SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

 NABADI WAA NOLOL

Inj. Cumar C/nuur Nuux – Nabaddoon

omarabdinur@hotmail.com

Mahad oo dhan Ilaah baa iska leh. Naxariis iyo Nabadgelyana Nabi Maxamed korkiisa ha ahaato.

Erayga Nabad waa eray aad u qiimo badan. Waa eray noolaha oo dhan aqoon fiican u leeyihiin, hamuun iyo hiloow weyna ay u qabaan. Nabad waxaa lagu qeexaa oo ugu dhow macnaha soo socda “ Xaalad degennaansho iyo xasillooni, ayna ka dheertahay qas iyo argagax noocuu doono ha ahaadee”. Waxaana saldhig u ah oo nabaddu ku negidahay waxa loo yaqaan “caddaaladda”. Nabaddu waa miisaanka nolosha waayo nolol ma jirayso haddii nabad la waayo, nabadna ma jirayso haddii caddaalad la waayo. Xaqiiqada noocaan ahi waa mid ay fahmeen ama loo baahan yahay in ay fahmaan dhammaan aadanaha oo dhan iyo weliba xayawaanka ku nool dhulka iyo badda intaba.

Wadaadkii la oranjiray Rev. Martin Luther King, Jr. ee u doodi jiray xuquuqda dadka madow ee Maraykanka ayaa warqad uu ka soo qoray xabsi ku yaallay magaalada Birmingham 16kii April 1963dii wuxuu ku yiri “ True peace is not merely the absence of tension, it is the presence of justice” Nabadda dhabta ahi ma aha degennaansho la helo oo qura, ee waa caddaaladda oo la helo ”. Oraahdan ama tusaalahani waa xikmad iyo xaqiiqo taariikhi ah oo dhabta ka hadlaysa, waxaana intii aan maqaalkaan qorayey ii soo baxday in dadkii ugu badnaa ee dunida soo maray waqtigooda iyo noloshoodana ku bixiyey raadinta nabadda iyo caddaaladda - muslin iyo gaalo kii ay rabaan ha noqdaane - ay u badnaayeen dad wadaaddo ah oo diin Ilaah soo dejiyey ka dab qaadanayey. Tusaale, nebiyadii la soo diray oo dhan waxay dadka ugu yeerayeen nabad iyo caddaalad. Waxaa taas kuu sii caddaynaya in diinta Islaamka oo diimaha Ilaah soo dajiyay lagu soo afjaray uu magaceedu ka yimid erayga ASSALAAM oo macnihiisu yahay NABAD.

QIIMAHA NABADDA : Sidaan kor kusoo sheegnayba nabaddu waa saldhiga nolosha. Waa natiijada ka dhalata caddaaladda iyo istixgelinta. Waa aasaaska wada noolaanshaha iyo is aamminaadda aadanaha. Haddii dal aad aadaysid waa in dalkaas nabadi ka jirtaa oo naf, maal iyo dareen intaba aan waxyeello kaa soo gaareyn. Haddii dal la maalgashanayo waa in dalkaas nabad iyo degenaansho ka jiraan. Wax kasta oo naflaydu sameyso ama ku fakarto in ay samayso waxaa ka horreeya inta aan la sameyn in la hubiyo in lagu nabadgelayo, sidaas ayey nabaddu waxay u tahay aasaaska nolosha iyo jiritaanka naflayda.

Islaamnimada waxaa ka mid ah in qofku dadka aan waxba u dhimin nabadgeliyo guud ahaan, gaar ahaan dadka muslimiinta ah. Waxaaba dhici karta haddii aan qofka muslimka ahi sidaas yeelin in uu islaamnimadii uga baxo. Taas waxaa caddayn u ah in Nabigeennii Muxamed nabadgelyo iyo naxariis dushiisa ha noqotee uu yiri “Muslimku waa kan muslimiintu ay ka nabadgalaan carrabkiisa iyo gacantiisa”. Waxaa la dhihi karaa qofkii muslim ah oo aan sidaas yeelin islaamnimadiisu waa booc booc ama sheegasho. Allow sahal amuuraha, immisaa muslimiin dhab ah innagu hartay, oo afkooda iyo addinkoodaba laga nabadgalaa?

NABADDA IYO SOOMAALIDA : Soomaalidu macnaha nabadda si fiican bay u taqaan sida naflayda kalaba, laakiin ilaalinteeda iyo raadinteeda labadaba waan ku liidannaa. In Soomaalidu macnaha nabadda taqaan taariikhna u leedahay waxaa laga fahmi karaa: erayga ugu horeeya ee qof Soomaali ahi kugu yiraahdo ama kugu salaamo waa “Nabad ma sheegtay?”. Halkaas waxaa laga fahmi karaa in macnaha nabadda Soomaalidu si fiican u taqaan, welibana baahi weyn oo ay u qabto ama u qabi jirtay, ayaa keentay in la isku salaamo nabad ma sheegtay? Jawaabta salaantaasina waxay noqotay “ Nabad baan sheegay ee nabad ma sheegtay?” Waa tusaale kale oo muujinaya in waxa ugu mudan ee labada qof isweydaarsadaan ay yihiin nabad-sheeg iyo nabad-sheeg, si loo kala nabadgalo, kadibna nolosha inteeda kale la isula wadaago.

Gabayaa Soomaaliyeed ayaa isagoo tusaaleynaya qiimaha nabaddu leedahay wuxuu yiri:

“Sow godobi surinkaad martaba sabab qarsoon maaha?

“Sow nabadi gogoshaada ood sidato uun maaha?

Waayo godobtu waxay noqon kartaa sabab darteed la guu dilo meel kasta oo aad tagto, maxaayeelay ma tihid qof nabad qaba, ee waxaad tahay qof godob qaba. Haddiise aad nabad qabto oo aadan cidna godob ka gelin meeshii aad doonto ayaad seexanaysaa oo nabadda ayaa gogol kuu ah!

MAANTA AYAA LOOGU BAAHI BADAN YAHAY NABADDA:

Hooyo Soomaaliyeed oo Indhaha beeshay oo idinka codsanaysa Kaalmo dag dag ah. Guji...

Dadka Soomaalidu meel ay dunida ka joogaanba maanta ma nabad qabaan, inkastoo aan la dhihi karin godob ayey qabaan dhammaantood, haddana dibad iyo gudo midna laguma nabad qabo. Waddankii nabad kama jirto, Afrika nabad kama jirto, Ameerika nabad kama jirto, Yurub nabad kama jirto, Carab nabad kama jirto, badda iyo saxraha nabad laguma sheegin, waxaan nahay ummad nabad la'aani hayso. Nabad la'aanta waxaa keena colaadaha, faqriga iyo

gaajada, sadbursiga iyo boobka, quursiga iyo xadgudubka. Dhammaan arrimahaasna waxaa keena oo saldhig u ah caddaalad-darrada iyo maamulxumada.

Haddaba su'aasha isweydiinta mudan waxay tahay; Ma waxaan nahay ummad dhammaanteed wada kharriban oo godobta iyo colaadda jecel mise cillad kale ayaa ina haysata?

Waxaa hubaal ah in dad wanaagsan oo nabadda jecel dadaal dheerna ugu jira ay innagu jiraan. Dadkaas waxaa laga dhex heli karaa dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada sida culimada, ciidamada, aqoonyahanka, cuqaasha, dumarka, dhallinyarada, siyaasiyiinta iyo weliba qaybo kale oo badan oo dadkeenna ka mid ah. Waxaa iyaduna hubaal ah in ay jiraan dad is tusa in ay fitnada iyo colaaduhu dan u yihiin, danahaasi ha noqdeen kuwo awoodeed, ama dhaqaale iwm. Nasiib darrada jirta waxay tahay in kooxaha nabad diidka ahi ay habeen iyo maalin u soo jeedaan hirgalinta himilooyinkooda gurracan, halka dadka intii badnaa ee nabadda danaynayay aysan la imaanaynin wax ficil ama dhaqdhaqaaq ah. Waxa meesha ka maqani waa in inta ay nabaddu danta u tahay dhinac uga soo wada jeestaan sidii lagu hirgalin lahaa nabad waarta, taasoo u baahan in naf iyo maalba loo huro.

Gudaha iyo dibaddaba, baahida wayn ee maanta Soomaali haysata carruur iyo cirroolaba waa nabad…. Nabad..nabad la'aan! Haddii maanta cid wax laga waydiinayo dhibaatada ay leedahay nabad la'aantu, dadka laga waydiin lahaa waxaa ugu horreeya Soomaalida. Waxaan dhammaanteen marqaati ka nahay in nabad la'aani ay tahay nolol la'aan, mana jiro maanta guri ama qoys Soomaaliyeed oo uusan xanuunka nabad la'aantu saamaynin. Haddaba sow ma habboona in guri kasta oo Soomaaliyeed looga guntado hirgelinta nabadda taas ayaa maslaxaddeenna aakhiro iyo teenna adduunyaba dani noogu jirtaaye.

Waxaan qoraalkayga ku soo gabagabaynayaa maansadii Ergo Oaday ee uu curiyay suugaanyahanka nool ee nabadda jecel Maxamed Yuusuf (Kayase), waxaanan ku kalsoonahay in qalbigii qushuuc lihi uu qaddarin doono xaqiiqada ay ka hadlayso maansadu:

Intee baynu balaayo
Iyo baase u joognay
Intee baa baqtigeenna
Bahal uu guranaayey
Taladeenna baroon iyo
Intee boobe hagaayey
Waa sidee badankeenu
Waa beer-gooyiyo ciile
Hadhaageenna badbaadshoo
Halla baajiyo dhiigga!

Baarqabayntii doraato
Inta baashe ku mootan
Boqollaal ku naf waayey
Ee bahdoodii tebayso
Ee halkoodii bannaantay
Een la buuxin karaynin
Waa bayaan la hubaaye
Waa beer-gooyiyo ciile
Hadhaageenna badbaadshoo
Halla baajiyo dhiigga.

Intii baar-cadde wiil ah
Lagu gooyey billaawe
Intii baarri la toogtay
Bilcan weyday ninkeedii
Baroortii shalaytoole
Baasii weynu ogeyne
In ba'ay kale yeedho
Waa beer-gooyo iyo ciile
Hadhaaggeenna badbaadshoo
Halla baajiyo dhiigga.

Inakoon ka bogsoonin
Baylahdeennii horeeto
Inakoon weli baanan
Boogihii doqonniimo
In belaayo kaleeto
La baaqbaaqo haddeertoo
dadka buun lagu yeedhsho
Waa beer-gooyiyo ciile
Hadhaageenna badbaadshoo
Halla baajiyo dhiigga.

Baaruuddaa ololaysiyo
Bunduq wiil dhaliwaaye
Ba ba'naan iyo xoogna
Bogsiin waaye dhibaatoo
Horaa loogu bog-dooxmee
Baajintaa ka wanaagsan
Colaad baaniseheede
Waa beer-gooyiyo ciile
Hadhaageenna badbaadhshoo
Halla baajiyo dhiigga.

Birta la iska aslaayo
Boqnaha la iska jaraayo
Inta biixi jabaysa
Inta maal burburaysa
Beled taagan dumaaya
Naf Illaahay baxaysa
Rabbigeen ma banayne
Waa beer-gooyiyo ciile
Hadhaageenna badbaadshoo
Halla baajiyo dhiigga

Inakoo isku beer ah
Boggeenii isku yaallo
Boqorkii wada raacnay
Haddii aan is birayno
Baguugaa iska yeelno
Berritaan cadawgeenna
La iska baacin karayne
Waa beer-gooyiyo ciile
Hadhaageenna badbaadsho
Halla baajiyo dhiigga

Cabdoow beel negi joogtaa
Kala soocata baadiyoo
Waxa baad wada quuta
Dad badbaado dhex taalloo
Waxa barwaaqo ku taama
Baradii samo yaalle
In loo baaqo xumaanto
Waa beer-gooyiyo ciile
Hadhaageenna badbaadshoo
Halla baajiyo dhiigga

Bulshayey dhammidaaba
Waa bayaan nabadeede
Waa dareen birmadkiiye
Illaahay ballankiisa
Illaahay baqdintiisa
Illaahay baryadiisa
Ku baqtiiya colaadda oo
Waa beer-gooyiyo ciile
Hadhaageenna badbaadshoo
Halla baajiyo dhiigga.

Marka dhiiga la baajiyo ee colaaddu dhammaato. Marka caddaalad la sameeyo, xaqdarrana laysku cadaadin, kolkaas baa nabaddii iyo nasrigii Eebbe imaane nin walboow tafaxaydoo ha noolaato u baaqa. Waa inoo kulanti dambe iyo Q 2aad ee qoraalka oo aan uga hadli doono; Sidee Soomaali nabad ku gaari kartaa?

Dhammaad:

Inj. Cumar C/nuur Nuux - Nabaddoon

omarabdinur@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 15, 2005


Gabar Soomaaliyeed oo Norway Ku Dishey Wiil Soomaliyeed
Wiilka waxaa saakay meydkiisa laga helay. Guji....

Xisbiyada mucaaradka Itoobiya oo diiday natiijada doorashada
iyo Suxufi loo xidhay warar uu maxkamadda Itoobiya ka sheegay ... Guji... Aug 12

Soomaalida Maraykanka oo Loo Ogolaaday In ay dib u Xerayn karaan Sharciga TPS
Dowladda Maraykanka ayaan bishan August waxay dib u ogolaatay in dadka Soomaalida loo siyaadiyo.. Guji... Aug 12


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD