SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

JAHO XUMIDA XISBIGA UDUB JAANGOYNTA XISBIYADA MUCAARIDKA, IYO GOCASHADAYDA

MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)
HARGEISA, SOMALILAND
Mobile: 406745 (telesom)
diridhaba2001@hotmail.com

                                      Ma intaan dhitinayee
                                      Arrintayda dhilayee
                                      Dhebigeeda qorayaa
                                      Bahalkii dhabbacan jirey
                                      Iga galay dhufayskii                                        

Iyadoo Nasiib darrooyinka ugu waaweyna ay ka dhex dilaceen  Xisbiga Dawliga ah ee UDUB, marka loo eego ama la bar bar dhigo labada Xisbi ee ku bahaysan Mucaaridnimada Siyaasadda Somaliland ee KULMIYE iyo UCID, akhristaw waxaa xusuus Mudan markii lagu guda jiray doorashooyinkii ina dhaafay ee ka qabsoomay dalka ayaa Xisbiga UDUB, wuxuu Beer laxawsi badan la dhex gallay Bulsho weynta Somaliland isagoo Harawsiga iyo Saansaanta Siyaasadiisa ku lifaaqi jiray Kelmado aan hadda ka xasuusto “Xisbigii Maxamed Ibraahim Cigaal” “Somaliland Nabadeedu khatar ayey ku jirta haddii aanu udub ku guulaysan hogaanka dalka” runtii waxaasi oo dhami maanta  waxay u ekaadeen Hal bacaad lagu lisay, iyo kuturi kuteen ay islaanta indhaha leh ka xishooto, waxaa marag ma doonta ah oo shakhsi wal oo Somalilander ahi uu maanta iiga markhaati yahay inuu Xisbiga UDUB yahay Xisbi Beelaysan oo jahawareersan oo aan la garanayn meel uu ku socdo iyo meel uu ka socdo, Wuxuu noqday Xisbi ay yeeshaan Hanfadayaal ku gaashaamaan Nacab u adeeg iyo dulmiga danyarta, iyo khal khal gelinta  danta guud ee Somaliland. 

Waxaan filaya inaanu qoraalkaygani noqon doonin kii ugu horeeyey ee aan ka soo saaro Dulmiga ay Xukuumadda maanta dalka ka arrimisa iyo Xisbigeeda ku heeryeysan tacadiga,foolxumada iyo qabyaaladdu ay hormoodka uga tahay qarran dhiska dalkeena Somaliland. 

Akhristow sidaynu ognahay waxaa dhawaan axsaabta ka jirta Somaliland guda galeen Xulista khatinkii Geedi Socodka iyo hayaanka dalkeena Somaliland taasi oo sida beesha Caalamka la inagaga wargeliyey ah goobtii Somaliland beesha caalamku ugu garaabi lahayd, Axsaabta Qarranka waxaa Beelweynta iyo Shacabka Gobta ah ee Somaliland ka dhurgsugayeen inay bedka usoo dhigaan dad xilkasnimo, daacad iyo hufnaan Bulshada Somaliland ku dhex leh, balse nasiib darrooyinkii ugu waaweyna oo lama fillaan ku noqday inbadan oo malaha Waxtar ka sugaysay dadka ka arrimiya Dalkeena Somaliland oo aan aniga iyo Saaxiibo badani qannac ka ahayn markii horeba waxay ahayd Foolxumida iyo cadaaladd darrida Baahday ee ku dhisan Kelitalisnimada (Dictatorship) ee Xisbiga Dawliga ee UDUB usoo xulay Xubnaha uga qayb galaya doorashada Baarlamaanka Somaliland, iyo sida aan anigu ugu qancay Sida Axsaabta Mucaaridka ah ee KULMIYE, iyo UCID ay sida quruxda badanleh ee ay usoo sharaxeen, Kuwaasi oo runtii iila muuqda Shakhsiyaad ama Musharaxiin fiican oo tayo leh, badina laga dhex dheehan karo Muraayadda horumarka ee Somaliland. 

Dabcan Bulshada reer Somaliland waxay maanta uga fadhida Musharax kasta oo bedka isa soo dhigay waxay tahay inuu Cadaaladda, hawlaha Bulshada, dejinta Siyaasadda Somaliland, iyo ilaalinta Xeerarka dawliga ah ee Somaliland uga qayb qaato kalana xisaabtamo Xukuumadda tayada darran ee dalka ka arrimisa Maanta, dabcan waxaa aynu ugu heelanahay inay doorasho cadaaladd ahi qabsoonto waxay tahay sidii loo heli lahaa Sharci dejiyaal ku sifaysan daacad iyo u hiilinta shacabka Somaliland hadday noqoto sharciga, waxbarashada, Cadaalladda,sinnaanta Bulshada, iyo dhisidda siyaasad degen oo kor usoo qaadaysa Kaabaayasha Dhaqaale ee fadhatada lagu wado maanta. 

Waxaan soo dhawaynaya  dhammaan Musharaxiinta Xisbiyada Mucaaridka ah ee KULMIYE iyo UCID, oo aan u arkayo in loo marray waddadii ugu quruxda badanleh in loo soo maray, iyadoo aan lagu arag wax is qab qabsi ah iyo weliba dad ka baxay oo aan odhan karo waxaa si fiican uga taliyey Xisbyadooda oo Muujiyey inaanay siyaasadda Somaliland cidna u dabranaanin, balse inyar oo aan ka gocday Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE  rag ka tirsan  oo aan runtii ka degin dhuuntayda ayaan doonaya inaan sharaxo bedkana soo dhigo oo aan islahaa kama ay duulayn Siyaasadda Xisbiga Kulmiye laftigiisa, sida aan ku arkay Cadadkii wergeyska Haatuf ee ku taariikhaysna 1 August, Wergeyskuna ku xardhay boggiisa hore ee Wararka Xaflad ay Xisbiga Kulmiye ku soo dhawaynayeen Beel ka soo jabtay Xisbiga UDUB, waxaa Xafladaasi hadallo kala duwan ka jeediyey Siyaasiyiin Xisbiga ka tirsan. 

Horta Xaqiiqdii markaynu dib ugu laabano Siyaasaddii iyo qawaaniintii Ururkii Mutadawiciinta ee SNM waxaan filaya inaan cidina si gaar ah u sheegan Karin uguna faani Karin waxqabadkiisii kala duwana markay noqoto dagaaladdii xalaasha ahaa ee ururkii SNM ku xoreeyey dhulka Somaliland iyo weliba Halgankii qadhaadha ee aqoonyahanka iyo Siyaasiyiinta Somaliland ka wadeen dalka dibaddiisa, SNM waxaa ku bahaysna Hooyooyinkii laga qaxiyey Guryahooga ee ka raalida ahaa xabbaddii dalkooga lagaga xoraynaayey faashistahii Siyaad Barre, SNM waxaa ahaa caruurta iyo da’yartii kala hortimid gacanta iyo adinka qallinka iyo Maskaxda gacantii adkayd ee  Siyaad Barre, Waxqabadkii SNM cid si gaar ah ugu faani karta ma jirto umana banaana in cidi si gaar ah iskugu keliyeyso, waa halgan lagu faani karo guud ahaan shacabka Somaliland quluubtoodana  si gaar ah ugu taalla, sida uu Mujaahid Axmed Maxamed Maxamoud (Siilaanyo) Qudbadiisa shallaytoole (1 August) ka dhacday hotelka Arawelo ee Magaalada Hargeysa,  sida quruxda badanleh ugu tiraabay in lagu faanno halgankii Hubaysna ee Maskaxaysna ee SNM, waajibna waxaa innagu ah in manaahiijta iskuuladda Somaliland taariikhdii SNM lagu barto. 

Laakiin waxaa iga degi wayday oo aan liqi kari waayey maskaxdaydana ka dhaadhici wayday aniga oo soo xiganaya Khudbadii uu ka jeediyey Walaalkay Mujaahid Muuse Biixi Cabdi isla goobtaasi ee uu yidhi “Waxaanu ku dooranay hebel, Mujaahid Hebel ayaa adeer u ahaa isagoo afar iyo toban jir ahna SNM ayuu ku biiray , Waxaanu ku dooranay Hebel SNM ayuu ahaayo Rasaas ayaa ku dhacday kaadidiisuu usoo cabbay, Waxaanu ku dooranay Hebel waxaa loo xidhay Somaliland, waxaanu ku dooranay Hebel lacag ayuu ugu yaboohi jiray Halgankii SNM.” Waxaan Moodaayey Mujaahid inaynu ka gudubnay wakhtigaasi iyo weedhahaasi oo Umadda Somaliland ayna u kala hadhin dhibaatadaasi, waxaan Moodaayey Mujaahid in Rasaastu inagu wada dhacday, waxaan Moodaayey Mujaahid in rag badani barafka Europe iyo dunnida oo dhan biyo u galleen, Miyaad ilawday Mujaahid Raggii Lugaha iyo gacmahu u go’een ee maanta baylahsan kaadida iyo saxaradana meel lagaga wada qaado, Miyaad Ilawday Mujaajid Raggii hadh iyo habeen SNM ku wadday sirdoonka ee siinaayey macluumaadkii ay ku socdeen halgamayadu, Miyaad ilawday Mujaahid Hooyooyinkii ku goblamay, Miyaad Ilawday Mujaahid Caruurtii ku agoomawday, Waxaan ka xumahay Mujaahid inaad maanta carabawdo Laba qof oo aad ku tilmaamto in halgankii oo  dhan looga doortay, waxaan ka xumahay Mujaahid in aad halmaantay in Halgankii xalaasha ahaa ee SNM ay dhaleen Shacabka Somaliland, Mujaahid waxaan kaa codsanaya inaad raali gelin Buuxda Siiso dhammaan Shacabka Somaliland oo aan u kala hadhin halgankii xalaasha ahaa ee SNM, intaad afar ruux oo aad magacyo garanayso ku tilmaamayso Halgankii loo soo gallay Somaliland.. Mujaahid Soomaalidu waxay tidhaahda “Ilaahay-na la kala baryi og Hadalna la kala odhan og” ee waxaan filaya malaha dadka kale inaanad waxbayahay ka soo qaadayne ee uu hadalku kula gallay. 

Wuxuu yidhi ninkii jiray:

Miyaan dheelallaysnahay
Mise waan dhadhabayaa?
Dhammaan guulahaygii
Riyo iyo ma dholol baa
Ma dhibaad nin bixiyaa?
Ma runtaan dhacdo ahayn
Dhagaxtuur ma been baa
Labadii dharaarood
Mee ninkii is dhinac sudhay?
Miyaan daayey dhagartii
Mise dhiilladaan jirin
Mise tolow dhalooshaa
Dhibidkeedu adag yahay?

Dhirta waxa ku jira geed
Wac wac iyo dhalaal badan
Dhulka hoose kama baxo
Dhuuni yaalla kama qado
Damal dhuumo maaliyo
Dhamastii hadhka lahayd
Marka dhuuxu ka engego
Ma ogtahay dhillowyahan!
Hadduu dhaashto jiilaal
Ama dhiibsho laamaha
Naxariis la kala dhaco
Dhardharraanta quruxdiyo
Dhaaddanaanta liqanyada
Si kaluu u dheegtaa.

MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)
HARGEISA, SOMALILAND
Mobile: 406745 (telesom)
diridhaba2001@hotmail.com

Afeef: Aragtida maqaalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 4, 2005


MAQAALADA MAANTA:::
»Dadku diide FAATAXO, ee bal DAADKANA ha lagu dayo | A.D. Elmi
»Soomaalida iyo ismiidaaminta | Dayax
»Warbaahinta Cabbursan ee Puntlad: Heer qaylo-dhaan mudan! | B.A.
»Illeen baroortu hiillo waa Gashaa!! (Dilkii yaxye iyo Muunin) | Wallays
»Cambaareeyn Falalka Dileed ee Caasimadda Muqdisho ka Dhacaaya  
»Duuliye Sare Xaaji Dhagax oo Dhambaal u Diray C/Risaq Xaaji Xuseen
»Khudbadaha C/lahi  caadifadii qabiilka ayey dib u soo noolaynaysaa
»GABAY: DHUL SHISHEEYE | suleiman
»Falka lagu tuhmay Yaasiin X. Cumar oo saamayn ku yeeshay Somalida
»WAA QABIILKEE YAASIIN XASAN CUMAR | Nasteex
»GUULEYSO FAHADOOW MAXAAD SIDAAS NOOGU GASHAY | Dayax
»Somaliland Ictiraaf ka dheer nin doonayna wareer | Siciid 

»Dowladdii cidla joog, maxay curatoo dalka keentay? A.D. Elmi
»Ina Waraabe and the Gang in Hargeisa: | A Omar
»95-KM AYAA NABADDA IYO KHILAAF XALINTU JIRTAA | X. carab
»MAQAALADA KALE EE MAANTA::: KA AKHRI HALKAN... GUJI..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD