Alle ayaa Mahad iska leh,
Rasuulka ayaa gutay
ammaanadii Alle u soo dhibay
(NNKH) akhristow xaq iyo
baadilka markay looltamaan,
xaqaa soo daahira, waxaana
hambalyo diiran iyo bogaadin
u dirayaa Maxkamadaha
Islaamiga ah meel kasta oo
ay joogaan, waxaana leeyahay
sabra waad guuleysaneysaan
Inshaa Allaah.
Akhristaha
sharafta Mudanow waxaan
hadda ka hor qoray Maqaal
aan kaga cabanaayo
dhibaatada haysata ubadka
Soomaaliyeed dhinaca
anshaxumida oo ah in
Shaneemooyinkii ay daaran
yihiin habeen iyo maalin,
qaarkoodna laga daawado wax
aan wanaagsaneyn, Ilmihii
Soomaaliyeed ay
waxbarashadoodii hagaagi
weysay, balse Alle ayaa
mahad leh, riyadeydii
cabashada ahayd waxay
dhabowday sannad kaddib,
waxaana ku guuleystay wax ka
qabashada arrintaas
Maxkamadaha Islaamiga ah,
waxayna Maxkamaduhu qabteen
wax lagu farxo, gaar ahaan
intii lagu guda jiray Bishii
Barakeysneyd Ramadaan oo ay
iska xilsaareen wax ka
qabashada waxyaabaha wax u
dhimi kara Bishaasi, Tusaale
ahaan, Magaalada Muqdisho oo
ay wax weyn ka qabteen sida
Afduubkii dadka, Daroogada,
Qamrada, Dumarka Jirkooda ka
ganacsada iyagoo dhamaan
waxay awoodaan ka qabtay
waxyaabaha aanu soo
sheegnay.
Lambar-4 waxay
ahayd goob Duhurkii dadka
lagu dilo laguna diirto
haddana waa goob nabadeed,
ilo xog ogaal ah oo aan ka
helay Maxkamadda Af-furqaan
ee xirtay shaneemo ka mid ah
shaneemooyinka, kaddibna dib
loo furay markii biishii
Soon dhamaatay, ciidamadii
Maxkamaddu ayaa tagay
goobtii si ay ugu
wargeliyaan in xiritaanka
Bisha Ramadaan oo keliya ku
ekeyn, balse ay tahay mid la
mamnuucay dhamaan, kaddibna
waxaa la wareeray ciidamadii
Maxkamadda (Al-Furqaan),
iyagu way is difaaceen,
waxaase nasiib daro noqotay
in ay si indho la’aan ah u
soo gurmadeen ciidanka
Hotel-ka Saxafi, waa nasiib
daro in garab la siiyo kuwo
iyagu u adeega Shaydaanka,
haddaba akhristow waxaa jira
dad aan ogoleyn in
Maxkamadaha Islaamiga ah
hirgalaan, waayo wuxuu
weynayaa Daroogadii uu
iib-geyn jiray iyo Calaqii
uu qasi jiray, waxaa jira
kuwo kale oo la magac baxay
Afar-Jeeble oo Gaalada lacag
uga qaata in ay jilaafeeyaan
Maxaakiimta Islaamiga ah,
sidaasina ay caado u tahay.
Shacabkeyga
Miskiinkoow yaa kuu maqan?,
Alle ayaa kuu gargaarayee u
gargaar Diinta Islaamka iyo
Maxaakiimta Islaamiga ah
waad ka baxeysaa Inshaa
Allaah dhibka ku haya.
Alla xanuun
badanaa Dowladaan sugeynay
sanooyinka way kala qaybsan
tahay, iska daa waxay
shacabka u qabtaane iyaga
ayaan ka baqayaa in ay
foodda is daraan, Allaahu
Akbar, Alle ayaan ka magan
galnay dagaal dambe.
Shacabku hadduu
iska qaado heeryada saaran
oo maskaxda ka shaqeysiiyo
waxa uu gaarayaa guul wacan,
haddii marba nin hogaamiye
ah la saftaan, silic bay ku
jirayan waligood.
Waxaa aad ugu faraxsanahay
in Hoyga Shaneemooyinka oo
lagu soo bandhigi jiray
fawaaxish kala duwan ay
haatan yihin kuwo gabaabsi
ku ah Magaalada Muqdisho,
Allaahu Akbar, Allow ha soo
celin, waxaana qof kasta oo
Muslim ah waajib ku ah in ka
qaybqaato suulinta Munkarka
gacan, Af iyo Qalbiga oo uu
ka naco, waa in aan
badbaadinaa ubadkeedana
Soomaaliyeed oo ku dayacan
daafaha Dalka, ma haystaan
waxbarasho ku filan, Hoy,
Caafimaad iyo waxyaabaha
kale ee noloshooda la
xiriira, walaalayaal aan
badbaadino ubadkeena waa
mustaqbalkii berito ee
wadanku u aayi lahaa.
Akhristaha
sharafta lahow Maxaakiimta
Islaamiga ah waa mustaqbalka
iyo Amalka ummadda
Soomaaliyeed, waa midda
keliya keeni karta ama lagu
gaari karo Qaranimadeedii
iyo sharaftii Soomaaliyeed
oo soo noqota.
Ugu dambeyntii
waxaan ugu baaqayaa dhamaan
ummadda Soomaaliyeed meel
kasta oo ay joogaan haddey
yihiin Culuma’udiin iyo
Aqoonyahano, Waxgarad,
Odoyaal, Dhallinyaro iyo
Haweenka in ay ka shaqeeyaan
sidii loo badbaadin lahaa
ummadda Soomaaliyeed, waayo
bar waxay ku dhamaadeen
xabad, qaar Badda, qaarna
Beriga oo cuduro iyo gaajo
ku dishay, walaalayaalow
badbaadiya hambadda hartay,
tolow dadka Siyaasadda ku
loolamaya, haddii dadku uu
dhamaado yey xukumayaan, ma
dhulka mise cirka, Fadlan ka
feker danta guud midda
gaarka ahna dhaafa, ku
quus-qaata saaxiibadii
siyaasadda ku loolamayay oo
ku dhinteen intay ku
sugayeen Jago ama Darajo
Adduun, qof kastow Alle ayaa
ku xisaabinaya oo aan wax
iloobeen, adiguse waxaad
tahay Insaan daciif ah,
Fadlan garo Heerkaaga aad
joogto is xisaab intaan lagu
xisaabin. Waxaan si gaar ah
ugu baaqayaa walaalaha
daciifka ah oo aan
famahsaneyn nuxurka iyo
macaanka Islaamka, oo
Islaamka ku soo koobay
Masaajid lagu tukado oo
keliya, Walaalayaal,
Islaamku waa nolol
dhameystiran dhinac walba oo
loo baahan yahay in aad ku
dabaqdid noloshaada gebi
ahaan, Siyaasadda iyo
Diintuna waa hal qura,
tusaale waxaa noogu filan
Nabigeena (NNKH) sida uu u
soo tarbiyeeyay saxaabadii
qaaliga ahaa, waa in aan
sidaas u fahamnaa Diinteena
Islaamka
W/D: Xaliimo Jaamac Cilmi
(Xaliimo Qarad)
E-Mail:
qarad22@hotmail.com