SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

C/QAASIM “WAXAAN CADDEYNAYAA MAANTA IN DOWLADDA KMG AH AYSAN KA QAYB GELI DOONIN SHIRKA HADDII AAN....

 

Madaxweynaha DKMG ee Jamhuuriyadda Soomaaliya C/qaasim Salaad Xasan ayaa maanta (May 13) shir jaraa’id ku qabtay xaruntiisa Madaxtooyada, waxaana shirkaasi jaraa’id uu uga warramay laba arrimood oo muhiim ah oo midka ugu horreeya uu yahay baasaboorka Soomaaliga oo xayiraad ay ku soo rogeen qaar ka mid ah dowladaha Caalamka.

 

C/qaasim Salaad Xasan waxa uu sheegay in DKMG ah aysan marnaba ka qayb geli doonin shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed illaa dowladda Kenya ay xayiraadda ka qaaddo Baasaboorka Soomaaliga ah. “wixii qaladaad ah waan saxaynaa, laakiin yeeli meyno in la baabi’iyo jiritaankeenna iyo dadnimadeenna, waayo baasaboorku waxa uu u taagan yahay arrimahaasi” ayuu yiri C/qaasim Salaad Xasan oo intaa raaciyey “Dowladda Kenya gogol ayay u fidisay shacabka Soomaaliyeed, suurtogalna ma aha in ay maanta tiraahdo waxa aan joojiyey baasaboorkii Soomaaliga ahaa”.

 

C/qaasim waxa uu sheegay in ay jawaab ka sugayaan dowladda Kenya inta laga gaarayo 20-ka Bishan oo ah waqtiga uu furmi doono wejiga 3-aad ee shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, waxaa kale uu sheegay in DKMG ah ay raalli ka tahay sii socoshada shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, balse waxa uu sheegay in aysan qaadan doonin in dowladda Kenya ay joojiso baasaboorka Soomaaliyeed.

 

C/qaasim mar uu ka hadlayay dagaallada ka socda deegaanno ka tirsan Shangaani, C/casiis iyo Shibis ee magaallada Muqdisho waxa uu sheegay in dagaalladaasi ay yihiin kuwo ayaan darro ah, waayo waxaa la soo geba-gebeeyey dagaalladii ka socday xeraalle, ceel-buur, Jubbada Hoose iyo deegaanno kale, maantana ma aha in dad walaallo ah ay isku dagaallaan Muqdisho, wuxuuna ugu baaqay Muuse Suudi Yalaxow oo ah Beesha Wacbuudhan, iyo Bashiir Raage iyo Max’ed Dheere oo beesha Warsingeli ah in ay joojiyaan dagaalka, haddii baaqan nabadeed midkood uu diido waxa uu sheegay C/qaasim in uu diyaar u yahay in ay faragelin ku sameyn doonaan oo ay la safan doonaan kooxda jecel in degganaansho lagu wada noolaado, waxaa kale oo uu ugu baaqay Imaam Maxamuud Imaam Cumar in uu isna gacan ka geysto sidii loo joojin lahaa dagaalkaasi. Ugu dambeyntii mar uu ka hadlayay baasaboorka Soomaaliyeed ay joojisay dowladda Imaaraadka Carabta waxa uu sheegay in warkaasi uu yahay mid aan sal iyo raad toona lahayn, waayo dalka Imaaraadka Carabta waxa uu sheegay in uu ka kooban yahay 7-Imaaradood, Dubai-na ay tahay imaarad qura, waxaana maqalnay in kaaliye waaxeed oo ka tirsan waaxda Socdaalka uu diiday in uu Visso ku dhufto baasaboorka Soomaaliga ah, wuxuu kaloo sheegay C/qaasim in Imaaraadka iyo shacabka Soomaaliyeed uu ka dhexeeyo xiriir dhinacyo badan leh.

 

 Waxaa Diyaariyay: Amiin Yuusuf Khasaaro

E-mail:- amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk Jan 14, 2003 

WARGEYSYADA CAALAMKU WAXYAABIHII AY KA QOREEN SOOMAALIYA

<><>.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..


Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji


London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD