SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XORIYO

Barnaamijkii Radio Xoriyo

29 July. 2005 

  • JWXO oo baaq ka soo saartay heshiis ku saabsan batroolka Ogaadeenya. 

  • Mucaaradka Itoobiya oo diiday natiijadii doorashada. 

  • Midowga afrika oo taageerey tegitaanka madaxweyne C/llaahi Yuusuf ee Jowhar

  • Iska Hor imaad Dhex Maray Ciidamo ka yimid Puntland iyo Maleeshiyooyin ka soo jeeda Gobolka Hiiraan.

  • Iyo Barnaamijkii Ragtida Halgamaaga. 

 ====================== 

   Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya JWXO ayaa bayaan kulul ka soo saartay heshiis afar sano ah oo horraantii toddobaadkan dhex maray xukuumadda Itoobiya iyo shirkad batroolka qodda oo laga leeyahay dalka Malleeshiya, heshiiskaas ayaa ku saabsan in sharikadaasi ay shidaal ka qoddo dhulka Ogaadeenya. 

JWXO waxay bayaankan ku caddaysay in inta dadwaynaha Ogaadeenya loo diiddan yahay xaqa ay aaya ka talintooda u leeyihiin ayna JWXO u dulqaadanaynin in dhulka Ogaadeenya laga soo saaro khayraadka dabiici ah oo xukuumadda Itoobiya ama sharikad shisheeye ahi ka faa'iidaysanayaan. 

JWXO waxay ugu baaqday sharikadan oo lagu magacaabo PETRONAS inay joojiso hawlaha ay ka waddo Ogaadeenya inta laga helayo dawlad sharci ah oo dadwaynaha soomaalida Ogaadeenya leeyihiin oo ka dhalata dalka Ogaadeenya. Waxay JWXO u caddaysay sharikada PETRONAS in xukuumadda Itoobiya ayna si fiican gacanta ugu haynin dalka Ogaadeenya, sidaas darteed ayna lahayn awood ay ku saxiixdo heshiis lagu soo saarayo khayraad dabiici ah.

Waxay kaloo JWXO bayaankeeda ku sheegtay in waqtigan xaadirka ah uu Ogaadeenya ka socdo dagaal hubaysan oo dhex maraya ciidammada gumaysiga Itoobiya iyo ciidammada xoreynta Ogaadeenya ee JWXO, dagaal kaasoo keenaya natiijada ah inuu Ogaadeenya ka jiro jawi colaadeed iyo mid ammaan darro oo adkaynaya in shidaal laga soo saaro. 

JWXO waxay sidoo kale dawlada Malleeshiya ugu baaqday inay la socoto xaaladda Ogaadeenya oo ay sharikada PETRONAS kula taliso inay joojiso hawlaha ay Ogaadeenya ka qabanayso inta laga gaadhayo xilli ay arrintan gacanta ku dhigaan dad si run ah u matalaya dadwaynaha Soomaalida Ogaadeenya. 

Mucaaradka Itoobiya oo diiday natiijadii doorashada. 

Mucaaradka Itoobiya ayaa arbacadii diiday natiijada doorashada ee lagu dhawaaqay, taasoo lagu sheegay in xisbiga haysta talada Itoobiya ee EPRDF uu doorashada ku guulaystay. Guddiga doorashooyinka Itoobiya NEBE ayaa talaadadii ku dhawaaqay natiijada 435 kursi, wuxuuna sheegay in EPRDF uu helay 263 kursi, xisbiyada mucaaradkuna ay heleen 172 kursi.

Labada xisbi ee ugu wayn xisbiyada mucaaradka ah ee CUD iyo UEDF ayaa sheegay inayna oggolaanaynin natiijadan talaadadii lagu dhawaaqay.

Xisbiyada CUD iyo UEDF ma aqbalayaan natiijadii uu guddiga doorashada Itoobiya ku dhawaaqay 26 Julay, sidaasna waxaa lagu sheegay bayaan wadajir ah oo labadan xisbi ka soo baxay. Guddoomiye ku xigeenka xisbiga CUD ayaa dalbaday in lagu celiyo doorashada 299 qaybood, haddii la doonayo in dhibaatada lagu dhammeeyo nabad iyo is afgarad. 

Wuxuu kaloo intaas ku daray in dadwaynaha Itoobiya laga dhacay codadkoodii, wuxuuna si wayn u weeraray qaabkii loo baadhay cabashooyinkii musuqmaasuqa doorashada ku saabsanaa ee la soo gudbiyay.

Waxaan natiijadooda wali lagu dhawaaqin 112 kursi oo ay ku jiraan 23 kursi ee laga sugayo dhinaca Ogaadeenya. Hase yeeshee xisbiga EPRDF waxaa aqlabiyadii Baarlamaanka ka dhiman dhawr iyo toban kursi oo kaliya, taasoo ka dhigan inuu mar walba helayo aqlabiyad ku filan oo u saamaxda inuu dawlad soo dhiso, arrintaasoo ay mucaaradku ka dagaalamayaan.

Xisbiyada mucaaradka ah ayaa toddobaadkii hore ka digay in Itoobiya uu dagaal sokeeye ka billaabanayo haddii aan si cadaalad ah loo baadhin kuraasta la isku haysto oo aan laga soo saarin go'aan ay ku qanacsan yihiin, hase yeeshee waxaa muuqata in dalalka reer galbeedka ahi ay xisbiyada mucaaradka ah cadaadis wayn ku hayaan, isla markaana  ku cadaadinayaan inay natiijada doorashada oggolaadaan. 

Midowga afrika oo taageerey tegitaanka madaxweyne C/llaahi Yuusuf ee Jowhar

Warsaxaafadeed uu soo saaray ururka midowga afrika ayuu  ku tilmaamay guul siyaasadeed oo usoo hoyatay Soomaaliya,kadib markuu madaxweynaha DFKMG ee soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed  uu tagay magaalada Jowhar duhurnimadii maalintii talaadada ahayd .

Ururka midowga afrika ayaa si weyn u taageeray imaanshaha madaxweyne C/llaahi Yuusuf, islamarkaasna  soo dhaweeyey dadaalka ay wado Dowlada Soomaaliya.

Midowga Afrika ayaa cadeeyey inuu diyaar u yahay mar kasta inuu taageero wadan kasta oo afrikaan ah oo tiigsanaya nabad iyo  horomar iyadoo ururka  midowga afrika uu horey u ogolaaday in soomaaliya la geeyo ciidamo nabad ilaalineed isla markaasna uu mowqifkaasi yahay mid taagan oo ay diyaar yihiin ciidamada Afrkaanka ah ee soomaaliya ka howlgali lahaa

Wuxuu kaloo ururka midowga afrika shaaca ka qaaday inuu diyaar u yahay inuu meel mariyo rabitaanka dowlada faderaalka KMG ah ee Soomaaliya.

Sidoo kale Midowga afrika wuxuu soo dhaweeyay dadaalka ay wadaan wadamada IGAD ee ku wajahan arimaha soomaaliya taasoo dan u ah qaarada iyo Geeska afrika intaba. 

Iska Hor imaad Dhex Maray Ciidamo ka yimid Puntland iyo Maleeshiyooyin ka soo jeeda Gobolka Hiiraan. 

Iska hor imaad hubeysan ayaa dhex maray Ciidamo ka soo jeeda maamul goboleedka Puntland oo ku sugnaa Magaalada Feerfeer ee dalka Ogadenya iyo Maleeshiyo ka tirsan Gobolka Hiiraan,meelishiyada Hiiraan ayaa sida  la sheegay diidan inay Ciidamada Puntland soo dhexmaraan kadibna usii gudbaan dhinaca  Gobolka Shabeelaha Dhexe oo uu  hadda ku sugan yahay madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed. 

Dagaalkan oo muddo saacado ah socday ayaa markii dambe sida ay xaqiijiyeen dad jooga magaalada B/weyne waxaa Ciidamada Puntland laga qabsaday 7 ruux iyo baabuur yar oo ay saarnaayeen balse uusan saaranayn wax qori ah, Toddobadii Maxbuus ayaa waxaa lagu wareejiyey waxgarad ka tagay magaalada Baladweyne halka baabuurkiina la keenay magaalada B/weyne. 

Dagaalkan ayaa  dhacay kaddib markii ciidamada Puntland lagu soo amray inay u soo kicitimaan magaalada Jowhar., wuxuuna dagaalkaasi ka dhacay halka loo yaqaano Kalabeer oo u dhaw deegaanka Feerfeer. 

Magaalada B/weyne ayaa laga dareemay Colaada ka jirta xuduudka Hiiraan ee dhinaca Feerfeer, iyadoo duhurnimadii shalay la arkayay Maleeshiyo cusub oo ku sii jeeda deegaanka Kalabeer.

Dhinaca kale, Cali Dhuux oo sheegtay in loo doortay gobolka Hiiraan ayaa sheegay in maleeshiyo isaga daacad u ah ay arrintaas ka dambeysay islamarkaana ay ka soo horjeedaan in ciidamo ka socda deegaanada Puntland ay soo maraan.

Cali Dhuux waxa uu sheegay in madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf daadkii uu sheegay in dadka uu qaadayo uu doonayo in gobolka Hiiraan uu ku bilaabo iyagana ay ka hortagayaan.

Cali Dhuux ayaa intaas ku daray inay qaadi doonaan tallaabo kasta oo ay kaga hortagayaan ciidamo ka socda Puntland oo gobolka Hiiraan soo gala.

Radio Xoriyo

29 July. 2005

C/nuur Sh. Mohamed

radioxoriyo@ogaden.com
raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari

Faafin: SomaliTalk.com | July 29, 2005

Wararka Qaraxyada London ka Akhri halkan...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD