SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  • Dab xoogan oo caawa fiidkii qabsaday mid ka mid ah suuqyada soomaalida ee Nairobi.
  • MUSHARAF OO KU BAAQAY IN ARDAYDA MADARASADAHU AY WADDANKIISA PAKISTAN KA BAXAAN
Dab xoogan oo caawa fiidkii qabsaday mid ka mid ah suuqyada soomaalida ee Nairobi.

Canab Mumtaz. | SomaliTalk.com | 29/07/05

Dab xoogan ayaa ka kacay mid ka mid ah suuqyada Soomaalida ay ku leeyihiin magaalada Nairobi oo lagu magacaabo New Gaarisa Two oo u dhaw suuqa Taysiir kuna yaala wadada 7-street ee magaalada Nairobi.

Dad goob jooga yaal ah ayaa sheegaya in dabkaas lagu waayay hanti badan oo aan la qiyaasi Karin, suuqan oo ka koobnaa dhowr dabaq ayaa dhamaantiis lagu waayay hantidii ku jirtay iyo dhismihiiba, waxaana yimid laba gawaari oo ah kuwa dab damiska balse nasiib daro aanan waxba ka qabanin gubashadaas sababta lama yaqaano keentay in dab damisku ay wax ka qaban waayeen oo ahaa kuwo ay soo dirtay dowlada Kenya.

dabkan ayaa wali si xoogan ku socda ilaa iyo hadda oo aan warkan qorayey ma jirto dabdamis gacan wayn ka gaysanaya, waxana ku sii dhamaanaya hantidii dadkaas, iyagoo aad uga walwal qaba in aysan ku guulaysan karin badbaadintooda, sababo lala xiriirinayo booliiska oo diidan in gudaha loo galo halka uu dabku ka soconayo.

Lama yaqaano sababta dhabta ah ee ka dambaysay dabkan qabsaday suuqa Soomaalida ee New gaarisa Two, balse waxaa la qiyaasayaa in ay ka dambeeyeen dad si qaldan u iscticmaalay dab laakiin wali war cad kama soo baxin oo ku aadan sababta dabka dhalisay.

Dadkii Soomaaliyeed ee hantida ku lahaa suuqaas ayaa aad uga walwalsan dhibka soo gaaray, halka suuqyada kalena ee ay leeyihiin Soomaalida ay ugu jiraan waardiye xoogan si uusan u gaarin dabka ama aan loogu gaysanin dhac cad oo ay ku soo qaadayaan tuugada iyadoo xataa laga cabsi qabo in ay dabka sii huriyaan si ay uga faa’iidaystaan hantida suuqyada Soomaalida u taala.

Soomaalida ayaa aasaastey suuqan kadib markii ay dhacdey dowladii dhexe ee Soomaaliya 1991kii, si ay uga soo saartaan waxey ku noolaan lahaayeen iyo sidoo kale iney ka sameeyaan lacag, waloow ay taasi aad uga careysiiyey ganacsatada Hindida ah oo horey u heystay suuqyada magaalada Nairobi.

Sanadkii 1998 ayay ahayd markii suuqa Soomaalida ugu wayn ee Gaarisa dab xoogan qabsaday kaas oo gubashadiisa ganacsato Hindi ah oo loo tirinayay sida ay sheegeen Ganacsatadii Soomaliyeed ee xiligaas hantida ka gubatay, waxaana ay ka dhalatay markii Soomaalida ay ganacsi ka jaban kana fudud kii hindida ee xiligaas sameeyeen kadibna lagu soo jabay suuqyadooda taas oo ka caraysiisay Hinida iyagoo aaqiritaankii ka guuray gabi ahaanba xaafada islii iyo meelaha u dhaw, arrintan soo noqoshadeeda waxaa lagu eedaynayaa ganactada soomaaliyeed oo aan lahayn urur xoogan oo  difaaca danaha ganacsiga ay ku leeyihiin Nairobi, si ay uga gaashaantaan dhibaatooyinka soo wajihi kara.

Ilaa hadda waxaa socda dadaalo lagu ilaalinayo in suuqyada kale uusan dabku gaarin, waxaana iska kaashanaya ganacsatada iyo dadka ku nool xaafada Soomaalida ee Islii oo aad arrintan uga walwalsan, qadadka telefonka oo aan kula xiriiray wax yar ka dib markii uu dabku qarxay ayay iiga warameen in arrintani tahay mid lala yaaban yahay sababta keentay laakiin uu baaritaan socdo wali, walina ma jirto gargaar ka imaanaya dhinaca dowladda ee ku aadan daminta dabka.

Mumtaz | canabmumtaz@yahoo.com


MUSHARAF OO KU BAAQAY IN ARDAYDA MADARASADAHU AY WADDANKIISA PAKISTAN KA BAXAAN

President MusharrafRawalPindi: Madaxweynaha dalka Pakistan Janeral Pervaz Musharaf ayaa maalintii shallaytoole ahayd mar uu la hadlaayey suxufiyiin badan oo iskugu yimid gurigiisa ku yaalla Magaalada Rawalpindi wuxuu u sheegay inuu amar ku bixiyey inay dhammaanba ardayda ajaanibka ah ee wax ka barata Madarasadaha waddanka Pakistan xitaa ayuu yidhi kuwa asalkoogu ka soo jeedo waddanka Pakistan ee haysta jinsiyadaha waddamada Kale ay sida ugu dhakhsaha badanleh uga baxaan Waddankiisa Pakistan. 

Madaxweyne Musharaf wuxuu yidhi "Ma daabaci doono umana ogolaan doono arday ajaanib ah inay helaan visooyinka loo yaqaano fisada ardayda "Student Visa" wixii maanta oo bishu ku beegantahay 28 ka ka danbaysa"

Foreign students at a Pakistan madrassa

waa markii ugu horaysay ee Madaxweyne Pakistani ahi uu ku dhawaaqo inuu dalkiisa dibadda uga saarayo kumanaan arday ah oo wax ka barta dugsiyada islaamiga ah ee Waddanka Pakistan, sidoo kale Madaxweyne Musharaf muu caddaynin inuu amarkiisu qabban doono kumanaan kale oo arday ajanabi ah oo wax ka barta Jaamacadaha dawladda iyo kuwa sida gaarka ah loo leeyahay, waxaa tani lagu xidhiidhinaya qaraxyadii dhawaan ka dhacay Magaalada London oo ay ka mid ahaayeen laba dhalinyaro ahaa oo asalkoogu ka soo jeeday waddanka Pakistan oo lagu xidhiidhinayo inay wax ku barteen Madarasadaha islaamiga ah ee waddanka pakistan.

WAXAA SOO DIYAARIYEY MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)
HARGEISA, SOMALILAND.
diridhaba2001@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 29,  2005


Roma oo Lagu Qabtay Nin Lagu Sheegay Soomaali Haysta Dhalashada Britain
Sida ay werisey warbaahinta Talyaanigu waxaa Roma lagu qabtay Osman Hussein oo lagu tuhunsan yahay in... Guji... July 29

Ururka Suxufiyiinta Gobolka Sool,Sanaag iyo Cayn Ayaa Soo Saaray Bayaan
Ay Ku Qaadacayaan Siminaar Lagu Qabanayo Magaalada Garoowe... Guji... July 29

"228 Gabdhood oo Lagu Kufsaday Gobolada Jubbooyinka - 1dii Janaayo ilaa 8dii July"
Sidaas waxaa shaaca ka qaaday hay'adda Xuquuqda aadamiga u dooda ee Faanoole,  taas oo intaas ku dartay in sannadkan Jubbooyinka lagu diley ugu yaraan 64 qof ayadoo... Guji...

Geedi iyo Waftigii Uu Hogaaminayay Oo Dib ugu Laabtay Jowhar
Kaddib markii ay magaalada Galkacyo kulan albabadu u xiran yihiin ku yeesheen madaxweynaha iyo Ra'iisul wasaaraha DFKMG ayaa...
Guji...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD