SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Ciidanka Qaranka ee Somaliland noqon maayo sidii ciidamadii la jebiyey ee Dalka Rwanda ee uu xiligaasi madaxweynaha ka ahaa keligii taliyihii la diley ee Juvinal Haybrimana.

Faalo.

Kadib markii madaxweyne Juvinal Haybrimana waayey kalsoonidii shacabkiisa ayey dadweynihii dalka Rwanda ka horyimaadeen dawladii uu madaxda ka ahaa ninkaasi waxaa halkaasi ka bilaabmay dagaal lagu hoobtay oo dhexmaray shacabkii reer Rwanda iyo ciidamadii qalabka siday ee hutuga u badnaa ee uu hogaaminaayey Madaxweyne Haybrimana,dagaal faraha lagaga gubtay kadib ayaa lagu diley keligii taliyihii dalkaasi gacanta birta ah ku xukumayey oo dayuuradii uu la socdey oo ku degi lahayd gegida dayuuradaha ee caasimada Kigaali lagu dhuftay Gantaal.

Dilkaasi keligii taliye madaxweyne Haybrimana kadib ayaa ciidamadiisii taabacsanaa ay shacabkii aan waxba galabsan ee caasimada Kigaali iyo nawaaxigeeda deganaa inta ay giroomadii kubadaha cagta lagu ciyaaro isugu ururiyeen ay halkaasi ku xasuuqeen iyagoo laba(2)maalmood gudahood ku diley dad lagu qiyaasay Hal milyan,(1.000.000.00)oo qof.

Nasiib wanaag shacabkii iyo jabhadii xaq u dirirka ahayd ayaa sii waday dagaalkii kuna guuleystey inay jebiyaan ciidamadii keligii taliyihii la diley ee Juvinal Haybrimana. Hadhaagii ciidamadaasi laga xoog roonaaday oo ahaa kuwii xasuuqa shacabka geystey waxay u kala carareen dunida dacaladeeda taasi oo Jimciyada Qaruumaha ka dhexaysa United Nations ay amartay in gacan ku dhiiglayaasha la soo ururiyo oo dawlad waliba soo xidho tirada dalkeeda ku dhuumanaysa gacantana laga soo saaro Maxkamad gaara oo loo sameeyey oo laga aasaasay Magaalada Caruusha ee Dalka Tansania waa Maxkamada qaabilsan dhagarihii ay geysteen qawlaysatadii Madaxweynihii la diley ee Rwanda Haybrimana ee binu aadamnimada ka dhanka ah( Crime against humanity ). Dulucda Magaalka.

Beryahan danbe Madaxda dawlada Somaliland intooda badani marka ay Yurub iyo Waqooyiga Ameerika socdaalada ku marayaan waxaa ka soo burqada hadalo aan qof masuula ku wacnayn in uu adeegsado dhegtuna diideyso in ay maqasho balse aad arkeysid in ay kuba xaragoonayaan ereyadaasi kalsooni darada ah.

Hadaba ereyada ay had iyo jeer adeegsadaan madaxda Dawlada Somaliland khaasatan kuwa wasiirada ah waxaa ka mid ah,hadii aanu u aragno in doorashada baarlamaanka( UDUB ) lagaga guuleysanaayo wax kasta oo awooda waanu isticmaalaynaa si aanu isu hortaagno in xisbiyada mucaaradka iyo taageerayaashoodu guuleystaan xitaa hadii ay nala geleyso in aanu ciidanka qaranka adeegsano si ay xisbiyada mucaaradka ah iyo taageerayaashooda cagta u mariyaan.

Akhri qaybta labaad ( part. 2 )

Qalinkii. Yusuf cabdilahi Janale.
NORWAY OSLO.03.08.05
ajanaaaale3@hotmail.com  

Afeef: Aragtida maqaalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 4, 2005


MAQAALADA MAANTA:::
»Dadku diide FAATAXO, ee bal DAADKANA ha lagu dayo | A.D. Elmi
»Soomaalida iyo ismiidaaminta | Dayax
»Warbaahinta Cabbursan ee Puntlad: Heer qaylo-dhaan mudan! | B.A.
»Illeen baroortu hiillo waa Gashaa!! (Dilkii yaxye iyo Muunin) | Wallays
»Cambaareeyn Falalka Dileed ee Caasimadda Muqdisho ka Dhacaaya  
»Duuliye Sare Xaaji Dhagax oo Dhambaal u Diray C/Risaq Xaaji Xuseen
»Khudbadaha C/lahi  caadifadii qabiilka ayey dib u soo noolaynaysaa
»GABAY: DHUL SHISHEEYE | suleiman
»Falka lagu tuhmay Yaasiin X. Cumar oo saamayn ku yeeshay Somalida
»WAA QABIILKEE YAASIIN XASAN CUMAR | Nasteex
»GUULEYSO FAHADOOW MAXAAD SIDAAS NOOGU GASHAY | Dayax
»Somaliland Ictiraaf ka dheer nin doonayna wareer | Siciid 

»Dowladdii cidla joog, maxay curatoo dalka keentay? A.D. Elmi
»Ina Waraabe and the Gang in Hargeisa: | A Omar
»95-KM AYAA NABADDA IYO KHILAAF XALINTU JIRTAA | X. carab
»MAQAALADA KALE EE MAANTA::: KA AKHRI HALKAN... GUJI..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD