SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SOMALIA
Gudoomiyaha Golaha Degaanka Boosaaso iyo Kuxigeenkiisa oo la doortay.

Gudoomiaha Cusub ee Gudiga Golaha Deagaanka Khadar oo Aqrinaaya Barnaamijkiisa Wax qabad

Gudoomiye ku xigeenka Cusub ee Golaha Degaanka Boosaaso Maxamed Saciid Xiito

Hogaamiye Dhaqameedyadii ka soo Qayb galay doorashada.

Dadweynihii ka soo Qayb galay

Doorashadii oo ah mid gacan taaga

Xubnihii Garabka Khadar

Maanta oo ay Taariikhdu tahay 19/06/2005 ayaa waxa lasoo gabagabeeyay Doorashadii Gudoomiyaha Gudiga Degaanka iyo Dowlada Hoose Boosaaso iyo ku xigeenkiisa, Doorashadaa manta ayaa ku bilaabatay aydoo ay u dhameeyn Xubnihii Golaha oo k akoobnaa 27 Xubnood waxaana soo xaadiray 16 Xubnood waxaa Golaha baryahaan ka dhex taagnaa buuq ka yimi xaga kala jiidashada Xubnaha wax dooranaya oo labada Musharax ay kala jiidanayaan labadaa Musharax ayaa haysta Tiro isku dhow waxaa habeenimadii Xalay lakala jiitay labo Xubnood oo aaday xaga Musharaxa Khadar sida wararka sheegayaan Khadar ayaa Subaxnimadii lasoo Xaadiray Xubno dhan 15 Xubnood halka Goobtii Doorashada ka dhici lahayd ay ka maqnaadeen Musharaxa Madoobe iyo Taageerayashiisa aydoo ay Baryihii hore ay doorashada u dhicilahayd ay sidaasoo kale ka maqnayeen Musharaxa Khadar iyo Taageerayashiisa.


Gudoomiyaha Gobolka Bari Mr Dhado

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta DGPL Barqad Cali Saalax


Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga DGPL Mr Xaabsade
 

Doorashadii manta ayaa bilaabatay Saacdu markii ay ahayd 01:30 Duhurnimo aydoo ay wali soo xaadirin Musharaxa Madoobe iyo Taageerayaashiisa waxaana halkaa lagu doortay Musharaxa Khadar iyo Kuxigeenkiisa Maxamed Saciid Ismaaciil (Xiito) oo ay isku Guruub ahaayeen Khadar.

Doorashadii Gudoomiyaha iyo Kuxigeenkiisa kadib ayaa waxaa halkaa ka hadlay Gudoomiyaha Gobolka Bari Yuuduf Waceys Dhado oo Tilmaamay Qilaafka Jira iyo sidii loo xalin lahaa waxaa uu ku soo dhaweeyay Wasiirka Diinta iyo Awqaafta DGPL Barqad Cali Saalax oo ka mid ah Gudiga Qaban qaabada Doorashooyinka Deagaanka Puntland oo isgana ka hadlay sida loogu baahan yahay in ay u xalisato Boosaaso Qabiilkeeda in ka gudbaan Qilaafka oo ay horumar samaystaan waxaa ugu dambayntii ka hadlay Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga DGPL oo Xusay sharcigii ay Doorshada in ay qabsoonto lagu ansaxiyay oo aysan ahayn mid ay iyaga wataan iyo mid u danaynaysa shaqsiayaad gaara.

Waxaa qudbadihii halkaa laga soo jeediyay kadib laga sheegay in Gudoomiyaha iyo Kuxigeenka la dhaarin doono marka uu Madaxweynaha Dalka ku soo laabto uuna Madaxweynaha munaasabadaa ka qayb gali doono.

c/fatax jaamac |SomaliTalk | Bosaso | 
somalitalkpl@yahoo.com | Jun 19, 2005


Wararkii Shalay ee Doorashada hoos ka akhri

 

  • Doorashada Gudoomiyaha Golaha Degaanka Boosaaso oo ay soo Bandhigeen Musharaxiinta Barnaamijkooda Musharaxnimo.
  • Israsaasayn Sababtay in halqof ku dhinto, Sadex kalna ay ku dhaawacmaan Magaalada Qardho. 

Doorashada Gudoomiyaha Golaha Degaanka Boosaaso oo ay soo Bandhigeen Musharaxiinta Barnaamijkooda Musharaxnimo.

Waxaa maalmahaan socday u diyaar garowga Doorashada Gudoomiyaha Golaha Degaanka Boosaaso ahna Duqa Dowlada Hoose jagadaa ayaa waxaa isku soo sharaxay Laba Nin labadaa oo laka kala Yiraahdo Maxamed Maxamuud Yuusuf (Madoobe) iyo Maxamed Cabdi Xaaji Mire (Khadar). 


Maxamed Maxamud Yuusuf

Maxamed Maxamud Yuusuf (Madoobe) oo soo Bandhigay Barnaamijkiisa wax qabad, Musharaxa Maxamed ayaa waxaa aad ay ugu bogeen Dadweynah habka uu uga hadlay wax qabadkiisa hadii uu jagada qabto.

Dorashdaa ayaa waxaa wax dooran doona 27ka Xubnood ee uu ka kooban yahay Golaha Dagaanka.. 

Waxaa uu soo bandhigay wax qabad ay dareemi karaan oo dareen ku beeray Dadweynaha asagoo u qaybinaayay Dadweynaha Waraaqo ay ku qoran yihiin barnaamijkiisa wax qabadka ee Musharaxnimo. Musharaxa Maxamed ayaa tilmaan ka bixiyay Dhibaatada ay ku sugan tahay Dowlada Hoose ee Boosaaso asagoo Barnaamijkiisa wax qabad ku sheegay sidii looga gudbi lahaa oo cilmiyaysan asagoo tilmaamay in uu uga samatabixin doono Dowlada Hoose Boosaaso si ay ku jirto wada tashi iyo Aqoon uu u leeyahay Howlaha Dowlaha Hoose 

Boosaaso oo Lagu Dhaariyey Gudiga Degaanka Degmada oo ka kooban 27 Xubnood: Waxaana lagu dhaariyay Xarunta Madaxtooyada Guji... Jun 14

Ayadoo Axda oo Bishu tahay 19/06/2005 ay tahay maalinta loo balamay in la sameeyo Doorashada Gudoomiyaha iyo Ku xigeenkiisa ayaa waxaa isku soo sharaxay jagada ku xigeenkana labo Nino oo ay kala wataan labada Musharax ee jagada Gudoomiyaha . 

Israsaasayn Sababtay in halqof ku dhintoo Sadex kalna ay ku dhaawacmaan Magaalada Qardho. 

Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay 18/06/2005 markii ay ahayd Salaadi Maqrib ku dhowaad ka dhacday Fagaaraha Bartamaha Magaalada Qardho Israsaasayn labo Nino oo sida la sheegay Baryahaan oo dhan is doonayay oo Hub isku haystay Labaadaa Nin ayaa sida la sheegay ay ka dhexaysay aano Dhiig hore, israsaasayntaa ayaa waxaa ay Xabadii haleeshay 3 Ruux oo iska maraayay wadada iyo Wiil yar oo ka mida kuwa kabaha Tirtira ayadoo Sadexda Ruux Mid ka mida uu isla markii Geeriyooday halka kuwa kalana lagu Daaweynayo Hosbitaalka Magaalada Qardho. 

Magaalada Qardho ayaa markii ay ka dhaceen Dilal kala Duwan lagu soo rogay Bandow Xiliga maqribka ka dambe, lakiin Guud ahaan Puntland ayaa waxaa Baryahaan dambe soo saameeyay Nabadgalyo Daro aad ay uga Walwal qabaan Dadweynaha.

c/fatax jaamac | somalitalkpl@yahoo.com

Faafin: Somalitalk.com | June 19, 2005

Geeddi oo soo Bandhigay Howlgalka ugu Horeeyay ee DFKMG
Ra'iisul wasaaraha DFKMG oo maanta u safray Soomaaliya ayaa soo saaray qoraal ka kooban...
Guji...

Nin Lagu Magcaabi Jirey Eng. Cabdi Yare oo Xalay Fiidkii Lagu Diley Kismaayo
»Kismaayo: Nin Musaafur ku ahaa magaalada oo la diley ..
»Prof. Geedi: Kenya Tixgalin ha siiso dadka Soomaaliyeed ee..
»Bosaso: Bambaanooyin Lagu Qarxiyey Bangiga iyo Qasnada..
»Dawlada FKMG oo lagu heshiisiin doono Yemen...
»Gudoomiyaha Baarlamaanka oo maanta u dhoofay Yemen..
»Madaxweyne C/laahi Yuusuf oo iman doona Yemen..
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... June 17

Daahir Riyaale iyo Ku Xigeenkiisa oo Khilaaf Soo Kala Dhex Galay
Daahir Riyaale Kaahin iyo madaxweyne ku xigeenkiisa Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa... Guji... Jun 16

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD