| 
 
												
												Ra'iisul 
												Wasaaraha Soomaaliya oo ka 
												badbadey isku Day Dil....
												
												
												
												 War 
												Degdeg ah::: Ra'iisul wasaaraha 
												DFKMG ee Soomaaliya, Cali 
												Maxamed Geeddi, ayaa maanta (Isniin 
												Nov 6) ka badbadey qarax 
												bombaano oo lala beegsaday 
												gawaaridii waftiga Ra'iisul 
												wasaaraha oo maanta soo gaarey 
												Magaalada Muqdisho. 
												
												Wararka ugu horeeya ayaa shegay 
												in saddex qof ay ku dhinteen, 
												tobaneyo qof oo kalena ay 
												dhaawacmeen, kaddib markii 
												bombaanadaasi ay haleeshay mid 
												kamid ah gawaaridii waftiga 
												kasoo gelbinayey garoon u dhow 
												magaalada Muqdisho. Ra'iisul 
												wasaare Geeddi waxa uu kasoo 
												kicitimay magaalada Jawhar oo ah 
												xarunta Kumeelgaarka ah ee DFKMG. 
												
												Dhaawacii iyo dadkii qaraxaas ku 
												dhintay waxaa la geeyey hoteelka 
												Ramadaan ee magaalada Muqdisho. 
												
												Ilaa hadda ma jiraan cid 
												sheegatay qaraxaas in ay ka 
												dambeeyeen. 
												
												Waftiga Ra'iisul wasaaraha waxaa 
												kamid ah xubno ka tirsan DFKMG 
												oo ay kamid yihiin Mowliid 
												Macaani, Cabdallah Deerow Isaaq, 
												Cabdullaahi Cosoble Siyaad iyo 
												madax kale. 
												
												Bishii May ee sannadkan ayey 
												ahad markii bombaano lagu 
												qarxiyey Muqdisho, Bomkaasi 
												wuxuu ku qarxay Garoonka 
												Ciyaaraha Muqdisho oo uu markaas 
												ka khudbaynayey Ra'iisul 
												wasaaraha DFKMG, waxaana ku 
												dhintay 10 qof, waxaa dhaawacmay 
												28 qof..
												
												Eeg halkan...  
												
												SomaliTalk.com | Nov 6 
 
													
													
													
													
													Digniin loo jeediyey Urur 
													Goboleedka IGAD..
													
													
													
													Xasaraddi  ka taagneyd 
													Isgooyska Lambar-4 oo la 
													xaliyey..
													
													
													
													Shirkadaha Maraakiibta oo 
													laga cabsi qabo in ay 
													joojiyaan tagista 
													Soomaaliya..
													
													
													
													Guddoomiyaha Baarlamaanka oo 
													ku soo jeeda Kismaanyo..
													
													
													
													Ganacsato Soomaaliyeed oo ku 
													sugan wadanka Imaaraadka oo 
													ka codsadey dowladda 
													Imaaraadka Carabta..
													
													
													
													Cudurka Shuban-Biyoodka oo 
													ka dilaacay Muqdisho.. 
												
												
												Digniin loo jeediyey Urur 
												Goboleedka IGAD.. 
												
												
												           
												
												
												Kulan ay shalay 
												isugu yimaadeen xubnaha labada 
												Gole ee ku sugan Magaalada 
												Muqdisho kana dhacay Hotel 
												Saxafi ayaa waxaa looga hadlay 
												arrimo fara badan oo la xiriira 
												shir la sheegay in wasiirada 
												arimiha dibadda ee IGAD ku 
												qabsanayaan Jowhar iyo lacago 
												been abuur ah oo ay soo 
												daabaceen xubnaha Dowladda ee ku 
												sugan Magaalada Jowhar. Dood 
												dheer iyo falanqeyn kaddib waxaa 
												markii dambe saxaafadda war 
												kooban siiyay afhayeenka labada 
												Gole ee Muqdisho Cumar Xaashi 
												Aadan waxa uuna sheegay in 
												xubnaha labada Gole ay uga 
												digeen IGAD in ay shir ku 
												qabsato Magaalada Jowhar, 
												“Haddii shirkaasi ay IGAD ku 
												qabsato Magaalada Jowhar, waxaan 
												u aqoonsaney-maa in aysan dhex 
												dhexaad ka ahayn arrimaha 
												Soomaaliya” ayay yiraahdeen 
												xubnaha labada Gole ee Muqdisho. 
												Waxay kalloo sheegeen in IGAD ay 
												la safatay garab ka mid ah 
												garabyada Dowladda ee isku haya 
												maamulka Dalka, iyagoo ugu 
												baaqay Dowladaha IGAD in ay ka 
												fiirsadaan qabsoomidda 
												shirakasi. Waxaa kalloo xubnaha 
												labada Gole ka doodeen lacago 
												been abuur ah oo ay soo 
												sameysteen kooxda Jowhar waxayna 
												lacagahaasi sheegeen in lagu 
												farsameeyo Magaalada Boosaaso 
												lana doonayo in lagu sameeyo 
												sicir-barar, taasoo ay sheegeen 
												in ay dhibaato ku tahay shacabka 
												Soomaaliyeed. Sidoo kale waxay 
												cambaareeyeen xasuuqa Ciidamada 
												Itoobiya ay ka gaysteen 
												Magaalada Adis-Ababa waxayna ku 
												tilmaameen mid ka hor imaaneysa 
												Dimuquraadiyadda iyo xaquuqda 
												aadanaha.  
					
					Xasaraddi  ka taagneyd Isgooyska Lambar-4 oo la xaliyey.. 
					            Iyadoo habeen hore 
					Isgooska Lambar-4 ee Magaalada Muqdisho uu iska hor imaad ku 
					dhex maray kooxo maleeshiyo ah iyo ciidamo ka socday 
					Maxkamahada Islaamiga ah ee Furqaan, waxaana iska hor 
					imaadkaasi ciidamada Maxkama-daha Islaamiga ah lagaga 
					qabsaday Gaari nooca Cabdi-Bilaha ah oo uu ku rakibnaa 
					qoriga Dhashiiga ah, waxaana lagaga dhaawacay saddex, hase 
					yeeshee mas’uuliyiinta Maxkam-adda Islaamiga ah ee 
					Al-Furqaan ayaa waxay ku eedeeyeen in iska hor imaadkaasi ay 
					ku lug lahaayeen maleeshiyo daacad u ah ganacsade C/rashiid 
					Ilqeyte, waxayna mas’uuliyiinta Maxkamaduhu ku hanjabeen in 
					ay weerari doonaan Hotelka Saxafi iyo waliba gacan ku haynta 
					Isgooska Lambar-4. 
					            Dadaal ay 
					sameeyeen waxgarad iyo siyaasiyiin ku nool Magaalada 
					Muqdisho ayaa waxay ku guuleysteen in xiisaddaaasi ay 
					qaboojiyeen iyadoo la filayo in maanta laga wada hadlo wixii 
					khasaare ah ee ka dhashay iska hor imaadkaas.      
					Shirkadaha Maraakiibta oo laga 
					cabsi qabo in ay joojiyaan tagista Soomaaliya.. 
					            Warar aanu ka 
					helnay dalka Imaaraadka Carabta waxay sheegayaan in 
					Shirkadaha Maraakiibta ee Ganacsiga u soo aada Soomaaliya in 
					ay ku tala jiraan in ay gebi ahaanba joojiyaan safarka ay ku 
					imaanayaan xeebaha Soomaaliya, ha noqoto deegaanada Gobalada 
					W/Bari ee Puntland iy Koonfurta Soomaaliya kaddib markii ay 
					sii korodhay kooxaha burcad Baddeedka ee ka qowleysata 
					xeebaha Soomaaliya. 
					            Haddii go’aankaani 
					ay qaataan shirkadaha Maraakiibta waxaa laga cabsi qabaa in 
					Ganacsato fara badan ay joojiyaan ganacsigii dhinaca 
					badeecadaha ay u soo diri jireen Soomaaliya. 
					            Shacabka 
					Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ayaa waxaa laga 
					doonayaa in ay guntadaan sidii looga hortagi lahaa 
					kooxahaasi, maadaama ay soo wadaan cunaqabteyn dhinaca 
					badeecadaha ah. 
					            Dhawaan ayaa 
					Dowladda Kenya waxay Maraakiibteeda uga digtay in ay u 
					safraan xeebaha wadanka Soomaaliya, iyadoo Xeebaha  Puntland 
					iyo Xarardheere lagu kala haysto dhowr Markab  oo labo ka 
					mid ah lagu haysto Xeebta Eyl, labada kalana waxaa lagu 
					haystaan Xeebta Gaan ee Gobalka Mudug gaar ahaan xeebaha 
					Xarardheere. 
					
					Guddoomiyaha Baarlamaanka oo ku soo jeeda Kismaanyo.. 
					            
					Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo waxay sheegayaan 
					in Magaalada Kismaayo gaar ahaan isbahaysiga Dooxadda Jubba 
					ay diyaar-garow ugu jiraan soo dhaweynta Guddoomiyaha 
					Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan oo maalmaha soo 
					socda soo gaari doona Magaalada Kismaayo kaddib markii uu 
					martiqaad ka helay Wasiikra dib u dhiska iyo dib u dejinta 
					Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale). Waxaa lagu waramayay in 
					Guddoomiyaha Baarlamaanku uu halkaasi u tagayo dhex 
					dhexaadin uu wado Barre Hiiraale oo la xiriirta sidii loo 
					soo afjari lahaa khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka 
					gaara haan Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka. 
					            
					Ergo ka socota Barre Hiiraale ayaa Magaalada Nairobi kulan 
					kula yeeshay Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh 
					Aadan, waxaana la sheegay in Guddoomiyaha Baarlamaanku uu 
					aqbalay in la dhameeyo khilaafka u dhexeeya Dowladda 
					Federraalka.    
					
					Ganacsato Soomaaliyeed oo ku sugan wadanka Imaaraadka oo ka 
					codsadey dowladda Imaaraadka Carabta.. 
					            
					Maalintii shalay ahayd ayaa kulan ka dhacay Magaalada Dubai  
					ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa ganacsatada Soomaaliyeed 
					waxay uga hadleen canshuur uu damacsan yahay Madaxweyne 
					C/llaahi Yuusuf Axmed, taasoo la doonayo in laga qaado 
					ganacsatada Soomaaliyeed ee badeecooyinka kala duwan u qaada 
					Soomaaliya. 
					            
					Kulankaas oo qaatay dhowr saacadood ayaa aaqiritaankii waxaa 
					la isku afgartay in warqad cabasho ah loo diro Dowladda 
					Imaaraadka Carabta taasoo lagu codsanayo in ay dhex dhexaad 
					ka noqoto ishaysiga u dhexeeya xubnaha Dowladda. 
					            
					“Diyaar ayaan u nahay in aan bixino canshuur, laakiin, waxaa 
					taa ka horeysa in marka hore ay heshiiyaan garabyada 
					Dowladda” ayay ku yiraahdeen qoraalkooda, ganacsatada oo 
					intaa raaciyay  “haddii aan garab keliya siino canshuurta 
					waxay keeneysaa in garabkaasi uu lacagtaasi u adeegsado hub 
					iyo saanad la doonayo in lagu gumaado shacabka 
					Soomaali-yeed”. 
					
					            Waxay ganacsatadu ku sheegeen qoraalkooda in loo 
					baahan yahay in dalka Imaaraadka Carabta uu fuliyo 
					shuruucada canshuuraha u degsan adduunka ee ah in dal xor ah 
					canshuurtiisa lagu qaado dal kale, waxaana la filayaa in 
					ganacsato ay maalmaha soo socda ay kulan kale isugu 
					yimaadaan.               
					Cudurka 
					Shuban-Biyoodka oo ka dilaacay Muqdisho.. 
					
					            Iyadoo maalmahan 
					lagu jiro waqtiyadii kuleylaha ayaa haddana waxaa shalay iyo 
					doraad isa soo taraya dadka uu soo radanayo cudurka 
					Shuban-Biyoodka oo la sheegay in ay u badan yihiin carruur 
					aad u yar yar. 
					            Hooyo dhashay 
					saddex carruur ah ayaa mid ka mid ah shalay ugu geeryooday 
					isbitaalka Banaadir cudurka Shuban-Biyoodka, iyadoo labadii 
					kale dhakhaatiirka ka howlgasha Isbitaalkaasi ay ku howlan 
					yihiin sidii loola tacaali lahaa. 
					            Dhakhaatiirka ka 
					howlgasah Isbitaalka ayaa waxay sheegeen in Isbitaalka 
					labadii maalmood ee ugu dambeysay la soo gaarsiiyay ilaa iyo 
					26 qofood oo la il daran cudurka shuba-Biyoodka, ilaa 
					haatanna baaritaan rasmi ah laguma sameyn in cudurkaasi 
					yahay Shuban-Biyood iyo in uu yahay Daacuun, maadaama  ay 
					dhowr qo u dhinteen. 
					            Dhakhaatiirka ayaa 
					ku howlan sidii saamiga looga qaadi lahaa dadka uu soo ritay 
					cudurkaasi si loo ogaado in Cudurku u yahay mid halis ku ah 
					dadweynaha ku nool Magaalad Muqdisho, waxay kalloo 
					dhakhaatiirku sheegeen in in Isbitaalka Banaadir ay haatan 
					gabaabsi ku tahay daawooyinka lagula tacaalayo cudurka 
					Shuban-Biyoodka. 
					            Waqtiyada 
					Kuleylaha ayaa waxaa Magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah 
					Gobalada dalka la arkaa in dad fara badan uu soo rito 
					cudurka Shuban-Biyoodka, waxaana looga hortagi karaa iyadoo 
					qofka uu soo rito cudurku la siiyo Daawada Shifo ama ORS 
					haddii qofku uu ku sii kordho xanuunka waxaa loo baahan 
					yahay in loola cararo goobta caafimaad ee ugu dhow 
					W/DAmiin Yuusuf Khasaaro 
					E-Mail
					
					amiinkhasaaro@hotmail.com  Faafin: SomaliTalk.com | 
					Nov 5, 2005 Maxaakiimta Islaamiga ah oo Waraaqo Ku Daadiyey 
Muqdisho »Yalaxow: 
3 baa laqdabo nagu wadey, 2 wey nagatagtey..
 »Boqqore: 
awoodaydii waxaa isticmaaleen Cumar Xaashi
 »C/llaahi 
Yuusuf:Garoomadda laga dhoofiyo Daroogada..
 »Ciidamada 
Hiilweyne iyo Laanta-Buuro iyo Xaqu Ciidka..
 »Hadal 
ka soo baxay Hay'adaha WAHRO KAHRO...
 Wararka oo dhan ka akhri halkan... GUJI...
 
Wararka 
Soomaalida Ku Hoos Nool Gumeysiga QarniganBayaan JWXO ka soo saartay xasuuqa gumaysigu ku hayo 
dadwaynaha... 
Guji...
 
Nin 
Soomaaliyeed oo Laga Tarxiilayo New ZealandDawlada New Zealand ayaa qorshayneysa in ay 
dalkeeda ka tarxiisho nin Soomaaliyeed oo magaciisa la... 
Guji.. Nov 4
 
 
		
		Dr. 
		Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....»Cusmaan 
		Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
 »Saddex 
		markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
 Wararka oo 
		dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2
 |