SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Asalaamu calaykuum waa mawduuc muhiim

SHURUUDAHA ‘LAA ILAAHA ILA LAAH’

Qirista ‘Laa ilaaha ila laah’ waxaa la socda shuruudowaajib ku ah qofka Muslimka ah inuu inuu barto oo sida ay yihiin u dabaqo,

Kuwaas oo culimadu ka soo dhex saareen Quraanka iyo Sunnada Rasuulka (nnkha) waana kuwan:

Aqoonta : Alle (swt) wuxuu ina amray: "Baro inaan Alle mooyee ilaah kale jirin" (Muxammad:19). Xadiis uu muslim soo saaray wuxuu rasuulku (nnkha) yidhi: Qofka dhinta asagoo aqoon u leh ‘Laa ilaaha ila laah’ janada ayuu galayaa. Aqoonta ama barashada labada shahaado waxaa weeye waajibaadka la socda iyo waxa burinaya in cilmi loo yeesho. Hadii qofku jaahil ka yahayna wuxuu ku dhacayaa shirkiga, bidcada iyo hawo raaca ay muslimiinta qaarkood diin ka dhigteen markay xadkii loo jeexay labada shahaado ka gudbeen oo aynu maqaalo dambe idanka Alle kaga hadli doono.

Yaqiinta: oo shakigu ka soo horjeedo. Alle (swt) isagoo yaqiinta ku ammaanaya Mu’miniinta wuxuu yidhi: "kuwo kale ma ahee Mu’minniintu waa kuwa rumeeyey Alle iyo Rasuulkiisa ee ann shakiyin una hura xoolahooda iyo nafahooda Alle dartiis, kuwaas ayaa ah kuwa run sheegayaasha ah"(Al-xujraat:15) Rasuulkuna (nnkha) isagoo labada shahaado ka hadlaya wuxuu yidhi: "Qof kuma kulmiyo Alle (labada shahaado) oo aan midkoodna shaki kaga jirin ilaa uu ka geliyo jannada"(Muslim). Waxa kale oo Rasuulku (nnkha) yidhi: "Sabarku waa imaanka nuskiis, yaqiintuna waa imaanka kulugiis." Qofka aanay wax shaki ahi kaga jirin labada shahaado waxaa lagu gartaa cibaadada oo uu Alle u gaaryeelo, Rasuulkuna (nnkha) si buuxda u raaco.

Aqbalaada: (Al-Qubuul). Waxaa jira dad laga helo labada shuruudood ee hore (Cilmi u leh ‘Laa ilaaha ila laah’ oo yaqiinsan) laakiin aan aqbalayn ama kibir haka noqoto ama xaasidnimo jar haka tuurto. Waxa qoladan soo gelaya Culimada Yuhuudda iyo Nasaarada oo aqoonsan inaan Allaha xaq lagu caabudo mooye aan ilaah kale jirin, Muxamadna Rasuulkiisii ugu dambeeyey yahay. Alle(swt) wuxuu yidhi: Kuwa aanu siinay kitaabku waxay u yaqaanaan Nabiga sida ay caruurtooda u yaqaanaan" (al-Baqara:146) mana ay aqbalin ee waa ku gacan saydheen oo la dagaalameen. Alle (swt) wuxuu yidhi: Waxay jecel yihiin in badan oo ahlu Kitaabka ahi (Yuhuuda iyo Nasaarada) inay rumayntiina kaddib idiin celiyaan gaalnimo, xasad naftooda ka yimid dartiis, kaddib markuu xaqu u cadaaday"(al-Baqara:109). Mushrikiintii Mkka iyagoo ogaa in ilaahay mooyee ann ilaah kale jirin, iyagoo Rasuulka (nnkha) qirayey ayey haddana inay aqbalaan risaaladda iska wetnaynayeey,Alle (swt)wuxuu yidhi: Waxayna ahaayeen marka lagu yidhaahdo Alle mooyee Ilaah kale ma jiro kuwo iska weyneeya"(As-saafaat:35). Waxaa kale oo Alle (swt)yidhi: Dhab ahaan kuma beeninayaan laakiin daalimiintu aayadaha Alle ayey inkiri"(Al-Ancaam:33). Qofkasta oo muslim ah oo ku xadgudba labada shahaado ama ha baryayo weli ama shaydaan ama qabri haku dul wareegayo ama xoolo ha u qalo, waxa ku waajib ah hadii xaq loo sheego inaanu diidin ee qaato.

Ku toosnaanta: Ku toosnaanta ‘Laa ilaaha ila laah’ waa ku toosnaan in Alle (swt) keligiis la caabudo iyo in laysu dhiibo. Wuxuu Alle yidhi "Yaa ka diin fiican qofka wejigiisa u jeediyey Alle isagoo sama fali"(An-Nisaa:125) Aayad kale waxa Alle (set)ku yidhi: Ruuxii uu jeediyey wejigiisa xagga Alle isagoo samo fali wuxuu qabsaday guntintii adkayd" (Luqmaan:22)

Ka run sheegid qalbiga ah:. Qofku isagoo carrabka ka ogol ayuu qalbiga ka diidanaan karaa, sida munaafaqiinta oo Alle (swt) isagoo tilmaamaya yidhu: Markay kuu yimaaddaan (Nabiyow) munaafiqiintu waxay ku odhanayaan waxaanu marag ka nahay inaad tahay Rasuulkii Alle, Allana waa ogyahay inaad tahay Rasuulkiisii, Allana wuxuu marag ka yahay inay munaafiqiintu beenaalayaal yihiin"(Al-Munaafiquun:1). Rasuulkuna wuxuu yidhi " Qofka yidhaahda ‘Laa ilaaha ila laah’ isagoo qalbigiisu ka run sheegayo Jannada ayuu gali."

Ikhlaaska: Waxaana ka soo horjeeda shirkigga. Alle (swt) wuxuuna yidhi: "Alle caabud una badhaxtir diinta (cibaadada). Diinta (cibaadada) badhaxa la’na waxay u sugnaatay Alle" (As-sumur:2). Rasuulku wuxuu yidhi dadka ugu mudan shafaacadaydu waa kuwa qalbi khaalis ah ka yidhaahda "LAA ILAAHA ILA LAAH" (Bukhaari iyo rag kale)

Jacaylka: waxaa ku waajib ah addoon kasta jacaylka Alle (swt) Rasuulkiisa iyo jacaylka wax kasta oo hadal ama ficil ah oo Alle jecel yahay jacaylka dadka wanaagsan ee Alle u hoggaansama. la jeclaado oo hiil iyo hooba loo huro, inaan gaalada iyo cid kasta oo islaaka iyo mislimiinta colaadisa aan loo hiilin, lala saaxiibin, la jeclaan, la aaminin oon lagu kalsoonaan.

KU kufri : wax kasta oo Alle (swt) sokadiis la caa buda. Waxaana soo gelaya. sanamada, anbiyada, malaa’igta, awliyada, xabaalaha, jinka, qabyaalada, maalka, iwm.

waxaan dhamaan idinka codsayaa in aad ka faaidaysataan unaa gudbisaan dadka mislimiinta dhamaatood,dhibta, dadkeen maanta haysata wa fahan laiaanta tawxiidka,waxaan ahay arday aad u aqoontiisu u gaabantahay,wixii sax ah faminlaah , wixii khalad ilaahay iyo rasuulkiisu bari ayey ka yihiin, waa shaydaan iyo naftayda,waxaan dabidhaaf,

waydiisanayaa ilaahay,waxaa idinka codsan in aad la socotaan qaybaha kale,ee soo socda,hadaba siday iigu suurto gasho,Inshaa alaah,

xaamud cali cilmi
hamud13@hotmail.com

asalaamu calaykum waraxmatulaahi wa barakaat.

Qoraaladii hore ee Xaamud

Faafin: SomaliTalk.com | July 29, 2005


WAA QABIILKEE YAASIIN XASAN CUMAR
Ninka ay warbaahinta UK ku sheegeen in jinsiyadiisu tahay Soomaali oo lagu tuhmayo qaraxyadii London "qabiilkee buu Soomaali ka yahay"... Guji..


Wararka Qaraxyada London ka Akhri halkan...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD