SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Madaxwayne balaayo sheeg ah, Prime Minister beenloow ah, Baarlamaaan bilaa aqoon ah, Wasiiro bilaa damiir ah, Bambo bilaa naxariis ah, Dil bilaa ujeedo ah, shacab bilaa caqli ah,Saxaafad bilaa damqasho ah iyo dal bilaa dad ah,   

Maqaalkaan ma aha mid iiga bahan faahfaahin dheer oo cinwaankiisa ayaan oran karayaa wuu koobay ujeedada iyo dulucda guud ahaan, balse waxaan jeclaan lahaa inaan wax yar oo faahfaahin ah ugu noqdo sharaxaada guud oo aanan ku fogaan doonin isla markaana ma rabo inaan ka dhigo mid aad u dheer oo aqriskiisa laga daalo,
hadaan hal hal u kala qaado cinwaanka qoraalkaan waxaan ku hormarayaa maxaan ula jeedaa Madaxweyne Balaayo sheeg ah ? si fudud u arag ha is oran waa mucaarad kasoo horjeeda madaxawaynaha Soomaaliya ma ahi mucaarad qalinkaygana ma aha mid aan u qaato fikirka an qabo ama cidan taageero iyo cidaan ka horjedo intaba ee waa mid aan u wato qalad sixid iyo iftiimin waxyaabaha mugdiga ku jira,waxaan ahay taageere qaran qof jecel wada jirka iyo umad ku noolaata nabad iyo barwaaqo, miyaysan adiga aqristaha ah xataa  kuula muuqan in uu madaxwaynaha Soomaaliya yahay mid markuu hadlaba ay dhagaha aadmiga iyo farahooda is raadsadaan oo warkiisa yahay mid abuura balaayo, colaad iyo dagalao hor leh, ?

Madaxwaynaha Soomaaliya waa madaxwayne laga habaaray hadalka macaan oo aan uba baran sida loogu hadlo oraahda macaan ee soo jiidan kartaa cadoowgaaga, waa madaxwayne u arka is dabcinta iyo jiljileeca mid nacasnimo ah, waa madaxawayne u yaqaan raganimada in qof si xun hadal loogu weeraro iyadoo uu hadalkii u danbeeyey si aan munaasab ahayn ugu af lagaadeeyey ra’iisul Baarlamaanka, waxaana dadkoo dhan ay hadalkiisa ka dhex fahmaan inuu yahay mid balaayo sheeg ah ama huriya balaayo,.

Markaan wax yar ka taabto Prime Ministerka Soomaaliya waa nin dadaal badan iskuna muujinaaya inuu diyaar u yahay inuu xal u helo kala qaybsanaanta dowlada dhawaan lagu dhisay Kenya, waa nin isku muujinaaya inuu hore usii wado nidaamkii Somaaliya ee ahaa geed hoostiis wax ha lagu xaliyo, waana tan aad ka arkayso mar kasta isagoo sawirada laga soo qaado dhamaan la fadhiya mas’uuliyiinta meel aan dhismo qurxanayn oo ah meelo carshaan ah, haba la yiraahdo waa wax ay dani baday oo Jowhar ma aha meel ay dowlad ka dhigan karto xafiisyo oo sideedaba ah meel ay ka samaysan yihiin guryo duug ah iyo magaalo aad u yar oo aan marnaba noqon karin mid dabooli karta baahida dowlad dhan.
hadaan taas si fudud uga gudbo waxaa muuqanaysa in Prime Ministerka uu yahay mid aan wali isku dayin inuu qanciyo wasiiradiisa ka gadoodsan oo wali ku taagan mindi midni ku taag, taasna ay waliba sii dheer tahay in ay mas’uuliyiin badan oo ka tirsan dowladiisa ay ku tilmaamayaan kagana cabanaayaan inuu yahay mid beenta ku qubaysta oo ah waxa la yiraahdo Alfa Bi Waaxid yacni ay kunkiisa hadalba hal uu ka run yahay inta kalana ay yihiin been, laga yaabe inu Prime Ministerka u arko in ay maanta tahay beentu xalka ugu dhaw, balse markii lagu cabiro caqli fayoow aysan ku wacnayn inuu Prime Minister dal dhan u ah hogaamiye uu beenta ku qubaysto,.

Waxaan la sheekaystay hogaamiyeyal badan oo leh Prof. Geedi Been baa loogu baqtiyey oo Kalaan run ah ma sheego, inkastoo aniga aanan lahayn waa run taas balse waxaa Soomaalidu tiraahdaa wadar iyo waaxid yaa waalan ? mar hadii aan kaligay iraahdo taasi waa been abuur waxaa igu soo laabanaysa maahmaahdaas oo inta kale oo dhan kuma oran karo waxay ka been abuurayaan Prime Ministerka waxaase qurux badan mar hadii uu Prime Ministerka doonaayo inuu dib u xasiliyo Soomaalidaan wareersan ay gudboon tahay in aan u sheego in been aan wax lagu gaareyn ooay tahay mid la is wada bartay  si kale aan u iraahdee filinkaas waa gubtay yacni Timirtii horaba dab loo waa, aqristoow adigaba is waydii sidee u  aragta mar hadii uu Prime ministerkaagu yahay mid been sheeg badan.

Baarlamaan bilaa aqoon ah igama ah inaan u gafaayo dadka loo soo dhaariyay in ay maamulaan dal dhan, aanse si fudud wax kuu dareensiiye mar hadii lagu soo xulay qabaa’il oo qabiilku uu soo dooranaayo mudanaha baarlamaanka Soomaaliya isla markaana ay soo dirayaan mudanaha beelo laga yaabo in ay hogaamiyeyaashooda wax badan oo fikrad ah ka haysan aqoonta iyo wax barashada sidee baa loo oran karaa baarlamaankaasi waa mid ay mudanaayaasha yihiin kuwo aqoon leh, mase ogtahay in ay mudaneyaal badan ay yihiin kuwo aan waxna  qorin waxna aqrin anigoo magacaabayn.

Wasiiradase ma kuwo damiir leh baa ? adigaan ku waydiiyee mar hadii ay iyagoo ka tirsan dowlada misna ay leeyihiin waxaan nahay mucaarad oo aduunku yaaban yahay ilayn sida dhaqanka siyaasada lagu yaqaan hadaan qeexno waxa ay tahay in qofkii dowlada aan ku qanacsanayn uu noqdo mucaarad ka soo horjeeda, balse waligeed ma dhacday wasiir dowaladiisa leh waxaan ku ahay mucaarad ? soow ma aha wax cusub oo aan hore loo arag ?, waxaa mar mar ila soo xiriira dad mas’uuliyiin ah oo doonaya in ay wax ka ogaadaan xaalada siyaaasadeed ee Soomaaliya laakiin isla markiiba waxay caloosha ka jaraan siyaasada Soomaaliya markii ay maqlaan wasiiro dowladooda ay ka midka yihiin ku leh waxan ku ahay  mucaarad oo isla iyaga duminaaya, sidoo kale waxaaba ugu sii darran wasiiro isla madaxwayne ay iyaga doorteen ayna cidi ku qasbin ku leh madaxwaynaha ma aha mid u qalma booskaas, aan su’aal uga baxo qoraalkaane sidee bay ku suuro gashaa inaad qof aad dooratay adigoo maskaxdaada ay joogto, aad misna tiraahdo
 ma aha qof aan aqoonsanahay ? mise hogaamiyeyaasha Soomaaliya ayaa la oran karaa kuligood maskaxdooda ma joogto, oo ma aha kuwo caadi ah ? mise waa dad isticmaala drugs iyo waxyaabaha maanka dooriya oo markii ay dooranaayeen madaxweyne Yuusuf mid kasta wuxuu ku sugnaa xaalad sawirka Cabdulaahi uga dhigtay qof kale waa yaabee, hadaan sidoo kale wax yar ka iraahdo wasiiradaan mucaaradka ah ee ku sugan iminka magaalada Muqdisho maxay tahay doonistooda ? mar hadii aysan Muqdisho xataa ugu yaraan ay muujin waayeen ifafaale nabadeed oo ciidankii ay iyaga hubka u gadeen ama siiyeen aysan awood u lahayn in ay ka qaadaan ama ay isbaaradii xal u waayeen, isla markaana ay un kaga soo hartay Muqdisho waa caasimada  Soomaaliya iyadoo aysan cidi lahayn ma aha caasimaad laakiin la leeyahay waxaad tihiin kuwii meesha joogee meesha nabadeeya oo ilaa hada wax la taaban karo aan laga hayn, miyaysan kula ahayn in ay yhiiin kuwo bilaa damiir ah ? hadii aysan kula ahayn ii sheeg macno kale ama kalmad
 kale oo loogu yeeri karo,hadii ay xal u la yihiin bambo aan cidna u aaboyeelayn oo cidey doonto ku qarxaysa oo cirib tirtay umadii Soomaaliyeed isla markaana ay yihiin kuwo la saaxiib ah bambo bilaa naxariis iyo falal dil ah oo loo gaysanaayo dhamaan inta biri ma gaydadda ah iyo intii indheer garadka Soomaaliyeed ahayd ee ay wali dadku la qaraacansan yihiin dilalkii ka dhacay caasimada Dhiiga (Muqdisho) hal bil gudaheed ee leh waxaan ahayn  hogaamiye ama wasiir bal iigu sheeg magac kale oo kan dhaama,maxaan ugu yeeri karnaa ?
Shacabka Soomaaliyeed ee ayaanka darran oo iyagu ahaa kuwa ku jirey mudo dheer xaalad amni darro una ahaa la haysteyaasha dhowr qabqale oo haatana u xuub siibtay  “wasiiro mucaarad ah” walina diyaar u ah in ay u xadreeyaan cadowgooda koowaad ee aan kala garan dantooda iyo dhibaatadooda miyaan iyagana ugu yeeri karnaa kuwo caqli leh ? adigaan kuu daayee, mise ku saxsan yihiin in ay wali ku celceliyaan shacabka waxa loo baahan yahay dib u hishiisiin, iyadoo la ogyahay in dib u hishiin loo fadhiyay laba Sano dhan mise dib u hishiinta maba dhamaato oo waa sida filimada musalsalka ah oo loo baahan yahay in ay mar kasta ka socdaan TV yada caalamka ?.

Maskaxdayda waxay igu celcelisaa marar badan ayaa ka danbeeya dagaalada iyo colaada aan istaagin sanooyin badan ?, waxaan u raadshaa jawaab  kaafisa maskaxdayda waxaan u warwareega meelo badan oo hadba waxaan madaxa la dhacaa darbi laakiin aaqirkii waxaan ka fursan waayaa jawaabta runta ah inaan indhaha ka xiran, taasoo ah waxaa u sabab ah saxaafada oo aan anigaba ka tirsanahay taasoo markastaa buun buunisa inta xun iyagoo u arkaaya in ay ku helayaan magac, sumcad iyo in la iibsado badeecada ay hayaan, taaso ah tan maanta keentay in ay sidii quraan ugu celceliyan kalmada muraalo dilaaca leh ee ah Labada Garab ee dowlada mase is waydiiyeen saaxiibadeey in  wax la yiraahdo laba garab oo dowladi ay tahay  aysan jirin mise waa casri hadda la bilaabayo ?. Bulshada caalamka ayaa ka yaaban weerahaas ay saxaafadu isticmaasho iyagoo xataa gaaray in ay soo saaraan warbixin saxaafadeed ay ku sharaxayaan in aan waligeed la maqal laba garab oo hal dowlad ah waxayna sheegeen in ay aqoonsan yihiin
 hal dowlad, miyaysan kuula muuqan in ay saxaafada Soomaaliyeedna tahay mid aan damaqasho lahayn oo wali sii hurinaaya colaado oo iyagu ah kuwo baaba’saday dal dhan iyo umad dhan  waqti badana jiitamaayay oo laga daalay?
iga raali ahaada haduu qoraalkayga oo dhan kusoo biyo shubtay negative balse waxaan jeclahay inaan ku qatimo su’aal kale oo ah hadii dalka Soomaaliyeed uu yahay mid dhexda ugu jira intaasoo marxaladood ma kula tahay inuu noqon karo mid waligiis xasila mase oran karnaa waa dal leh dad ?

Waxaa qorey Saida Sheikh Ahmed (VIP)
Brussels Belgium   

saidavip1@yahoo.com

Afeef: Aragtida maqaalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 4, 2005


MAQAALADA MAANTA:::
»Dadku diide FAATAXO, ee bal DAADKANA ha lagu dayo | A.D. Elmi
»Soomaalida iyo ismiidaaminta | Dayax
»Warbaahinta Cabbursan ee Puntlad: Heer qaylo-dhaan mudan! | B.A.
»Illeen baroortu hiillo waa Gashaa!! (Dilkii yaxye iyo Muunin) | Wallays
»Cambaareeyn Falalka Dileed ee Caasimadda Muqdisho ka Dhacaaya  
»Duuliye Sare Xaaji Dhagax oo Dhambaal u Diray C/Risaq Xaaji Xuseen
»Khudbadaha C/lahi  caadifadii qabiilka ayey dib u soo noolaynaysaa
»GABAY: DHUL SHISHEEYE | suleiman
»Falka lagu tuhmay Yaasiin X. Cumar oo saamayn ku yeeshay Somalida
»WAA QABIILKEE YAASIIN XASAN CUMAR | Nasteex
»GUULEYSO FAHADOOW MAXAAD SIDAAS NOOGU GASHAY | Dayax
»Somaliland Ictiraaf ka dheer nin doonayna wareer | Siciid 

»Dowladdii cidla joog, maxay curatoo dalka keentay? A.D. Elmi
»Ina Waraabe and the Gang in Hargeisa: | A Omar
»95-KM AYAA NABADDA IYO KHILAAF XALINTU JIRTAA | X. carab
»MAQAALADA KALE EE MAANTA::: KA AKHRI HALKAN... GUJI..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD