SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

 Cudurka Qabiilka Oo Aan Daawada Lahayn Iyo Dadka dhaliya

Eng:Mohamed Bashi.

E-mail: mbaashimbc@hotmail.com 

Waxa aynu wada ogsoonahay in uusan qab qable qabiil uusan isagu hub iyo dhaqaale taas uusan uga doonan qabiil balse uu leeyahay adeegataay kuwaas oo laagu yeero nabadoon ama cuqaal ninba kii uu u yaqaan, marka anigoon isk qaadayn naba doonadii hore ee wanaagsanaa oo geewdka garta ku qabin jiray iyo kuwa haatan jooga oo habeenkii mirta ukhriyoow waxaan wax ka dheegayaa kan habeenkii guda,

Ninka nabadoonka ah marka uu doonayo in uu qabiilkiisa dhaqaale iyo ciidan ka helo waxuu daliishadaa alla aabahaa ma nin buu ahaa qof kuma soo xadgudbi jirin haduu ku soo xadgudbana waduu iska marin jiray alla hiil iyo hooba wuu lahaa balse adigu tolka waxaad ka noqotay khasaaro, markaasaa qoriga la wada boobayaa waana jaahil nima marka waxaan umada soomaaliyeed ka codsanayaa in ay iska ilaaliyaan ninkaas.

Waxa aynu wada ogsoonahay maanta in Qarankii Soomaaliyeed uu u bur buray qabiil, (Qabiilna) waxaynu ku tilmaami karnaa in uu yahay cudur kaas oo cudurada kale kaga duwan daawo la-aan cudur kaas oo maanta umada soomaaliyeed wada saameeyey.

Hadaba qabiilku sideebuu Umada soomaaliyeed u kala saameeyey ? Maanta qof soomaali ah oo la oran kalro qabiil buu ka maran yahay ma jiro dadkuna sadex ayuu u qayb samay waana kuwakan,

1:Nin Qori qabiil qaaday.

2:Nin amar bixiyey in Qorilaqaato oo wax lagu laayo.

3:Iyo Nin ku farxay ficiladaas qabiilka.

Hadaba aynu isla eegno ninka qoriga wuxuu ka dhaxlay qoriga uu qaatay, waxaa dhacda in ninka qorigu uu qoriga u qaatay tolkaa aad u hiiliso ama daafac balse waxa aynu wada ogaanay maanta in tolkaa kuu baahan yahay inta aad caafmaad qabto oo aad diririkarto, balse maalinta aad naafo noqoto oo lug ama gacan ama waaxi ku qalasho jirkaaga ka mid ah guriga hooyada qofkaas in dhibkaasi u yaalo oo aan qabiil wax kugu tarayn marxaladaa kuugu dhacday qabiil awgeed aan qabiil ahaan laguu xanaanaynayn, waxa aynuna wada ogsaanahay in maalinba maalinta ka danbaysa la nacaayo qafka mauubadaasi la kulanto , waayo? Qofku marka uu naafo noqdo ma uu shaqaysan karo hadaan la shaqayna qofka bar yadiisa ayaa badata markaa meesha waxaa ka dhalanaysa in lagaa cararo oo la dhoho habaar qabihii ayaa meeshaa taagan oo wadada lagaaga leexdo, ogow wali xagdiimeed lama gaarin iyo aakhiroba dunidii oo kaliya ayaa intaas oo masiibo kala kulmayaan...marka umada soomaaliyeed oo qoriga qabiil huwan waxaan u soo jeedinayaa in ay ka waantoobaan oo ay qoriga kitaabka qur aanka badalkiisi ka dhigtaan ILLAAH na ku soo hanuuniyo wadadaa quman ee aan ka san qariyey.

Bal aynu kan amarka ku bixiya in dad la laayo aynu isla eegno dhaxalkiisa; waxa aynu wada og nahay ninka amarka ku bixiya in dadla laayo in uusan dagaalka galin uu dibadaa ka fariisto xitaa caruurtiisa uma ogola in uu dagaal galo waaya hore ayuu Qurbe u diray oo yiri wax ii soo barta maandhaynow, waxa kale oo aynu ognahay ninkan amarka bixinayaa in uu dantiisa wato ee uusan xitaa walaalkii u naxayn hadii ay is qabtaan uu qurka ka jaraayo , marka umada soomaaliyeed waxaan ka codsanayaa in aysan ninkaa amarkiisa qaadan danays taha ah oo aan nina u aaba yeelayn.

Ninka ku farxay umadaa is laynaysa oo mooday in garab xigo bal aynu isla eegno, xumaan ku farxahaani kama ood duwana kan dagaalamay iyo kan wax amray labadaba wuu la wadaagaa danbigooda waayo xumaantii ay sameeyeen ayuu ku qancay, marka waxaynu oran karnaa wuuba ugu danbi badan yahay,waayo? markii saaxiibadii midna qori qaatay midna amray ayuu isna u sacab tumay ama u gabyey , marka kama uu ood sukayn karo in uu ka shisheeyo mooyee maxaayeelay labada kale nin kasta hal danbi ayaa loo qorayaa mid waxa loo qarayaa amarka uu bixiyey kan kalena qoriga uu qaatay balse kan ku farxay labada danbiba wuu ku jiraa oo wuu ku farxay,marka umada Soomaaliyeed waxaan ku boorinayaa in aysan intaasba ka qayb qaadan. 

Eng:Mohamed Bashi.

E-mail: mbaashimbc@hotmail.com 

Afeef: Aragtida maqaalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 4, 2005


MAQAALADA MAANTA:::
»Dadku diide FAATAXO, ee bal DAADKANA ha lagu dayo | A.D. Elmi
»Soomaalida iyo ismiidaaminta | Dayax
»Warbaahinta Cabbursan ee Puntlad: Heer qaylo-dhaan mudan! | B.A.
»Illeen baroortu hiillo waa Gashaa!! (Dilkii yaxye iyo Muunin) | Wallays
»Cambaareeyn Falalka Dileed ee Caasimadda Muqdisho ka Dhacaaya  
»Duuliye Sare Xaaji Dhagax oo Dhambaal u Diray C/Risaq Xaaji Xuseen
»Khudbadaha C/lahi  caadifadii qabiilka ayey dib u soo noolaynaysaa
»GABAY: DHUL SHISHEEYE | suleiman
»Falka lagu tuhmay Yaasiin X. Cumar oo saamayn ku yeeshay Somalida
»WAA QABIILKEE YAASIIN XASAN CUMAR | Nasteex
»GUULEYSO FAHADOOW MAXAAD SIDAAS NOOGU GASHAY | Dayax
»Somaliland Ictiraaf ka dheer nin doonayna wareer | Siciid 

»Dowladdii cidla joog, maxay curatoo dalka keentay? A.D. Elmi
»Ina Waraabe and the Gang in Hargeisa: | A Omar
»95-KM AYAA NABADDA IYO KHILAAF XALINTU JIRTAA | X. carab
»MAQAALADA KALE EE MAANTA::: KA AKHRI HALKAN... GUJI..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD