SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

WASIIRADDA HUBEEYSAN EE MUQDISHO AWOOD GAAR AH LA SIIYO-QIIL MA NOQON KARAA?

Qorre-Xassan C/Laahi Sheekh(Xassan Carab)-
-Huddersfield-England- 04/08/2005.
- sharifhassan50@yahoo.com



Kulankii dhex maray Ergeeyga Qaramadda Midoobay iyo Garabka Dowladda ee Magaaladda Muqdisho Fadhiya oo Maalintii Shalay 03/08/2005 ka dhacay Xaafadda Deyniile oo ah Xarunta
Wasiirka Amnigga Qaranka, Mudane-Max,d Qanyarre Afrax Hogaamiyaha Maleeshiyaadka
Hubeeysan ee Beesha Muruursadde, isla markaana ah hogaamiyaha ugu Waqti dheer kuwo
Muqdisho ka Jirra.
 
Kulankaas ayaa Salka ku haya Go,aankii ka Soo baxay Kal Fadhigii Golaha Amaanka ee
Jimciyadda Qaramadda Modoobay oo lagu Sii Adkeeynaayeey Cuna Qabateeynta Hubka
ee Dalka Somaaoiya saarnaa intii muddo ah iyo in laga Shaqeeyo xal u raadiinta khilaafka
labadda garab ee Dowladda Somaaliyeed oo Muqdisho iyo Jowhar kala fadhiya, kulankaas
oo eey ka qeyb qaateen tirro Xadidan oo ka mid ah garabka Muqdisho oo Si gaar ah loo
Soo Xulay, iyadoo la wadda ogyahay in Daqiiqadihii ugu dameeysay laga reebay Xildhibaan,
Caasha Axmed Cabdalle.
 
Waxaa si weyn ii soo jiitay la yaabna igu noqotay Labo qodob oo ka mid ah Qoqobadda
eey rabaan in Dhaca kalle ama Garabka Jowhat Fadhiyaa Ogolaadaan oo eey Shuruud
uga Dhigayaan Wadda hadalka iyo is hor-fadhiisigga labadda garab ee Dowladda Somaaliyeed,
 Waana Labdan Qodob oo la yaabka leh:-
 
1-In Hogaamiyaasha awooda ku leh, Maleeshiyaadka iyo Isbaarooyinku u Yeeli Caasimadda
Qaranka Muqdisho iyo Kuwo Dhigooda ah ee Goboladda Kalle ku Sugan Yeeshaan Awood
Dheeraad ah (Codka Diidmadda Qyaxan) si eey uga awod bataan kuwo aan Hubeeysneyn oo
ka midka ah Golaha Xukuumadda.
 
2-In Laga Noqdo Dhammaan Magacaabicii Jagooyinka intii Khilaafku jiray, eeyna waxba kama
jirraan yihiin Dadka Xilalkaas loo Magacaabay.
 
3-In Dowladdu Soo Degto Caasimadda Muqdisho.
 
Haddaba, Anigoo ka Bilaabaaya Qodobka Sedexaad iyo Degidda Dowladda ee Magaaladda
Muqdisho waa arrin Muhiim ah waana loo baahan yahay in Dowladda soo degto Caasimadda
Qaranka Muqdisho, Aniguna Shakhiyan waan Taageersanahay Qodobkaas marka la Sugo
ama wax laga qabto Xaaladda Amaan Xumo iyo Xasilooni darro ee ka jirra Caasimadda iyo in
la Dhammeeys-tirro qaadidda Isbaarooyinka jid-gooyadda ah oo dhex yaala, waana arrimihii
eey Balan qaadeen Hogaamiyaasha Hubeeysan ee Muqdisho welina Farri kama qodna.
 
Midda Labaad, ayaa ah Qodob si weyn loogu qoslo oo aan laheyn wax Sal Siyaasadeed ah,
ama aragti xeel dheereed iyo haba yaraatee wax la oran karro waa Macquul iyo Madax gal
hoona, waana Qodob ku Saleeysan Awood doonid, Awood Maroorsi, Daneeysi gaar ah iyo
Yeelashadda Codka Diidmadda Qayaxan, balse xaqiiq ahaan qodobkaas ayaa ah mid si weyn
u Dhaawacay una qiimo tiray Maqaamkii iyo heerkii eey la haayeen Hogaamiyaasha Hubka
iyo Maleeshiyaadka iyo Isbaarooyinka ku heeysta Muqdisho, waxeeyna halkaas ka Muuqdda
ama eey ka Cadeeyeen in hadafkoodu yahay daneeysi gaar ah iyo yeelashadda qiil eey berri
Naftooda ku Difaacaan(La-cala haddii Maxkamadda Dambiyeed Caalami ah oo Arrimaha Dalka
Somaaliyeed la Furro) taasoo Hoggaamiyaal iyo Masuulin Badan oo Sommaaliyeed oo uu ka
mid yahay Madaxwene-C/Laahi Yuusuf Axmed, Waxaa Arrin la yaab leh in Wasiiro Heer
Qaran ah oo Kitaabka Quraanka Karrimka iyo Magac Alle ku Dhaartay, hadda Leeyihiin waa
in aan helnaa Awood iyo Maqaam Gaar ah oo ka Soo Hor jeedda danta guud ee Dadka iyo
Dalka Somaaliyeed, habaka Nidaamka iyo Axdi Qarameedka.
 
Midda Sadexaad, waa Arrin laga Doodi karro haddii la heli Wadda hadal iyo Kalsooni abuurid
Dhex marta labadda Garab loona soo jeesto Danaha guud iyo Maslaxadda Ummada iyo Dalka
Hooyo, iyadoo aan laga tegeeyn Sidda Axdi Qarameedku dhigaayo in Magacaabidda Xilka iyo
Masuuliinta Heer Qaran awooda Magacibeenu uu Iska Leeyahay-Ra,iisal Wasaaruhu, laakiin
Danta Qaran awgeed waa laga wadda hadli karraa, waana la isla eegi karaa habka Xilalka loo
Qeybiyeey, Marka Xil Magacaabidda ayaa ah Awoodda Ra,iisal Wasaarre Geedi, Wana Jiiro
Qiil ama Qodob Dhigaaya in Wasiir Magacaabi karra Xil Heer Qaran ah (Sidda Taliyaasha
Ciidamadda Qaran) Tallo soo Jeedin ayaay Wasiiraddu Leeyihiin ee Al-Wasiir, Qanyarre ha
Ogaado.
 
Waxaan filaayaa in Dad badani ka yaabeen ama la yaabi doonaan marka eey arkaan ama
Maqlaan Qodobadaas ahamiyadda iyo mudnaanta-toona la heeyn, Xujadda ah oo lagu
Doonaayo si dheereeynta Khilaafka iyo ka daadsanaanta Dowladda Somaaliyeed ee lagu
Soo Dhisay Dalka Kenya loogana Fadhiyo Wax qabad dhab, dib u heshiisiin Xaqiiq ah iyo
Soo nooleeynta Qaranimadda iyo midnimaddii Ummadda Somaaliyeed, inta Kooxo isku
Aragti ahi leeyihiin Mudnaan gaar ah iyo awood gaar aanu yeelanao waa Ayaan darro iyo
Wax laga Xumaado lagana Gadoodo, Waxaana Orankaraa kuwa Jowhar Fadhiya iyo Kuwa
Muqdisho Fadhiyaaba ma doonaayaan helitaanka hanaan dowladee oo Cadaalad iyo qaab
Sinaaneed leh oo sidda ku haboon uga Shaqeeya dib u dhiska Dalka hooyo ee Burburku
Saameeyeey Dhammaantiis Dhibkuna gaaray Ummadda inteedda badan, Waa Ceeb in
Shakhsigga Masuulka ahi doonto ama raadsado dano iyo waxyaabo gaar ah oo uu rabo in
uu ku helo Xilka Qaran iyo Magaca ummadda Somaaliyeed, waana Asbaabihii dumiyeey
Xukuumaddii Rajiimkii Kacaanka iyo kuwii Magaxyadda ahaa ee ka Dameeyeeyba.
 
-Alla Mahad Leh-
-Qorre-Xassan C/Laahi Sheekh(Xassan Carab)-
-Huddersfield-England- 04/08/2005.
- sharifhassan50@yahoo.com

Afeef: Aragtida maqaalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 4, 2005


MAQAALADA MAANTA:::
»Dadku diide FAATAXO, ee bal DAADKANA ha lagu dayo | A.D. Elmi
»Soomaalida iyo ismiidaaminta | Dayax
»Warbaahinta Cabbursan ee Puntlad: Heer qaylo-dhaan mudan! | B.A.
»Illeen baroortu hiillo waa Gashaa!! (Dilkii yaxye iyo Muunin) | Wallays
»Cambaareeyn Falalka Dileed ee Caasimadda Muqdisho ka Dhacaaya  
»Duuliye Sare Xaaji Dhagax oo Dhambaal u Diray C/Risaq Xaaji Xuseen
»Khudbadaha C/lahi  caadifadii qabiilka ayey dib u soo noolaynaysaa
»GABAY: DHUL SHISHEEYE | suleiman
»Falka lagu tuhmay Yaasiin X. Cumar oo saamayn ku yeeshay Somalida
»WAA QABIILKEE YAASIIN XASAN CUMAR | Nasteex
»GUULEYSO FAHADOOW MAXAAD SIDAAS NOOGU GASHAY | Dayax
»Somaliland Ictiraaf ka dheer nin doonayna wareer | Siciid 

»Dowladdii cidla joog, maxay curatoo dalka keentay? A.D. Elmi
»Ina Waraabe and the Gang in Hargeisa: | A Omar
»95-KM AYAA NABADDA IYO KHILAAF XALINTU JIRTAA | X. carab
»MAQAALADA KALE EE MAANTA::: KA AKHRI HALKAN... GUJI..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD