SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  • Wafdigii ka socday Dalka Canada oo ka soo degay garoonka Caalamiga Jomo Kenyata
  • Shir lagu Martigeliyey Wasiir Dowlaha Gaashaandhiga iyo Ururada Jaaliyada Toronto oo midnimo ku baaqay:

 Wararkii:: Agoosto 1, 2005

Shir lagu Martigeliyey Wasiir Dowlaha Gaashaandhiga iyo Ururada Jaaliyada Toronto oo midnimo ku baaqay:

Waxaa Karuur Restaurant ee Toronto, Canada ka dhacay (July30,2005 ) qado sharaf aad loo soo agaasimay oo lagu martigeliyey Wasiir Dowlaha Gaashaandhige ee DFKS Ali Mohamed Mohamud (Ali Xareed).

Qado sharafta Wasiirka lagu soo dhoweeyey waxaa isku soo dabariday xubno ka tirsan jaaliyada Soomaalida iyo Somali Canadian Association, oo la kaashaday ururada jaaliyada oo ay ka mid yihiin, Midaynta, Somali immigrant Aid, Dejinta Beesha iyo Dixon Community service.

Qado shraftaan oo si balaaran looga soo qaybgalay ayaysan u kala harin dhamaan ururada soomalida , sida Somaliland of Toronto, Horn Africa Community, Somali Gabooye Sociaty, iyo Society,, Thistletown Community.

Waxaa iyana si wayn xafladaas uga soo qaybgalay qaybaha kala duwan ee bulshada, sida, Culuma’udiinka, Odayaasha, Hooyooyinka, Aqooyahanka, Dhaliyarada, iyo Warfaafinta Soomalida.

Xaflada oo ku furantay ,Wacdi, Alla kacabsi ,Iyo iskaashi soomaalidu yeelato ka dib waxaa hadalka lagu soo dhoweeyey Wasiirka.

wuxuu ugu horayntii salaan iyo mahadnaq u soo jeediyey jaaliyada oo uu horay madaxdeeda uga mid ahaa sida diiran ay u soo dhoweeyeen.

Wasiirku wuxuu salaan uu ka siday Madaxwaynaha Dowlada KMG Somaliyeed Mudane Abdullahi Yusuf Ahmed iyo Ra’iisul Wasaaraha Mudane Ali Mohamed Geedi u soo gudbiyey jaaliyada soomalida ee Canada.

Wuxuu kaloo wasiirku sheegay inay jaaliyada Canada tahay hormoodka Soomalida qurbaha ku dalowsan, “Jaaliyada Somaliyeed ee Canada waxay ka qaybqaateen badbaadada Somalida tabaalaysan, dib u heshiisiinta, iyo dhismaha dowlada ka soo baxday shirkii labada sono socday ee Nairobi”.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata wuxuu si tafatiran ugu nuuxnuuxsaday dhibaatooyinkii laga dhaxlay 15kii sano ee dowlad la’aanta ahayd, ee qaxootiga, barakaca, dhimashada, naafowga, cayrta, burburka dhaqaalaha iyo dhismaha ahayd.

Intaa ka dib wuxuu wasiirku ka hadlay dhismihii dowlada federaalka iyo natiijadii ka soo baxday, wuxuuna si faahfaahsan u soo bandhigay siyaasada DFKS ee ku dhisan, nabadayn, wadahadal, xasilooni, qaranimada oo la sugo, iyo dib u dhiska wadanka soomaliyeed ee burburay.“Marna dowladu ma ogolaanayso inuu dhiig dame daato” ayuu yiri wasiirku.

Wasiirku wuxuu jaaliyada kula dardaarmay inay si wadajir ah u taageeraan DFKS, inay iskaashi iyo midnimo danaha soomaliyeed ku difaacaan, wadanka Canada oo ay ka mid yihiina ka masalaan dalkooda hooyo, dadkooda ,iyo dowladoodaba.

Dhamaan ka qaybgalayaashii xafladu waxay si diirran u soo dhoweeyeen warbixintii iyo taladii wasiirka, waxayna balanqaadeen inay taageerayaan dowlada soomaliya u dhalatay, midnimada soomaliyana adkaynayaan.

Farah Abdi Hussein
Toronto, Canada guudcad@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Agoosto 1, 2005


Wafdigii ka socday Dalka Canada oo ka soo degay garoonka Caalamiga Jomo Kenyata

August 1, 2005

Wararka ka imaanaya caasimada Canada ee Toronto ayaa xaqiijinaya in wafdigii  ka socday Baarlamaanka dalkaas ay ka soo degeen goor dhaweyd garoonka Jooma kenyata international. Wafdigaan ayaa waxaa horkacaya Xildhibaan Borys Wrzesnewskyj oo ka tirsan xisbiga dalka talada hayo ee liberal-ka, lagana soo doorto Etobicoke (Toronto.

Wafdigaan ka socda Dalka Canada  ayaa waxa ay isku xilqaameen  markii hore in ay ukala dab qaadaan madexweynaha iyo afhayeenka balse markii ay yimaadeen neyroobi kuwada hadlay qadka teleefoonka Afhayeenka Baarlamaanka si ay ooga dhaadhiciyaan in uu yimaado caasimada kmg ee Jowhar balse nasiib daro waxaa la sheegay in laga yaabo in taasi aysan dhicin.

Waa wafdigii ugu horeeyay ee ka socda Dalka Canada oo soo qiimeyn doono xaalada siyaasadeed ee soomaaliya. Wafdigan ayaa la rajeynayaa in ay ku sugnaan doono caasimada kmg mudo sadex cisho ah si ay u soo darsaan xaalada ay ku sugan tahay dawlada guuritaankeedii, ka dibna ay warbixin u siiyaan wasiirka arimaha dibeda Dalka Canada Mudane Pierre Pettigrew, waxaana la soo weriyey in uu  balan qaaday in uu garab istaagi doono shacabka Soomaliyeed iyo dawaladooda isla markaan u magacaabi doono ergay qaas ah.

xubnaha wafdigan oo ka koobaan 4 xubnood ayaa waxa ay kala yihiin:

1-Skheekh Adan Maxamed Ciise:madaxa
2-Adan Cilmi
3-Eng-C/shakuur Maxamuud Gurey
4-MP-Borys.

Dalka Canada ayaa waxaa ku nool Soomaali lagu qiyaasay (100.000) waxayna xubno firfircoon ka yihiin horumarka wadanka Canada. dhinaca kale waxa ay il gaar ku hayaan  soomaaliya maadaama qof heysta sharciga wadanka canada uu madexweyne ka noqday maamul goboleedka Puntland.

Xildhibaan Borys ayaa shaaca ka qaaday in dawladiisu la garab is taagan tahay hiil iyo hoo shacabka soomaaliyeed.

 
w/q :Xuseen yaasiin Gode Gode

Wafti uu Hor Kacayo Xildhibaan ka Tirsan Baarlamaanka Canada oo Booqanaya Jawhar
  • SomaliTalk | Toronto, Canada | July 31, 2005
Photo
Borys Wrzesnewskyj
Sawirka:
Websiteka Xildhibaanka

Wararka ka imanaya dalka Canada ayaa tibaaxay in wafti uu hogaaminayo xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Canada oo laga soo doorto Etobicoke (Toronto) oo magaciisa la yiraahdo Borys Wrzesnewskyj in uu maanta (Axad July 31, 2005) u ambabaxayo dalka Soomaaliya, socdaalkaas oo xaqiiqo raadis ah wuxuu qaadan doonaa saddex maalmood.

Xildhibaanku waxa uu magaalada Jawhar kula kulmi doonaa madax sare oo ka tirsan DFKMG, oo ay kamdi yihiin madaxweynaha DFKMG Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo Ra'iisul wasaare Cali Maxamed Geeddi.

Jawhar oo 95 km woqooyi kaga aadan caasimada Soomaaliya, waa meesha ay si kumeel gaar ah ugu sugan yihiin madaxweynaha iyo ra'iisul wasaaraha DFKMG.

"Dawladda Canada oo kaashanaysa jaaliyadda Soomaaliyeed ee reer Canada - oo ah jaaliyada ugu ballaaran ee ka soo jeeda afrikada bari ee ku dhaqan Canada - waxay kaalin weyn ka qaadan karaan nabad ku soo dabaalida dalka burburay (Soomaaliya)" sidaas waxaa yiri xildhibaan Wrzesnewskyj oo ay soo xiganeysey jariidada Inside Toronto.

Xildhibaan Borys waxa uu ka tirsan yahay xisbiga Libral-ka' ee haya talaad dalka Canada.

Waxaa wararku intaas ku dareen in xildhibaanku uu wixii uu dalka Soomaaliya kala soo kulmo uga warbin doono dawlada Canada.

Waxaa waftiga ka mid Soomaali reer Canada ah.

Xildhibaanka waxaa lagala xiriiri karaa: Halkan....Guji..

ISHA: Inside Toronto.... | Tarjumadii SomaliTalk | July 31, 2005

Warbixin labaad hoos ka akhri.

Wafdi ka socda Dalka Canada oo ku soo wajahan dhawaan caasimada kmg ee Jowhar

Wararka ka imaanaya caasimada Canada ee Toronto ayaa xaqiijinaya in wafdi ka socda Baarlamaanka dalkaas ay ku soo fool leeyihiin magaalada Jowhar.

Wafdigaan ayaa waxaa horkacaya Xildhibaan Borys oo ka tirsan xisbiga dalka talada hayo ee liberal partiga.

Wafdigaan ka socda Dalka Canada  ayaa waxa ay isku xilqaameen in ay ukala dab qaadaan madexweynaha iyo afhayeenka waxayna kulamo layeelan doonaan labada dhinac si ay u soo afjaraan khilaafaadka yar ee ku dhexjira labada dhinac.

waa wafdigii ugu horeeyay ee ka socda Dalka Canada oo booqasho ku yimaado Soomaaliya gaar ahaan caasimada Xarunta Kmg ee dawlada federaalka magaalada Jowhar.

Warkaan ayaan ka soo xigtay Gudoomiyaha Jaaliyada Soomaaliyeed ee Dalka Canada mudane ingineer C/shakuur Maxamuud Gurey oo ka mid ah wafdiga xildhibaanka Canadian-ka ah.

 
w/q :Xuseen yaasiin Gode Gode
Email: godegode_6@hotmail.com 

July 31, 2005


Warbixin: Kulan Cilmiyeedkii Qardho
iyo Baaq Ka soo baxay Kulan Diineedkii magaalada Qardho Guji
Mr. Xussein Waa Ethiopian Dalka Britain Kusoo Galay Dukumiinti Soomaali ah oo Macmal ah
Hussain Osman oo markii hore lagu sheegay Soomaali waxaa soo shaac dalka Britain ku galay dukumiinti Soomaali oo "fake" ama macmal ah... Guji.... July 31
Shiikh Maxamed Mumin Haruun oo ay Dabley Ku Toogteen Muqdisho
»Cambaareyn Gacan ku dhiiiglayaashii Dilay Sheekh Muumin
»Warbixin weerarkii masjidka Salmaan Alfaarisi ee Muqdisho
Wararka oo dhan ka akhri halkan... July 30

Masjid Abuubakar oo Lasoo Wareegey Dhulkii Mudada Dheer Loo Raadinayey...
Minneapolis: Qoraal kasoo baxay masjidka ayaa ku bilowday sidan: "Maanta oo ah maalin guul wayn noo soo hoyatay waxaan ugu bishaaraynaynaa dhamaan umada islaamka ah gaar ahaana Soomaalida in aan lasoo wareegnay maanta (7/29/05) Xaruntii Abubakar oo... Guji... July 30

Dab Xoogan oo Xalay Fiidkii Qabsaday mid ka mid ah suuqyada Soomaalida ee Nairobi
Dabkan oo qabsaday suuqa Soomaalida ee lagu magacaabo New Gaarisa Two ee wadada 7-street ayaa... Guji.... July 30

Ururka Suxufiyiinta Gobolka Sool,Sanaag iyo Cayn Ayaa Soo Saaray Bayaan
Ay Ku Qaadacayaan Siminaar Lagu Qabanayo Magaalada Garoowe... Guji... July 30

JWXO oo baaq ka soo saartay heshiis ku saabsan batroolka Ogaadeenya
»Mucaaradka Itobiya oo diiday natiijadii doorashada Guji July 29

Warsaxaafad: JWXO, Garabka Baadbaadada
Iyada oo Maskaxda lagu hayo soo jireenkii dheeraa ee Halgankan ayna ujeedaddiisu ahayd in...
Guji...

Safarka Barre Hiiraale ee Ceelwaaq iyo Garbahaarey
»Safarka guddoomiyaah Dooxada Jubba ee G/Gedo...
»Dhaqaatiirta ka socotey  Hay'adda Samafalka ee Al-Manhal oo soo geba-gebeeyey mashruuca ka hortaga Indho la'aanta ee gobolka Sh/hoose... Guji... July 28

Shir Kusaabsan Xadgudubyada Lagu Sameeyo carruurta ee Bariga iyo K/Afrika
oo Somaliland ka qayb gashay... ka akhri halkan...

Nin Lagu Sheegay Soomaali oo la Qabtay
London: Ninkan oo looga shaki qabo qaraxyadii.
Guji... July 27

C/Laahi Yuusuf oo kasoo Degey Jawhar
»Madaxweynaha DFKMG oo kasoo duulay Gaalkacyo...
»Kismaayo: Shahaadooyin la guddoonsiiyey ardayda...
»Markab Talyaani ah oo Lagu Weeraray Badda Cas...
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji..


Booliiska London oo Magcaabay Labo Nin oo Lagu Tuhunsan Yahay Qaraxyadii
Muktar Said Ibrahim iyo Yasin Hassan Omar ayey Booliska London magcaabeen waxayna uga shakiyeen in... Guji..

Dugsi wax Lagu Barayo indhoolayaasha oo laga Furay Muqdisho
»Yemen: Shidaal Soomaliya loo tahriibinaayey oo la qabtay.
»Ra'iisul Wasaare Geedi oo Dhambaal tacsi ah u Diray Britain
Wararka oo dhan ka Akhri Halkan.. Guji..

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD