin
dul heehaabaysa, waxaa mudan in milicsi yar la cawl jalleeco, fikraddan
bulshada rayidka ah goortay Soomaaliya ka curatay.
Sidii hore loo soo xusay fikrada bulshada
rayidka ah waxay heer caalami ahaan si wayn u soo shaac baxday 20-tan
sanadood ka hor, inkastoo asal ahaan fikradda bulshada rayidka ay tahay mid
20-tan sanadood ka fac wayn. Taasoo laga turjuman karo in fikradda bulshada
rayidka ah ay ka hanaqaadi lahayd Soomaaliya bilowgii sannadihii
sideetamaadkii. Dabcan waxaa xilligaas Soomaaliya ka jiray jabhado hubaysan
oo qori ku dirir oo si militeri ah (ciidan ah) oo aan rayid (madani ahayn)
ugu dagaallamayay mabaadii’idii amaba dan beeleedkii ay u jireen si ay
xukunka ugu tuuraan taliskii militeriga ahaa taas oo meesha ka saaraysa haba
yaraatee sheegasho ururro bulsho rayid ah, sababta oo ah ururrada bulshada
rayidka ah tubta ay u maraan ka yool gaaridda danahooda amaba mabaadii’idooda
waa tub nabadeed oo rayid ah.
Sheegis uma baahna in jawigii siyaasadeed
ee cabburiska ku dhisnaa ee dalka Soomaaliya ka jiray xilligii
sideetamaadkii uusan saamixi lahayn unkashada amaba soo if-baxa ururro
bulshadeed oo rayid ah oo ka madax bannaan dawladda sida ku qeexan kor.
Dabcan way jireen ururrro iskaashato iyo ururro iskaa wax u qabso ah, kuwo
dhallinyaro, kuwo haween oo haddii ay ka madax bannaanaan lahaayeen
xukuumadda lagu sifayn kari lahaa ururro bulshadeed oo raiyd ah, balse
uruurradii jiray waxay ahaayeen garab ka mid ah garabyadii aaladda u ahaa
siyaasadahii “dan-wadaagta” ku dhisnaa ee wixii loogu yeer jiray “Hanti-wadaagga
Cilmiga ku dhisan”.
Markii horraantii sanadkii 1991-dii uu soo
af-jarmay xukunkii keli-taliska ahaa, ee ahaa caqabadda ugu wayn ee
hortaagnayd curashada ururro bulsho rayid ah oo dhab ah oo madax bannaan
ayaa waxaa iyadana meesha ka baxday dawladdii qaran. Waxaana taa xigay fawdo
iyo kala danbayn la’aan miyir-doorsoon ku riday bulshadii oo ilaa iyo
maantadan taagan, taas oo loo aanayn karo sababta ay muddo sii horraysay oo
ka mid ah horraantii sannadihii sagaashamaadkii ay u soo fufi waayeen
ururrada bulshada rayidka ah maadaama xilligii sii horreeyay ee ka danbeeyay
buruburka hannaanka dawladnimo ee Soomaaliya uu qiiq badan oo is-xasuuq iyo
gumaad qabiil ah uu dalka hareeyay iyagoo ururrada bulshada ka hanaqaaday
Soomaaliya muddadii ka danbaysay dabayaaqadii sannadiihi sagaashamaadkii oo
uu qaacii yulyulayay yara damay.Waxaana mar uun cirka isku shareeray tirada
noocyada kala duwan ee ururrada bulshada rayidka ah. Waxayna aad uga dhex
muuqdeeen oo ay magac iyo muhiimad gaar ah ku yeesheen Shirkii Carta ee ka
dhacay Jabuuti. Waxaana maanta Soomaaliya ka jira ururro aan cadadkooda la
soo koobi karin oo u dooda mabaadii’i , afkaar iyo xuquuq aad u kal
fog-fog oo kala jiho u socda ah, sida Ururka Garoobyada Soomaaliyeed iyo
kuwo kaloo fara-badan oo aan maqaalkan lagu soo koobi karin.
Inkastoo ay ururro far-badan oo Soomaaliya
ka jira ay sheegtaan in ay yihiin ururro bulsho rayid ah, bilkeedada amaba
tijaabada dhabta ah ee looga baahanyahay in ay ka gudbaan waa labo tijaabo
oo kala ah: ururrada bulshada rayidka ah ma abaabulanyihiin?; qiil amaba
sabab ay u jiraan ma leeyihiin maadaama aysan Soomaaliya ka jirin dawlad
qaran oo shaqaysa oo taabagal ah?
Waa tan horee, xagga abaabulka, Soomaaliya
maanta kama jiraan ururro bulsho rayid ah oo abaabulan. Abaabulan waxaa
loola jeedaa, leh qaab-dhismeed hoggaan oo cad oo ku dhisan sharciyad,
tartan xor ah, la xisaabtan iyo dabagal iyo mansab (jago) muddadeedu
xaddidantahay; leh Shir –sanadeed lagu dhagaysto warbixinno ku saabsan
wadciga iyo xaaladda ururka, shirkaasoo ay ka soo qayb galaan xubnaha ururka,
shirkaaso noqonaya hay’adda siyaadada iyo madax bannaanida leh, ahana tan
ugu sarraysa ururka, oo haddii loo baahdana dib loogu soo doorto amaba xilka
lagaga wareejinayo madaxda ururka ka dib loolan doorasho oo xor ah, cadaalad
iyo fursad simanna ku dhisan; leh dastuur (axdi) iyo xeerar hoosaadyo
qeexaya xeerarka xubinnimada ururka, xeerark doorashada madaxda iyo
saraakiisha ururka; leh xeerarka anshaxa iyo asluubta ururka; leh xeerar
hoosaadyo furdaamiya wixii muran ah ee dhaca marka uu ururka dhexdiisa is
qabto; leh xubno joogto ah oo xajmi (baaxad iyo laxaad caqli-gal ah) leh,
xubnahaasoo diwaan gashan.Waxaa hubanti ah in uusan maanta Soomaaliya ka
jirin urur bulsho rayid ah oo xitaa tookh ahaan u sheegan kara in uu
buuxiyay mid ka mid ah arrimaha kor ku xusan.
Marka aan u soo laabanno arrinta laabad ee
ah maqanaanshaha dawlad qaran oo shaqaysa oo taabagal ah, waxaa meesha ka
cad oo aan daliil u baahnayn in aanay Soomaliya ka jirin dawld heer qaran ah
oo awood ku muquunin karta shacabka (dabcan waa muquunin sharci ah), lehna
awood ay ugu taliso xuduudaha iyada u cayiman heer caalami ahaan. Marka
maadaama ay xaaladda maanta Soomaaliya ka jirta ay tahay fawdo, ciidamo gaar
loo leyahay, shacab si iskaa ah oo aanay dawlad wax lug ah ku lahayn u
maaraynaya nolol- maalmeedkooda waxaa lama huraan ah in la is waydiiyo wuxuu
yahay doorka ay buuxin karaan amaba waxay u taaganyihiin waxa loogu yeero
bulshada rayidka ah maadaama fikradda gun-dhigga u ah fikradda bulshada
rayidka ah ay salka ku hayso in awoodaha dawladda lagu oodo mooro (xero) oo
la helo bulsho xor ah oo ka madax banaan faragelinta aan sharciga ahayn ee
ka timaadda dawlad qaran sida dhacda marka aysan jiran bulsho rayid ah oo
abaabulan, taasoo ka dhiganta bulsho qafilan oo cabbursan oo ay dawladdu
cagta mariso. Sida ka muuqatta Shirka dib-u-heshiisiinta Soomaalida ee
haatan ka socda dalka Kenya ururrada sheegta in ay yihiin bulshad rayidk ah
waxay malaha u arkeen hogaamiye-kooxeedyad in ay yihiin humaaggii dawld
qaran. Taana bulshada rayidka ah way ku gefeen oo waxay arkeen wir-wir iyo
dhaan-dabagaale. Dawlad qaran oo hogaamiye-kooxeedyada laga dhawrana waxay
la mid tahay oraahdii Soomaaliyeed ee oranaysay “diinkii dhaanshay”
Haddaba gunaanadkii iyo gebo-gebadii,
jawaabta suaa’asha dulucda u ahayd maqaalkan ee ahayd: Sow waxa loogu
yeero bulshada rayidka ah ee Soomaaliyeed kama dhigna dallad meel aan roob
iyo cadceed toona jiran ku dul heehaabaysa? waa haa, waayo, waa ururro aan
aababulnayn oo magac u yaal ah, oo an lahayn qaab-dhismeed hoggaan oo cad oo
sharci ah ee ku dhisan tartan xor ah, mana uu jiro la xisaabtan iyo dabagal
iyo mansab (jago) oo muddadeedu xaddidantahay; ma jiro Shir –sanadeed lagu
dhagaysto warbixinno ku saabsan wadciga iyo xaaladda ururka, shirkaasoo ay
ka soo qayb galaan xubnaha ururka, shirkaaso noqonaya hay’adda siyaadada
iyo madax bannaanida leh, ahana tan ugu sarraysa ururka, oo haddii loo
baahdana dib loogu soo doorto amaba xilka lagaga wareejinayo madaxda ururka
ka dib loolan doorasho oo xor ah, cadaalad iyo fursad simanna ku dhisan; ma
laha dastuur (axdi) iyo xeer hoosaadyo qeexaya xeerarka xubinnimada ururka;
ma laha xeerarka doorashada madaxda iyo saraakiisha ururka; ma laha xeerarka
anshaxa iyo asluubta ururka; ma laha xeerar hoosaadyo furdaamiya wixii
khilaaf ah ee dhaca marka uu ururka dhexdiisa is qabto; ma laha xubno joogto
ah oo xajmi leh oo diwaan gashan.
Maadaama isu-tagga ururrada tirada badan ee
la isku yiraahdo bulshada rayidka ah loogu yeero dallad ayay munaasib ku
tahay in lagu misaalo dallad ku dul heehaabaysa meel aan roob iyo cadceed
toona ka jirin. Cadceedda amaba roobku waa ereyo macnahoodu maldahanyahay (sarbeeb
ah) oo loola jeedo in dawladdii qaran ee uu cabburiska, kadeedka, cadaadiska,
dulmiga iyo qamciga ka iman lahaa aysan meeshuba oollin oo aysan jirin oo
cabburisku uu ka yimaado kooxo si gaar ah u hubysan oo aan mas’uul iyo
xil-kas ahayn, illeen dallad muraad baa loo qaataa ee shoob iyo xarrago
looma qaatee. Sidaa aawadeed waxaa la habboon ururrada sheegta in ay
metalaan oo ay wakiilasho ka haystaan bulshada raydika ah in aanay si aan
ula-kac amaba ku tala-gal ahayn aysan sharciyad aanay mutaysan u siinin
hogaamiye-kooxeedyada oo ay dib isu saxaan, oo ay dib isu abaabulaan,
sharciyad iyo mataalad xaq ah ka helaan xubnaha ay magacooda huwanyihiin,
haddii kale waxay isu horseedi doonaan in ay dhaxal u yeeshaan magac-xumo,
sumcad-beel iyo sharaf-xumo waarta. Si taa looga baaqsado ururrada bulshada
rayidka ah waa in ay si xeelad ku jirta ay ugu tabaabushaystaan dib u soo
noolaanshaha dawlad qaran ee Soomaaliyeed oo ah wakhtiga ku habboon ee aan
sinna looga maarmin in ay jiraan ururo bulsho oo rayid ah oo abaabulan oo u
babac-dhigi kara xuquuq-boob ay ku kacdo dawlad qaran.
Maxamed Xaaji Caddoow
London, England
Email: mohamedadow@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalka waa mid u gaara
qoraaga ku saxiixan
-dhammaad-
Sucuudiga
oo Bixiyey 1.3 million Visas Xajjka Sannadkan 1423
Sidaas waxaa shaaca ka qaaday Wasaaradda Arimaha gudaha ee Sucuudiga, waxa
kale oo wasaaradu sheegtay in.... GUJI...
Feb 2
DAREENKA
DADWEYNAHA IYO TODDOBAADKAN
Maamulka Somaliland oo Xabsiga u Taxaabay Ergey Nabad
Doon ah
URURKA
AFRIKA OO GALAYA TIJAABADII KOOBAAD
Midawga Afrika ayaa markiisii ugu
horraysay kulankiisii koobaad kuyeelanaya magaalada ADDIS-ABABA GUJI...
feb 1
Dhanbaal
Murugo leh: Gabadh ka soo Baxsatay Xabsiga Itoobiya:
Wararka Radio Xoriyo GUJI...
WAR
BIXIN KU SAABSAN SHIRKA ELDORET
Mr. Peter N. Nyagah ayaa maanta
si cad u beeniyey warar ay jariidadaha Kenya qoreen oo ay ku sheegeen inuu
shirka Eldoret qarka u saaran yahay in lagu kala huleelo... Warbixintii
Ibraahim Maxameddeeq.. 31/1
WARARKA
KALE EE JANAAYO
com
|