SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - 7 QODOB

March 25, 2004

Waxyaabaha Carqaladeeyey Shirka Nairobi

Mas'uul Soomaaliyeed oo weydiistey in aan la magcaabin ayaa qoraal uu SomaliTalk soo gaarsiiyey ku bilaabay sidan:

Waxyaabaha Carqaladeeyey Shirka Kasocda Nairobi waxaa kamid ah:

HADALKII MOI
Moi oo ka hadlayey Jaamacadda American Defence University ee magaalada Washington wuxuu hadalkiisa gundhig uga dhigay waxa uu ku tilmaamey Soomaaliya oo sheegan jirtey qaybo ka mid ah dalalka Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti. Wuxuuna sheegay in, waxa uu ugu yeedhay riyadii Soomaaliya ee ahayd dhulbalaarsiga, ay shaki ku abuurtey dawladaha dariska la ah Soomaaliya. Madaxweyne Moi wuxuu intaas ku daray in wadamada dariska la ah Soomaaliya ay ka cabsi qabaan in haddii Soomaaliya isu timaado oo nabad iyo barwaaqo ka dhacado ay suurtogal tahay inay soo nooleyso sheegashada dhulka ka maqan Somalida...  Xoriyo sept 2003
QAADKA KENYA vs NABADDA SOMALIA
Waxaad arkaysaa maalin walba diyaarado caws(QAAD) sida oo noo keena Xamar markay ku noqonayaan Nayrobina naga sii qaada diyaarado doolar ka buuxo, kaaga sii darona isna waxuu noo bilaabaa markii salaadda duhur soo dhowdahay bulxan iyo qaylo la leeyahay SOODHACYEEY Guji...
QAYBSIGII SOOMAALIYA
1894 ayaa heshiiska loo yaqaab "Tripartite Accord" waxaa wada garey Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [Italy], iyo Itoobiya [Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya. Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka soo eegaya badweynta Hindiya oo waagii dambe loo bixiyey Italian Somaliland. Heshiiskaasu wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka galbeed ee Soomaaliya ee loo yaqaan Ogaden.. Guji..
HADALKII PROF. MENKHAUS
menkhaus"Waa in aynaan kuxiraan in aan akhbaarta keliya ka qaadano Itoobiya kuwaas oo inkasta oo ay saaxiibadeen yihiin haddana waxay wataan qorshe iyaga u gaara oo aan caddayn, waxayna kabadbadiyaan khatarta." sidaas waxa yiri Ken Menkhaus, oo professor sare ka ah Davidson College, USA, kaas oo ku takhasusay Soomaaliya iyo dhaqdhaqaaq yadeeda Islaamiga ah, islamarkaana  lataliye xagga siyaasadda uga ahaa hawlgalkii Qaramada midoobey ee Soomaaliya, marka uu hadalkaas yiri waxay ahayd talaado November 27, 2001 asagoo ka hadlayey kulanka Carnegie Endowment for International Peace symposium (Washington, D.C.) oo looga hadlay Afrika, Islaamka iyo argagixisada "Africa, Islam, and Terrorism". GUJI....

1. Faa'iidada iyo danta Kenya ay kahesho ganacsiga Soomaaliyeed iyo weliba Lacagaha ay kaga qaadato Dunida ee ah waxaan hayaa qaxooti Soomaaliyeed. Tusaale waxa ku ah Soomaalidu ganacsiga Kenya ay keentay iyo Laamaha Canshuurta qaada ee Xaafadda Eistleigh ee Soomaalidu Degto siday dhaqaalo uhaysato.

2. Kenya oo lacag badan kuqaadata "Soomaaliya Argagixisaa Joogta" waxaana markhaaati kuu ah Lacagtii udanbeysa ee lasiiyeey Madaxweynaha Kenya markuu Maraykan yimid.

3. Ethiopia Iyo Kenya oo heshiis Ku ah Inaan Soomaaliya dawlad Xooglihi Kadhalan waayo Waxaa soo noqonaya Sheegashadii Soomaaliweyn oo NFD iyo Ogadeeniya marlabaad waxay noqonayaan meel Soomaalidu kugorgortanto waxaana markhaati kuu ah Arintii Uusheegay madaxweynihii hore ee Kenya Moi. Sidoo kale waxaa Kenya iyo Ethiopia kuheshiiyeen inay mideeyaan Ciidamadooda sanadkii 1987 si ay uga badbaadaan Carqaladda Soomaaliya.

4. Xad dhaafka tiradda badan Ee NGO-yada ee saldhigu u yahay Nairobi oo ka sameeya hanti xad dhaaf ah kuna hela Magaca Ummadda Soomaaliyeed ee aan badidoodu weligood tegin meel Somaaliya kamid ah, taana lasoco Kenya dan baa ugu jirtee. Mida labaad Mashaariicdaa Shisheeye ee ku adeegta Magaca Ummadda Soomaaliyee waxay laaluush siiyaan Dagaal-oogayaasha si ay ufogeeyaan Jiritaan ummadda Soomaaliyeed.

5. Ethiopia oo go'aankeedu yahay Inay dib udhigaan intay udhigikaraan Dawlad Soomaaliyeed iyadooy ugu wacantahay sedan:

  • · Soomaaliya iyo Etiopia oo cadaawad diimeed dhextaalo
     
  • · Ethiopia oo og haddii Soomaali lahelo Ogaadeeniya inay faraheeda kabaxayso
     
  • . Ethiopia oo haysata dawlado lasafan oo kacaawiya Baabi’inta Ummadda Soomaaliyeed, Taana markhaati waxaa kuu ah: Sida Ethiopia ay wadamo Uga gaday in Soomaaliya ay joogaan Argagixiso. Bal eeg hadalkan: "Ethiopia waxay muddo dheer ahayd tan ugu weyn ee kasoo horjeeda Soomaaliya, siyaasadeeda arimaha dibaduna waxay weligeed ahayd in ay Soomaaliya ka dhigto mid taag daran oo kala qaybsan" sidaas waxaa qoray Richard Dowden oo wax ka qora arimaha Afrika, waxana uu qoraalkaai ku qoray caddadkii December 13 ee jariidada Ingriiska ka soo baxda ee  Guardian.
     
  • · Ethiopia oo Soomaalida ubaratay si ayan horey ugu aqoon kana faa iidaystay kala daadsanaantoodaa

6. Nasiibdarro waxaa kaloo sii fogaynaya heshiis laga gaadho Shirka kasocda Kenya waa Dad badan oo kamid ahaa kuwii Ummadda Horey usoo burburiyey ama wax la halmaala loona yaqaano "Somali Intellectuals" oo aan lahayn Dan guud, mid gaar ah mooyee, Waxaana markhaati kuu ah Inta Aqoon yahan shirka Jooga oo haysta Shahaadooyin waaweyn, shirkana aan wax kaqaban, kana bixin, waayo qof leh dhibtii dadku isu laayey ama aaminsan qabyaalad xal makeeno.

7. Soomaaliya waxaa isku haya Dawladdo badan Sida:

  • · Arab League: oo xidhiidh gaar ah laleh Hogaamiyayaasha qaarkood waayo waad lasocotaan weli inay siinayaan (taageero) qaar kamid ah Hogaamiyayaasha iyadoon Dawlad Soomaliyeed ladhisin
     
  • · Yurubta oo weliba Talyaanigu gaaryahay
     
  • · Ethiopia oo qorsheedu cadyahay
     
  • · Maraykanka oo Ethiopia ushaqayanayso
     
  • · Kenya Oo dhaqaalaheedana Guranaysa Ethiopiana ushaqaynayso

Intaasoo dhami waxay adeegsanayaan Soomaalida ama Habqabiil ama mid Xukun doonba ha ahaadee.

Ugu danbayn Shirka Dawladaha muruqa lehi awood badan masaarayaan waayo qorsho badana uguma Jiro waxay rabaana Ethiopia ayaa uwadda.

Afeef: Qoraalkan waxaa SomaliTalk soo gaarsiiyey mas'uul Soomaaliyeed oo weydiistey in aan magaciisa la xusin:

Faafin: SomaliTalk.com | March 26, 2004  

 
Dhaqantoosinta iyo La dagaallanka AIDS-ka
Qoraal cilmi baaris ah: Prof. Yusuf Hersi Ahmed  Guji

XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD