SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Jawaab: Wadaaddadu ma Dad baa Mase Waa Diin?

Miicaad M. marasheeg@hotmail.com

  • Qoraagii ku talaxtegey Halgamaagii Sayid Maxamad Cabdille Xassan

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

 

Qorahan wuxuu si talaxtag ah uga hadlay Sayid Maxamad Cabdille Xassan (Allaha u naxariistee), asagoo jecel inuu naga tuso dhinaca xun ee Halgankii Daraawiishta, waxa uu ka qoray Sayidka dhamaan waxay u egtahay propaganda riqiis ah.

Waxaad moodaa in qorahani istilmaamayo markuu leeyahay; "Taariikhdii daraawiishta waxaa si basarxumo ah u dhaandhaamay humaagyadii siyaasada soomaaliya."

Sayidka iyo Darwiishtiiba way ka tilmaamanyihiin Qaaradda Afrika markii laga hadlayo halgankii lala galay Gumaysigii foosha xumaa ee Qaaradda iyo dadkeedaba bahdilooday!

Waxaan naqaan dadkan aan la noolnahay ee reer Galbeedka inay ku dheereeyaan xagga warbaahinta, wakhtigii uu Sayidku halganka kulajirayna waxay isku dayeen inay af iyo adinba kula dagaalamaan...Waxwalba oo ay ka qoreen markaas run ma ahan xitaa waxwalba oo la sheego inuu Sayidku yiri ama sameeyey wax la hubo maahan...Laakiinse hal waa xaqiiq, in Sayidku la dagaalamayey Gaalada waddanka gumaysanaysay, dagaalkaasna ujeedadiisu ahayd in soomaaliya laga xoreeyo Gumaysiga...

Waxaa la dhihi karaa Halgankii Sayidka faa'iidada uu keenay iyo khasaaraha, waxaa aad u badan faa'iidada, waxaana ka mid ah inaan meelaha uu ka dagaalamay oo dhan aan Gaalo ku nagaan(hakan), waligoodna cabsi ka qabeen sidaas darteedna aysan ka furin iskuuladii missionary ga ahaa!

Mohamed Abdulle Hassan
Seyid Mohamed Abdulle Hassan

Runtii waxaa nasiib darro ah, in la simo halgamaagii ahaa aabaha xoreynta ummadda soomaaliyeed, iyo raggii burburiyey waddankii soomaaliya..

Waana wax laga xishoodo in qofka wax kala garanayaa uu u maago Sayidkoo kale si caadifo ku jirto.

Maanta qofkii u baahan taariikhda iyo halgankii Sayidka ha akhriyo waxa ay ka yiraahdeen raggii la dagaalamayey ee Ingiriiska ahaa markay warbixinta siinayeen House of commonska UK...Soomaalidu xitaa hadday ogolaan wayday xaqiiqdii ay qireen caddowgii sayidka, soo ma ahan nasiib darro nagu habsatay....

Jawaabtii: Wadaaddadu ma Dad baa Mase Waa Diin? [C/Waxid]

Wadaaddadu ma Dad baa Mase Waa Diin? [Shaafici]

First Jihad of the "Mad Mullah" 1899-1905

Ugu dambayntii ragga aad tilmaantay dhamaantood haddii inta Sayidka loo ballan qaaday in la siiyo loo ballan qaadi lahaa maanta waxaan malaynayaa inay billaa shuruud ku gadan lahaayeen.

Soomaaliya hogaamiyayaasheeda waxaan aniga iyo adigaba aaminsanahay in Cabdullaahi Yuusuf ugu mudanyahay ragga horbooda waddanka, laakiinse anigu waxaan ku qanacsanahay inuusan Sayidka la tartami karin, kalana aragti fogyihiin, maanta ninkaan taageerno uu Ingriis iska daaye hadday Kenya u ballanqaado Madaxweynanimo uu waxwalba ka ogolaan lahaa, qofkii yiraahda armaysan waxani sax ahayna aniga iyo adigaba waan ognahay meeshay ku dambeyn doonaan!

Miicaad M. marasheeg@hotmail.com

 QORAALADII HORE EE MEECAAD

Faafin: SomaliTalk.com | October 2, 2003

.. WARAYSIGII ABDULLAHI NUUR SALXAAN UU SIIYEY SOMALITALK

.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD