SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  MUQDISHO

  • Shiikh Sifiican looga Yaqiinay Somaliya,oo Xalay Lagu dilay Magaalada Mogadisho.  
  • Subaxnimadii jimcaha oo koox dabley ah oo ka amar qaadata Bashiir Raage  soo weerareen masjidka Salmaan Alfaarisi, Muqdisho
  • Cambaareyn ku Wajahan Gacan ku dhiiiglayaashii Dilay Sheekh Muumin

Shiikh Sifiican looga Yaqiinay Somaliya,oo Xalay Lagu dilay Magaalada Mogadisho.  

Farxaan-Ceynte
Nairobi-Kenya. 

Inaa Lilaahi Wainaa Ilayhi Raajicuun. 

Waxaa xalay burcad hubeysan xabado ooda uga qaadeen Shiikh Maxamed Mumin Haruun, oo ahaa qof sifiican looga dhax yaqiinay bulshada soomaliyeed.

Dilkaan oo ahaa kii 3daax ee mudo 2 asbuuc gudahiisa lagu dilo dad aan waxba galabsan, ayaa waxaa uu ka dhacay magalada mogdisho, gaar-ahaan xaafada Hodan, waxaana lagu dilay Allaha-u-naxariistee, Maxamded Muumin Haaruun, oo ah qof sumacad ku dhaxlahaa bulshada somaliyeed, gaar-ahaan culuma’udiinka somaliyeed. 

Waxaana saakay la ii xaqiijiyay mar aan la xariiray magaalada mogadisho, in ay dableey hubeysan oo aan haybtooda lagaraneynin ay xabado ooda uga qaadeen shiikha oo watay gaari nuuca loo yaqaana Merket 2 ,asagoo ay la saarnaayeen 3 qofood oo kale, waaxana la ii sheegay In qofkale uu ku dhaawacmay isala xabadahaas. halka uu ku geeriyooday Shiikh Maxamed Mumin Harun, oo ahaa wadaha gaariga. 

Dilka shiikhaan, waxa uu aad uga nixiyay bulshada reer mogdisho oo maalmaahan ay la soo daristay dilalka nuucaan oo kale ah, kuwaas oo loogeysto dad bulshada dhaxdeeda sumacad ku leh. ayadoo aysan ka soo wareegan Hal asbuuc markii gurigiisa lagu dilay (Abdula-qadir Yahye), oo asigana ahaa qof mug weyn ku dhaxlahaa bulshada soomaliyeed. 

Allaha u naxariistee,Shiikh maxamde Mumin Haruun waxaa saakay meydkiisa lagu aasi doonaa qabuuraha Al-barakat. 

Shiikh maxamde Harun,waxa uu ahaa qof xaga diinta sifiican wax ugu yaqiinay, isalmarkaasana ahaa daaci diinta islaamaka faafiya, asaasayna dhowr madarasooyin oo aad looga yaqaana magalaada mogdisho.

Allaha u naxariistee taariikh nololeedka Marxuum M/Haruun,wali iima suurta galin In aan helo. 

Waxaansa ka xuusan karaa in uu ahaa qof xaga diinta aad u fog,walibana uu dhubuc weyn ku dhaxlahaa culumaa’udiinka somaliyeed.

Taasina waxaad ku xaqiiiqasan kartaa sida,aan saakay loogu kala harin bulshada somaliyeed, culumo iyo caamo intaba. 

Dilalka nuucaan oo kale ah,oo lagu ugaarsanayo dadka qiimaha ku dhaxleh bulshada ayaa labadaan isbuuc isasootarayay,ayadoon aan la sheegi Karin micnaha saxda ah ee ka danbeesa dilalkaan. 

Waxaana shaki ku jirin,in dilalka nuucaan oo kale ah ay sameen ku leeyihiin bulshada soomaliyeed,oo maanta la ciiriciireso jaahilnimo iyo dagaal sokeeye. 

Allaha u Naxariisto Skhiik Maxamed Mumin Haruun,qoyskii iyo eheladii uu ka tagayna samar iyo iimaan allha ka siiyo. 

Aamiin Aamiin Aamiin Aamiin.
Cayntakayare@yahoo.com


Bashiir Raage muxuu ku qoonsaday masjidka? 

Subaxnimadii jimcaha ayaa koox dabley ah oo ka amar qaadata Bashiir Raage oo uu hoggaaminayo Muuse gurre waxay soo weerareen masjidka Salmaan Alfaarisi ee ku yaal degmada Shibbis ee magaalada muqdisho, xilligaas oo ay masjidka ka socotay muxaadaro ay ka qayb qaadanayeen qaar ka mid ah culimada waaweyn ee magaalada Muqdisho. Kooxdaasi waxay soo hordhigteen masjidka gaari tekniko ah, ka dibna waxay la soo galeen dayrka masjidka qoryo ammaanku u wada furan yahay oo ay qaarkood dadka ku fiiqayeen iyagoo ku qaylinaya si deg deg ah ha looga soo boxo masjidka, kuwo kalana waxay kor isaga hareereeyeen masjidka. Qaar ka mid ah culimadii xaafadda oo ay isgaranayeen ninka watay dableyda ayaa ugu tagay nimankaas in ay la xaajaystaan wax is afgarad ahina kama soo bixin wadahadalkaas ee wuxuu ku dhammaaday in ay dhaawacyo gaarsiiyeen nin ka mid ah macallimiintii xaafadda oo ay isagii iyo laba macallin oo kale qafaasheen, ka dibna ay soo daayeen. Culimadii ayaa markaa soo jeediyay in dadweynuhu ay iska kala tagaan maadaama muxaadaradiina dhammaatay lagana yaabo in dadkaas wax magaratada ahi dhib gaystaan.

Ninka watay dablayda ayaan sheegin wax sabab ah oo uu ku soo weeraray masjidka, waxayse sheegeen qaar ka mid ah dablaydii la socotay in uu Bashiir Raage la soo xiriiray Muuse Gurre oo ku yiri agtayda ayaa Qaacido isku uruursatay waxaana dhimman in la i qarxiyo kaliya ee iga soo gaar!!!. Waqti yar ka dibna waxaa deegaankii masjidka soo buuxiyay maleeshiyo iyo gawaari tekniko ah oo uu leeyahay Bashiir Raage oo la sheegay in uu ka dalbaday garoonka Cisaley oo isaga hoos yimaada.

Dhacdadaan ayaa aad u kicisay dareenka bulshada ku nool woqooyiga Muqdisho, culimada deegaankaasina waxay u gudbiyeen odayaasha iyo waxgaradka in wax laga qabto xadgudubkaan foosha xun oo ah kii ugu horreeyay ee ka dhaca magaalada Muqdisho intii ay burburtay dawladdii hantiwadaagga ahayd; si looga hortago fasaskeeda.

Su’aalaha la iswaydiinayo waxaa ka mid ah: waa maxay danta ugu jirta Bashiir in uu rabsheeyo darsi diini ah?, maxayse tahay khatarta kaga imaanaysa darsi masjid laga akhriyay?,  yuuse ku raalli galinayaa falkaas foosha xun ee uu kaga caraysiiyay Alle ka sokow dadkiisii?, haddii ay dhacdadaani markhaanti u tahay wararka sheegaya in Bashiir ka mid yahay madaxda dadka loo yaqaan (( ashahaado la dirirka)) miyaysan tusayn in uu kaga dheereeyay jaalkiis la dirirka ashahaadada illeyn Talaabiib iyo Washington-ba masaajidda waa lagu akhriyaa duruus iyo muxaadaraatba’e?, haddii Bashiir yahay qandaraasle quud ku hela falalka noocaan oo kale ah maxay ku Alle seegeen Muuse Gurre iyo dablaydiisu?. 

Axmed C/laahi Max’ud
dacwah@hotmail.com


Cambaareyn ku Wajahan Gacan ku dhiiiglayaashii Dilay Sheekh Muumin

Hey,ada u dooda xuquuqda shacabka Soomaaliyeed saldhigeeduna yahay caasimada Norwey ee Oslo waxa ay cambaareyn dusha ooga tuureysaa gacan ku dhiiglayaasha ku sugan magaalada Muqdisho ee caadeystay in ay gumaadaan aqoon yahanada iyo culimada .

Waxaan xasuusineynaa wax magaratada caadeysatay Dilka in waqti ku haboon la saari doono Maxkamad Caalami ah.
Hey,adu waxa ay ku boorineysaa shacabka Muqdisho ku sugan iyo nawaaxigeeda in ay ka dhii dhiiyaan falxumada lagula kacayo.
Waxaan ka codsanayaa cidii ka warheyso burcadii ka dambeysay dilka marxuumka (Sheekh Maxamed Muumin ) in ay nala soo xiriiraan si aan oogu gudbino magacyada dambiilayaasha Maxkamada Aduunka saldhigeeduna yahay Holand magaalada Hague.
Gudoomiyaha Somali Peace Party
Xuseen Yaasiin Gode Gode
Political Sceintist
Head Quarter:Norwey:Oslo
Email:somali_peace_party@hotmail.com
Tel:47-90626845

Faafin: SomaliTalk.com | July 30, 2005


Ninkii Lagu Qabtay Rome oo Noqday Ethiopean
Hussain Osman oo markii hore lagu sheegay Soomaali waxaa soo shaac baxday in uu yahay Ethiopian haysta dhalashada dalka Britain... Guji....

Ururka Crisis Group oo Qoraal Dheer Ka Qoray Soomaaliya iyo Sida la Isugu Cayrsanayo.....

Qoraal ka kooban 29 bog oo bishan July 11, 2005 uu soo saaray ururka lagu magcaabo Crisis Group ayuu ku falanqeeyey Soomaaliya iyo ururada ka jira iyo sida dalka gudihiisa la isugu cayrsanayo, qoraalkaas oo aad u dheer oo ku qoran luqadda Ingiriiska waxaa laga soo rogan karaa Halkan... Guji... [PDF-- waxaad u baahan tahay "Adobe Acrobat Reader" si aad qoraalkaas u daalacatid]

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD