| 
 
						Reer Hiiraan ayagaa xaq u 
						leh in ay aayahooda ka tashadaan 
					Mohamed A Elmi, Minneapolis, 
					MN ilaad1@yahoo.com
 July 22, 2005
 
					Bishaan 10keedii waxaa lagu 
					qabtay shir Hoolka shirarka ee Hotel Hiiraan Beledweyne. 
					Shirkaasi wuxuu gogol dhig u ahaa sidii maamul loogu sameyn 
					lahaa gobolka Hiiraan. Odayaasha gobolka ayaa ku celceliyay 
					in aysan aqbali doonin gudoomiye gobol daaqadda ka soo gala 
					oo meel kale laga soo magacaabay illeyn tuhun ayey qabeene.
					 
					Isla maalintaa magaalo xagga 
					koofureed ka xigta Beledweyne 245 KM, waa Jowhare waxaa ka 
					jiray shir aan saas looga warqabin oo isna ujeedadiisu aheyd 
					sidii maamul loogu sameyn lahaa gobolka Hiiraan.  
					Intuba intii ka dhaqso lehe 
					maalintii maalintaa xigtay xukuumadda Cali Maxamed Geedi 
					waxey ku dhawaaqday in ay godoomiye iyo gudoomiye ku xigeen 
					u sameysay gobolka Hiiraan. Cajiib. Taasina waxey aheyd 
					natiijadii ka dhalatay shirkii Jowhar.  
					Arintani waxey yaab iyo 
					af-kala-heyn ku noqotay dhammaan ummadda Soomaaliyeed. Dadka 
					Hiiraanna warkoodba daa, iyaga meeshii laga saraa dhiig ma 
					laheyn.  
					Waxaa lala yaabay Hiiraan oo 
					ahaa gobol aad looga taageersanaa dawladda sida xukuumaddu 
					ugu dhiirratay iney ka careysiiso shacabka halkaas deggan. 
					Dad badan ayaa xukuumadda Cali Maxamed Geedi u fasirtay 
					qaabka ay u dhaqantay sida ninkii laantii uu geedka ka 
					saarnaa masaarta la dhacaayay oo gooynaayay. 
					Waa yaabe taageerada reer 
					Hiiraan ay siisay dawladda miyaa tolow loo fasirtay gobolka 
					iska qaata, annagana sidaad rabtaan naga yeela. Mise si kale 
					ayey wax isu tuseen Geeddi iyo la taliyeyaashiisu. Waase si 
					noocee ah sida ay wax isu tuseen. 
					Bal inta aan mala-awaalno aan 
					niraahno waxey arintani billow u aheyd qorshe dawladdu ay 
					maamulo ugu dhiseyso dalka oo dhan, ugu yaraan inta iyada 
					taageersan. Hiiraan ayaa malaha loogu horreysiiyay, kuwii 
					kalena malaha waa ku soo daba jiraan. Wallee? 
					Haddii ay saas tahay maxey 
					Madaxweynaha iyo Ra'iisul wasaaruhu uga billaabi waayeen 
					meelaha ay iyagu deggan yihiin oo ay ka soo jeedaan, isla 
					markaana joogaan, sida Jowhar iyo Gaalkacyo. Haddiise ay 
					kaba billaabi waayeen maxey illaa iyo hadda ugu magacaabi 
					la'yihiin guoomiyeyaal iyo ku xigeenadood. 
					Ibrahim Xabeeb oo ku jira 
					labada gole ee dowladda, isla markaana ah dadka ka soo jeeda 
					gobolkaas ayaa yiri "Ma ahan in aan diidanahay dadka la soo 
					magacaabay oo runtii dadkaasi waa dad reer Hiiraan ah, waana 
					u qalmaan booskaas. Laakiin waxa mashaqada dhaliyay waa 
					qaabka loo soo magacaabay oo ah mid aan ka imaan dadka reer 
					Hiiraan." 
					Waxaa jirta in dawladani tahay 
					mid federal ah, isla markaana sida ku qoran axdi qarameedka 
					ku meelgaarka ah in gobol kastaa isagu doorto dadka 
					hogaaminaya. Sidoo kale, kulan golaha wasiirradu yeesheen 
					ayaa Cali Maxamed Geedi ku sii xaqiijiyay in arrintaasi saas 
					tahay iyada oo waliba dawladduna gacan ku siineyso gobollada 
					sidii ay u dhisan lahaayeen maamul iyada oo laga soo 
					billaabayo degmooyinka. 
					Waxa ra'iisul wasaaruhu ka 
					sheegay natiijada kulanka golaha wasiiradu kal hore yeesheen 
					iyo waxa ku qoran axdi qarameedka ku meelgaarka ah ay is 
					waafaqsan. Dhanka kale, waxaa arintaas ka soo horjeeda oo 
					waliba burrinya waxa dawladdu ficil ahaan u sameysay. Marka 
					sidee rabtaa dawladdu in ay reer Hiiraan u rumeeyaan oo waxa 
					ay sheegeyso ugu dhego laalaadiyaan. 
					Maaddaama nidaamka Kenya lagu 
					sameeyey laga wado mid Dimoqraadi ah, reer Hiiraan, sida 
					gobollada kale ee dalka, ayaga ayaa xaq u leh inay aayahooda 
					ka tashadaan oo ay iyagu xushaan cidda ay u arkaan in ay 
					matali karto. Midda kale, sow magacaabis ka timaada 
					xukuumadda ma ahan waxa leysku dilayay shan iyo tobanka sano? 
					Haddii xukuumaddu durba illowday meesha wax joogeen oo ay 
					saas u illowshiiyo dhowdahay, dadka reer Hiiraan way xusuus 
					badan yihiin. 
					Cabdullaahi Cabdi Cali (Koofi) 
					oo ah gudoomiyaha ku meelgaarka ah ee gobolka Hiiraan oo 
					arrintaan laga wareystay wuxuu yiri "Laad ayaan ku dhufunnay 
					waxa ay noola yimaadeen haddii aan nahay reer hiiraan, mana 
					yeeleyno in Jowhar nalooga soo magacaabo gudoomiye gobol". 
					Waxa arrintaas ku raacay Dacar Xersi Xooshow oo ka tirsan 
					odayaasha gobolka Hiiraan. 
					Magacaabistaan ayaa xittaa 
					keeni kartay in dadka reer Hiiraan isku dhacaan oo dhibaato 
					hor leh abuurto. Nasiib wanaag, inkasta oo aysan taasi 
					dhicin, haddana xukuumaddu ma isweydiisay faa'iidada 
					arrintaas ay iyadu ka heli laheyd. Mar kale, Koofi oo ka 
					hadlaaya arrintaan wuxuu yiri "Bambaano ayaa nalugu soo 
					tuuray laakiin nasiib wanaag ma qarxin" isaga oo ula jeeda 
					in aysan reer Hiiraan xabbad isu qaadan, arintaan 
					magacaabista awgeed. 
					Waxaa habbooneyd in ay 
					dawladdu ku fara adeygto waxoogaaga taageerada ah ee ay ka 
					heysatay gobolka Hiiraan. Laakiin, sida muuqata, waxey 
					dawladdu u geysatay dhaawac taageeradii ay u hayeen dadka 
					reer Hiiraan.  
					Arrinkaan haddii dawladdu ku 
					adkeysato, reer Hiiraan kooley ma aqbali doonaan in 
					gobolkooda laga maamulo, Gaalkacyo ama Jowhar. Haddii ayse 
					qirato dawladdu in magacaabistaasi qalad ay aheyd lafteeda 
					ayaa u baahan sidii dawladdu uga dhaadhicin laheyd sida wax 
					u dhaceen. Arrintan ayaa reer Hiiraan ku noqoneysa mid mar 
					walba miisaankeeda dhibeed leh. 
					Tii ay tiraahdaba waxaa hubaal 
					ah in kalsoonidii shalay Hiiraan ay dawladda ku soo 
					dhoweysay aaney maanta u heyn. Midda kale yaa aamini kara 
					dawlad qaabkaas u dhaqmeysa haddii ay doonto berrina intey 
					sidii oo kale yeesho ayey haddana dhihi doontaa kuuma kaseyn. 
					Waxaa isweydiin mudan tolow 
					dawladdu markale ma kasban doontaa taageeradii ay dadka reer 
					Hiiraan u hayeen? Haddii taasi dhici weydo waxaad mooddaa 
					tiiyoo awalba naf ku celcelis aheyd in jiritaankeedu 
					qiilqiil sii gelaayo.  
					Mohamed A Elmi, Minneapolis, 
					MN ilaad1@yahoo.com
 
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku 
saxiixan 
Faafin: 
SomaliTalk.com | July 22, 2005 
 
Ugaaski 11aad ee 
Beesha Cayr oo La Caleema Saaray»Caleemasaarka 
oo lagu qabtay magaalada Guriceel...
 »Xisbiga
S.Y.U.P oo Warsaxaafadeed kasoo saaray Qaahira
 Wararka oo dhan ka 
akhri halkan.... Guji.. July 21
 
					
					Dhakhtar Muslim ah oo Dhalo Coca-Cola ah ka Helay Alcohol
					
								
								  
"228 
Gabdhood oo Lagu Kufsaday Gobolada Jubbooyinka - 1dii Janaayo ilaa 8dii July"Sidaas waxaa shaaca ka qaaday hay'adda Xuquuqda 
aadamiga u dooda ee Faanoole,  taas oo intaas ku dartay in sannadkan Jubbooyinka 
lagu diley ugu yaraan 64 qof ayadoo... 
Guji...
 
 |