Halkani waa Qaranka ugu xoriyada badan
dunida!
C/raxman Ceynte
Minnesota, USA
Ceyntejournalist@attbi.com
May 1, 2003
Soo galooti lagu qiyaasay 20 Million ayaa ku
nool waddankan mareykanka. Sida dowlada mareykanku aaminsan tahayna, dadkani
intooda badani "xoriyad la'aan" ayeey ka soo carareen. Madaxweynaha
imminka talada u haya mareykanka, Mr Bush, Shalay ayuu ka dhex khudbadeeyey meel
eey isugu yimaadeen boqolaal ciraaqiyiin ah. Marka uu sida tooska (Live) uga
hadlayey idaacadaha la iska arko/maqlo ee caalamka, waxaa gadaashiisa laga
dheehanayey wadaad shiica ah iyo gabdho xijaaban. Sawirkani wuxuu ahaa mid u
baahan in la kor istaago.
Maanta ayeey maxkamadda sare ee mareykanku go'aamisay in "qofka aan
dhalashada waddankan heysan la heyn karo muddo aan cayineeyn, inta laga xukumayo
ama la musaafurinayo" Hadalkani wuxuu waran wadna-qabad ah ku noqday
malaayiin soo galooti ah oo aan heysan dhalashada waddankan. Tan iyo markii uu
soo baxay sharicigii "Patriotic Act" ee u fasaxayey dowladda dhexe ee
mareykanka ineey si qarsoodi ah u xiri karaan dadka "khatarta ku ah"
amaanka qaranka ee waddankan, waxaa sii badanayey cabsida dadka soo galootiga
ah. Sharcigaas dabcan waxaa lagu soo saaray laguna fuliyey dad muslimiin ah.
ilaa iyo haatan lama hayo qof diin kale heysta oo lagu fuliyey. Midka maanta soo
baxeyna wuxuu noqon doonaa mid dhabahaas qaada.
Dad badan ayaa is heybinaya: Tolow meeday xoriyadii mareykanka lagu sheegi
jiray? Mareykanka oo isku naaneysa "Dimoqoraadiyada ugu faca weyn dunida".
Laakiin wuxuusan shaki ku jirin in mareykanku uusan isticmaalin "Xoriyada
" si furan. Waxaan ula jeedaa si aan xadidneyn. Micno kale, Taariiqda
waddankan hadii aan waxyar dib ugu laabanno, Markii uu socday dagaalkii labaad
ee Dunida, dadka u dhashay Japan ee mareykanka ku noolaa oo idil xabsi baa lagu
xaabiyey " illeyn amaanka qaranka ayeey khatar ku ahaayeene" ! Maanta,
kumanaan Ciraaqiyiin ah ayeey dowladani wareysi la yeelatay " si eey uga
dhex hesho dadka xun xun". inkabadan 8 caruur ah oo da'adoodu ka yar tahay
16-na waxaa lagu heystaa xabsiga la fogeeyey ee Guantanamo Bay ee lagu xiro
maxaabiista "Al-Qacida". Sababta Mareykanku caruurtan u xirayna waxaa
sheegay Waziirka mayalka adag ee difaaca, Mr Rumsfeild " Inkastoo eeysan
qaan-gaar aheyn, Haddana waa dad xunxun" Isagoo hadalkiisa sii wata
todobaadkii horena wuxuu raaciyey " Sidaas awgeed, waxaanu ula dhaqmi
doonaa sida dad qaan-gaar ah"! Intaas kaliya ma'ahane, waxaa jira
mutacalimiin iyo ganacsato muslimiin ah oo laxiray dhowrkii bilood ee ina
dhaaftay, iyadoo lagu eedeynayo ineey "argagixisada xiriir hoosaad la
leeyhiin". Waaxda dhexe ee Baaritaanada (FBI)-dana waxaa loo ogolaaday
ineey dhageysan karaan taleefoonada iyo siraha "dadka eey ka shakiyaan".
Dhamaan ardayda iyo dadka aan Visooyinka qaxootiga ah heysanin ee ka socda inta
badan caalamka islaamka/carabtana waxaa laga doonayaa ineey iska soo diiwaan
galiyaan xafiisyada socdaalka marka eey yimaadaan.
Gabagabadii, Muslimiinta mareykanka ku nool oo lagu qiyaasay ineey yihiin ku
dhawaad 8 Million - Soomaaliya tiradeeda oo kale- ayaa la dhihi karaa ineey ku
dhex nool yihiin xabsi kor ka furan! Muslimiintan oo dhegaha ka maqla ineey ku
nool yihiin dimoqoraadiyada ugu faca weyn dunida, hooygii xoriyada iyo
dhulkii fursadaha ayaa marka eey guryohooda tagaan wexeey idaacad walba ka
maqlaan "Argagixiso Muslim ah" ama " Muslimiin doonaya in diinta
islaamka wax lagu dhaqo" ama " Qarax imminka dhacay ayaa loo
maleynayaa ineey ka danbeeyaan muslimiinta xag jira" Marka qaraxaas la sii
baarana waxaa soo baxda natiijo cajiib leh= (Timothy McVeigh) (Qarxiyihii
Oklahoma City) iyo wax lamid ah. Reer galbeedka kale woxoogaa weey dhaamaan
intaas. Walow eey dowladda Ingiriisku dhalashadii ka xayuubisay Abu-Xamza Al-misry
oo ah wadaad ka khudbeyn jiray masaajidada London. Dhalinyarada soomaaliyeed ee
u soo socda mareykanka waxaan oran lahaa: Xoriyad idinkama soo horeysee, dano
kale u imaada mareykanka.
KAYDKA
QORAALADII HORE EE CEYNTE.... GUJI
C/raxman Ceynte
Minnesota, USA
Ceyntejournalist@attbi.com
May 1, 2003
AFEEF: Aragtida qoraalkan waa mid u gaar ah
qoraaga ku saxiixan
»»DUMARKUNA
U ROONAA !!!!
»»Afhayeen-nimada
Jaamac Cali jamac ee SL.
»»Wariyaha
Soomaaliga ah mabda’ maleeyahay?
»»Maamulada
Maxlalka u ah Maqale
SIDEE
LOO BIXIYAA SAKADA MAALKA
|