SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Ururka Suxufiyiinta Gobolka Sool,Sanaag iyo Cayn Ayaa Soo Saaray Bayaan Ay Ku Qaadacayaan Siminaar Lagu Qabanayo Magaalada Garoowe.

Ururka suxufiyiinta Gobolada SSC ayaa maanta shir ay ku yeesheen magaalada Laascaanood waxa ay ka soo saareen Bayaan ay ku Qaadacayaan Siminaar lagu qabanayo magaalada Garoowe.

Siminaarkan oo looga hadli doono xidhiidhka Maamulka iyo saxaafada Puntland oo ay soo qaban qaabisay wasaarada Warfaafinta iyada oo la kaashanaysa Hay'ada  PDRC. 

Bayaanka Ururka suxufiyiintu soo saareen ayaa sidan u qoraa. 

Ururka Suxufiyiinta Gobolada SSC 

Waxaa ay wasaarada warfaafinta ee dawlada Puntland iyo Hay’ada PDRC ku baaqeen in ay suxufiyiinta Puntland isugu yimaadaan 30 july Siminaar  , kaas oo lagaga hadli doono sida ay sheegeen xidhiidhka saxaafada iyo maamulka Puntland. 

Hadaba markii aanu ogaanay in ay ku dhexmilmeen madaxweyne ku xigeen Puntland iyo wasaarada warfaafinta saxaafada gobollada Sool,Sanaag iyo Cayn , si toos ahna u soo fara galiyeen, isla markaana siminaarkan loogu talo galay in lagu cabudhiyo saxaafada madaxbanaan ee ka jirta Puntland waxa aanu go’aan ku gaadhnay in aanan ka qayb galin siminaarkan. 

Saxeexayaasha Bayaanka. 

  1. Maxmed Maxmuud Gaaxnuug. Guddoomiye
  2. Asssad Cadaani Ibraahim.         Ku xigeen
  3. C/casiis Saleebaan Axmed.        Xoghayn
  4. Maxmed Jaamac Cabdi           Xubin.
  5. Axmed Deeq Huruuse           Xubin
  6. Jaamac Ismaaciil Xaashi       Xubin.
  7. Xaliimo Cabdi Cilmi            Xubin.

Wabilaahi Tawfiiq. 

laascaanood

Faafin: SomaliTalk.com | July 29, 2005


Safarka Barre Hiiraale ee Ceelwaaq iyo Garbahaarey
»Safarka guddoomiyaah Dooxada Jubba ee G/Gedo...
»Dhaqaatiirta ka socotey  Hay'adda Samafalka ee Al-Manhal oo soo geba-gebeeyey mashruuca ka hortaga Indho la'aanta ee gobolka Sh/hoose... Guji...

Shir Kusaabsan Xadgudubyada Lagu Sameeyo carruurta ee Bariga iyo K/Afrika
oo Somaliland ka qayb gashay... ka akhri halkan...

Nin Lagu Sheegay Soomaali oo la Qabtay
London: Ninkan oo looga shaki qabo qaraxyadii.
Guji... July 27

C/Laahi Yuusuf oo kasoo Degey Jawhar
»Madaxweynaha DFKMG oo kasoo duulay Gaalkacyo...
»Kismaayo: Shahaadooyin la guddoonsiiyey ardayda...
»Markab Talyaani ah oo Lagu Weeraray Badda Cas...
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji..


WAA QABIILKEE YAASIIN XASAN CUMAR
Ninka ay warbaahinta UK ku sheegeen in jinsiyadiisu tahay Soomaali oo lagu tuhmayo qaraxyadii London "qabiilkee buu Soomaali ka yahay"... Guji..


Wararka Qaraxyada London ka Akhri halkan...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD