SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

 Maqaal Ku Saabsan Isboortiga (Ciyaaraha)::::

muse abees
abees11@yahoo.com

AAMMIIN ALLAHAYOW IN DIB LOO ARKO SPORTIGA SOOMAALIYEED OO  AY DAWLAD IYO DADWEYNEBA
WADA DAAWANAYAAN, 15 SANO OO BURBUR AH KADDIB.
 
Virginia (USA), Agoosto  3, 2005. Waxaan ka mid ahaan jiray berisamaadkii weriyeyaashii  Wasaaraddii Warfaafinta Soomaaliya (1973 ilaa dhammadkii 1990kii) waxaanna si gaar ahaaneed uga faalloon jiray noocyadii kala duwanaa ee Sportiga, faallooyinkaas oo aan cunwaan uga dhigi jiray GOOL!!! kuna soo bixi jiray Wargeyskii Qaranka ee Xiddigta Oktoobar magacayguna waa Muuse Xaaji Saciid (Abees).
                              
                                      HA BEENAAN FARXADDAYDA MAANTA
 
Waxaan Eebbahay uga mahadcelinayaa in uu igu simay in ay  I soo marto farxaddii iigu weyneyd ee aan la kulmo muddo 15 sannadood ah kolkaan qoraalkeeda iyo sawirkeeda ka akhristay kana daawaday internetka ee ciyaar dhexmartay laba kooxood ee  Junyorka Jowhar iyo Benaadir kala ah, ayna wax ka daawanayeen, ciyaartoyda dhexgaleen, iskuna sawireen Madaxweyne C/lahi Yuusuf Axmed iyo Ra'iisalwasaare Dr. Cali Maxamed Geeddi, isla markaana ay fadhiyeen labada gole ee DKG ah ee Soomaaliya.
 
Waan filan waayey waana rumaysan waayey, waxaanna u qaatay in aan riyoonayo kolkaas baan booday oo anigoo ilmaynaya kor ugu dhawaaqay  "HA BEENAAN FARXADDAYDA MAANTA". Cabbaar kaddib ayaan xaqiiqsaday in arrintu aanay riyo ahayn ee ay run ahayd markaan sii  daalacday qoraalkii, siina akhriyey ballanqaad madaxda sare ee dawladda  oo dhahaya sidatan: "Dawladda waxaa ka go'an in la horuumariyo sportiga soomaaliya, in wax badan laga qabto arrimaha bulshada, in dhallinyaradu qaybtooda ka qaataan horuumarinta waddanka, dhisaan dalkooda burburay iyo in sannadka danbe la ciyaari doono ciyaaraha gobollada". Sidaas waxaa laga soo weriyey Madaxweynaha Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed isagoo ku sugnaa waqtigaas garoonka k. cagta ee Jowhar!!!  MAASHAA ALLAAH.       
                            
Insha Alla Aamiin in sannadka dambe la qabto ciyaaraha gobollada, balse isboortiga waxaa lagu ciyaaraa kalsooni, farxad iyo meel ay nabadi ka jirto, waxaa ka reebban in lagu soo bandhigo meel rasaastu ka taliso, waxaana bulshadu u qaadanaysaa ballanqaadkaas in marka hore hubka laga qaadayo dadweynaha, oo uu gacanta ciidammada dawladda oo keli ah hubku ku jirayo. Markaas kaddib guubaabadu waa barbarkay ka baxdaa waa bakeyle qaleen.
 
Waxaan ku ducaysan jiray in ay hanaqaad noqoto dawladdii lagu soo yagleelay dalka Kenya, qodaxbixin iyo dulqaad waqti dheer qaatay kaddib, waana ka rajaynaayey in ay hawlgasho dibna u soo noolayso magacii, maamuuskii, sharaftii iyo karaamadii ummadda soomaaliyeed ee booraanta dheer ee mugdiga ah lagu tuuray, hase yeeshee waxaan si aan cidina qiyaasi karin ugu faraxsanahay munaasabadda Jowhar ka dhacday oo ka soo degdegtay waqtigii aan u sid-tirinaayey ama sugayey.
 
Mar kale ayaan haddana u ooyey sida ilmo abaydin ah, aadna u ilmeeyey kolkii ciyaarta ka dhacday Jowhar dib ii soo xusuusisay cammirraantii, farxaddii, sacabkii, taageeradii, sawaxankii ama bulaankii Isboortiga Soomaaliya ee ka dhici jiray Tuuladii Isboortiga ee Istaadiyo Muqdisho ee ay sida weyn ugu farayaraysatay dawladda dadka Shiinaha, garoonkii 21ka Oktoobar ee K. Koleyga iyo Istadio CONS ee K. Cagta, goobahaas oo ay dhammaantood ka dhici jireen, galab iyo habeen kasta, tartammo isboorti oo aad u xiiso badnaa, sida ciyaarihii gobollada dalka, kuwo caalami ahaa iyo kuwo munaasabado gaar ahaaneed lagu maamuusi jiray. Inta badan tartammadaasi waxay dhexmari jireen ciyaartoydii 10kii Naadi ee heerka koowaad ahaa ee dalku lahaan jiray waxaana daawashadooda ka soo qayb geli jiray oo garoommada soo buuxin jiray madaxdii dalka, weriyeyaal ka kala socday Radiyo Muqdisho, Telefiishankii, Xiddigtii Oktoobar, wakaaladdii wararka SONNA, Wakaaladdii Filimada Soomaaliyeed, Diblomaasiyin iyo
 taageerayaal aan xisaab lahayn oo qudhooda uu ka dhexeyn jiray beretan xamaasad badan oo qof waliba si gaar ah u taageerayo kooxda iyo ciyaaryahanka uu jecel yahay, waxayna aad  afka ugu hayn jireen magacyada ciyaaryahannada sida Binshaakir, Shaash, Dheemanka madow (Cabdullaahi Cabdi), Ducaale, Jeylaani, Joorje, Ayuu, Qoorsheel, Mulki, Sucaad, Gees,  Geeddiyo, Sheekha, Baarajab, Cambar iwm. Hase ahaatee, waxaan ka sii daray oo uu dhulkiiba ila wareegay, welina aan u dayaysnahay markaan isweydiiyey, garanna waayey jawaabteeda halka ay ku dambeeyeen garoomadaas, cammirraantaas iyo taariikhdii  waayadaas la soo maray, XAGGEE BAAN U RAACAA? MA HAYO, MANA SUGAAYO, IIMANA-MAQNEE?
 
Maxaa u dhexeeya maanta iyo maalmahaan kor ku soo xusay? Maxaa u dhexeeya maanta iyo maalintii Cabdulle Nuur Waasuge magaalada Lagos (Nigeria) la guddoonsiiyey Billaddii Dahabka ahayd ee boodada sare ee Qaaradda Africa toddobaataneeyadii? Maxaa u dhexeeya maanta iyo habeenkii Cabdi Bile Cabdi magaalada Rome (Italy) qoorta loo geliyey Billaddii Dahabka ahayd ee orodka 1500 mitir ee adduunka siddeetaneeyadii?
 
Gacalkayow, haybaddaas iyo xarragadaas  lumiyey oo maba hayee maxaan u lumiyey? Maxaa ii  dhaamay oo aan ku beddeshay? Horaa loo yiri "wixii nin xil moodo ayaa ninna
xarrago moodaa". Dad baa jira aad u aamminsan in baaba'aasi ahaa  guul la gaaray welibana, liidnimadooda, ku sii faanaya. (XASBUNALAAH WA NICMAL WAKIIL).
 
MIDNIMADA, DAACADNIMADA, IS-AAMMINKA IYO WADASHAQAYNTA MAAMULKA IYO  BULSHADA GOBOLKA SHABEELAHA DHEXE WAXAY MUDAN YIHIIN BOGAADIN, HAMBALYO IYO KUDAYASHO.
 
Maamulka iyo shacabka Gobolka Sh/Dhexe uma kala harin in ay degaankooda nabadeeyaan, nidaam iyo kala dambayna yeeshaan si uu dhaqso ugu dhismo gobolkoodu, isla mar ahaantaas waxay si hagar la'aan ah u taageereen ulana shaqeeyeen dawladda curdinka ah oo ay durbadiiba gacmo furan ku soo dhoweeyeen. Waxay si weyn oo lama illaawaan ah dawladda ugu fududeeyeen  in ay si KMG ah Jowhar hawlaheeda ugu sii fushato tan iyo inta  si buuxda looga xasilinayo Caasimaddeenna Muqdisho. Waxaa nasiibdarro ah in dad si kale u fekeraya ay sharcidarro ku tilmaamaan in ay dawladdu degto Johwar una hanjabaan iyagoo weliba ka tirsan dawladda. Haddaba, su'aasha meesha ku jirta oo la isweydiin karayaa waxay tahay: "Miyaanay raggaasi ogayn in ay Jowhar iyo Muqdisho yihiin laba magaalo oo sida hal iyo nirigteed ah? Kooxda sheegata in ay u hadasho Muqdisho ma oga in ay tarjumo aad u liidata samaynayaan markey yiraahdeen magaalo ama gobol aan Muqdisho ahayni ma jiro.
Haba yaraatee magaalo iyo gobol ka mid ah Soomaaliya oo ankiray Muqdisho lama hayo, balse dhinaca kale, waxaa Benaadir loo aqoonsan yahay in uu mid ka yahay 18kii Gobol ee dalku ka koobnaa intii aanu burburku dhicin, xeerkuna wuxuu  qorayaa in ay Muqdisho caasimaddii Soomaaliya tahay. In kasta oo ay arrintu sidaas tahay haddana Muqdisho waxaan marna laga yeelaynin in ay ku andacooto 17 gobol iyo magaalooyin kale  Soomaaliya kama ay jiraan iyo waa sharcidarro haddii  ay dawladdu cag-dhigto meel aan Muqdisho ahayn! 
 
Bilicdii iyo isdhexgalkii madaxda sare ee dawladda, ciyaaryahannada iyo bulshoweynta 28kii July 2005 ka dhacay garoonka k. cagta ee Jowhar waxaa suurageliyey libinteedana ku geeraaray reer Jowhar oo isku duuban oo Ilaahood talo saartay.  Haddaba, waxaan dawladda ka rajaynayaa  in ay reer Jowhar abaalmarin iyo waajib-gudasho uga dhigto in ay si wacan ugu dhisto garoonkaas taariikhda gelaya loona yeelo tiriibuun mug weyn oo tartammada isboortiga si wanaagsan loogu daawado. Anigu shakhsi ahaan waxaan soo jeedin lahaa in garoonkaas loogu magacdaro (MAXAMED DHEERE ISTAADIYUUM).
 
Ugu dambayntii waxaa Soomaalidu tiraahdaa axdi lama galo ama lama gogto taasoo macneheedu yahay markaaga horeba ha gelin axdi ama ballan aadan fulinayn, haddiise aad gasho ha gogan oo ah sidii uu ahaa u fuli axdiga. Sidaas darteed, Madaxweyne Cabdulaahi iyo Ra'iisalwasaare Geeddi waa laga sugayaa horumarinta arrimaha bulshada oo ah mawduuc aad u ballaaran aadna muhiim u ah, maxaa yeelay waxa ay dawladi qabato ayaaba ah daryeelka bulshada oo uu Isboortigu saami weyn ku leeyahay.
 
Akhristayaasha sharafta lehow ha ila yaabina, haddii aan farxad la jidbooday oo ay ciyaartii Jowhar ee kubbadda cagta iyo ballanqaadyadii madaxda Sare ee Soomaaliyeed fagaarahaas ka jeediyeen i beer qaadeen: Isboortiga oo la horumariyo keliya hawlihii qaranku kuma dhamma, hase yeeshee dhinac kasta oo ay Dawladda Ku-Meelgaarka ahi horumar ka samayso si kal iyo laab ah ayaan shakhsi ahaan u soo dhoweynayaa taasina waxay ku habaysan tahay murtida Soomaaliyeed oo tiraahda "irbado la ururshay masaar bay noqdaan".
 
 
Ciddii maqaalkaygan ka ra'yi dhiibanaysa waan soo dhoweynayaa waxayna igala soo xiriiri kartaa:
abees11@yahoo.com

 

Afeef: Aragtida maqaalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 4, 2005


MAQAALADA MAANTA:::
»Dadku diide FAATAXO, ee bal DAADKANA ha lagu dayo | A.D. Elmi
»Soomaalida iyo ismiidaaminta | Dayax
»Warbaahinta Cabbursan ee Puntlad: Heer qaylo-dhaan mudan! | B.A.
»Illeen baroortu hiillo waa Gashaa!! (Dilkii yaxye iyo Muunin) | Wallays
»Cambaareeyn Falalka Dileed ee Caasimadda Muqdisho ka Dhacaaya  
»Duuliye Sare Xaaji Dhagax oo Dhambaal u Diray C/Risaq Xaaji Xuseen
»Khudbadaha C/lahi  caadifadii qabiilka ayey dib u soo noolaynaysaa
»GABAY: DHUL SHISHEEYE | suleiman
»Falka lagu tuhmay Yaasiin X. Cumar oo saamayn ku yeeshay Somalida
»WAA QABIILKEE YAASIIN XASAN CUMAR | Nasteex
»GUULEYSO FAHADOOW MAXAAD SIDAAS NOOGU GASHAY | Dayax
»Somaliland Ictiraaf ka dheer nin doonayna wareer | Siciid 

»Dowladdii cidla joog, maxay curatoo dalka keentay? A.D. Elmi
»Ina Waraabe and the Gang in Hargeisa: | A Omar
»95-KM AYAA NABADDA IYO KHILAAF XALINTU JIRTAA | X. carab
»MAQAALADA KALE EE MAANTA::: KA AKHRI HALKAN... GUJI..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD