Hordhac
Ujeeddada loo tiriyay maansada dawo
Maansada Dawo waa billowgii
silsilad-suugaaneedka cusub ee la magac baxday Doodwanaag.
Waxaa curiyay maansadan Maxamed Cali Cibaar oo ah arday cilmiga Hindisaha
(Architecture) ka barta Jaamacadda Delft University of Technology ee
waddanka Nederlaan. Waxay maansadani ka mid aheyd hadiyado uu Ururka
Ardayda Soomaaliyeed ee waddanka Nederlaan guddoonsiiyay Abwaan Maxamed
Ibraahim Warsame ”Hadraawi” markii uu socdaalkiisii Nabadda ku marayay
waddankaasi bartamihii bishii Nofeembar, sannadkii 2003da
Ujeeddada ugu muhiimsan ee suugaantan cusubi waa
in la baraarugo loona huro naf iyo maal sidii loo badbaadin lahaa
jiritaanka ummaddii somaaliyeed oo maanta u muuqda mid mugdi sii galayo,
haddii aan Alle u gargaarin. Waxay suugaantani taageero u tahay oo ay
garab taagantahay guud ahaan inta ku howlan halgankana ugu jirta
midnimada iyo nabadeynta Ummadda Soomaaliyeed.
Maxay ka hadleysaa maansada Dawo?
Ararta maansada kadib, wuxuu Maxamed tilmaamay
ujeeddadii ku qasabtay in uu maansadan curiyo, taasoo uu sheegay in ay
tahay gudidda abaalkii Ummadda. Maxamed wuxuu ka mid ahaa ardaydii
nasiibka u heshay in ay waddankoodii hooyo ku bartaan waxbarasho illaa
heer jaamacadeed ah wuxuna xusay canshuurtii laga soo ururin jiray dad
aan awoodi karin iyo dadaalkii macallimiintii saboolka ahaa oo xaqoodii
uu ku tilmaamay inuu yahay deyn iyo diyo ku maqan.
Intaa kadib waxay maansadani tilmaameysaa,
inkastoo dhaawac weyni jiro in haddana uusan xaalku quus aheyn oo haddii
lala yimaado dadaal iyo is faham wali ay jirto fursad wax badan lagu sixi
karo. Waxa kale oo ay maansadu abbaartay kaalinta ay suugaantu kaga
jirtay waayihii ay ummaddu soo martay iyo waliba sida loogu baahan yahay
in marxaladda qallafsan ee hadda lagu jiro ay ka qaadato kaalin
hormuudnimo sidii umadda looga samatabixin lahaa mashaakilaadka isku
biirsaday. Waxay ka codsaneysaa indheergaradka ummadda in ay u istaagaan,
kana gilgishaan xaaladda murugada leh ee aan maanta dhex muquuraneyno.
Waxa ay maansadu xustay digniino iyo arrimo loo
baahanyahay in aad looga feejignaado si aanay hadhoow turaanturro ugu
noqon mustaqbalka halgankan. Ugu dambeyntiina Maxamed wuxuu tilmaamay in
ay adduunka ku soo biireen musiibooyin lagu diimo oo aan horay loo aqoon,
kuwaasoo ay dambiyadeennu keeneen. Wuxuuna kula talinayaa guud ahaan
ummadda soomaaliyeed in ay ka fogaadaan Sheydaanka kana waantoobaan
dagaallada sokeeye oo aan dan u aheyn aakhiro iyo adduunba. Waxa kale oo
uu kula taliyay in loo baahan yahay dadaal iyo dulqaad badan, xalka
kaliya ee mushkiladdeenuna uu yahay in loo noqdo Ilaahii ina khalqay,
lana raaco wixii uu ina faray iyadoo gows dambeedka lagu qabsanayo
kitaabka iyo sunnaha
C/sadiiq Cali