SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - ITALY

DOON KALE AYAA SAAKAY KU SOO XIRATAY DEKEDDA LAMPEDUSA

Laba Doon kalena isla shalay ayay ku soo xirteen, mid kalena dadkii Saarnaa oo Magaalada dhex jooga ayaaba la arkay

 

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

Lampedusa – War aan ka soo xiganay Wakaalada wararka faafisa ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano ANSA ayaa sheegaya in Saakay Doon ay saaran yihiin dad lagu qiyaasay 82 qofood oo Afrikaan ah ay ku soo xiratay dekedda Lampedusa ee Talyaaniga.

Waxaa kale oo la xaqiijiyay in shalay ay laba doon kale ku soo xirteen isla dekeddan, mid kalena aanan la aqoon sida ay uuga soo fakatay Ciidanka ilaalada Badda, ka dib markii lagu arkay Xeebta magaalada dad 100 gaaraya oo iska dhex yaacaya Agagaarka xeebta.

Waxaa dadkan ka warhelay Ciidanka Qalabka Sida (Carabinieri) kuwaas oo isla durbadiiba soo qabqabtay dadkan oo sida dhuumaaleysiga ku soo galay Magaalada iyaga oo ka soo fagtay ama u soo ganbiyay Koontaroolka Ciidanka Ilaalada Badda.

Waxaa laga yaabaa in Maxkamadda Badbaadada ee Lampedusa ay furto Dacwad ku saabsan sidii ay dadkaan uuga soo fagteen Koontaroolka & wax qabad la’aanta ay la yimaadeen Ciidanka Ilaalada Badda.

Saakay mar aan la xiriiray Taliska Ciidanka Badda ayaa waxay ii xaqiijiyeen in Doontan aysan saarneen wax Somali ah, mar aan weydiiyayna halka ay ka kala yimaadeen dadka lagu sheegay Afrikaan ka ayay igu yiraahdeen Waa Itoobiyaan & Eretrei.

Sidee doonta-ba ha noqotee weli waxaan ku guda jirnaa helista Magacyada dadkii soo galay Habeen hore oo tiradoodu aheyd 172 qofood waxaana ku jira ama u badan Dad Soomaaliyeed.

Goor dhow waxaan dib u habeyn ku soo sameyn doonaa Liiska dadkii ku geeriyooday oo kor u dhaafayay 60-meeyo & inkasta ay jiraan dad badan oo la la’yahay meel ay Cirib & jaan dhigeen.

 

WabiLaahi Towfiiq.

Khalid X. Cali Maalin “Deble”
SomaliTalk – Italia

somalitalk@email.it
tahriibdiid@hotmail.com
amalroma@hotmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 31, 2003

FAL ARGAGIXISO OO KA DHACAY MUQDISHO
Buufis ayaa sababay in dad fara badan BAM lagu qarxiyo Guji Oct 30

Habeenkii Ardayda Soomaalida ee Malaysia
Xaflad aad u heersareysa oo ay dalka Malaysia ku qabteen ardayda Soomaaliyeed ayaa... Guji.. Oct 30
 

.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD