SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

March 25, 2004

WARARKA MUQDISHO EE MAANTA
W/Q.C/wali Ibraahim Aadan (Garyare)

Garyare20@hotmail.com  garyare20@yahoo.com  garyare@msn.com 

  • Maamulka Gobalka Shabeeladda Hoose ayaa ku dhawaaqay in dib loo furay Dekadii Qadiimiga ahayd ee Magaaladda Marka,
  • Qaramadda Midooday oo ka hadashay markii ugu Horeysay Haweeneydii lagu inta u dhexeysa Hargaysa iyo Barbare
  • Midowga Yurub ayaa ugu deeqay Somalia Adduun dhan 8 Milyan oo Lacagta Yuuroowga ah,
  • C/risaaq Xaji Xuseen oo ku Baaqay inaysan Xilka ugu sareeya Qaban labada Beelow ee kala ah Daarood iyo Hawiye,waa maxay sababtaasi.

Maamulka Gobalka Shabeeladda Hoose ayaa ku dhawaaqay in dib loo furay Dekadii Qadiimiga ahayd ee Magaaladda Marka,

Hadal loogu talagalay Saxaafadda oo ka soo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Gobalka Shabeeladda Hoose, Shiiq Yuusuf Indhacade ayaa lagu sheegay in dib loo furay Dekadda Dabiiciga ah ee Marka, Wuxuuna sheegay in sidoo kale dhawaan la furi doono Garoonka Diyaaradaha ee Ceel Axmed,

Indhacade waxa uu sheegay inay soo dhamaystireen qalabkii ay ku shaqayn lahayd Dekadda, Wuxuuna sheegay in dhawr Sactar uu keenay Dekadda Ganacsade C/rashiid Ilqayte, kuwaasoo fududayn doona adeegyadda Dekadda Marka,

Maraakiibtii ugu horaysay ayaa la filayaa inay caawa ku soo xirtaan Dekadda Marko, waxaana ka mida Maraakiibtaasi saddex markab oo mid ka mida uu Waddo Galeey Mucaawino ah, halka labada kalana Marka looga rarayo Moos iyo Lo’o, sida aan ka soo xiganay Masuuliyiin ka Tirsan Maamulka Gobalka Shabeeladda Hoose,

Dib u furidda Dekadda Marko ayaa lala xiriirinayaa kadib markii la soo afjaray muran soo jiitamayay muddooyinkan oo u dhaxeeyay Maamulka Gobalka Shabeeladda Hoose iyo Maleeshiyooyin ka amar qaata Ganacsade C/rashiid Ilqayte,

Dekadda Marka oo bilawgii Sagaashameeyadii ahayd Dekadda Kaliya ee ay isticmaalaan Koonfurta Somalia ayaa xirantay kadib markii duleedka Muqdisho laga furay Dekadda Dabiiciga ah ee Ceel Macaan,

Dadaaladda la doonayo in dekadaha dabiiciga ah lagu hawl galiyo ayaa soo baxaya xilli ay xirantahay dekadii waynayd ee Muqdisho, iyadoo ay u muuqato dekadaasi in la hilmaamay doorkeeda isla markaana ay bulshaddu u hanqal taagayso Dekaddo yar yar,

C/risaaq Xaji Xuseen oo ku Baaqay inaysan Xilka ugu sareeya Qaban labada Beelow ee kala ah Daarood iyo Hawiye,waa maxay sababtaasi.

Ra’iisul wasaarahii hore ee soomaaliya C/risaaq Xaaji Xuseen ayaa waxaa uu ka hadlay sababii uu dhawaan usoo saaray qoraal dheer oo uu kaga hadlayey in Beelaha Hawiye iyo Daarood aysan hogaanka soomaaliya qaban 5ta sano ee ugu horeeysa dowlada soomaaliya mustaqbalka ka dhismidoonta.

C/risaaq Xaaji Xuseen waxaa uu ku taliyay in Beelaha Hawiye iyo Daarood aysan qaban Taladda Dalka Somalia, wuxuuna sheegay in labadaasi Beelood ay muddo dheer ku soo hardamayaan jagada ugu saraysa Somalia sidaas darteedna aysan xaq u lahayn inay dalka kaligood xukumaan, isagoo C/risaaq sheegay inuu jeclaan lahaa in xukunka markan loo dhiibo Beelaha Kale ee Soomaalida oo aaminsan in la dulmay,

“ waan oganahay in Max’ed Siyaad bare uu 21 sano hayey xukunka dalka,waxaana dhibaatadii ugu ba’neyd uu gaarsiiyey Daarood dhexdiisa” ayuu yiri C/risaaq Xaaji Xuseen oo intaana raaciyey in dadka Daaroodka lagu eedeyo in ay Dadku adoonsadeen xiligii xunkunka Max’ed Siyaad uu hayey. Wuxuuna taageeray in la saaro Masuuliyadda wixii dhacay 30 kii sanno ee Maamulka dalka ay hayeen Siyaasiyiinta Daarood,

C/risaaq Xaaji Xuseen waxaa sidookale uu ka hadlay qasaarooyinkii dagaalada sokeeye ee ka dhacay soomaliya, Wuxuuna sheegay in loo kala saarayo labo qaybood qaybta hore ee 30 kii sanno ee xukunka ay hayeen Siyaasiyiinta Daarood dhibaatadii dhacday waxaa masuuliyadeeda qaadaya sida uu sheegay Daarood, laakiin waxa uu sheegay in wixii dhacay xilligii ay Somalia ka socdeen dagaaladda Sokeeye ay masuul ka yihiin Beelaha Hawiye, C/risaaq Xaaji Xuseen oo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yiri:-

C/risaaq Xaaji Xuseen oo mar ka ahaa Ra’iisul Wasaare Dawladii rayidka ahayd ee Somalia ayaa dhawaan qoraal uu soo saaray waxaa lagu shaaciyay Shabakadaha Internet-ka ee Somalia, Laakiin dad badan oo Soomaali ah ayaa naqdiyay Fikradda C/risaaq Xaaji Xuseen,

Midowga Yurub ayaa ugu deeqay Somalia Adduun dhan 8 Milyan oo Lacagta Yuuroowga ah,

Madaxa Xafiiska u qaabilsan Arrimaha Bini’aadanimadda Midowga Yurub, Poul Nielson ayaa sheegay in lacagtan uu Midowga Yurub ugu talagalay in wax looga qabto Daryeelka Caafimaadka Aas Aasiga ah, Faayadhawrka, Helista biyo nadiif ah iyo gaarsiinta Cunooyinka dadka tabaalaysan, Waxaana uu sheegay in Midowga Yurub uu dabagal ku samayn doono sida Mashaariicdaasi ay u fulaan,

Midowga Yurub waxa uu sheegay in Somalia Kunkii caruur ahba marka ay dhashaan ay ka dhimato 132 Caruur ah cel celis ahaan, Waxaana dhimashadda caruurtaasi ay u sababeeyeen Cuduradda Shubanka, Maleeriyadda, Neef Mareenka iyo cuduro kale,

Midowga Yurub waxa uu sidoo kale sheegay in dadka Somalia ku nool boqolkiiba Soddan aysan haysan Daryeel Caafimaad oo ku filan, waxay kaloo Midowga Yurub sheegeen in caruurta ka yar Shanta sanno ay boqolkiiba Shan iyo Toban u dhintaan Cudurka Shubanka,

Deeqdan oo qayb ka ah deeq uu Midowga Yurub u fidiyay dhawr dal oo ay Somalia ka mid tahay ayaa waxaa ay ku kooban tahay dhinaca bini’aadanimadda oo kaliya,

Qaramadda Midooday oo ka hadashay markii ugu Horeysay Haweeneydii lagu inta u dhexeysa Hargaysa iyo Barbare

Qaramadda Midoobay ayaa cambaaraysay dilkii dhawaan Somali Land loogu gaystay Haweeney Kenyati ah oo u shaqaynaysay Hay’adda GTZ,

Xiriiriyaha Gargaarka deg dega ah ee Qaramadda Midoobay, Jan Egeland ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin weerarka lagu dilay Samafaladaas u shaqaynaysay GTZ oo uu sheegay inay astaan u tahay in shaqaalaha gar gaarka ee ka hawl gala Somalia ay ka shaqaynayaan dal Qatar badan ay ka jirto, Wuxuuna sheegay inay lagama maarmaan tahay in la helo Masuuliyad damaanad qaada Ammaanka Shaqaalaha Samafalka,

Dhinaca Hay’adda isku duba ridka gar gaarka Somalia ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano SACB ayaa iyaduna cambaaraysay dilkaasi, waxayna ku tilmaantay fal naxdin leh oo ka hor imaanaya bini’aadanimadda,

SACB waxay sidoo kale walaac ka muujisay Ammaanka Somalia oo ay sheegtay inuu sii xumaanayo Isla markaana ay adag tahay in laga sii shaqeeyo haddii aan la damaanad qaadin Ammaanka Samafalayaasha.

Gabadhan Kenya oo u dhalatay oo shaqaynaysay Hay’ad Jarmal ah oo la yiraahdo GTZ ayaa waxaa lagu dilay inta u dhaxaysa Berbera iyo Hargaysa, waxaana illaa iyo hadda loo xiray dilkeeda dhawr qof oo ay Maamulayaasha Somali Land ku sheegeen inay ka yimaadeen Koonfurta Somalia,

W/Q.C/wali Ibraahim Aadan (Garyare)
Garyare20@hotmail.com  garyare20@yahoo.com  garyare@msn.com 

WARARKA MAARSO 23:
» Somali Land oo ku eedaysan Dilka Haweenaydii Kenya u dhalatay Ururka Al-Itixaad.
» Qaban Qaabo Xoogan oo loogu jiro Aaska Magool,
» Wasiiradda Arrimaha Dibadda IGAD oo go’aano ka soo saaray Shirka Kenya,
» Gudoomiyaha degmadda Buula Barde oo walaac ka muujiyay xariga xubnaha ka tirsan maamulka Gobalka Hiiraan,
»
C/qaasim oo ku faanay inay nabad galyo ka jirto Somalia.
» Aadan Saransoor oo sheegay inay ka tashanayaan cidii badali lahayd Shiiq Aadan Madoobe.
» Maraykanka oo sheegay inay aad uga xun yihiin dilkii Shiiq Axmed Yaasiin.
» Qaraxyo Ka dhacay Ciraaq,
Dhammaan ka akhri halkan... Maarso 23

Faafin: SomaliTalk.com | March 25, 2004 
Dhaqantoosinta iyo La dagaallanka AIDS-ka
Ka digtoonaansho qorshaha shisheeye oo ah mindi laba-afle ah  Guji

XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD