SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Maxaa iska badalay Qorshihii dowladu ku dagaysay jowhar iyo baydhabo.

"Aan Wada hadalno oo yaanan heshiinin".

Sida muuqata dowladu uma socoto baydhabo iyo jowhar midna, waxaana soo baxaya warar u eg diidmo oo uu Mas'uulka gacanta ku haya Magalada jowhar ku diidayo in dowladu soo caga dhigato magaaladaas iyadoo horay magaalada baydhabana ay uga dhaceen diidmo ka dhan ah dagitaanka labada gole ee gobolka Bay kuwaas oo watay qasaarooyin dagaalo ay ka dhasheen,waxaana ku kala jabay mas'uuliyiinta gobolka kana wada tirsan labada gole ee DFKMG ah.

Maxamad dheere ayaa shir jar'aad ku sheegay maalin uun ka dib markii Madaxweynaha dowlada FKMG ahi uu ka baaqday safar laga filayay in uu ku tago magaalada Jowhar,waxa uuna maxamad dheere ku sheegay shirkaasi in uu ugu baaqayo labada gole ee dowlada FKMG ah iyo Madaxweynahaba in ay ka dagaan Caasimada Soomaaliya ee Mogadisho, Maxamad dheere sababta uu ku diidayo in dowladu ay dagto jowharna waxa uu ku tilmamay in ay tahay,magaalada jowhar in aysan qaadi karin labada Gole culayskooda maadaama magaaladii kale ee la xusay ee baydhabo looga baqay dagaalo iyo iska hor imaad ka dhacay siyaasiyiinta kuwada jira labada gole ee isku maandhaafay in dowladu ay dagto halkaasi,sidaas darteedna sida uu sheegay maxamad dheere aysan magaalada Jowhar macquul ahayn in labada gole ay u noqoto Fariisin.

Somali Prime Minister Ali Mohamed GhediMaxamad dheere waxa uu intaas ku daray in Go'aankii Cali geddi ee ugu dambeeyay uu ahaa in dowladu ay dagayso Magaalada Mogadisho isaguna uu kaas ku ayidsan yahay,Maxamad dheere waxa uu markii ugu horaysay sheegayaa in sharciga lagu xadgudbayo dowladuna ay tahay in ay ka howlgasho caasimada Xamar halkaas oo ay joogaan xubno kale oo ka socda labada gole.

Dhinaca kale waxaa jirtay in Golaha wasiiradu ay horay u ansaxiyeen in dowladu dagayso magaalooyinka baydhabo iyo jowhar,shir kale oo ay baarlamaanka yeesheena lagu ansaxiyay,laakiin wararka ugu dambeeya ee ka soo baxaya Ra'iisul wasaaraha ayaa sheegaya in uu dowladiisa ka dajinayo magaalada mogadisho oo uu horay ugu tilmaamay in dowladiisa aysan dagi doonin xamar sababo la xiriira xagga amaanka ciidamana loo diyaarinayo mogadisho si ay hubka ugu dhigaan.

Maxamad dheere waxa uu ahaa mid si wayn ugu ololeeya in dowladu ay dagto magaalada Johwar,waxa uuna balan qaaday in wax walba uu ku bixinayo si ay dowladu halkaas uga samaysato fariisin ugana howlgasho,lama oga sababta uu uga soo horjeestay xiligan oo aysan dowlada ka guurayso magaalada Nairobi.

Somali President Abdullahi Yusuf AhmedWaxa kale oo uu maxamad dheere diiday Jago dhawaan loo magacaabay oo ahayd la taliyaha Madaxweynaha ee dhinaca Amaanka,waxa uuna sheegay in uusan diyaar u ahayn sida uu hadalka u dhigay in uu la taliyo C/llaahi yuusuf Axmad.

Hadaba Dowladu halkee ayay geedi ku tahay, xamar sida la ogyahay hogoomiyayasha ku sugan wax wayn kama qaban dhinaca amaanka, walina waxa uu hubkii ku jiraa gacanta dadka iyo dhalinyaro aan u tabarbarnayn una baahan dhaqan celin iyo in loo sameeyo horumar mustaqbal wanaagsan leh, xarumihii dowladana waxa ay la mid yihiin aagagii oo kale oo waxa kala haysta inta lagu tilmaamo in ay yihiiin wasiiro, sababahaas oo dhan oo ay ugu wayn tahay dhinaca amaanka ayaa keeni doonta in qof walba oo ka mid ah labada gole uu dib ugu laabto halkuu ka yimid Shirkii dib u heshiisiintana uu noqday AAN WADA HADALNO OO YAANAN HESHIININ.

Canab Mumtaz | SomaliTalk | Nairobi
Email: canabmumtaz@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 16, 2005


Arday Soomaaliyeed oo Qayb Ka ahaa Koox Ku Guuleysatey Tartankii Microsoft...
Tartan ay ka qayb galeen ardayda 9 gobol oo Maraykan ah oo lagu qabtay New York ayaa waxaa guushii ku raacday.. Guji..

7 Qof oo ilaa Shalay  Lagu Diley Beerxaani
»Kismaayo: Laba Qof ayaa Maanta lagu Diley Beerxaani
»Sweden: kulan dhaxmaray Xisbiga SSUP & Wasiirka Deeqaha
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji...  June 15

Boosaaso oo Lagu Dhaariyey Gudiga Degaanka Degmada oo ka kooban 27 Xubnood
Waxaana lagu dhaariyay Xarunta Madaxtooyada.. Guji... Jun 14

Odeyaal dhaqameedyo reer Ogaadeenya ah oo dawlada Itoobiya canbaareeyay
iyo Xukuumadda itoobiya oo xabsiyada ku haysa kumanaan qof.. Guji... June 14

Cabdullaahi Yuusuf oo Ka Dhoofay Kenya
Khudbad hor dhac u ah geediga dawladu u guureyso Soomaaliya kaddib madaxweynaha DFKMG waxa uu. Guji Jun 13 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD