| 
 Cadde Muusoow, Ha Gelin 
						Meherad Kaa Dheer (Magta iyo Axkaamta) 
					 C/Waaxid 
					C/hi Khaliif London, UK
  cabdulwaxid@hotmail.com  Ilaah baa mahad leh. 
					Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. Ma ogtahay askari jaahilaan 
					amar ka qaataaye. Waxay ka mid ahayd murti ay is-dhaafdhaafsanayeen 
					hal-abuurro Soomaaliyeed. Askari horaa diiday Axkaamta 
					Islaamka sida dhaxalka ragga iyo dumarka waana la ogaa wixii 
					ka raacay. Hadda ayaa waxaa soo baxay Janan Cadde Muuse oo 
					raba inuu maro waddadii janankii ka horreeyey, Maxamed 
					Siyaad. Gabyaa Khaliif Sheekh 
					Maxamuud ayaa dhowr meeris ku yiri:
 
						Ma marsane 
						Qur’aankeenu waa lagama maarmaaneWaxaa lagu 
						manaafacaadsadaa labada meeloodeMugdi baa Ibliis kaaga 
						rogey diinta moolka ahe
Mursaliintu waxay 
						sheegayeen malaha leexleexeMuslimiinta waxaa 
						loogu diray xaqa ha muujeeneNin malaasan baan 
						garan wixii Eebbe maanacaye
Ummadiba markaas kii 
						jiray muunad ku lahaydeRasuulkeenii waa 
						Malag-Jibriil macallinkiiseXaddiis Muxamed laga 
						soo warshaan kuu madqaxayaaye. Gabyaagaasi wuxuu caddeeyey 
					faa’iidada iyo wanaaga ku jira raacidda diinta Islaamka. 
					Wuxuu xusay in qof eber ah oo keliya is hortaagikaro diinta 
					Islaamka; isagoo sheegay in qofkaasi yahay nin Ibleys 
					raacay. Abwaan kale oo Soomaaliyeed 
					baa hees ku cabbiray: 
						Dabinkaan dhigaayaan 
						la haleelay dhaadkee. Qofkii xaqa diida waxaa ku 
					dhaca wax uusan ku xisaabtamin. Maaddaama shilalka Gaalkacyo 
					ka dhacay nagu cusbeyn; ayaa labadii qolo oo dhibtu kala 
					gaartay ku heshiiyeen arrin diinta Islaamku qabto. Muxuu 
					Cadde Muuse xukunka Ilaahay racfaanka uga qaatay oo uu u 
					diiday? Wuxuu diiday mag in lakala qaato! Odaygii dhalay 
					ninkii booliiska ahaa ee Gaalkacyo lagu dilay ayaa muujiyey 
					dadaal dheeraad ah isagoo leh: anaa iska leh qisaasta 
					wiilkeyga, mana rabo inaan cid u dilo. Wuxuu yiri: waan u 
					dhaafay qisaasta qolada kale ee walaalahay ah. Waxaa intaas 
					dheer, odaygii wiilka dhalay wuxuu har iyo habeynba taagnaa 
					maamulka Puntland iyo maxkamadda horteeda isagoo leh: dilka 
					wiilkeygii yaan la siyaasadeyn. Odeygaas caaqilkaa oo da’ 
					weyn jooga ayaa xitaa raadiyayaasha Gaalkacyo ka hadley 
					isagoo u sheegaya maamulka iney ka baxaan arrin aysan shuqul 
					ku lahayn. Qoladii wax dishay waxay u 
					mahadceliyeen odaygaas caaqilkaa ee ka cafiyey qisaasta. 
					Qabiilkii wax dilay waxay soo qabteen labadii kuray oo loo 
					heystay dilkaas. Waxay odaygaas wiilka laga dilay u sheegeen 
					inay diyaar u yihiin wax kasta oo odaygu rabo oo Islaamku 
					qabo. Odaygiina wuxuu kula heshiiyey inuu baajiyo dilka 
					wiilashaas. Bal khaladaadkii askari 
					Cadde sameeyey aan milicsanno: 
						Wuxuu soo faarfaaray 
						oo faraha la galay arrin labo qolo oo ehel ah ka 
						heshiiyeen.Wuxuu xabsiga kala 
						baxay wiilashii oo uu geystay hoteel uu degenyahay. 
						Goormaa hoteelladu xabsiyo noqdeen?Wiilal kurayo ah buu 
						saaray maxkamad ciidan!Isagoo soo beylihiyey 
						howshii loo igmaday ee ahayd hogaaminta Puntland; wax 
						badana ku lumiyey arrin aan keligiis u oolin oo laga 
						heshiiyey.Ballan-ka-bax. Mar uu 
						odayaasha qolada wax dishay uu ku yiri waxaad qaadan 
						kartaan racfaan iyagoo warqad ka saxiixday isaga laakiin 
						howshaas oo lagu jiro ayuu inta wiilashii la baxay 
						saaray maxkamad kale oo ciidan oo uu midkood dil ku 
						xukumay.Isagoon cabbirikarin 
						cawaaqib xumada ay keenikarto wuxuu maleegayo. Maxaa 
						yeelay adigoo hal nin dilkiis ka hadlaya haddaad 
						dhimasho badan keento waa arrin laga fiicanyahay.Isagoon xitaa aqoon 
						dhaqanka iyo taariikhda dadkuu xukumo; xitaa ma 
						fahmikaro in ka marsankaro qoladaas wuxuu rabo iyo in 
						kale.Waxaa jira dad, dad 
						laga laayey oo Cadde ka sugaya inuu usoo qabto kuwii wax 
						dilay halka uu waqti ku lumiyey arrin la dhammeeyey.Isaga iyo 
						wasiirradiisa oo si toos ah u diiday xukun Ilaahay 
						jideeyey. Markay arrintu halkaas 
					marayso ayaa qoladii la xaaleysay Cadde Muuse waxay ku 
					dhaheen: annaga Ilaah baa na abuurtay, waxaanna ogolnahay 
					wuxuu jideeyey. Taasna waxaa noo yeelay oo ku mahadsan 
					aabbihii dhalay ninkaas booliiska ah ee la dilay. Marka 
					Caddoow, annagu Ilaah baan raacaynaaye ee adigu ciddaad 
					abuurtay ku fuli xukunkaad la timid. Fiicnaanlahaydaa hadduu 
					fahmi lahaa iney arrintaas ka dhabtahay laakiin ciyaar 
					ciyaar buu u qaatay. Qoladaas waxay is xasuusiyeen meerisyo 
					ku xigay meerisyadaas kore oo ahaa: 
						Ummadiba markaas kii 
						jiray muunad ku lahaydeRasuulkeenii waa 
						Malag-Jibriil macallinkiiseXaddiis Muxamed laga 
						soo warshaan kuu madqaxayaaye.
Mulkigiyo naftaadaba 
						hadduu rag u muraadyeeshoAnaa kaa mud roon iyo 
						haddii muruq lagu sheegtoMaxastaada inaad 
						daafacdaa ma ahan xaaraane
Marka hore ha moogaan 
						abhigu waa mid waajibaheMarse haddii murwada 
						aad qabtiyo micistu yuunaastoHaddii aadan mintidin 
						jahannamaa lagugu muufeyne Qoladaasi waxay isku 
					dhaarsadeen in aan xukun baadil ah looga harin wiilashooda 
					xitaa haddii uusan midna ka soo harin. Waxaa intaas dheer, 
					shacabka Gaalkacyood iyo xitaa qaar ka mid ilaalada Cadde 
					Muuse oo garowsaday khaladka jananka. Magaaladii waxay 
					qoladaas u sheegeen inay ku garabtaagan yihiin ka 
					dhiidhiyidda dulmigaas. Ilaalada Cadde qaarkood ayaan 
					dagaalamin, gartayna iney yareeyaan khasaaraha dagaalka. Shareeco-diidku, aakhiro ka 
					hor waxay leedahay dulli iyo foolxumo. Cadde Muuse wuxuu 
					islahaa wiil kurey ah xaq-darro ku dil laakiin wuxuu lumiyey 
					askari kale oo isaga waardiye u ahaa. Qof kasta wuxuu 
					garankaraa qofkii diida xukun Ilaahay. Qofku iska daa inuu 
					diidee xitaa hadduu naftiisa ka dareemo ineysan ku 
					qanacsaneyn xukun Ilaahay waxay wax u dhimeysaa iimaanka 
					qofka. Sharci-diidku kuma eka 
					Cadde Muuse ee waxaa la wadaagey wasiirro kale sida Xaabsade 
					oo ah wasiirka arrimaha gudaha ee Puntland iyo Gaagaab oonan 
					garaneyn waxa soo gashay. Labadaas wasiir waxay 
					aflagaadeeyeen qolodaas Cadde la xaaleysay iyagoo sheegay 
					ineysan geyigaas u dhalan, Xamarna laga soo abuubuley. 
					Markii Gaagaab uu Yurub ku raaxeysanayey, qolyahaasi waxay 
					qeyb-libaax ka qaadanayeen difaaca geyigaas. Weligay ma arag qof meeshii 
					laga soo doortay (constituency) iyo dadkii soo doortay 
					caayaya. Ileyn Soomaaliya iyo Puntland waxaa wax lagu 
					qeybsaday qabiil. Gaagaab wuxuu caayey dadkiisii uu mataley 
					ee uu wasiirnimada ku qaatay.  Tayo-xumada maamulka 
					Puntland waxaa ku tusinaya, seddexdaas nin oon magacoownay 
					waxay ka dhammaan la’yihiin arrintaas laga heshiiyey ee 
					odaygii caaqilka ahaa ee qisaasta lahaa dhammeeyey iyadoo 
					waafaqsan diinta Islaamka. Sida xaqiiqda ah waxaa maamulka u 
					yaal dad laka diley oo dadkii weliga u ahaa dadkii la dilay 
					ay maamulka ka dalbayaan in wixii wax ka dilay loo soo 
					gacangasho halka ay ku mushquulsanyihiin arrin aan loo 
					dirsan. Dadka qaar baa u arka in 
					Cadde Muuse uu damacsanyahay in qoladaas ooy C/hi isu 
					dhowyihiin wax kala dhaco isagood mooddo inuu kaga aarsanayo 
					dadkiisii uu C/hi ku laayey Bari. Arrintaas ayaa shaki ku 
					abuurtay shacabka Gaalkacyood iyagoo Cadde ku leh haddaad 
					cid la dagaalayso nooga bax magaalada oo ku dagaal 
					bannaanka. Waxaa taas ka sii daran 
					wuxuu Cadde Muuse toogtay wiil yar ooy isu dhowaayeen oo nin 
					ku dilay Gaalkacyo, kuwo kalana dhaawacay. Cadde Muuse wuxuu 
					awoodiwaayey inuu xitaa la sugo dadkii wax laga dilay si ay 
					mowqifka ugu dambeeya ka qaataan. Ficilkaas darteed ayaa 
					Cadde Muuse damcay inuu wiilasha kale halkaas mariyo isagoo 
					leh yaan reerkaad ka dhalatay ku caayin. Waa labo arrin oon 
					shuqul isku lahayn. Marka Cadde oo shareecadii 
					diiday ayaa sharaf-xumo la dheelmaday. Waxay ku fiicantahay 
					inuu Ilaahay uga toobad keeno sharci-dejintaas cusub ee uu 
					la yimid. 
					C/Waaxid 
					C/hi KhaliifLondon, UK
 cabdulwaxid@hotmail.com
 
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku 
saxiixan 
Faafin: 
SomaliTalk.com | July 22, 2005 
 
Ugaaski 11aad ee 
Beesha Cayr oo La Caleema Saaray»Caleemasaarka 
oo lagu qabtay magaalada Guriceel...
 »Xisbiga
S.Y.U.P oo Warsaxaafadeed kasoo saaray Qaahira
 Wararka oo dhan ka 
akhri halkan.... Guji.. July 21
 
					
					Dhakhtar Muslim ah oo Dhalo Coca-Cola ah ka Helay Alcohol
					
								
								  
"228 
Gabdhood oo Lagu Kufsaday Gobolada Jubbooyinka - 1dii Janaayo ilaa 8dii July"Sidaas waxaa shaaca ka qaaday hay'adda Xuquuqda 
aadamiga u dooda ee Faanoole,  taas oo intaas ku dartay in sannadkan Jubbooyinka 
lagu diley ugu yaraan 64 qof ayadoo... 
Guji...
 
 |