SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

March 20, 2004

In ka badan 60 qof oo ku Dhimatay dagaalka ka soconaya Xeraale

Waxaa mar kale dagaal kharaari dib uga bilowday degaanka Xeraale,dagaalkaasoo u dhexeeya beelo wada dega gobalka galgaduud,wararka lagu helayo fooniyaha ayaa sheegaya in dagaalku uu bilowday galabnimada 18-3-2004,isagoo ahaa dagaalkii ugu cuslaa oo dhexmara labadaas beelood oo ilaa iyo hadda wax isku xilqaamay inay damiyaan colaadaas ayan jirin,warku waxuu intaa ku darayaa in ugu yaraan 63 qof ay ku dhintaan dirirtaas tiro aad uga badan intaasna ku dhaawacmeen,ayadoo la isla gaaray ilaa iyo fiidnimadii haddana lagu jiro dhaawac iyo dhimasho urursi.

Dadka ku dhintay dagaalka ayaa la sheegayaa inay ku jiraan dad rayida oo ay ka mid yihiin haween iyo caruur sababtoo ah dagaalka oo aan ka fogayn tuulada Xeraale,oo madaaficda la isku ridayo ayaa qabsanaysa reer ku dhexjira aqalkooda sidoo noo cadeeyay nin ku haysta fooniye meelaan ka fogayn halka dagaalku ka socdo.

dhiigga ka socda xeraale waxuu u muuqdaa dagalkii ugu dhimashada iyo khasaaraha badan ee indhawaale ka dhaca dalka Soomaaliya,odayaal iyo culumaaudiin iskudayay inay damiyaan colaadaas ayaa dhawaan ka dayriyay heshiis dhexmara labadaas qolo kadib markii beeli ku gacan sayrtay inay gogol nabadeed timaado ayay yiraahdeen.waxaa sidoo kale dhegjalaq usiin wafuudda joogta Nayroobi oo tiraba dhowr jeer laga codsaday inay heshiisiiyaan beelahaas oo cuqaal iyo siyaasiyiinba ka joogaan Shirka nayroobi.

Cabdi Xasan Somalitalk.com/Muqdisho
abdi172@hotmail.com

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...



FAAQIDAADA CIYAARAHA... GUJI

XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO
 
BAAQ NABADEED OO KU WAJAHAN WALAALAHA KU DAGAALAMAYA DEGAANKA XERAALE

Farhan Farah  farahf@sbcglobal.net

Waxaa wax laga naxo iyo musiibo kale oo usoo hoyatay ummada Soomaaliyeed lagu tilmaami karaa dagaalada arxan darada ah ee dadka walaaala ah u dhexeeya deegaanka xeraale.

Dirirta macno darada ah iyo is dilka dadka daris iyo dhalasho wadaag ah ee dagaanka Xeraale waxay dad badan ku abuurtay dareen horleh iyo dhiilo colaadeed oo Soomaaliya ka soo cusboonaato mar labaad. Dadka isleynaya waa dad is ku diin ah Hal ilaah iyo hal Nabi leh hal midab iyo hal af leh dhalasho iyo dagaan wadaag leh.

Sidaas darteed waxaan ugu baaqeynaa walaalaha ku dagaalama degaanka xeraale in lagaaray waqtigii la garan lahaa in nabad wax lagu raadiyo waayo waxaad maanta aragtaan sanad ku dhawaad dagaalka socday khasaaro maal iyo moodba leh mooyee inuusan faa'iido kale dhalin. Walaalayaal intiina caqliga u saaxiibka ah, culima u diinka, wax garadka, odayaasha, iyo qaybaha kala duwan ee ay quseyso arinta xeraale waxaan ugu baaqeynaa xabad joojin dagdag ah oo shuruud la'aan ah labada dhicanba iyo inay tixgaliyaan bini'aadanimada rabigoodna ka xishoodaan lana raadsho wado kale oo wax lagu xalin karo si loo badbaadsho dhiig danbe oo ku daata macno daro. Hadii xabad xal keeni lahayd kuwii horaa ku keeni lahaa cid kasta oo qabta fikirka ah in xabad xal lagu gaari kara waa cid wali riyooneysa kana dhacsan xaqiiqada jirta . Waa in loo noqdaa rabi iyo shareecada islaamka laguna kala baxaa meeshii laga adeegsan lahaa awood macno daro ah oo aan meel gaarsiisneyn. Waana in lagu dadaalaa bal in caqli kale wax lagu raadsho. Ummada Somaaliyeed iyo gaar ahaan walaalaha dariska la ah beelaha diriya waxaan ku boorinayaa inay si daacad iyo cadaalad ah u kala dhex galaan walaalahood, isugu geeyaan awoodooda iyo waxay caqligooda siday nabad u kala dhex dhigi laahaayeen labadaas beelood ee walaalah ah.

Nabada, xasiloonida iyo wada noolaanshaha ayaa horu marku ku jiraa iyo danta ummada somaliyeed. Dilka xasilooni darada, dhaca, kufsiga, boobka, fowdada iyo kala danbeyn la'aanta ayaa sabab u ah dub u dhaca iyo dacdarada haysata ummada soomaaliyeed meel kasta oy joogaanba. Mar labaad waxaan dhiiri galineynaa in caqliga la kaashada dibna la isgu noqdo gaar ahaan odayaasha fursadna la siiyo nabada.

Tan labaad dagaaladii sokeeye ee somalia ka dhacay waxaa Soomaalidu ku ogaatay in Qabiil qabiil kale ka awood badan inuusan jirin is jiid jiidkii, is cayrsigii iyo hadba meel isu cayrintii qabaa'ilada somalidu waxay cadeyn iyo markhaati adag u ahaayeen dad badana garteen inaysan somali kala awood badnayn balse ay kala qabwayntahay.

Tusaale, isku celcelis labada dhinacba in kabadan 200 oo nin ayaa ku dhimatay in kabadan labo jeer tiradaasna waa ku dhaacmeen burburka iyo qaxa iyo khasaarooyinka kale ee dagaalkan geystay lama soo koobi karo.

Walina waa taaganyihiin.

Nanbada oo laqaato ayaa diinka wanaagsan dagaalkoo dii socda hadaad garaneynsaan.

W/Bilaahi Towfiiq .

Farhan Farah  farahf@sbcglobal.net

Faafin: SomaliTalk.com | March 20, 2004 

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD