SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

 Bani`aadamka: Qaabiil iyo Haabiil is-qoonsi-goodii balo uguma horeeyn!!!

Bile Jaamac

Oslo, Norwey

sharmarke10@hotmail.com 

"Qaabiil-ba markuu qoonsaday Haabiil waa tuu dilaye" erayadaan waxaan ka bartey oday Soomaaliyeed anigoo ah wiil dhalinyaro ah.

Bani`aadamka taariikhda uu soo jiray waxaa la ogyahay in uu isku-cunsuri-yeeyey sabab badan asagoo adeegsanaayo arimo badan, kuleey ku tahay diin, midab, jinsiyad iyo darajo.

Is-kala qeybinta iyo is-faquuqidda bani`aadamka waqti hore ayeey soo bilaabatey, oo waxaa tusaale fiican u ah: Haabiil iyo Qaabiil oo aabahood uu ahaa Aadan-kii ilaaheey gacantiisa uu ku abuuray, oo maantana tarankooda uu maraayo sida lagu sheego 6 bilyan + oo bani`aadam ah eey aduunkaan ku noolyihiin waqtigaan la joogo.

Taariikhda bani`aadamka dhinacaad ka martid-ba, wax fool-xun oo aad iyo aad u badan baa soo dhex-martey wali-na ka dhex-socota.

2005 oo ah sannadka aan maanta joogno ee Miilaadiyadda ah, ee aan aheeyn midda Hijri-yadda ee ka duwan, wali bani`aadamka dhibka dhex-yaal in uu xalis-mo waa adagtahay, sababo badan awgeed.

Bani`aadamka sannadka 2005-ta jooga, xaaladiisa weey sii xumaatey aragtideeyda qof ahaaneed, sababtoo ah, waxeey isku-faquuqayaan arimo diineed ama midabeed.

Gabagabo, bani`aadamka dhibka ka dhaxeeyo waa hore ayuu soo bilooday, hadana uma eka mid dhamaanayo.

Bani`aadamka, inta uu soo jiray waa uu is-dilaayey walina waa is-dilaayaa, sad-iska-bursinna dhibaatada dhex-taal ayaa ugu horeeysaa.

Runtii hadaan isku sheegno "balo" noogama horeyn hadaan bani`aadam nahay dhibaatada eey na-badeen Qaabiil iyo Haabiil oo ah ilmo Nabi Aadan.

Oo isku dilay markii Qaabiil uu u arkay in gabadha quruxda badan ee uu isku rabay in uu ka qaadan-rabo Haabiil, arintaa markeey u muuqateyna wuxuu sameeyey in uu dilo walaalkii Haabiil oo gabadhaa ka qaadan lahaa.

Bani`aadamka maanta jooga 2005, sida Qaabiil iyo Haabiil eey isku dileen waa ka gudbay oo gabar-naas-qurxoon meel kasta ayuu ka heli karaa qof kasta ee bani`aadam ee nool maanta ee waxaa la leeysku hayaa waa dhaqaale guud ee ugu horeeya "batroolka" ama macdan kale ee muhiim u ah dhaqaalaha maanta jira, waana leeysku dilaayaa.

Bile Jaamac

Oslo, Norwey

sharmarke10@hotmail.com

Afeef: Aragtida maqaalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 4, 2005


MAQAALADA MAANTA:::
»Dadku diide FAATAXO, ee bal DAADKANA ha lagu dayo | A.D. Elmi
»Soomaalida iyo ismiidaaminta | Dayax
»Warbaahinta Cabbursan ee Puntlad: Heer qaylo-dhaan mudan! | B.A.
»Illeen baroortu hiillo waa Gashaa!! (Dilkii yaxye iyo Muunin) | Wallays
»Cambaareeyn Falalka Dileed ee Caasimadda Muqdisho ka Dhacaaya  
»Duuliye Sare Xaaji Dhagax oo Dhambaal u Diray C/Risaq Xaaji Xuseen
»Khudbadaha C/lahi  caadifadii qabiilka ayey dib u soo noolaynaysaa
»GABAY: DHUL SHISHEEYE | suleiman
»Falka lagu tuhmay Yaasiin X. Cumar oo saamayn ku yeeshay Somalida
»WAA QABIILKEE YAASIIN XASAN CUMAR | Nasteex
»GUULEYSO FAHADOOW MAXAAD SIDAAS NOOGU GASHAY | Dayax
»Somaliland Ictiraaf ka dheer nin doonayna wareer | Siciid 

»Dowladdii cidla joog, maxay curatoo dalka keentay? A.D. Elmi
»Ina Waraabe and the Gang in Hargeisa: | A Omar
»95-KM AYAA NABADDA IYO KHILAAF XALINTU JIRTAA | X. carab
»MAQAALADA KALE EE MAANTA::: KA AKHRI HALKAN... GUJI..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD