SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

 ÈÓã Çááå ÇáÑÍãä ÇáÑÍíã

Jawaab : Somaliland ictiraaf ka fog???

Mohamed A/Raxmaan ismail
         Sana,a-yemen
raaxeeye_22@hotmail.com


Anigoo ku daba jooga hadalkii uu soo alifay  ninka isku magacaabay (siciid cismaan) ee uu cinwaanka uga dhigay (Somaliland ictiraaf ka dheer….) ayaan waxaan go aansaday inaan ninkaa wadada (runta) ku soo celiyo , run ahaantii kolba markaan dib u jeleeco waxaad ku qortay somalitalk marna waan yaabaa marna waan qoslaa . waxaanaan filyaa inay dad badani ila qabaan taas.

Hadaan soo guda galo nuxurka qoraalkan kuuna cadeeyo xaqaaiqa jira ee  kaa daahsoon anba aad iska indho tirayso waxaan ku soo koobayaa qodobadan :-

1- su aashaad is waydiisay ee ahayd Somaliland goorma ayay ku soo biirtay mapka  aduunka !!!waxa laga yaabaa inuu kaaga jawaabi karo qof yar oo dhigta  school ka hoose, waayo waa su aal aad moodo inay tahay su aalaha ardayda yaryar lagu eego maskaxdooda oo kale sida wadnkaasi xaguu ku yaal iyo imisa qaaradood ayaa ku yaala aduunka ……iwm, hadaadse ula jeedo  goorma ayay Somaliland ku soo biirtay dowladaha caalamka taasi waa mid aad u fudud oo waxaad ogaataa in Somaliland ay ka  hor xorowday Somalia ahaydna wadan gaarkii u taagan oo Somalia ka dhexayso luuqada iyo diinta …..iwm taasna macnaheedu maaha inaynu isku wadan nahay  waxana kuu tusaale ah inay jiraan wadamo sida carabaha oo kale oo wada wadaaga intaynu wadaagno iyo in kasii badanba hadana  21 wadan kala ah.

2- Waxaan aad ula yaabay waxa ka mida ictiraaf iniga dheer &Somaliland waa berbera iyo hargeisa ………………..iwm . hadaladaas oo aan kasoo bixi Karin qof caadiya anba hadalkiisu ku dhisan yihiin xaqaaiq jira  hadaan is idhaa ka jawaabna waxay noqonaysaa nin dhaaminaaya haan dabada ka daloosha waayo waxa badan dadka ay xaasidnimadu iyo damcigu indho tiray. Su aashu se waxay tahay ictiraafku muxuu kala maqan yahay shacabka Somaliland   kol haday haystaan amaan aan wadamo badan ka jirin ,horomar meelkasta ka socda ha ahaato dhinaca waxbarashada &dhaqaalaa &nolosha guud& isgaadhsiinta………..iwm, hadaanse u soo noqdo ta ah astaamaha dowladnimo  ma ogtahay inay Somaliland  leedahay  xuduud ,calan, lacag u gaara,baasaaboor ugaara ,ciidamo iyo shacab  iyo in intaasba ka weyn oo ah dhul uu ilaahay u hibeeyay oo uu ku dul beeray. Astaanta kale ee intaas dheeri waa maxay??

3- Walee nin noolow maxaa aragtii kuu laaban: Somaliland (ÃÑÖ ÇáÕæãÇá ) oo macneheedu yahay dhulka somalida goorma yuu isku badalay magac layna soo siiyo !! mase jiray magic Somali la yidhaa Somaliland  intay xarowday kahor? Maxaase la odhan jiray dadkii keeska afrika ku noolaa intaan loo bixin somli? Mase ogsoontay in la odhan jiray ( ÇáÕæãÇá ÇáÇíØÇáì ) anba somalida talyaniga dadka ku nool koonfurta. Waxaan ku koobi lahaa taariikhda dib u raac. Waxaanaad ogaataa shacabka somalinad  somalinimo  waa tay u hibeyeen xoriyadoodii curadka ahayd  waatay dhaqaalahoodii / iyo dhiigoodaba u hureen looguna jawaabay in caloolshood u shaqaystayaal loo soo kiraysto oo lagu qaraaco duyaarado shacabka Somaliland , shacabka Somaliland waa dad u dhashay gobonimo iyo dhaqan sharfan ee  ma mudna cay iyo dhaleecayn. waxaad ogaataa in meeshii calankan aad  leeday waanu nacnay  uuka soo jeedo qalbiga hargeisa(beerta xoriyada) ee magaalo madaxda Somaliland .lacagta aad ku sheegtay foojarina ah labalaab iyo sedex laabba kaa qaalisantaya giinbaarkii sh/somaliga ee qofkii rabaa soo daabacdo , haan kuu raaciyee dowlada Somaliland waxay ka qayb gashaa shirarka ka dhaca dowladaha jaarka ay la tahay kuwa gobolka ku  caalamiga ah oo uu  ugu denbeysey  kii G8 oo ay ugu qayb gashay wasiirada arimaha debeda ee Somaliland marwo Adna  aadan.


Ugu danbeyntii maan jeclayn inaan wakhti ku lumiyo dhacdooyin dadkoo dhami ka dharagsan yihiin iyo inaan u jawaabo qof aan doonayn inuu qirto runta jirta , laakiin waxaan jeclaa inaan ku ogaysiiyo inay jiraan  akhristayaal badan oo kuu jawaabi lahaa laakiin jeclayn inay wakhti ku lumiyaan  waxay qoraan dadka lagutilmaami karo garaad gaabanta.

Tacsi:
Waxa saaka ku geeriyooday wadan boqortooyda  sucuudiga  ale ha u naxariistee u adeegaa xaramaynka boqor fahad binu cabdul casiis al sucuud kadib xanuun uu la soo jiifay mudo aad u faro badan. Ale ha u naxariisto  marxuumka hakana abaal mariyo wixii uu u qabtay muslimiinta iyo labada xaramaynba .


Mohamed A/Raxmaan ismail
         Sana,a-yemen
raaxeeye_22@hotmail.com

Afeef: Aragtida maqaalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 4, 2005


MAQAALADA MAANTA:::
»Dadku diide FAATAXO, ee bal DAADKANA ha lagu dayo | A.D. Elmi
»Soomaalida iyo ismiidaaminta | Dayax
»Warbaahinta Cabbursan ee Puntlad: Heer qaylo-dhaan mudan! | B.A.
»Illeen baroortu hiillo waa Gashaa!! (Dilkii yaxye iyo Muunin) | Wallays
»Cambaareeyn Falalka Dileed ee Caasimadda Muqdisho ka Dhacaaya  
»Duuliye Sare Xaaji Dhagax oo Dhambaal u Diray C/Risaq Xaaji Xuseen
»Khudbadaha C/lahi  caadifadii qabiilka ayey dib u soo noolaynaysaa
»GABAY: DHUL SHISHEEYE | suleiman
»Falka lagu tuhmay Yaasiin X. Cumar oo saamayn ku yeeshay Somalida
»WAA QABIILKEE YAASIIN XASAN CUMAR | Nasteex
»GUULEYSO FAHADOOW MAXAAD SIDAAS NOOGU GASHAY | Dayax
»Somaliland Ictiraaf ka dheer nin doonayna wareer | Siciid 

»Dowladdii cidla joog, maxay curatoo dalka keentay? A.D. Elmi
»Ina Waraabe and the Gang in Hargeisa: | A Omar
»95-KM AYAA NABADDA IYO KHILAAF XALINTU JIRTAA | X. carab
»MAQAALADA KALE EE MAANTA::: KA AKHRI HALKAN... GUJI..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD