SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MINNESOTA

Febraayo 2, 2004
SOMALITALK.COM

 Joornaal Minnesota Looga Yaqaan "War-xun-sheeg" oo Xijaabka Dumarka iyo Garka Ragga Muslimiinta ku Tilmaamay Calaamad Lagu Garto "Argagixisada"

Waxaa fajac iyo amankaag ku noqotay gebi ahaanba Soomaalida Minnesota markii maalintii ciida la sheegay in uu joornaal Minnesota ka soo baxa oo ay qoraan Soomaali uu qoray hadallo uu macnohoodu ahaa "Argagixisada waxaa lagugartaa xijaabka ay xirtaan dumarka muslimiinta ah iyo garka ay la baxaan ragga muslimiinta ah", waxaana kulankii ciida laga sheegay in arintaasi ay dadka muslimiinta u keeni karto dhibaato weyn, oo ay gaar ahaan colaad u abuuri karto gabdhaha musliniinta ah ee xijaaban (hate backlash).

Arinta joornaalkaasi qoray waxay layaab ku noqotay kumanaan muslimiin ah oo isugu soo baxay  salaadii ciidul-adxaa.

Gabar Soomaaliyeed oo maqashay arintaas uu qoray wargeysku ayaa la soo xiriirtay SomaliTalk waxana ay tiri sidan: "Salaanta Islaamka ka bacdi; waxan ahay gabar muslimad ah oo xijaaban, xijaabkaas oo aan u qaatay Allah dartiis, waxaana maanta salaadii ciida ka maqlay in joornaal Minnesota looga yaqaan war-xun-sheeg uu qoray in calaamadaha lagu garto argagixisada ay yihiin xijaabka gabdhaha muslimiinta iyo garka ay la baxaan raggu. Taas oo aan aaminsanahay in qoraaga arintaas qoray aysan fikradiisa ahayn maxaa yeelay wexeynu qoraagaas ku aqoon jirey asagoo qori jirey sheeko xariir ku saabsan nin iyo naag uu u qori jirey hab aan asluub ahayn."

USA: Janaayo 16: Maalinta xoriyada Diinta
USA: Madaxweynaha dalka maraykanka GEORGE W. BUSH ayaa maalinta janaayo 16 u qoondeeyey maalinta xoriyada diinta, arintaas oo uu shaaca ka qaaday Janaayo 16, 2002, ka akhri shabakada aqalka cad ee Maraykanka www.whitehouse.gov
LINKS:

Gabadhii oo hadalkeeda sii wadataa waxay tiri: "Haweenka Islaamka waxaan kula dardaarmayaa in qadarta Allah ay ku qabsan karto adigoo xijaaban ama adigoo aan xijaabnayn, waxaadna ogaataan calooshii u shaqayste iska hadlay in aysan hadalkiisa qaadanayn dalalka xorta ah ee aan ku nool nahay ama aan hadda degney, waayo waxaa dalalkaas ka jira qodob ah "Freedom of Religion" oo aan la fiirinayn qofka is qaawiya iyo kan is daboola toona, inta aad sharciga ilaalineysidna aan cidi ku eegayn, xijaabkuna qofka kama dhigo argagixiso, waxaana argagixiso ah qofka colaad dhex dhiga umado deris ah ama dad aan waxba galabsan u abuura dembi been ah taas oo dhulkan looga yaqaan 'colaad aan jirin abuure' taas oo fal dembiyeed ah."

Gabadhaas Soomaaliyeed waxay hadalkeedii kusoo gabagabaysey: "Waxaase ayaan darro ah in maalintii ciida ay hadalaasi kasoo yeereen joornaal lagu sheego in ay Soomaali wax ka qoraan, aniguse aan u aqaan war-xun-sheeg. Dadka ka hor yimaada ama beeniya aayadaha Allah xaggee ku dambayn doonaan!. Carada Allah waxay ku dhacaysaa qofkii ka hor yimaada qowlka Allah. Xijaabku waa qowlkii Allah waana bilicda dumarka, garkuna waa sunne waana haybadda ragga".

Qaybo ka mid ah qoraalkii wargeyska








Joornaalkan wuxuu kasoo baxay Minneapolis Febraayo 1, 2004, waxana qoraalkaasi kaga qoran yahay bogga 18aad ee joornaalkaas, cinwaanka qoraalkaas oo Ingiriisi ku qoran waa: "The History of Islamic Movement in Somalia"

Wiil dhallinyaro ah oo arkay joornaalka oo la soo xiriiray SomaliTalk ayaa yiri: "Qoraalka ku qoran wargeyska ma ahan mid loogu talo galay in ay akhristaan dadka Soomaaliyeed waayo kuma qora af-Soomaali, dadka marka wax loo sheegayona waxaa loogu sheegaa luqadooda, waxaan u arkaa qoraal loogu talo galay in colaad loogu abuuro Soomaalida waayo waxa uu cinwaan ka dhigay 'Taariikhda xarakada Islaamka ee Soomaaliya', asagoo wargeysku ku bilaabay sidan: 'Dadka dunida ku nool waxay xarakaadka Islaamka u arkaan mid halis ku ah jiritaanka bini aadamka waxayna u heleen magacyo ay ugu yeeraan sida; xag-jire, macangag muslimiin ah, argagixiso, iyo ayadoo warbaahinta dhexdhexaadka ah ay ugu yeeraan  (xarakada islaamka ah in ay yihiin) kuwo aan aqoon lahayn, aan indheer garad ahayn oo macangag ah, fiqiir muslimiin ah iwm, laakiin ayaa wargeysku is weydiiyey su'aasha rasmiga ah waa 'sidee xarakaadkaasi u bilaabmeen, maxayse rabaan'? [eeg sawirka bidixda].

Wiilkii dhallinyarada ahaa oo hadalkiisa sii wata waxa uu yiri: "Wargeysku waxa uu qoray in xarakaadka Islaamka ee dalalka islaamku ku bilaambmeen hab qarsoodi ah, laakiin taasi way ka duwanayn Soomaaliya waxayna ku bilaabatay ayagoo gacan saar la lahaa ururkii caanka ahaa ee SYL sannadkii 1963. Waxana uu wargeyska oo qoraalkiisu dheeraa gabagabadii qoray sidan: Qayb xoog leh oo kamid ah ururka Al-Ittihad culimadiisii waxay ka mid ahaayeen qaxootigii ay soo qaadeen Lutheran iyo Catholic oo ay soo dejiyeen Maraykanka iyo Canada, waxaana kooxdaas iyo taageerayaashooda ee degan woqooyiga Ameerika, gaar ahaan Minneapolis, lagu garan karaa in raggu ay la baxaan gar iyo in dumarku ay xirtaan xijaab asturaya jirkooda oo dhan, waxana uu joornaalku meel dhexe ku xusay in kooxda muslimiinta ah ay xooga saaraan muuqaalka qofka , waa sida joornaalku u dhigaye, in ragu la baxaan gar, dumarkuna xirtaan xijaab taas oo ka dhigeysa urur dagaal yahano ah oo xoog badan, waxana uu joornaalku intaas ku daray in sanad kasta ay malaayiin muslimiin ah ay kusii adkaanayaan diintooda islaamka."

Wiilka dhallinyarada ah ee Soomaaliyeed waxa uu hadalkiisii kusoo gabagabeeyey: "Waxaan u arkaa wargeyskaasi in uu kasoo hor jeedo xornimadii ay Soomaalidu gaartey maadaama uu isku xiriiriyey argagixisada iyo ururka caanka ah ee SYL, waqtigan la joogona waxa uu wargeysku hurinayaa colaad uu rabo in uu u abuuro Soomaalida deggan Minneapolis, tan kale malaha waxa uu wargeysku xumaan u arkaa qof diintiisa haysta, waxaana uusan wargeysku xusuusnayn in diinta Islaamka ay tahay mid nabad gelyo."

Ra'yigaaga qoraalkan la xiriira waxaad kusoo hagaajin kartaan: somalitalk1@hotmail.com

YUUSUF SHABAC OO RAALI GELIYEY JAALIYADDA....

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 2, 2004

Afeef: Qorayaasha warka soo gaarsiiyey SomaliTalk ma xusin magacyadooda.

-dhammaad-

TAXI-WADE SOOMAALIYEED OO LAGU DILEY SEATTLE
USA: Subaxnimadii Sabtida ayaa magaalada Seattle Washington lagu toogtey Hassan Farah oo ahaa 39-jir Soomaaliyeed, waxaana lagu dhex toogtey Taxi  uu wadey. Guji..

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD