- Goorma ayaa
Muslimiinta lagu waajibiyay Xajka
Muslimiinta waxa lagu faral
yeelay gudashada xajka Sannadkii Sagaalada ee Hijriyada isla sannadkaa waxa
soo degtay suurada [Al Cimraan ] ayaayado ka mid ihi ay
tilmaamayaan waajibaadka xajka.
- Xukunka Xajka
Xajku waa waajib waana
rukun ka mid ah arkaamta diinta islaamka, Nabiguna (CSW) waxa uu yidhi (
Islaamka waxa lagu dhisay shan, 1. Qiritaanka Illaahay mooye in aan illaah
kale jirin Maxamedna uu yahay Rasuul illaahay 2. Tukashada Salaada 3. Bixinta
Sakada 4. Soonka 5. Xajka ) Waxa weriyay Bukhaari iyo Muslim
3. Xajku Ma si deg deg
ah ayuu waajib u yahay?
Haa waa loo deg degayaa
waana asalka awaamiirtiisa sharciga ah Axaadiista ku tusaya xukunkana waxa ka
mid ah.
- Abu hureera (RC) waxa
laga soo weriyay in uu yidhi (Waxa noo khudbadeeyay Rasuulkii illaahay
waxana uu yidhi Dadow waxa la idinku faral yeelay Xajka ee soo xajiya) Waxa
weriya Muslim
- Ibnu Cabaas (RC) waxa
laga soo weriya in uu Rasuulkii illaahay (SCW) yidhi (Qofka doona in uu
Xajtago ha u deg dego dhinaca Xajka waxa dhici karta haduu dib u dhaco in
uu bukoodo ama dhibaato kale ay ku timaado ama ay baahi ay ku soo banaanato)
Waxa weriyay Abu Daa’ud iyo Ibnu Maajid
Waxa kaloo uu Imaamul Axmed
soo weriyay (Udeg dega xajka faralka dartii qofna ma garanayo waxa uu la
kulmi doono)
Waxa ay ku tageen
Shaficiyiintu In uu Nabigu (CSW) dib u dhigay Xajka ilaa sannadkii Tobnaad
waxse loogu jawaabay.
- Nabigu (CSW) Dib umuu
dhigin Sannad waxa ka badan, Qaarbaa odhaya waxa dhib loo dhigay mudo aan
xadidnayn.
- Nabigu (CSW) waxa uu
doonayay in Mushkiriinta laga saaro oo laga nadiifiyo Beedka illaahay.
- Nabigu (CSW) waxa uu ku
Mashquulsanaa Waftiyadii yimi madiina ee ahaa dadkii soo muslimay.
4. Xajku waxa uu qofka ku
waajibay mar uun inta uu nool yahay
Abu
Hureera (RC) Waxa laga soo weriyay in uu yidhi Waxa inoo Qudbadayey
Rasuulkii illaahay waxana uu yidhi Dadow illaahay waxa uu idinku faral yeelay
Xaj ee soo Xajiya, ninbaa yidhi ma sannad kasta Nabigu (CSW) waa uu ka
aamusay ilaa uu ninki Sadex Jeer hadalkii ku Celiyay Nabigu (CSW) waxa uu
yidhi Hadii aan odhan lahaa haa waajib ayay idinku noqon lahayd idinkuna
maydaan karteen sannadkasta waxana uu yidhi ii sheega waxa aan idinka tago
waxa lagu halaagay kuwii idinka horeyay su’aashi faraha badnayd ee
Nabiyadooda ay waydiyeen iyo khilaafka ay khilaafeen, marka aan idin amro
inta aad kari kartaan la yimaada marka aan shay idinka nahiyona ka dheerada.
Waxa weriya Muslim
5.
Fadliga Xajka
Waxa
jira Xadiiso Faro badan oo ka waramaya Xajka waxana ka mid ah.
- Abu hureera (RC) ayaa
Rasuulka (CSW) waydiyay Camalka keeba ugu fadli badan Nabigu (CSW) waxa uu
ku yidhi waxa ugu fadli badan Rumaynta illaahay iyo Rasuulkiisa, Abu
Hureera waxa uu waydiyay maxaa ku xiga Nabigu (CSW) waxa uu ku yidhi
Jihaadka illaahay dartii loo galo hadana waxa uu ku yidhi maxaa ku xiga
Nabigu (CSW) waxa uu yidhi waxa ku xiga Xaj la bari yeelay)
- Waa in u Maalka lagu
Xajayaa uu ahaado Xalaal
- Waa in uu ka Dheerado
Faasuqnimo danbiga iyo muranka
- In uu la yimaado
Manasiitka si waafaqsan Sunaha Rasuulka (CSW)
- In aanad waji kaga doonin
illaahay mooye cidkale
- In aanu ka danbaysin
xumaan iyo faasuqnimo
- Abu Hureera (RC) waxa uu
ka soo weriya Rasuulka (CSW) waxa uu yidhi Rasuulka ayaan ka maqlay ninka
illaahay dartii u soo xaja ee la imanin wax faasuqnimo iyo xumaan ah
sharcigana aan ku xadgudbin waxa uu noqonayaa isagoo la mid ah sidi
maalintii hooyadii ay dhashay. Waxa weriyay Bukhaari Iyo Muslim
- Abu hureera (RC) waxa
laga soo weriyay in uu Rasuulkii illaahay yidhi Cimrada ilaa cimrada kale
waxa ay lagu dhaafa wixi danbi ah ee u dhaxeeya, Xajkana maba laha abaal
aan ahayn Janada. Waxa weriyay Bukhaari iyo Muslim
- Caa’isha (RC) hooyadii
muumuniinta waxa laga soo weriyay in ay tiri waxa aan idhi Rasuulkii
illaahayow miyaanan dagaal iyo jihaadka inila gelayn Nabigu (CSW) waxa uu
ku yidhi laakiin waxa ugu wanaagsan jihaadka waxana ugu quruxbadan Xajka,
Caa’isha waxa ay tiri intii aan hadalkaa ka maqlay Rasuulka (CSW). waxa
weriyay Bukhaari
- Cumar Binu Caas (RC) waxa
laga soo weriyay in uu yidhi: Rasuulkii illaahay (SCW) in uu yidhi Xajku
waxa u dumiyaa wixii ka horeyay.
- C/laahi Binu Mascuud (RC)
waxa uu yidhi Rasuulkii Illahaay (CSW) ayaa yidhi is raaciya Xajka iyo
Cimrada labadooduba waxay ay baabiiyaan faqriga iyo dunuubta sida ay
Moofadu ay u dhalaaliso Xadiidka iyo Dahabka iyo Jaandiga. Waxa weriyay
Tarmiidi
- Ibnu Cumar waxa laga soo
weriyay in uu Nabigu (CSW) uu yidhi: Qofka illaahay dartii u dagaalamaya ka
soo xajkaya iyo ka soo cimraysanayaaba waa wafti illaahay, illaahayna
ducadooda waa uu ka aqbalaa waxa ay waydiistaana waa uu siiya. Waxa
weriya Ibnu Maaja
6. Manaafacaadka Xajka
Manaafacadka xajku waa mid
diineed iyo mid aduunyoba
Hadii aynu ku horeyno ta
diineen waa si aanu u helno raali ahaansha illaahay iyo danbi dhaaf dunuubto
oo dhan ah iyo xasanaad faro badan oo aad u wayn taas oo aan laga helayn
Xajka mooyane meel kale, Salaada Masjidka Xaramku waxay la mid tahay 100,000
oo salaadood lagumana helayo dawaaf iyo orad halka mooyane, munaafacaadka
xajka waxa ka mid ah kulanka muslimiinta is ogaanta xaaladooda, kulanka ehlu
cilmigooga iyo waxa ay kala faa’iidaystaan iyo soo bandhigida mashaakilka
haysta kuwa ka mid ah musliinta.
Munaafacadka Aduunyo waxa
ka mid ah Ganacsiga iyo wixii kale ee la xidhiidha ama ku taxaluqa xajka.
7. Xukunka Xajka iyo
Raadadka uu ku yeesho Nafta
Gudashada cibaadada xajku iyo fadliyadeeda ee tirsan iyo heerka uu gaarsisan
yahay xukunkeedu fahmideeda iyo ku camal falkeeda waa adiga oo asiibay khayr
wayn waxana ka mid ah.
- Safar ay dadku u galaan
xajka soo gudashada cibaadadan waxay ay ku xasuusinaysaa safarka xaga
illaahay loogu kacayo ee daarta aakhiro, qofku marka uu safartago waxa uu
ka tagaa dadka uu jecel yahay, Ehelkiisa, Caruurtiisa iyo wadankiisa,
Safarka aakhirna waa sidaas oo kale.
- Matalan qofku marka uu
safar tagayo waxa uu qaataa sahaydiisa si uu ugu gaadho halkuu ku socday,
hadaba safarka uu ugu kacayo qofku dhinaca rabigii waa in uu u qataa sahay
uu kaga nabad gelyo illaahay agtiisa illaahay (SW) waxa uu yidhi “SAHAY
QAATA SAHAY LA QAATO WAXA UGU KHAYR BADAN ELE KA CABSIGEEE” [Suuratul
Baqra-197]
- Matalan safarku waxa uu
leeyahay dhibaato safarka aakhiro waa la mid ama kaba daranba, hadaba dadka
waxa sugaya nafta oo laga siibo, dhimasho, qabri, qiyaamaha oo la soo saaro,
xisaab, miisan, jidkii janada iyo naarta.
- Qofku marka uu xidho
maryahay xajka ma xasuusanayo waxan ahayn labadii kafan ee cad cadaa ee
qabriga qofka loo geliyo taasina waxa ay qofka ka dhigaysaa in uu ka
dheerado Xumaantii aduunyada sidii uu iska badalay maryihiisi oo kale waa
in uu dunuubtana uga tagaa sida uu u xidha maryaha cad cad ee nadiifta ah,
waxa la gudboon in qalbigiisa iyo xubnihiisuba ay ahaadaan nadiif aan
lahayn barbarta madow ee xumaanta iyo dinuubta ay ku sameeyaan.
- Goorta uu yidhaado LA
BEYK ALAAHUMA LA BEYK (illaahayow waanu ku adeecnay oo waanu ku
hogaansanay) waxa kaloo jira dinuub iyo gafaf uu qofku uuna ka tagin
isagoo leh illaahayow wixi aad iga nihiday waan ka dheeraday waana ka
tagayaa.
- Qofku marka uu ka tago
waxyaabaha looga digo inta uu ku jiro ixraamka uu ku mashquulsan yahay
digriga, waxa u cadanaysa arinti looga baahna in uu la yimaado, waxa
naftiis lagu tarbiyadeenayaa in uu ka tago wixii mubaax ahaa asal ahaan
laakiin illaahay ayaa ka xaaran yeelay halkan, markaa maxaa uu ka yeelayaa
wixi laga xaaram yeelay markasta iyo meelkastaba gelitaanka beetulaahi
xaraam ee illaahay ka dhigay meel u ah dadka nabad gelyo oo uu qofku ku
xasuusanayo wuxuu ku nabad geli lahaa qiyaamaha taana laguma helayo waxan
ahayn dhib iyo hawl waxa ugu weyn waxa dadku ku nabad galaan qimaaha
tawxiidka iyo ka dheerashaaha shirkiga illaahayna (SW) waxa uu yidhi “
KUWA MUUMINIINTA IHI KUMA QARIYAAN IIMAANKOOGA DULMI KUWA WAXA U SUGNAADAY
NABAD GELYO WAANA AY HANUUNSAN YIHIIN” [Suuratul-Ancaam-81]
Qaabilaada Xajaru Aswadka waa halka ugu horeysa ee laga bilaabo
Tarbiyadeenta wayntaanta sunaha Rasuulka (CSW) qofku waa in uuna ku qiyaasin
sharciga illaahay caqligiisa gaaban waa in uu ogaada waxa uu illaahay dadka u
sharciyeeyay In ay tahay xigmad iyo khayr naftiisana waa in uu ku tarbiydeeya
cibaada illaahay, Cumar Binu Khadaab (RC) waxa uu yidhi inta uu qaabilay
Xajaru Aswadka waan ogahay in aad tahay dagax aan dib iyo dheeftoona lahayn
hadii aanan arag Rasuulkii illaahay oo ku qaabilay ana kumaan soo qaabileen.
8. Dawaafidu waxa ay
ku xasuusinayasaa Ibraahim (CS) isaga ayaa dhisay beedka si uu dadka ugu
noqdo sugnaasho iyo amaan isagana ugu yeedhay xajka gurigan, Nabi maxamed (CSW)
waxa uu ku yimi ducadii Nabi Ibraahim (CS) sidoo kale waxa u soo xajay Nabi
Muuse iyo Yuunus iyo ciise (CS) gurigani waxa uu u ahaa bal kulan anbiyadaa,
illaahaya (SW) ayaa ku amray Nabi Ibraahim (CS) in u dhiso oo uu weyneeyo.
9. Cabitaanka biyaha
Samsamku waxa ay ku xasuusinayaa Nimcada illaahay ee uu ku galaday
adoomihiisa, Biyaha barakaysan waxa caba malaayiin qof sannado faro badan
Nabigu (CSW) waxa uu dadka ku diiro gelin jiray marka ay cabayan biyaha
samsamka in ay yidhaadaan BIYAHA SAMSAMKU WAXAY LEEYIHIN WIXI LOO CABO.
Waxa weriyay ibnu maajid
10. Orodka Safa iyo
Marwo waxa uu ku xasuusinayaa shaqsiyadii Haajira Nabi Ismacil (CS)
hooyadii oo ahayd gabadhii Nabi Ibraahim (CS) ibtiladii iyo imtixaankii ku
dhacay side ayay ahayd? Waxa ay ka dhex noqnoqonaysay Safa iyo Marwa iyadoo
daydayaysay biyo ay waraabiso ilmaheeda yare ee ismacil, hadaba markii ay
samirtay dhibaatadana ay ku samirtay oo illaahay ay isku xidhay, hadaba
raguna waxa ay ku xasuusanaya jihaadka iyo dadaalka ay dumarku ay ugu jiraan
iyo samirka ay leeyihiin waxanu isku dayayaa in uu ka khafiifiyo wixii culus
ah, dumarkuna waxa ay ku xasuusanayaan in ay haweenka la midka ah ay u
fudeediyaan wixi dhibaato ah ee la soo gudboonada.
11. Istaagida Carafa
waxa ay Xasuusinaysaa Cidhiidhiga iyo fara badnaanta dadku soo saarida
qiyaamaha, waayo qofka xajay waxa uu ku noqdaa daal iyo tabcaan faraha
badnida dadka is jiiraya awgeed, hadaba maxaad u malaynaysaa qiyaamaha oo
dadka la soo wada saaro iyagoo caydh ah oo qaawan oo taagnaanayay maalin lagu
qiyaasay 50,000 Sannadood.
12. Dhagaxaanta la tuuro
qofka waxa ay ku celinayaa naftiisa si uu uga
xadidnaado naftiisa adeecida illaahay hadii uuna garanayn faa’iidada iyo
xigmada ay leedahay ama aanu karaynba in uu isku xidho axkaamta iyo cadaynta
cibaadada illaahay.
13. Xoolaha la qalayaa
waxa ay ku xasuusinayaan dhacdadii weynayd ee Nabi Ibraahim (CS) amarkii
illaahay ku siiyay in uu gowraco inankiisa ismacil markii uu gaboobay
ismacilna uu ahaa maciinka (qof u shaqeeya ) iyo sida ay caadifadii ay u
weyday meel ay ka dhaafo khilaafida amarka illaahay, sidaas oo kale waxa la
baray in uu aqbalo wixi uu illaahay amray “AABAHAYOW SAMEE WIXII ILLAAHAY
KU AMRAY WAXA AAD IGA HELI DOONTAA HADII ALE YIDHAADO IN AAN KA MID NOQDO
KUWA SAABIRIINTA AH” [Saafad-102] markii loo xalaaleeyay wixi laga xaram
yeelay taasi waxay ay bartay in uu ogaado samirka cidhib wanaagiisa iyo in
culuskasta fudeed ka danbeeyo adeecida amarka illaahayna ay ku danbayso
farxad iyo rayn rayn faraxadana waxa dareemo uun qofka aadu dhadhamiya
macaanka illaahay adeecidiidsa sida qofka soomani marka uu afurayo oo kale
iyo qofka tukanaya salaatu laylka dadkoo hurda.
15. Marka ay dhamaato
cibaadada Xajku oo qofku la yimaado wixii illaaahay ku sharciyeyay ee
waajib ahaa, qofku waxa uu illaahay ka rajayanyaa in uu dhaafo dunuubtiisa oo
dhan sida uu illaahay uga balan qaaday, Nabigu (CSW) waxa uu yidh qofka soo
xaja ee la iman wax dunuub iyo Xumaan ah waxa uu noqonayaa sidii maalintii ay
hooyadii ay dhashay oo kale. Waxa weriyay bukhaari iyo muslim
si qofka loogu furu xashi
cusub oo noloshiisha ah oo ka madhan dunuub iyo gafaftoona.
16. Qofku marka uu ku
noqdo ehelkiisa iyo gurigiisa waxa uu ku farxayaa la kulankooga taasi oo
xasuusinaysa farxada weyn ee ah ku kulanka janada waxanu ogaanaya khasaaruhu
in uu yahay khasaaraha nafta iyo ehelka maalinta qiyaamaha sida illaahay
yidhi “WAXA AAD TIRAAHDA KUWA QASAARAY WAA KUWA AY KHASAAREEN NAFAHOOGA
IYO EHELKOOGA MAALINTA QIYAAMAHA ARINKAAS BAANA AH KHASAARO WEYN” [suuratul
Sumar-15]
Illaahay ayaanu
waydiisanaysaa in uu na waafajiyo daacaadkiisa gudashada xajka iyo ku
taagnaanta waajibaadka kale.
Turjumaasha iyo
Qorayaasha
Axmed Ismacil Xasan
C/fataax Xasan Adan
Siciid Cumar yuusuf
cabdifataax_96@hotmail.com