URURKA
MIDOWGA WAAMO
Taariikh:August
8th 2005
Ujeedo: Baaq
-
Ka :
Ururka Midowga Waamo
-
Ku: Dadweynaha reer Waamo.
-
Ku:
Dowlada federalka Soomaaliyeed.
-
Ku: Warbaahinta Soomaaliyeed:
Waxaa baaqan soo saaray
urur cusub oo la magac baxay United Waamo Party .
Urukan
(UWP) waxaa aasaasay aqoonyahano iyo waxgaradk ka
soo jeeda beelaha kunool deegaanka Waamo.
Maamulka urukan oo in mudo ah
ka fakaraayay sidii deegaanka waamo loogu soo calin lahaa
dadkii asalka U lahaa
(Waa dadka loo yaqaan reer
waamaha qabiil kasta oo ey soomaali ka yihiin)
-
Kadib
markii la arkay sida dadka reer Waamaha looga qadiyay xaqii
ey ku lahaayeen dowlada federalka ah.
-
Kadib markii 15 sano reer waamuhu laheyste u
ahaayeen dad gobollo kale ka yimid.
-
Kadib markii la ogaaday reer
waamuhu iney yihiin dad ku saleysan dhaqan oo aan Qabyaalad
ku saleysneyn.
-
Kadib
markii la ogaaday reer Waamuhu iney yihiin dad nabada jecel.
Ayaa madaxda ururka (UWP)
waxey isla garteen in la sameeyo urur siyaasadeed oo reer
Waamo ah kaasi oo wax ka qaban doona arimahan hoos ku xusan
-
1)
Nabadyenta
deegaanka Waamo
-
2)
Hurumarinta
danaha Reer waamo
-
3)
hogaaminta
bulshada Waamo
-
4)
Ka hortaga
colaada sokeeye
-
5)
Isku xirka
dadka reer waamo
-
6)
Xalinta
khilaafaadka beelaha gobolka
-
7)
Isku xukun
shareecada Islamka
-
8)
Ilaalinta
xuquuqul aadamiga
-
9)
Ilaalinta
dhirta iyo daaqa
-
10)
Ilaalinta
kheyraadka dabiiciga
-
11)
La shaqeynta
dowlada federalka ee Somalia
Hadaba marka oogu horeysa
ururkan isaga oo kalsooni buuxada ka haysata kuna Hadlaayo
codka dadka ku dhaqan waamo waxaa uu talo udirayaa dowlada
federalka Somalia. Ineyan ilaaliso dastuurka qoraya goboladu
iney iyaga soo magacaabaan Gudoomiyaha.
Oo eeyan isku dayin
tallaabadii xad gudubka aheyd ee Hiiraan ka dhacday.
Ururka (UWP) wuxuu
digniin kulul u dirayaa madaxweyne Cabdullahi Yusuf oo la
Sheegay inuu Kismaayo kula gorgortamayo dooxatada heysata ee
ka timid gobolada Kala ee aan marnaba matali Karin deegaanka
waamo iyo dadkiisa toona.
Ururka (UWP) wuxuu
xasuusinayaa madaxda dowlada cusub halgankii dadka reer
waamo ee kaga dhiidhiyeen amar ku taagleyntii Siyaad Barre.
Taasi ka xoog badneyd dowlada maanta yab yabka ah.
Ururka (UWP) wuxuu mar
labaad xasuusinayaa madaxda dowlada cusub inuu Dhamaaday
waqtigii la is heysan jiray.oo qof waliba iyo deegaankiisa
ey soomali Go’aansatay.
Ururka ((UWP) wuxuu
ugu danbeyntii ugu baaqayaa dhamaan dadka reer waamaha Ee
iney xuquuqdooda raadsadaan meel kasta oo ey Dunida ka
joogaan. Iyagoo ka Gudbaya cuqdada qabiilka ee aan dhaqanka
u aheyn reer waamaha.
Ururka (UWP))
wuxuu ku dhiira galinayaa dhamaan dhalinyarada,
aqoonyahanada, Odayaasha, iyo gabdhahaba iney nagala qeyb
qaataan dadaalkan aan ku dooneyno Danaha reer Waamo. Iyagoo
nagala soo xiriiraya Emailkan
WaamoCenter@Yahoo.com
Waxaa maqaalkan diraya gudoomiyaha Ururka Untied Waamo Party
oo ah
Eng: Ali Ahmed Mohamed/MS/Candidate
Afeef: Aragtida maqaalkan
waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com |
Aug 9, 2005
MAQAALADA
MAANTA:::
»Dadku
diide FAATAXO, ee bal DAADKANA ha lagu dayo |
A.D. Elmi
»Soomaalida
iyo ismiidaaminta | Dayax
»Warbaahinta
Cabbursan ee Puntlad: Heer qaylo-dhaan mudan! | B.A.
»Illeen
baroortu hiillo waa Gashaa!! (Dilkii yaxye iyo Muunin)
| Wallays
»Cambaareeyn
Falalka Dileed ee Caasimadda Muqdisho ka Dhacaaya
»Duuliye
Sare Xaaji Dhagax oo Dhambaal u Diray C/Risaq Xaaji Xuseen
»Khudbadaha
C/lahi caadifadii qabiilka ayey dib u soo noolaynaysaa
»GABAY:
DHUL SHISHEEYE
| suleiman
»Falka
lagu tuhmay Yaasiin X. Cumar oo saamayn ku yeeshay Somalida
»WAA
QABIILKEE YAASIIN XASAN CUMAR |
Nasteex
»GUULEYSO
FAHADOOW MAXAAD SIDAAS NOOGU GASHAY | Dayax
»Somaliland
Ictiraaf ka dheer nin doonayna wareer | Siciid
»Dowladdii
cidla joog, maxay curatoo dalka keentay? |
A.D. Elmi
»Ina
Waraabe and the Gang in Hargeisa: | A Omar
»95-KM
AYAA NABADDA IYO KHILAAF XALINTU JIRTAA | X. carab
»MAQAALADA
KALE EE MAANTA:::
KA AKHRI HALKAN... GUJI..
|