QAABKII 
																	KULAN 
																	CILMIYEEDKA 
																	LABAAD IYO 
																	DEGAANKA 
																	QARDHO.
																	
																	
																	Waxaa 
																	taariikhdu 
																	markay ahayd 
																	23/07/2005ta 
																	ka furmay 
																	magaalada 
																	Qardho kulan 
																	cilmiyeedkii 
																	labaad ee 
																	Qardho isla 
																	taariikdaas 
																	waxaa 
																	qabsoomay 
																	furitaankii 
																	oo ay kasoo 
																	qayb galeen 
																	Maamulka, 
																	Nabadoonada 
																	iyo dadwayne 
																	aad u fara 
																	badan 
																	tiraabo 
																	amaan iyo 
																	mahadcelin 
																	ah iyo 
																	furriinka 
																	xafladda 
																	kaddib waxaa 
																	durbadiiba 
																	bilowday 
																	muxaadaradii 
																	koowaad oo 
																	ahayd 
																	Qabyaaladda 
																	iyo 
																	Qabiilaysiga 
																	oo uu 
																	taminay 
																	Dr.Axmed 
																	Xaaji c/raxmaan.
																	
																	
																	Maalintii 
																	labaad ee ay 
																	taariikhdu 
																	ku abbaarayd 
																	24/07/2005ta 
																	ayaa waxaa 
																	Qado sharaf 
																	lagu 
																	sameeyay 
																	Beerta 
																	Guddoomiye 
																	ku xigeenka 
																	Deg.Qardho 
																	Siciid 
																	yaasiin 
																	Xuseen 
																	waxaana 
																	kasoo qayb 
																	galay 
																	dhamaan 
																	Culimaa'uddiinkii 
																	garwadeenka 
																	ka ahaa 
																	kulan 
																	cilmiyeedka 
																	iyo 
																	culimadii 
																	sii joogtay 
																	magaalada 
																	Qardho iyo 
																	waliba
																	
																	
																	Maamulka 
																	Degmada oo 
																	kala ahaa. 
																	
																		- 
																		
																		kuxigeenka 
																		Duqa 
																		Qardho  
																		Siciid 
																		Yaasiin 
																		Xuseen
																		
																		
- 
																		
																		Xoghayaha 
																		Deg.Qardho   
																		 Max'ud 
																		Maxamed 
																		Shire
																		
																		
- 
																		
																		Taliyaha 
																		Qaybta 
																		Boliska    
																		Axmed C/llaahi 
																		Yusuf 
																		Faarax (karkaar)
																		
																		
- 
																		
																		Taliyaha 
																		Nabadsugidda     Ismaaciil 
																		Aw-Cali 
																		(Labagoor)
																		
																		
- 
																		
																		Taliyaha 
																		Danbi 
																		baarista    
																		 Muxiyaddiin 
																		Waabari
																		
																		
- 
																		
																		Taliyaha 
																		Turubataariyada  
																		C/raxmaan 
																		Cartan 
																		Fallaag
																	
																	iyo rag kale 
																	oo ka tirsan 
																	maamulka 
																	Degmada 
																	waxaa sidoo 
																	kale kasoo 
																	qayb galay 
																	Nabaddoonada 
																	kala ah. 
																	
																		- 
																		
																		Max'ed 
																		Aadan 
																		Cali
																		
																		
- 
																		
																		Aadan 
																		Max'ed 
																		muuse (Ciiraale)
																		
																		
- 
																		
																		Abshir 
																		Ismaaciil 
																		Max'ed(gurey)
																		
																		
- 
																		
																		Cismaan 
																		Ciise 
																		Fikad
																		
																		
- 
																		
																		Cabdi 
																		Carshe 
																		Cali 
																		Xagar
																		
																		
- 
																		
																		Cabdi 
																		Diiriye 
																		Jaamac
																		
																		
- 
																		
																		Cali 
																		Max'ud 
																		Ildab (Faandhe)
																		
																		
- 
																		
																		Axmed 
																		Faarax 
																		Dala'aan
																		
																		
- 
																		
																		Maxamed 
																		Dhaanto 
																		Ilaaq
																		
																		
- 
																		
																		Muuse 
																		Siciid 
																		Xaaji.
																	
																	iyo 
																	Nabaddoono 
																	kale halkaas 
																	ayaa waxaa 
																	ka dhacay 
																	wada hadal 
																	iyo is 
																	afgarad aad 
																	loogu 
																	bogaadiyay 
																	Culimada iyo 
																	Cilmiga ay 
																	faafinayaanba 
																	isla 
																	taariikhdaas 
																	ayaa waxaa 
																	dhacay 
																	muxaadaradii 
																	labaad oo ku 
																	saabsanayd 
																	Xiriirinta 
																	iyo Goynta (Alwalaa' 
																	Walbaraa') 
																	waxaana 
																	akhriyay 
																	Sh.Xasan 
																	muuse Bookh.
																	
																	
																	Maalintii 
																	Sadexaad ee 
																	25/07/2005ta 
																	ayaa waxaa 
																	baxay 
																	Muxaadaradii 
																	ahayd Ka 
																	saahididda 
																	Adduunka oo 
																	uu tibaaxay 
																	Sh.Bashiir 
																	Jaamac kite.
																	
																	
																	Maalintii 
																	Afraad oo ku 
																	beegnayd 
																	26/07/2005ta 
																	ayaa waxaa 
																	la qaatay 
																	darsi ku 
																	saabsan ka 
																	fogaanshaha 
																	Xadgudubka 
																	Diinta oo uu 
																	tifaftiray 
																	Sh.C/qaadir 
																	Nuur Faarax 
																	ayadoo 
																	halkaasna uu Sheekhu 
																	ugu baaqay 
																	Marlabaad 
																	jamaacada 
																	Takfiirka 
																	inay hadday 
																	wax hayaan 
																	ay madal 
																	yimaadaan oo 
																	loo caddeeyo 
																	dadka tubta 
																	toosan 
																	iyagoo horay 
																	usoo 
																	dalbaday in 
																	lala hadlo 
																	laakiin 
																	markii laga 
																	ogolaaday ka 
																	baaqsaday 
																	wada 
																	hadalkii.
																	
																	
																	Maalintii 
																	Shanaad 
																	27/07/2005ta 
																	ayaa waxaa 
																	Sh.Max'ed 
																	Macalim 
																	Axmed uu 
																	siidaayay 
																	darsi ka 
																	hadlaya 
																	Gawraca iyo 
																	Shareecada 
																	Islaamka.
																	
																	
																	Maalintii 
																	lixaadoo 
																	taariikhduna 
																	hayd 
																	28/07/2005ta 
																	Ayaa waxaa 
																	mar kale 
																	Qado Sharaf 
																	Lagu Qabtay 
																	Beerta 
																	guddoomiye 
																	Xigeenka 
																	Siciid 
																	Yaasiin 
																	Xusseen 
																	Halkaasoo ay 
																	markale isku 
																	arkeen 
																	Culimada 
																	Maamulka iyo 
																	Duqayda 
																	Qardhood 
																	isla 
																	markaana 
																	waxaa Baxday 
																	Muxaadaradii 
																	lixaad oo 
																	ahayd Qaadka 
																	iyo 
																	Mushkiladihiisa 
																	Waxaana 
																	kahadlay 
																	Sh.fu'aad 
																	Max'ud 
																	X.Nuur.
																	
																	
																	Maalintii 
																	todobaad ee 
																	gabagabda 
																	Nadwada Ayaa 
																	lagu Qabtay 
																	Qado Sharaf 
																	guri ka mid 
																	ah guryaha 
																	Qardhood 
																	halkaas oo 
																	laysu 
																	duceeyay 
																	layskuna 
																	waafaqay in 
																	Diinta lagu 
																	dhaqmo 
																	waxaana isla 
																	habeenkaa oo 
																	bishu hayd 
																	29/07/2005ta 
																	ayaa waxaa 
																	baxay 
																	Muxaadaradii 
																	u danbaysay 
																	ee ahayd 
																	xurmada 
																	Dhiigga 
																	Muslimka 
																	Waxaana 
																	Akhriyay 
																	Dr.Axmed 
																	Xaaji C/raxmaan 
																	waxaana 
																	laguda galay 
																	gunaanadkii 
																	nadwada oo 
																	ugu horayn 
																	ka hadlay 
																	Guddoomiyaha 
																	Deg,Qardho 
																	Cismaan Buux 
																	Axmed oo aad 
																	u bogaadiyay 
																	kulanka iyo 
																	Culimdaba 
																	dadkana ugu 
																	baaqay inay 
																	ku dhaqmaan 
																	waxay 
																	maqleen 
																	waxaa kaloo 
																	hadlay 
																	Nabddoonada 
																	kala ah 
																	Aadan 
																	Ciiraale Iyo 
																	Cabdi 
																	diiriye oo 
																	iyaguna aad 
																	ugu mahad 
																	celiyay 
																	Culimada 
																	kana codasay 
																	nay aysan ka 
																	raagin ee ay 
																	markale usoo 
																	dhkhsadaan 
																	isla 
																	markaasna 
																	ugu baaqay 
																	dadwaynaha 
																	Qardhood 
																	inay taabbo 
																	galiyaan 
																	Shareecada 
																	Allaah kuna 
																	dhaqmaan 
																	Diintooda 
																	toosan waxaa 
																	kaloo hadlay 
																	Sh.Daahir 
																	Aw-Cabdi oo 
																	aad dadka 
																	ula hadlay 
																	yirina waa 
																	in la dilaa 
																	ninkii wax 
																	dila lagana 
																	fogaadaa 
																	Qaadka iyo 
																	cuniddiisa 
																	waxaa kusii 
																	xigay C/qaadir 
																	Cabdi 
																	diiriye oo 
																	ku hadlay 
																	Magaca 
																	Jaaliyadda 
																	dibadda ugu 
																	danbay waxaa 
																	la akhriyay 
																	Bayaankii 
																	Culimadu ka 
																	soo saareen 
																	Kulanka oo 
																	ka koobnaa 
																	8eed qodob.
																	
																	
																	Warbixintii
																	
																	
																	Xafiiska:
																	
																	
																	
																	dacwah@hotmail.com
																	
																	
																	
																	
																	
																	BAAQ 
																	KASOO BAXAY 
																	KULAN 
																	DIIMEEDKII 
																	MAGAALADA 
																	QARDHO
																	
																	
																	
 
																	Kulan 
																	Diimeedkii 
																	ka bilowday 
																	magaalada 
																	qardho 
																	23/7/2005ta 
																	ayaa wuxuu 
																	soo
																	gabagaboobay 
																	caawa oo ay 
																	taariikhdu 
																	tahay 
																	29/07/2005ta 
																	kulankaas oo 
																	lagu qaadaa
																	dhigay 
																	arrimo badan 
																	oo ku 
																	saabsan 
																	Shareecada 
																	Islaamka 
																	ayaa waxaa 
																	kasoo baxay 
																	Baaq ay
																	culimadii ka 
																	qaybqaadatay 
																	kulan 
																	Diimeedka 
																	udireen guud 
																	ahaan 
																	bulshawaynta
																	Soomaaliyeed 
																	gaar ahaan 
																	kuwa ku 
																	dhaqan 
																	Magaalada 
																	Qardho 
																	baaqaas ayaa 
																	tibaaxaya
																	qodobada soo 
																	socda. 
																	
																	Waxaan 
																	Ummadda 
																	Soomaaliyeed 
																	guud ahaan 
																	gaar ahaan 
																	kuwa reer 
																	Qardhood ugu 
																	baaqaynaa
																	inay Allaah 
																	u noqdaan 
																	ayna ku 
																	dhaqmaan 
																	Sharciga 
																	ilaahay.
																	In Umadda 
																	Soomaaliyeed 
																	ay 
																	ilaaliyaan 
																	midnimadooda 
																	iyo wada 
																	jirkooda 
																	baadi 
																	goobaanna
																	Qarinimadoodii 
																	baylahday.
																	
																	
																	In ay 
																	Ummadda 
																	Soomaaliyeed 
																	guud ahaan 
																	gaar ahaan 
																	reer 
																	Qardhood 
																	joojiyaan 
																	dilka
																	xaqdarada ah 
																	kana 
																	xaajoodaan 
																	wixii horay 
																	u dhexmaray 
																	oo ay ku 
																	dhamaystaan 
																	walaalnimo
																	iyo ilaah ka 
																	baq.
																	
																	
																	In laga 
																	digtoonaado 
																	kooxaha 
																	dheeg maray 
																	Sunnaha 
																	nabiga S.C.W 
																	ee 
																	mubtadicada 
																	ah gaar
																	ahaan kuwa 
																	gaalaysiiya 
																	Bulsho 
																	waynta 
																	Muslimiinta 
																	ah eek u 
																	dhaqan 
																	Dunida 
																	Muslimka.
																	In la dardar 
																	galiyo 
																	barashada 
																	iyo ku 
																	dhaqanka 
																	Shareecada 
																	Islaamka si 
																	ay dadku u
																	bidhaansadaan 
																	ugana 
																	gudbaan 
																	mugdiyada 
																	iyo calawga 
																	mar walba 
																	jaahwareerinaya.
																	In laga 
																	shaqeeyo 
																	horumarka 
																	Tacliinta,caafimaadka,dagaanka 
																	iyo waxwalba 
																	oo bilaya
																	nolosha iyo 
																	degaanka 
																	ummadda 
																	Muslimka ah.
																	
																	
																	In Ummadda 
																	Soomaaliyeed 
																	ay ka 
																	waantowdo 
																	Cunidda 
																	maandooriyayaasha 
																	gaar ahaan 
																	Sunta
																	cagaaran ee 
																	Qaadka oo 
																	baabi’isay 
																	Diinta, 
																	akhlaaqda, 
																	caafimaadka, 
																	dhaqaalaha 
																	iyo
																	nolosha 
																	qoyskaba.
																	
																	
																	Ugudanbayn 
																	waxaan 
																	Allaah 
																	waydiisanaynaa 
																	inuu u 
																	gargaaro 
																	ummadda 
																	Muslimka ah 
																	meelay
																	joogaanaba 
																	kana 
																	badbaadiyo 
																	dhagarta 
																	cadawgooda.
 
																	Waxaa 
																	baaqaan 
																	saxiixay 
																	Culimada 
																	kala ah. 
																	
																	Sh.C/qaadir 
																	Nuur Faarax
																	Dr.Axmed 
																	Xaaji c/raxmaan
																	Sh.Daahir 
																	Aw-Cabdi
																	Dr.C/qaadir 
																	Max’ed C/llaahi
																	Sh.Xassan 
																	Muuse Bookh
																	Sh.Bashiir 
																	Jaamac Kite
																	Sh.Max’ed 
																	Macalim 
																	Axmed
																	Sh.Fu’aad 
																	Max’ud 
																	X.nuur.
																	
																	
																	La xiriir 
																	Xafiiska:
																	
																	
																	
																	dacwah@hotmail.com
																	
																	
																	
																	Faafin: 
																	SomaliTalk.com 
																	| July 31, 
																	2005
		
		
		Mr. Xussein 
		Waa Ethiopian Dalka Britain Kusoo Galay Dukumiinti Soomaali ah oo Macmal 
		ah
																	Hussain 
Osman oo markii hore lagu sheegay Soomaali waxaa soo shaac dalka Britain ku 
		galay dukumiinti Soomaali oo "fake" ama macmal ah... 
Guji....		
		
		
		
		Shiikh 
		Maxamed Mumin Haruun oo ay Dabley Ku Toogteen Muqdisho
 
 		»Cambaareyn Gacan ku 
		dhiiiglayaashii Dilay Sheekh Muumin 
 
 		»Warbixin
		
		weerarkii 
		masjidka Salmaan Alfaarisi ee Muqdisho
		
		
		
		Wararka oo 
		dhan ka akhri halkan... 
		
																	
																	Masjid 
Abuubakar oo Lasoo Wareegey Dhulkii Mudada Dheer Loo Raadinayey...
Minneapolis: Qoraal kasoo baxay masjidka ayaa ku 
bilowday sidan: "Maanta oo ah maalin guul wayn noo soo hoyatay waxaan ugu 
bishaaraynaynaa dhamaan umada islaamka ah gaar ahaana Soomaalida in aan lasoo 
wareegnay maanta (7/29/05) Xaruntii Abubakar oo... 
Guji...