SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DOOXA

Feb 8, 2004  

“Sawirkan Lama Ogala. Waxan Rabna Sawir Midab ah oo wajiga, timaha iyo qoorta wada muuqato”, Qaybtii 1aad.

Qaybta 2aad... GUJI Halkan

Al-Hassani
abuzuhri1@hotmail.com

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...



XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

Waa sheeko kusaabsan gabar Russian oo kasoo jeeda qoys muxafid ah (radical, orthodex ah), aad iyo aad ugu adag diinta christianka.

Ganacsada Russian ah ayaa usoo jeediyey inaay uraacdo safar, ayada iyo gabdho kale oo lagu tagayo wadan kamid ah wadamada kaleejka(Gulf). Ujeeada wuxuu ugu sheegey inaay tijaaro loo baxayo.

Markii layimid wadankii loo socday, ayuu usheegey inaay jirto shaqo kale oo kafaa’ido badan tii loo yimid halkan. Wuxuu doonayo inaay howshaas qabtan. Jirkooda inaay kaganacsadan ayuu kuqasbey asagoo usoo bandhigey lacag aad iyo aad ufarabadan.

Gabdhihii intoodii kale waay waafaqeen ,marka lagareebo gabadhani oo iska soo taagtey diinteeda oon ogaleyn arintaan.

Ninkii ayaa kuqosley oo kuyiri jees-jees ahaan: “Wadankan ayaad kudhexdhumeysa… xageed kaheleysa waxaad cuntid, meel aad saaxatid. Anigana waxaan kusiinayo majiraan.”

Si’uu ugu dhiirigaliyo arintan ayuu ladajiyey ayada iyo gabdhiihii kale ee howshoodii sitoos ah ubilaabey, qolyar, wuxuuna kaqariyey passportigeedii.

Waxay kacodsatey inuu passport-keeda siiyo ama uu uceliyo wadankeedii haseyeeshe markasta wuxuu ugu jawaaba inuusan siineynin.

Maalinbay guriga ugu dhaqaaqdey baaris, ugu danbeyntiina waxay gacanta kudhigtey passportigeedii, isla markiina banaanka ayey usoo boodey ayadoo kuwareersan! Waxaan dharkeeda ka aheyn gacan kuma hayso…dhabanka ayey gacanta saartey!Cirka dheer dhul kaa dheer! qaraabo hasheegin iyo macrifo hasheegin! Waxaay cunto, lacag ay kusafarto, meel ay seexato midna gacan kuma hayso!

Waxaay bilowdey inaay eegto bidix iyo midig ayadoo wareersan oo garanla' meeshii ay kabilaabi laheyd!

Wiil dhalanyaro ah oo ay lasocdaan 3dumar ah ayaa halkan kasoo baxey. Dumarka waxay qabeen xijaab, wiilkana wuxu ula muuqdey qof mas’uul ah oo ay weydiisan karto inuu caawiyo.

Intey soo abaartey ayey kula hadashey afka Rushka haseyeeshe wuu kacudur daartey una sheegey inuusan fahmeynin luuqadeeda! Waxay weydiisey inuu fahmayo English, wuxuuna usheegey inuu yaqaan English!

Farxad iyo oohin kabacdi, ayey kutiri:

“Waxaan ahey gabar Russian ah”. Markey ugu sheekeysey dhibta haysato, ayey kacodsatey inaay gacan siiyaan inta ay kala xariireyso walaalaheed mudo 3beri ah.

Khalid oo ah wiilka gabdhaha lasocdey ayaa bilaabey inuu kala showro hooyadiis iyo walaalihiis wixii laga yeelilahaa gabadhaan. Waxaa lagayaaba inaay been sheegeyso oo ay dooneyso khiyaano… ama ay maagantahey amuur kale oo aanan fahmeynin… gabadhiina waay sugeysa ayadoo oyneysa. Ugu danbeyntii, waxaay go’aansadeen inaay guriga geeyaan waxay doonta hakuqaadate.

Waxay iskudeyday inaay laxariirto reerkoodii haseyeshe uma suurta galin oo dhamaan lineka wadankaas oo dhan ayaa kadhamanwayey mashquul. Saacad waliba way kucelisa…. wax hormarna malaha.

Waxaay ogaadeen Khalid iyo reerkooda inaay gabadhani Christian tahey, markas ayey go’aansadeen inaay unaxariistan si’ay diinta ugu soo dumaan. Niqaash iyo dood masuurto galeyso waayo xaalada ay kujirta uma saamaxeyso iyo ayadoo aaminsan inaay diinteeda oo kali ah saxtahey.

Mudo kabacdi,waxay kudhacday dabankii loo dhigey oo waxa cajiib galiyey sida ay usoo dhaweeyeen waayo waa dhaqan aan laga aqoon wadankeeda soo dhaweynta intaa le’eg.

Mar haddii aan lagala hadli karin diin, ayuu Khaliid aadey Islamic center, wuxuu ukeeney kutub kuqoran luuqadeeda. Kutubtii ayey akhrisey, waxay kureebtey raad oo waxaa kuqoran wixii ay ka aaminsaneyd Islamka wax kaduwan.

Waxay xaaladu sidaas ahataba, Allah wuxuu waafajiyey inaay muslimtay.Waxay bilowdey inaay xooga saarto barashada diinta islaamka iyo kudhaqankeeda.Waxaay uqaadatey sikawanaagsan sidii ay ugu dhaganeyd diinta christianka. Waxaay saaxibo kadhigatey dadka wanaagsan ee diinteeda ugu faa’ideynaya.

Aqal gal iyo aroos.

Madama ay muslimtey ayey Khalid reerkoodii go’aansadeen inaay sii joogto wadanka. Khalid aya loo soo jeediyey inuu guursado. Meeshii ayey ku aqal galeen ilaa ay diinteeda kaxoogeysatey. Waxaay noqotey qof ihtimam gooni ah siiso kudhaqanka Aayadka iyo Axadiithta Rasuulka A.C.Wasalim.

Maalin ayey uraacday ninkeeda Suuqa, waxaay isha kudhufatey naag wada xijaaban, xitaa indhaha… aad bay ula yaabtey waayo waxay aheyd markii ugu horeysey ee ay aragto naag wada xijaaban! “Maxaa dhacay oo ay islaantan sidan ugu labisantahey? Maciladbay hoosta kuleedahey oo aaney dooneynin in la’arko?” Ayey weydiisey Khalid; wuxuuna usheegey inuu yahey Xijaabka Islaamka ee Allah uu amrey dumarka.

Waxooga markay aamusneyd ayey tiri: “Waa kaas xijaabka Allah naga doona haddii aan dumar nahey miyaa? Laga bilaabo sacadan waa inaan sidaas ulabista waayo markaan galno dukamada dadka oo dhan ayaa isoo fiirinaya,waxay rabaan inay cad-cad ugoostan wajigeyga… waxaa layga rabaa ninkeyga oo kali ah inuu arko!… halkan kabiximayo anigoon ulabisan sida islaantaas oo kale, xageen ka iibsadaa?”

Khalid oo u arkayey inaay wali kucusubtahey diinta ayaa kula taliyey inaay iska sidato xijaabka wajiga furan ee ay hooyadiis iyo walalihiis wataan haseyeeshe waxaay ku adkeysatey inaay qaadato kan Allah uu ugu jecelyahey!

Waxaay iibsatey xijaabkii. Waxaay sare uqaadey barashada diinta ilaa ay dadkii oo dhami jeclaadeen.

Passportigeedii oo dhacay

Maalin ayey eegtey passport-keeda, mise waxyar ayaa ugu dhiman oo waa dhicitaan! Waxaa lagama maarman noqotey in lasoo cusboneysiyo! Waxa intaas kadaran, waa in lagu soo cusbooneysiiyo meeshii laga soo saarey oo ah magaaladii ay ku dhalatey.

Waxaay duruufta qasabtey in lasafro haddii kale joogitankeeda wadanka wuxu noqonaya sharci daro.

Khalid wuxu go’aansadey inuu raaco mar haddii aney dooneynin inaay safarta Muxram la’aan sida diinta kuqoran.

Russian Airline iyo intii lasii socday.

Waxaay raceen Russian Airlina; ayadoo xiran xijaab kor iyo hoos ah, waxayna agfariisatey ninkeeda ayadoo kufaaneysa inaay xijaab Islam wadato.

“Waxaan kabaqaya in nalaga shakiyo xijaabkada awgiis” Ayuu yiri ninkeeda oo kahadlaya amaanka safarkooda. “Subxaanallahi, ma gaalo ayaan kabaqa oo Allah warkiisa dhagaha kaqabsada?! Waxay doonan hasheegan ”Ayey ugu jawaabtey ayadoo qiireysan, dhana kala yaaban sida uu ubaqayo ninkeda.

Dumarkii diyaarada kashaqeynayey ayaa bilabey inaay qeybiyaan cuntada; waxana kujira hilib doofar iyo Khamri. Dadkii ayaa khamriga ka dhergey; waxay bilaabeen inaay kujees-jeesan qoftan iyo waxa ay xirantahey ayagoo uheysta inaay gabar carrbeed tahey.

Khalid halkan ayuu yaabanyahey, dhan waxaa soo baxay wixii uu kabaqayey, dhana wax uu kafahmayo majirto waxa ay leeyihiin. Wuxuuse dareemey in ayaga lahaysto. Marka uu weydiya xaaskiisa waxa ay kuhadlayan, waxay tirahda: “Maya waxba ma’ah, waa sahal wax nagu dhacayo markaad dib ufiirisid tii lagu sameeyey saxaabada” Waxayna go’ansadeen inaay Samir xigsadaan inta uu dhamanaya safarka.

RUSSSIA MARKII LATAGEY

Khalid wuxuu uheystey markaay diyarada kadagaan inaay aadi doonan reerka xaaskiisa oo ay la joogi doonan ilaa ugu dhamaneyso howshooda; haseyeshe fikrada xaaskiisa aad ayuu ugu duwanaa oo waxay qorsheysey inaay hotel isaga dagaan marka hore kadibna ay ugu tagaan reerka salaan gaaban amaankooda awgiis waayo reerka masoo dhaweyn doona madama ay islamka gashey. “Runtii waan kuqancey fikradaas” Ayuu yiri Khalid oo howlaha safarka go’aansadey inuu kaga danbeeya xaaskiisa waayo waxaa lajooga wadankeeda; waxayna kireysanay hotel oo aan habeynkaas saaxaney.

Xarunta passporada (magaladii ay kasoo qaadatey)

Subuxii ayaan isasiitaagney xarunta passporada si’aan udhameysano howshanadii. Waxan ugalney mid kamid ah shaqalihii meesha; wuxuu naweydiiyey passportigedii hore iyo sawirkeeda. Waxay soo saartey sawir cadaan iyo madow ah oo wajiga oo kali ah kamuuqda. “Sawirkan lama ogala. Waxan rabna sawir color ah oo wajiga, timaha iyo qoorta wada muuqato” Ayuu yiri ninkii meesha kashaqeynayey. Haseyeshe way diidey inaay siiso.

Markan isfahmi weyney, ayaan utagney shaqaale kale, hadana midkale…midkale… midkasta wuxuu dalbanaya sawir sidaas ah; xaaskeygiina waxaay ku adkeysaneysa inaan looga fadhin inaay dhiibto sawirka ay rabaan.

Shaqaalihii hoose oo dhan waa diideen inaay dalabka naga qabtaan haddii aanu lasocon sawirkaas. Waxaan ugalney mas’uulkoodii oo qof dumar aheyd. Waxay isku dayday inaay kuqanciso xaaskeyga inaay dhiibto sawirka laga rabo; gabadhiina waxaay iskudayeysa inaay marsiiso sawirkan… “Sow ma’aragtid sawirkeyga runta? Bal isu fiiri sawirka ku agyaala iyo wajigeyga. Waxa ugu muhiimsan waa in la’arko wajiga… timaha waxaa laga yaaba inaay isbadalaan. wajiga oo kali ah ayaa kufilan”. Naagtii mas’uulka aheydna waxay ku adkeysatey in nidaamka loo hogaansamo.

“Hadaba aniga mid aan kan aheyn masoo wado ee maxaa xal ah?” Ayey weydiisey naagtii mas’ulka aheyd. Waxay nagula talisey inaan aadno qofka ugu sareeya passporada wadanka oo dhan ee jooga Moscow, caasimada Russia. Halkii ayaan isaga soo baxney anagoo niyad xun oo karajo dhigney.

Inta ay isoo eegtey ayey tiri: “ Khaalid!, waxan aadeyna Moscow, magaratey?” “Maad naga siisid sawirka ay kaa rabaan… Ilaahey naguma kalifin waxaanan awoodin… Allah kacabsada inta aad awoodan baa layiri… arinta waa daruuro ee naga dhiib. Passportigada, dhowr qof oo shaqaale ah umba arkeysa haddiiba la’arko…kadibna guriga ayaad kudhex qarineysa ilaa uu hadana kadhaco markale…dhibka iyo mashaqada safarka maxaa keeney oo aan kadooneyna Moscow” Ayaan kucalaancaley. Hase ahaate waxba kama badalin mowqifkeedi ahaa in ayan siin sawirkeeda oo qaawan; waxaayna tiri: “Siin mayo sawirkeyga anigoo qaawan kadib markaan ogaadey diinta Allah ee dhabta”.

MOSCOW

Maadama ay ku adkeysatey in lasafro ayaan isa siitaagney Moscow.Hotel intaan kireysaney ayaan ku dhaqaajiney xarunta passporada. Sidii hore silamid ah ayaan fooda isla galney; shaqaalahi hoose ayaa isu kaayo dhii-dhiibaya hadana marka ay ogaadeen inaan diidanahey sawir qaawan.

Ugu danbeyntiina ,waxaa naloo gudbiyey ninka ugu sareeyey laakiinse wuxuu noqdey kii ugu akhlaaqda xumaa ee nasoo mara intii aan soconey! Inta passportiga rog-rogey, kadibna kor usoo fiiriyey gabadhii ayuu kuyiri: “Maxaa noo cadeynaya inaad adiga leedahey passportigan?” isagoo kadonaya inaay wajiga marada kaqaado. Waxaay usheegtey in qofkasta oo dumar ahi uu wajigeeda arki karo haddii loo baahdo hubin; cilada jirtana ay tahey oo kali ah ayadoo hortiisa wajiga kufeydikarin.

Inta waraqihii iyo passportiga isku laabtey oo gashtey khanada hoose buu kuyiri: “Passport hore iyo mid dambe midna malihid ee iga baxa xafiiska!”

Waxay bilowday inaay lahadasho bal inuu soo dabco; luuqada lagu wada hadlayo waa Russian oo waxba kama fahmayo! Waan xanaaqey waayo waxaan qabankaro ayaan garanwaayey.

Ninkiina wuxu isasoo taagey “Maya ilaa aad keentid sawirka aan rabno,waayo waa qaanunka dalka”.

Markii ay kudaashey ayey iska aamustey oo ay iska istaagtey! Xageeda ayaan fiiriyey, anigoo kacodsanaya inaay dhibka noo sahasho oo ay dhiibto waxa ay nimanka codsanayaan oo aaney nagu jaribin wuxuu Allah noo keenin. Goorman kadhamaneyna xafiisyada kuwareegooda. Ayana Isma waasho.. oo kali ah, waxay ku gaabsataa inuu Allah faraj keenidoono ee anaga nalaga rabo samir iyo Alle ka cabsi.

Doodii ayaa meel xun naga gaartey, mar waan ku xanaaqaa waxa ay nagu sameyneyso awgeed, marna waan unaxaa maadama ay Diinteeda dhowraneyso!

Waxaa nagu xanaaqey ninkii mas’uulka ahaa; wuxuuna naga dalbadey inaan kabaxno xafiiskiisa.

Hotelkii ayaan kusoo noqoney bal si’aan ugu fikirno talaabada xigta ee aan qaadi laheyn. Maqrib, cisho iyo casho yar kadib, madaxa ayaan dhulka yara dhigey si’aan uyaro nasto.

Qaybta 2aad... GUJI Halkan

Al-Hassani
abuzuhri1@hotmail.com

Cajalad Video ah ayaa burburisey noolasheyda

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 8, 2004

Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh qoraaga ku saxiixan

. XAMAR DAAWO DACALLADA... SAWIRRO....

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD