Ku-meel-gaar
C/Waaxid
C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com
Ilaah
baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa
ha ahaato.
Heshiiskii Mbaghati loo tagay soow ku-meel-gaar ma ahayn?
Waxaynu dhahnaa: dastuur ku-meel-gaar ah, dowald
ku-meel-gaar ah madaxweyne ku-meel-gaar ah. Fiicnaan
lahaydaa haddii la maqli lahaa qabiil ku-meel-gaar ah iyo
dagaal-ooge ku-meel-gaar ah.
Maqaalkeygii ugu dambeeyey ee ahaa: dib-u-dhis waxaan
cabbiray in mabda’ loo baahanyahay intaadan wax la dhisan.
Haddaad rabtid dheh qorshe marka laga hadlayo mashruuc.
Sayniska iyo tiknoolajiyadda aan maanta arkeyno waxaa lagu
keenay aragti iyo indho-adayg. Waxaa lagugu khasbayaa inaan
noole il-ma-aragto ah iyo daanyeerro ka nimid. Waxaa kaloo
sanka lagaa gelinayaa in dad hadda nool ay dayaxa ku
dulsocdeen oo ah arrin aan waxba ka jirin. Annagiina waxaan
ka badin la’nahay “ku-meel-gaar”.
Maxay
tahay meeshaas aan gaari la’nahay? Waxyaalaha aan lagu
gaarin dantaad leedahay waxaa ka mid ah:
-
Aqoon-darro: haddaadan
aqoon waxaad raadineyso ama aadan garaneyn halkaad u
mari lahayd, weligaa ma gaaraysid. Tusaale ahaan adoo
Xamar jooga haddaad rabtid inaad Hergeysa aaddo waa
inaad u ambobaxdaa jihada loo aaddo laakiin haddaad
Koonfur afka saarto, waxaad kusoo baxaysaa magaalooyin
kale oo aadan u qasdeyn.
-
Indho-adayg iyo is-yeel-yeel:
arrintaan waa middaan Soomaali badan uga baqsanahay oo
aan isku xifaaleyno. Ka warran haddii qoys meel degan
inta aabbuhu lacag guriga ka xado uu u qabsado hooyada
iyo carruurta? Ma dad aan waxba xadin baa tuugo noqon
kara? Laakiin dadka muslimiinta sheegta, arrintaas qiil
bey u heleen oo ah: carruurtaa la garaacaa si marka
xanuunku ka bato ay u qirtaan waxaysan qaadin. Waxaad
arkeysaa qof inta salaad ka soo baxay haddana kuu
ammaanaya Zenawi. Wuu yaqaan Zenawi laakiin wuxuu iska
gadayaa dad meesha jooga ama wuxuu ka baqayaa in
warkiisa dad kale loo geeyo.
Marar
badan waxaan is dhahaa: Ilaahoow, waxba ma ogine hana
cadaabin. Soow lama oran Soomaali qabiil bey isku
leyneysaaye halaga heshiiyo inta Kenya la tago? Soow meynaan
oran dowlad baa naga maqane aan dhisanno? Haddii yoolkeennii
ahaa dowlad dabadeedna aan dowlad dhisannay, maxaa laga
wadaa dowlad ku-meel-gaar ah? Waxaan niri diin Ilaahay ma
rabno oo waa inaan dastuur sameysannaa dabadeedna waan
sameysannay, maxaa laga wadaa dastuur ku-meel-gaar ah? Soow
ma aragtid qorsho-xumada na heysata. Dadka siyaasadda noogu
jira intooda badan waxaa heysta aqoon-darro; inteenna kalana
waxaan heynaa indho-adeyg.
Dad
maangaab ah baa ku sheekeeya waxaan ku-meel-gaar ka wadnaa
waa in inta gobollada la tago, gobol kastaa, dadkii
dowladdiisa hoose xukumi lahaa diyaariyaa dabadeedna sidoo
kale la diyaarsho dadkii hadhow u noqon lahaa xildhibaanno!
Sheekadaas la qubayo waxaan soo marnay 1960 ilaa 1969; marka
dastuur aan mar horaba heyno maxaan u leennahay waxaan
rabnaa mid ku-meel-gaar ah? Soow tiih kuma jirno? Haddii
federaal soo kordhay, soow iyada aan maqleyno ra’iisul
wasaare guddoomiye gobol magacaabaya!
Maqaalo
badan baan ku sheegay inaan dowlad la dhisi karin iyadoon
qaran jirin. Haddaan rabno in dowladda la soo dhoodhoobay ay
shaqeyso waxaa la rabay intaan wax kale la isku qabsan bal
in qaran (diin, dad, duunyo, agabkii qaranka, degaan, iwm)
la soo celiyo. Haddeynu wax fahmeyno, waxaan tusaale u soo
qaadanayaa waddanka Nijeer oo gaajo, cudur iyo abaar iskugu
darsantay. Ka warran haddii Jamciyadda Quruumaha ka
dhaxeysaa tiraahdo: waxaan rabnaa ciidan u dhashay Nijeer
oon lacag doolar ah u qorno bishii, dheh 250 doolar ka hor
intaan dadka macaluushu heyso cunto loo qeybin si ciidanku
dadka cuntada u qeybiyo?! Waa arrintaas midda Soomaalida
heysata. Dadkii oo gaajo, cudurro, masiibo dabiici ah iskugu
darsantay baan ku heynaa waxaan wax ka bilaabeynaa in aan
ciidan qoronno! Shaki ma leh in ciidan loo baahanyahay
laakiin mar kasta waxa la qabanayo ciidan malaga bilaabaa?
Haddii qolyahan Soomaaliya horboodaya ay cinqilaab wax ku
qabsanlahaayeen, waxaa u suurtogelikari lahayd inay waxay
rabaan wax ka bilaabaan laakiin hadda arrintu saas maaha.
Waxaa madaxweynaha doortay dad ka yimid qabiilooyinka
Soomaaliyeed; marka wax kastoo la qabanayo waa in kulligood
laga qeybgeliyaa.
Mooryaanta jidgooyooyinku Xamar u yaalaan waa boqolaal qof
oo lawada garanayo. Haddii xitaa loo diyaarin lahaa mid
kasta 100 doolar bishiiba waa ka tagi lahaayeen meesha.
Xitaa haddey qeyb ka noqdaan halka (1) ay ka haleen 4.5-ka.
Marka haddii shilimaadka la soo baryey inta ciidan lagu
qorto dabadeedna ciidankaas iyo mooryaantu isku dhacaan
maxaan faa’iidneynaa? Waxaa soo kordhaya dhisamasho,
dhaawac, burbur waddan iyo dhaqaale, lacago la soo baryey oo
si xun loo isticmaalay iyo iyadoon beryo dambe wax lagu
helin.
Wey
dhici kartaa in kooxi ku adkaato dagaalka looga baqayo
Soomaaliya laakiin waxaan shaki lahayn, koox kastoo
adkaataba ineysan qaboow iyo degenaan wax ku maamuuli doonin
laakiin ay sii joogi karaan maalmo. Tusaaluhu wuxuu noqon
karaa Kacaankii oo jooga 1988 oo dukheynaya Waqooyi. Markaas
aabbaha Kacaankaa madaxweyne idaacadaha ka sheeganjiray oon
looga dabohadli jirin. Waxaa ku xigtay 1989 oo Kacaanka
looga kacay Waqooyi iyo Koonfurba ilaa dhulka la dhigey.
Ilaah baan idin ku dhaarshee, yaa rabi lahaa Soomaaliya oo
halkaas maraysa inuu madaxweyne ka noqdo? Dad baa raalli ku
ah in inta labo sano qaxar iyo dhib ku ceyshaan hadhowna
iyagoo baqo ah ay carruur badan dariiqa ku sii jiiraan.
Sida
Ilaahay sheegay dadku labo dariiq bey qaadaan. Midkii
Ilaahay iyo kan sheydaanka. Bal aan soo qaadanno labo
tusaale:
-
Waxaa dariiqii Ilaahay
raacay nabi Muxamed (SCW) marka sidee buu u dhisay
dowladdiisa? Ma ciidan-qorashuu ka bilaabay? Nabigoo (SCW)
dhexda u galay Yuhuud iyo munaafiqiin marna ciidan kama
bilaabin ee wuxuu bilaabay inuu dadka quluubtooda ku
furto diin Ilaahay; weyna shaqeysay. Bal suureyso,
ninkii ugu caansanaa reer Madiino ooy boqorka ka dhigan
lahaayeen baa munaafaq noqday saasooy tahay, nabigu (SCW)
ciidanna uma sameysan mana dilin. Wuxuu kaloo nabigu (SCW)
heshiis la galay Yuhuud: in magaalada lawada difaacdo
sidoo kalana ay magta iyo waxyaalahaas la qeybsado
halkuu ka handadi lahaa. Sidee annagoo muslim ah u
rabnaa in qabiilba qabiilka kale u hanjabo oo u caayo.
-
Soo qaado shuuciyaddii
Midowga Soofiyeeti. Bal soo qaado Liilan! Xaggee
mabda’iisii iyo isagii ku dambeeyeen? Yuu saameeyey?
Xoogaa buu xoog wax ku heystay dabadeedna sidii
ceeryaamo qorrax usoo baxday buu meesha ka baxay.
Soomaalidu hadda iyo 1960 keey aqoon badan tahay? Kumanaan
jeer hadday xagga diinta iyo adduunkaba ku horraysaa. Si aan
fahanka dowladda maskaxdeenna ugu soo dhoweeyo, waxaan ku
matalayaa guurka. Marka ninku guursanayo waa in gabadhaas
ama haweyneydaas la siiyo. Dabcan ehelkeedaa siinaya.
Dabadeedna qaalli, markhaatiyaal iyo dadweyne kale ayaa soo
xaadira. Marka qofka la dooranayo saas la yeelo, waxbaa kala
socda. Abuu Bakar iyo Cumar (RC) baa saas loo doortay waana
la ogaa wanaagii laga qaaday. Xitaa midda dimuqraadigaa
haddii sidaas la yeelo waxbaa kala socda. Markii Aadan
Cabdulle Cismaan (Aadan-cadde) la doortay, dadku waa qanceen
maxaa yeelay si uun baa loo doortay. Markii dambana waxaa
lagu riday qaabkii lagu doortay oo kale oo ma jirin qof
cadaawad ama xabbad la aaday. Laakiin dowlad ku-meel-gaar ah
waxay la mid tahay qudbo-siro maxaa yeelay maxaan ka wadnaa
ku-meel-gaar? Soow micnuhu ma ahan waan ku moodeynaa/gudbeynaa?
Marka
Allaha noo naxariisto haddii dad metelaya “4.5” ay ku
hadaaqaan waxaan rabnaa dowlad ku-meel-gaar ah. Anigu waxaan
aamminsanahay inuu jiro heshiis ku-meel-gaar ah laakiin
aysan jirin dowlad ku-meel-gaar ah. Marka walaalayaaloow aan
heshiinno.
cabdulwaxid@hotmail.com
Afeef: Aragtida maqaalkan
waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com |
Aug 4, 2005
MAQAALADA
MAANTA:::
»Dadku
diide FAATAXO, ee bal DAADKANA ha lagu dayo |
A.D. Elmi
»Soomaalida
iyo ismiidaaminta | Dayax
»Warbaahinta
Cabbursan ee Puntlad: Heer qaylo-dhaan mudan! | B.A.
»Illeen
baroortu hiillo waa Gashaa!! (Dilkii yaxye iyo Muunin)
| Wallays
»Cambaareeyn
Falalka Dileed ee Caasimadda Muqdisho ka Dhacaaya
»Duuliye
Sare Xaaji Dhagax oo Dhambaal u Diray C/Risaq Xaaji Xuseen
»Khudbadaha
C/lahi caadifadii qabiilka ayey dib u soo noolaynaysaa
»GABAY:
DHUL SHISHEEYE
| suleiman
»Falka
lagu tuhmay Yaasiin X. Cumar oo saamayn ku yeeshay Somalida
»WAA
QABIILKEE YAASIIN XASAN CUMAR |
Nasteex
»GUULEYSO
FAHADOOW MAXAAD SIDAAS NOOGU GASHAY | Dayax
»Somaliland
Ictiraaf ka dheer nin doonayna wareer | Siciid
»Dowladdii
cidla joog, maxay curatoo dalka keentay? |
A.D. Elmi
»Ina
Waraabe and the Gang in Hargeisa: | A Omar
»95-KM
AYAA NABADDA IYO KHILAAF XALINTU JIRTAA | X. carab
»MAQAALADA
KALE EE MAANTA:::
KA AKHRI HALKAN... GUJI..
|