SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Hogaamiye Kooxeedyada Muqdisho Ma Dagaalamayaan Mise Way Is Dhiibayaan
Mahdi taako
UK
mahditaako@hotmail.com

July 22, 2005

Illaahbaa mahad leh nabigeenii suubanaana NNKH. Tan iyo markii lawaayay dawladii dhexe ee soomaaliyeed waxay ognahay in dadka soomaaliyeed ay soo mareen marxalado kala duwan. Waxaa soomaliya lagu yagleelay dawalado kuwaas oo dhamaantood aan waxba ka hir galin, dhamaan dawladahaas waxa aanay marnaba kawada hadlin in caasimada laga wareejiyo Muqdisho amaba lahelo meel KMG inta laga xasilinayo Muqdisho

 
Dawladan lagu soo yagleelay Nairobi ee uu madaxweynaha kayahay C/laahi Yuusuf Axmed ayaan iyada aan marnaba qorsheheeda ugu jirin in wakhti xaadirkan ay dawladu degto Muqdisho inta laga xaslinayo amnigeeda lana xeraynayo maleeshiyooyinka hubaysan hubkana laga dhigayo, waxaana uu ,madaxweynuhu isla markaasna dalbaday in la helo ciidan shisheeye oo yimaada wadanka maadaama aanay iminka jirin dhamaan ciidamadii booliska iyo kuwii qalabka siday, laakiin dalabashadaas iyo kabedelitaanka casimada ee Muqdisho waxaa walaac aad u balaadhan ka muujiyay H/kooxeedyada Muqdisho oo badankooda lagu xanto inaanay raali ka ahayn in lahelo dawlad iyo kala danbayn.
 
H/kooxeedyada Muqdisho waxaanay marnaba aqbalayn in caasimada laga weeciyo Muqdisho sababo jira awgood, waayo hadii laga wareejiyo caasimada waxaa yaraanaysa awoodooda waxaanay lamid noqonayaan xubanaha kale ee dawalada, waxay sidoo kale kasoo horjeedaan in ciidamo safka horaa la keeno dalka oo ay ugu horayso Ethiopia iyagoo walaac balaadhan ka muujiyay in hadii ay Ethiopia timaado dalka siyar hubka looga dhigi karo, waxaase halkaa kaaga muuqan karta in aanayba jirin is aaminaad ka dhexeysa dhamaan H/gaamiyayaasha siyaasada ee Somalia.
 
Waxaa iyaguna jira koox uu hogaaminayo madaxweynuhu oo dhamaan kasoo hor jeeda fikirka H/kooxeedyada Muqdisho oo aaminsan i dalku uu ka degi la,ayahay iyaga aanayna ogolayn in marna lahelo dawlad soomaliyeed, isku soo wada duuboo waxaa hada muuqata in dawladii ay noqonayso labo garab oo dagaalama iyadoo lafilayo in somalia ay dib ugu noqonayso 91kii, waxaa madaxweynuhu ciidamo ku uruurinayaa Jawhar iyo Beledweyne si uu u qabsado Muqdisho iy Baydhabo walow la odhan karo qabsashada Baydhabo inay aad  u sahlanaanayso laakiin hadalba uu ka taaganyahay Muqdisho.
 
Hada sheekadu waxay maraysaa H/Koxeedayada Muqdisho madagaalamaysaan mise waad is dhiibaysaan, waxaa aniga fikradayda aan qabaa inaan dagaal lagu gaadhi karin xal laakiin loo baahanyahay wada hadal hadiise aad Muqdisho kasamayn weyndaan isbedel isbaaro qaadiduna ay daacad idinka ahaan weydo shacabku idiin afduubnaan maayo waxaana la taageeri doonaa xubnaha labada gole ee Jowhar, waxaynu sugnaaba waa Somalia iyo bilaha soo socda.
 
Alaa mahad leh
 
Mahdi taako

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | July 22, 2005


Dhakhtar Muslim ah oo Dhalo Coca-Cola ah ka Helay Alcohol

"228 Gabdhood oo Lagu Kufsaday Gobolada Jubbooyinka - 1dii Janaayo ilaa 8dii July"
Sidaas waxaa shaaca ka qaaday hay'adda Xuquuqda aadamiga u dooda ee Faanoole,  taas oo intaas ku dartay in sannadkan Jubbooyinka lagu diley ugu yaraan 64 qof ayadoo... Guji...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD