SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MINNESOTA
Qaar kamid ah ardayda soomaalida Minnesota.
Ururka Midowga Ardada Soomaaliyeed ee Minnesota (MSSU) oo qabtay dood aad u xiiso badan.

March 17, 2003

Galabnimada Jimcaha oo ay taariikhdu ahayd Maarso 14keedii saacaddu markay ahayd 4 galabnimo Carlson School oo ka tirsan Jaamacadda Minnesota waxaa ka dhacay dood aad looga soo shaqeeyay oo ay soo diyaariyeen gudi hoosaadka aragtida iyo codka ee Ururka Midowga Ardada Soomaaliyeed ee Minnesota (MSSU Vision & Voice Committee).

Tiicay oo dooda maamulayay ayaa hordhac ahaan u sheegay nidaamka doodu u socon doonto hadaladiisiina waxaa ka mid ahaa .

“Doodan oo ah tii ugu horaysay ee ay ardada Minnesota qabato waxaa ka danbayn doona doodo kale oo muhiim ah. Tan waxaan ku eegaynaaTaageerada uu maraykanku siiyo Itoobiya dan ma u tahay Soomaaliya iyo waxyaabaha ka dhaxeeyo Soomaaliya iyo Itoobiya”. Asagoo hadalka sii wata ayuu yiri “ Doodan waxaa ka qayb gelaya labo koox oo arday ah oo soo diyaariyay daraasaad arrintan ku saabsan dhagaystayaashana uma furna inay ka dhexgalaan dooda kooxaha is haya. Hase yeeshee markii ay doodooda dhagaystaan ayaa waxaa u furan inay su’aalo iyo faalooba ka dhiiban karaan arrinta.”

Tiicay wuxuu hadal kiisa ku soo gabo gabeeyay in aan loo arkin kooxda ardada ah ee u hadlaya ama fikradaha dawladda Itoobiya iyo Maraykanku soo bandhigaya inay Soomaaliya neceb yihiin ama ay sidaas aaminsan yihiin sidoo kale kooxda Itoobiya dhaleecaynaysa in aan loo arag inay Itoobiya neceb yihiin. Intaas ka dib doodii ayaa bilaabatay anigoo aanan soo koobi karin doodan oo socotay 4 saacadood haddana waxaan isku deyayaa in aan nuxurka idin taabsiiyo haddii uu Alle ogolaado.

Kooxda Itoobiya u hadlaysay ama matalaysay:

Zenawi oo Qirtay Weeraro uu Ku Qaado Gudaha Dhulka Soomaaliya
Ra'iisul wasaaraha dawlada Itoobiya ee qarnigan gumeysata qayb kamida dhul Soomaaliyeed ayaa shaaca ka qaaday in uu. GUJI... Feb 25
, 2003

menkhaus"Waa in aynaan kuxiraan in aan akhbaarta keliya ka qaadano Itoobiya kuwaas oo inkasta oo ay saaxiibadeen yihiin haddana waxay wataan qorshe iyaga u gaara oo aan caddayn, waxayna kabadbadiyaan khatarta." sidaas waxa yiri Ken Menkhaus, oo professor sare ka ah Davidson College, USA, GUJI.... November 27, 2001  . 

Soomaalay Itoobiya ha eedina afkana ka daysta waayo idinkaa dalkiina bur buriyay, idinkaa dawladiina riday, idinkaa dawlad dhisan la. Itoobiya marna arrimahiina gudaha ma soo faragashan wax dan ahna idinkama laha. Itoobia waxay isku dayday in ay Soomaaliya garab qabato oo shirar badan ayay qabatay oo gogol badan ayay idiin fidisay oo waqti iyo maal badan ayay ku bixisay markii aad soo qaxdeen waa la idin ku soo dhoweeyay Itoobiya oo la idinma dhibin laakiin Soomaalida ayaa qalad ka fahamsan oo colaad Itoobiya lagu beeray Maxamed Siyaad Barre ayaa ku beeray.

Itoobia ayada ayaa la soo weeraray oo waxaa soo weeraray argagixiso Soomaali ah taasoo ku kaliftay inay cagta mariso oo uga daba tagto Soomaaliya si aysan mardanbe u soo weerarin waana wax iska caadi ah oo dawladwalba ammaanka dadkeeda ayada ayaa ka mas’uul ah dawlad walbana waa ay yeeli lahayd sidaas iyo si ka daran. Waana run in Soomaaliya argagixiso joogto. Dawladda Itoobiya argagixiso doonimayso laakiin dawlad Soomaaliyeed iyo deris wanaag waa ay soo dhowaynaysaa.

Soomaalida waa dad isla wayn oo kibir badan oo aanan aqoonsan Itoobiya iyo xuduudaheeda; ayagaa bililiqaystay magaalooyinkoodii sida Muqdisho, Hargaysa, Burco, Gaalkacyo, Baydhabo, Balawayne, Kismaayo iwm haddii aad awood u heshaan Addis Ababa ma day lahaydeen? Jawaabtu waa maya waad bililiqaysan lahaydeen. Ha rumaysanina TNG iyo qaar warlordska ka mid ah waayo markii ay ku fashilmeen arrimahoodii iyo markii ay hub iyo dhaqaale ama aqoonsi ka waayeen Itoobiya ayay dadka qaldaan oo Itoobiya kula soo galgashaan!.

Kooxdii Soomaaliya u hadlaysay ama aaminsan in Soomaaliya laga gardaran yahay:

Bidix: Xeyle, Shiine, Ceynte & Wardheere

Colaadda dhextaal Soomaaliya iyo Itoobiya waa soo jireen waxayna soo jiitamaysay ilaa Axmed Guray ismana aamini karno. Taliska Itoobiya waa gumaysi doon waa isbalaaris, waa Soomaaliya yaysan madaxa la soo kicin. Itoobiya hadday fiican tahay dadkii Soomaaliyeed ee ay gumaysanaysay maxay u qabatay, iskuulo ma leh wadooyin ma leh isbitaalo ma leh haddii ay Soomaaliya qabsatona wax ay ku soo kordhinayso ma leh bur burin hor leh iyo gumaysi mooyee.

Itoobiya waxay soo hubaysaa warlords, dalkeena ayadaa hub ku ololisay, ayadaa riday dawladdeenii Soomaaliya ee jiri jirtay waayo ayadaa aasaastay SSDF, SNM, USC iyo kuwo kale ayadoo u adeegsatay inay qaranimadii Soomaaliya iyo midnimadiiba ku burburisay. Arrinta September 11 iyo dagaalka argagixisada caalamiga Itoobiya waxay rabtaa inay Maraykanka qalado oo ka hesho hub dhaqaale iyo saanad si ay Soomaalida ugu waxyeelayso ayadoo ku andacoonaysa Soomaaliya argagixiso ayaa joogta. Saddex iyo tobankii shir ee la qabtay ayada ayay ka hirgeli waayeen weligeedna daacad kama noqon mana ka noqon doonto.

Kooxdan waxaa ay ganka ku dhufteen eedii loo soo jeediyay madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre ayagoo yiri nacaybka itoobiya hortiisa ayay jirtay ee asaga ma beerin, itoobiya ayada ayaa nacaybka ku beertay dadka Soomaaliyeed maxaa yeelay garna ma gasho garna kama baxdo, lama hayo Soomaali faraha la gashay arrimaha Itoobiya laakiin waa ayada waxa Soomaalida qaarna gumaysta qaarka kalena faraha kula jira.

som galeyrr Galayr cabdiraaq C.X.Xusen
Siyad B.
ethio Zenawi Mengistu H.Selassie
Sawirada Eeg: Soomaalidu (madaxda) waa kuwa tooska kuusoo fiirinayaan, xabashiduna (madaxda) waa kuwa dhinaca fiirinaya  BILICDA DHULKA SOM. 
Doodaas oo socotay 4 saacadood wixii meeshaas la laga yiri ma soo koobi karo laakiin waxaa cadaatay in Ardada Soomaaliyeed ee Minnesota ay ka xoroobeen qabiil iyo jahli, waxa ay soo bandhigeen dood cilmiyeed asluub iyo ismaqal ku dheehan oo heer sare ah oo wadata daraasaad iyo tixraacyo badan waxaana la filayaa in la soo daabici doono daraasaadyadan goor dhow.

Ardada waxay yiraahdeen ujeedada aan doodan ka leenahay waxaa ka mid ah in aan isbarno in aan doodi karno anagoo aanan isnicin ama isdagaalin iyo in aan doodeena ku salayno daraasaad ee aanay noqon kutiri kuteen. Waxay kale oo ardad balan qaadeen in ay qaban doonaan doodo kale oo aad u hufan oo quseeya siyaasad ama arrimaha bulshada Soomaalida ee ku nool dalkii hooyo ama halkan Minnesota.

Maxmuud Nuur wardheere

mnwardere@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 17, 2003

Soo tebinta qoraalka waxaa ka qayb qaatay:
C/raxmaan Ceynte | ceynteyare@hotmail.com
 

-dhammaad-

<><><>

Warqaddii C/Risaaq Xaaji Xuseen u diray Zenawi....April 2002 

<><><>
1894 ayaa heshiiska loo yaqaab "Tripartite Accord" waxaa wada garey Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [Italy], iyo Itoobiya [Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya. Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka soo eegaya badweynta Hindiya oo waagii dambe loo bixiyey Italian Somaliland. Heshiiskaasu wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka galbeed ee Soomaaliya ee loo yaqaan Ogaden. GUJI...
<><><>

I  I  D  H  E  H

XAFLADII AY ARDAYDA MSSU U QABTEEN JAAMACADA BOOSAASO...

»»VIDEO: Mucjisooyinka Quraanka... [English]

... Dhurwaa Godkiisa Hilib Ugu Garnaqaya!

Habeenkii Showrka Soomaalida Minnesota

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD