SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GABAY

 

Horta soo deg laba Deel midbaa diirku ka caddaane

waa gabay ku socda Madaxweyne C/laahi Yuusuf oo uu tiriyey Abwaan Cali Siyaad Warsame (Dhuuraq)

damalkaan waraabinahayoow doog ma soo bixini,

diir qoya inaad leedihiyo xidido kuu duugan,

iyo dogob qalalay inaa tohoo dibirsan meel howda,

horta soon deg laba deel midbaa diirku ka caddaane,

duub xariira kii qaatayoow magacu waa dayne,

deg oo haygu soo noqon inaan duule ku iraahdo,

iyo dib u heshiisiin inaad qaran ku doonayso,

horta soo deg laba deel midbaa diirku ka caddaane,

dad ku doortaybaa jira hadana waydun dirirteene,

inaad adigu daaqauud tohoo laba duglaynayso,

iyo inay dambaabeen kuwii diiday hadalkaaga,

horta soo deg laba deel midbaa diirku ka caddaane,

adaa doonibaan wadi aqaan yiri laguu daaye,

dul iyo hoos daruura is cuskaday mowjado is doontay,

dabaylihii sunaamiga hadii laysku soo daayo,

 darbad iyo haday kuu timaad hir iyo duufaani,

doonidu haddey ciir santahay daganti weeyaane,

daqalkoo jaboo laylikadu dib u shaqayn wayso,

dad halige inaad tahay deldelan oo dunka u jeeda,

iyo inaad dabaal garab taqaan daadka lagu dhaafo,

horta soo deg labaas midbaa deelku ka caddaane,

ducaqabe inaad tahay rag ways daraja dhaamaaye,

iyo dagin habaar inaa tohoon daayo hadalkaa,

horta soo deg laba deel mid baa diirku ka caddaane,

deelaydu waa gobe inaad dhaxasho duugeeda,

iyo inaad dagugane tohoon dacasha kaa dhaafo,

horta soo deg laba deel midbaa diirku ka caddaane,

dabarkaan ka furay maansadii diritadaahayde,

dulucdeedii waan soo qabtiyo nuxurki duugnaaye,

dowlad bay u tahay gogol dhig iyo daawadii qarane,

dambarkeeda inaan kuu shubnoo doobiga u culato,

diyaar inaad u tahay ood micnaha durugsan dhuuxayso,

doodiyo garsoorkiyo naxwuhu inuu ku deeqaayo,

iyo daasad maxiyo inaad dixiri goobayso,

horta soo deg laba deel midbaa diirku ka caddaane,

door dhashoo inaad tahay wadani dirac ma dhaafaan ah,

iyo inaad dulaal baas tohoo dabin la rooraaya,

horta soo deg laba deel midbaa diirku ka caddaane,

dad waynaha inaan kuu wocood shacabka doonayso,

iyo inaad dugaag falan tohoon deyrarka adkayno,

horta soo deg laba deel midbaa diirku ka caddaane,

dal dhanbaad hogaamiye u tahay iyo dadkiisiiye,

qudbad lagu dawoobiyo inaad hadalka deeqsiido,

iyo inaad dagaal ooge tahay shar u dadaalaaya,

horta soo deg laba deel midbaa diirku ka caddaane,

aqoon durugsan inaad leedohood horumar doonayso,

iyo damiin tahay qalbiga daxali naafaysay,

horta soo deg laba deel midbaa diirku ka caddaane,

diiwaan madow inaad gashoo daamur sii marino,

iyo buuga dahabkaa inaad baal ku daabacato,

horta soo deg laba deel midbaa diirku ka caddaane,

nin qabyaalad daacad u noqdaa dowlad hana waaye,

inaad qolo la soo duubatood qolo ku duulayso,

iyo inaad dadka u siman tohoo xaq u dadaalayso,

horta soo deg laba deel mid baa diirku ka addaane,

diinteenu waa muqadas ee inaad daryeelayso,

iyo inaad ka diimoon tohood daba maryeyneysid,

horta soo deg laba deel midbaa diirku ka caddaane.

W/T: Abwaan Cali Siyaad Warsame (Dhuuraq)

Waxaa soo tebiyey:
amiinkhasaaro yuusuf
amiinkhasaaro@hotmail.com

Afeef: Aragtida maqaalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 4, 2005


MAQAALADA MAANTA:::
»Dadku diide FAATAXO, ee bal DAADKANA ha lagu dayo | A.D. Elmi
»Soomaalida iyo ismiidaaminta | Dayax
»Warbaahinta Cabbursan ee Puntlad: Heer qaylo-dhaan mudan! | B.A.
»Illeen baroortu hiillo waa Gashaa!! (Dilkii yaxye iyo Muunin) | Wallays
»Cambaareeyn Falalka Dileed ee Caasimadda Muqdisho ka Dhacaaya  
»Duuliye Sare Xaaji Dhagax oo Dhambaal u Diray C/Risaq Xaaji Xuseen
»Khudbadaha C/lahi  caadifadii qabiilka ayey dib u soo noolaynaysaa
»GABAY: DHUL SHISHEEYE | suleiman
»Falka lagu tuhmay Yaasiin X. Cumar oo saamayn ku yeeshay Somalida
»WAA QABIILKEE YAASIIN XASAN CUMAR | Nasteex
»GUULEYSO FAHADOOW MAXAAD SIDAAS NOOGU GASHAY | Dayax
»Somaliland Ictiraaf ka dheer nin doonayna wareer | Siciid 

»Dowladdii cidla joog, maxay curatoo dalka keentay? A.D. Elmi
»Ina Waraabe and the Gang in Hargeisa: | A Omar
»95-KM AYAA NABADDA IYO KHILAAF XALINTU JIRTAA | X. carab
»MAQAALADA KALE EE MAANTA::: KA AKHRI HALKAN... GUJI..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD