SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

 GEERI AAN LAGU CIBRO QAADANEYNIN CABSIBA HA JOOGTEE

MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH NABAD-GELYO IYO NAXARIISNA NABIGEENII (SCW) ILAAHAY HA SIIYO AAMIIN

Ilaahay wuxuu abuuray geerida iyo nolosha si uu inoogu imtixaamo midka camal ilaahay raali kayahay sameysta iyo kan kale. Waxaa kaloo geeridu tahay mid ilaahay noolaha oo dhan uu ku xukumay hadana qofku uusan dooran karin waqtiga iyo meesha uu ku dhimanayo. Waxaa kale oo ilaahay quraamka kariimkaa ku tilmaamay nafi ineysan awood ulahayn iney iska dhimato ilaahay idankiis maahane iyo waliba waqti go.an oo ilaahay uu u qorsheeyay mooyee. Sidaas daraadeed waxaan wada yaqiinsannahay inaan dhimaneyno anagoon ogeyn goorta iyo meesha ,waxaa nagu toosan oo kaliya inaan camal wanaagsanna  ku dadaalno ilaahayna kabarinno khaatumada inuu inoo hagaajiyo, waxaana saxaabadii nabiga allaha karaalinoqdee ku duceysan jireen inay ku dhintaan shahiidnimo iyo inay ku dhintaan magaaladii nabigu jeclaa kuna aasan yahay waa MADIINA. Ilaahoow annaguna intaas ayaan kaa barinay. Intaasi waa gogoldhig kooban.

Ujeedada maqaalka markaan usoo noqdo waxaa maalinkii isniinta ee taariikhtu ahayd 02/08/2005-ta lagu waabariistay akhbaaraha caalamka oo iclaamiyay labo nin oo can ah oo dhintay xaga siyaasadda iyo jabhadeynta iyo rabsho abuuridda waxayna kala yihiin FAHAD CABDULCASIIS iyo JOHN GRANG  oo ukala dhashay suudaan iyo sacuudiga , labadoodaba waxaa geeridooda ku jirta CIBRI-QAADASHO aan la dhayalsan karin ayna mudan tahay inaan aad ugu fakarno, haba kala darnaadaan labada nine, CIBRO-QAADASHADA waxay ugu jirtaa inta xukunka sida xun uraadisa ama ku gaaray. Markaan kala qaado labadan nin aan ku bilaabo, fahad tiisu wey fududaaneysaa marka loo fiiriyo suudaaniga waayo fahad xukunka uma uusan soo halgamin ee sida hanti aabihiis uga dhintay ayuu dadka iyo dalkaba u dhaxlay laakiin waa nin iyo kartidiisa dhismaha iyo horumarka dhaqaalaha ayuu asagu sabab ugu ahaa wadankaas, wixii dhiba oo ay biniaadamka ugeysteen caailadana wuu lawadaagaa, meesha cibrada uga jirto waxaa weeye Fahad isagoo ugu sareeya ilaahay ka sokoow wadankaas ay ubixiyeen magac awowgood ayuusan muddo toban sano ah waxba kala socon raaxeysi uu ku raaxeystaba daaye walibana  dhaqtaroo dhanna laga daalay ,maantana maro midab leh xattaa loogama xiri karo ee waa in mid cad oo loo xiro qofka ugu hooseeya aduunka xoolo iyo magacba loo xiro markuu dhinto.  ayaa isagana lagu duubayaa, wax allaale wixii waddankaas kadhacay iyo wixii hanti taalleyna isgaa ilaahay kala xisaabtamayaa , waardiye iyo xarasulwaddanna sooma dhex gali karaan afaarihiisa mana anfaceyso waxyaalaha ay ugu yeeraan MARSUUM MALAKI (wareegto boqorku soo saaray) waa asaga iyo ilaahay oo kaliya , ilaahoow aakhiro iyo adduunba noo ceeb astur Aamiin. Cibro ayaa ku jirta intii caqli laheey.


Boqor Fahad Bin Abdul Aziz oo Geeriyoodey
Boqorkii dalka Sucuudiga,
Fahd bin Abdul Aziz Al-Saud oo 82 jir ahaa ayaa maanta geeriyoodey, waxaana la caleema saaray Boqor Abdullah oo .... Guji... Aug 1

John Garang oo ku Geeriyoodey Shil Diyaarad
Madaxweyne kuxigeenkii Sudaan,
John Garang, ayaa geeriyoodey kaddib markii ay la dhacday Helicopter uu ka raacay Uganda asaga iyo... Guji... Aug 1


Ninka kale waa JOHN GRANG wuxuu ahaa ninka ugu weyn ee suudaan kaharsan weysay kana hoyan weysay muddo 21(kow iyo labaatan)sano ah ,wuxuu ahaa geedka kaliya ee ay harsadaan intii mucaaradnimo wadanka suudaan daneyneysa, haday yihiin suudaaniyiin  iyo ajnabiba , dagaalka uu hogaaminayay waxaa lagu tilmaamay dagaalkii ugu waqtiga dheeraa AFRIKA oo dhan, waxaa lasheegaa iney ku dhinteen banii-aadan (dad) gaaraya HAL MILYAN IYO SHANBOQOL oo kun  oo qof(1,5 milyan) waxaa ku barakay oo ku hanti iyo guryaba beelay  AFFAR MILYAN (4milyan) oo ruux oo suudaaniyiin ah inta hanti kubaxday dagaaladaasna xisaab yar maaha . intaasoo dhan halgankii  uu waday wuxuu soo afjaray  07/07/2005 maalinkaasoo loo dhaariyay inuu noqdo MADAXWEYNE KU XIGEENKA 1-AAD hadaba akhristoow dhimashadiisa waxaa la iclaamiyay ama la baahiyay 01/08/2005  iyadoo la rajeynayo inuu dhintay habeenkii kahoreeyay ee lawaayay helikobtarkii wadday ee kasoo qaadday ugaandha ee nadaxtooyada sida khaaskaa looga lahaa ayna wadeen todobadii beylood ee xulka ugaandha ahayd ee madaxweynuhu khaaska ulahaa.

Isku soo duuboo inta ninkaasi uu fadhiistay kursigii iyo xafiiskii halganka qaatay 21-ka sano uu usoo galay ay u dhimatay una naafowday caddadka aan kor ku xusay kuna hanti beeshay kuna bara kacday oo qoxootinimo ugu dhammaaday aduunka iyo wadamada suudaan dariska la ah ma dhamma 21 bari marka laga reebo safaradii uu guda suudaan ku galay iyo midkaan uu ku dhintay.

Ma laga yaabaa kuwa dhiigga soomaalida xalaashaday oo ayaguba kumannaanka laayay malaayiintana bara kiciyay walina ku dhex jira howlahaas waxshinimada ah kuna doonaya xukunka iney KU CIBRO QAATAAN KUNA WAANTOOBAAN waxa ku dhacay saaxiibkood JOHN GARANG mise anaa waalane dhimashaduba hada naxdin iyo cibraba maleh.

Waxaa la mid  laga doonayaa iney ku cibro qaataan inta wararka xun qorta ee u kaalmeysa af ahaan inta dagaal oogayasha ah.

Waxba yeysan idin kadin akhbaaraha afka sheydaanka ku hadla ee qofkii xumaan ku dhinta  laga dhigayo inuu halyey ahaa ,taasoo keenta iney dadkii camalkii  xumaa ayasan ka foojinaadaan kuna boorisa iney meesheedii kasii wadaan. ogaada IBLIIS ma ogola in dadku baraarugaan xumaantana ka dheeraadaan,

waxaan kusoo koobay maqaalkaan hadalkii amiirul mu,miniin CUMAR IBNUL KHIDAAB  oo ahaa ISXISAABIYA INTAAN LAYDIN XISAABIN.

Ilaahay towfooqda ha ina waafajiyo

Fiiro gaar ah:- wixii tacliiq ah ama naqdin ah hala bakheylin

Cusmaan Faarax Cali (dayax) London 
abumuhamud@hotmail.com
 

Afeef: Aragtida maqaalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 4, 2005


MAQAALADA MAANTA:::
»Dadku diide FAATAXO, ee bal DAADKANA ha lagu dayo | A.D. Elmi
»Soomaalida iyo ismiidaaminta | Dayax
»Warbaahinta Cabbursan ee Puntlad: Heer qaylo-dhaan mudan! | B.A.
»Illeen baroortu hiillo waa Gashaa!! (Dilkii yaxye iyo Muunin) | Wallays
»Cambaareeyn Falalka Dileed ee Caasimadda Muqdisho ka Dhacaaya  
»Duuliye Sare Xaaji Dhagax oo Dhambaal u Diray C/Risaq Xaaji Xuseen
»Khudbadaha C/lahi  caadifadii qabiilka ayey dib u soo noolaynaysaa
»GABAY: DHUL SHISHEEYE | suleiman
»Falka lagu tuhmay Yaasiin X. Cumar oo saamayn ku yeeshay Somalida
»WAA QABIILKEE YAASIIN XASAN CUMAR | Nasteex
»GUULEYSO FAHADOOW MAXAAD SIDAAS NOOGU GASHAY | Dayax
»Somaliland Ictiraaf ka dheer nin doonayna wareer | Siciid 

»Dowladdii cidla joog, maxay curatoo dalka keentay? A.D. Elmi
»Ina Waraabe and the Gang in Hargeisa: | A Omar
»95-KM AYAA NABADDA IYO KHILAAF XALINTU JIRTAA | X. carab
»MAQAALADA KALE EE MAANTA::: KA AKHRI HALKAN... GUJI..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD