SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - HOLLAND

March 19, 2004

Fannaanaddii Caanka ahayd ee Magool oo Geeriyootay

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...



FAAQIDAADA CIYAARAHA... GUJI

XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO
Waxaa maalintii shalay ahayd ku geeriyootay dalka Holland, gaar ahaan Casimadda dalkaas ee Amsterdam ku geeriyootay Fannaanaddii caanka ahayd ee Xaliima Cumar Khaliif Magool oo iyadu waayadaanba ku xanuunsanaysay isbitaal ku yaal dalka Holland.

Xaliimo Khaliif, waxay ku dhalatay Gobolka Gal-guduud, waxay ahayd qof caan ah oo laga yaqan dalka gudihiisa iyo dibaddiisa, waxayna fanka ku soo biirtay sannadihii lixdameeyadii, waxayna ka mid noqotay markii ugu horreysay kooxda Waabari Hareysa, waxayna heestii ugu horreysay ee ay qaado ay ahayd Heestii Banaadiri oo ay qaadday 1963-dii, waana heesaha loo yaqaan heellada, sidoo kale waxay Magool qaaday sannadkaas sannadkii xigay heesteedii labaad oo lagu magacaabi jiray Rakaat.

Magaca Magool, mar wax laga weydiiyay waxay tiri: “Raadiyo Hargeysa ayaa dadweynihii Soomaaliyeed u badhigay in la keeno Magac loo bixiyo ama lagu lamaaniyo Xaliimo Khaliif Magaceeda, waxaana arrintaas Abaal marin ku helay Yuusuf Xaaji Aadan oo isagu keenay hees ay ku jirto Magool, iyadoo abaal marintii uu helayna uu waqtigaas ku qaybiyay fannaaniintii markaas ku sugnayd Hargeysa.

Xaliimo Khaliif mar wax laga weydiiyay cidda ku dhiirri gelisay fanka waxay sheegtay in fanka uu ku dhiirrigeliyay nin la yiraahdo Maxamed Xaashi oo ay sheegtay in waqtigaasi uu ku hayay ama ay ku noolayd gurigiisa.

Xaliimo Khaliif waxay billad ku heshay qaaradda Afrika iyadoo noqotay haweeneydii saddexaad oo afrika ugu caansanayn xagga hablaha fannaaniinta ah, iyadoo billaddii ay heshay uu u soo qaaaday Madaxweynihii hore ee Somalia Maxamed Siyaad Barre, waxayna billaddaas ay ku heshay heesta caanka ah ee AQOON IYO AF-GARAD, waxay kaloo ku caan baxday heestii iyana lagu magacaabi jiray AFIKAAY HURUDOOY, Xaliimo Khaliif 1978-dii ayay isku dhaceen Madaxweynihii hore ee Somalia Maxamed Siyaad Barre, taasina waxay keentay inay dalka isaga cararto, balse 1987-dii ayay dalka dib ugu soo laabatay waxayna dhigtay bandhig faneedkii la magac baxay MUQDISHO IYO MAGOOL.

amiinkhasaaro yuusuf
amiinkhasaaro@hotmail.com

Dalladda isu taga saxaafiyiinta somaliyed (ASOJ) oo tacsi u dirtay ehelkii ay ka Geeriyootay fanaanadda caanka ah ee Magool

Gudoomiyaha daladda isu taga saxaafiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ Dahir Abdulle ALasow(dahiryare)ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray dhamaan axsaabtii ay ka geeriyootay fanaanadda caan ka ah boqoradda codka Xaliimo khaliif Magool.

Inkastoo Magool fanaan caan baxday aheyd hadana waxaa ay ka mid aheyd saxaafiyiinta Soomaaliyeed tacsi,dhamaan saxaafiyiintana tiiraanyadda waa ay la qeeybsanayaan ita ay ka tagtay gaar ahaan bahda ASOJ tacsi taas la mid ahna waxaa dirayo,tafatiraha shabaakadda ISLIINET Liibaan Cabdi dacar iyo Maamulaha shabakadda Max,ed Axmed cali MSANDIIR.

fanaanada Magool waxaa ay aheyd fanaanad sidda bisha oo kale uga soo dhex muuqato shacabka Soomaaliyeed

kadib wax yar uun marka laga war helay in ay geeriyootay boqoradda codka Xaliimo khaliif magool waxaa mar qura tiiraanyo hareeysay madasha shirka iyo fanaaniinta iyo shacabka Soomaalida ee ku nool dalka kenya

Ergooyinka ayaa aad uga naxay geeridda ku timid boqoradda codka ,waxaa ayna tacsi u direen dhamaan intii ay ka geeriyootay.allaha u naxriisto magool ,,uinaalilaahi wa inaa ilaaheey raajacuun.

Dahir Alasow
dahiryarestntv@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 19, 2004 

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD